
Xildhibaan Mahad Salaad: "Waxaan u taaganahay tartanka Kursiga HOP147"
Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xildhibaan Mahad Salaad uuna ku shaacinayay inuu yahay Musharax Xildhibaanimo ee HOP 147 ayaa lagu qabtay caasimada dalka ee Muqdisho.
Waxaa ka qeybgalay munaasabadan Siyaasiinta, Saraakiisha, Duubabka Dhaqanka, Haween,Dhalinyaro, Fanaaniinta, Abwaanada iyo dadweyne faro badan iyadoo halkaasi lagu daawaday bandhig faneed ay soo bandhigeen fanaaniin iyo riwaayad la magac baxday "Adoo geesi heli kara doqon lama gargaarsado”oo ay soo bandhigeen kooxda KALAMAAN.
Dhammaan dadkii ka hadlay munaasabadan ayaa waxa ay sheegeen in xildhibaan Mahad Salaad uu yahay mid ka dhex muuqda xildhibaanada dalka uuna yahay xildhibaan qaran hal beelna metelin.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay munaasabada ayaa waxa uu u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigayay waxqabadka xildhibaanka waxana uu goobta ka sheegay inuu markale u taagan yahay tartanka.
Xildhibaanka ayaa si kooban uga hadlay waxyaabihii uu ka qabtay deegaanada laga soo doortay iyo sida waxa uu mustaqbalka qabanayo.
Waxa uu xildhibaanku sheegay in waxqabadkiisu ay ka mid ahaayeen ka shaqeynta dib u heshiisiinta,biyaha,waxbarashada,caafimaadka iyo horumarka guud ee bulshada Galmudug.
"Dib u heshiin aan ka bilaabay Galmudug waxa ay fure u noqotay in Ahlu Sunna iyo dowlada federalka ay heshiis gaaraan.”ayuu yiri xildhibaan Mahad.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay waxqabadka ugu weyn ee uu culeyska saaray ee ahaa biyo la’aan ka jirta deegaanada laga soo doorto.
"Waxa aan ka shaqeeyay in deegaanada la iga soo doortay aan wax ka qabtay biyo la’aanta ka jirtay taasoo aan ku guuleystey inaan ceelal ka qodo deegaano biyo la’aan baahsan ka jirtey,halka labo ceelna ay hadda gabagabo tahay,”ayuu yiri XIldhibaan Mahad Salaad.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabada in qorshihiisu uu yahay in ceelal kale uu ka qodo deegaanada laga soo doorto.
Dhinaca waxbarashada ayuu sheegay xildhibaanku inuu ka shaqeeyay arrimaha waxbarashada haatan uu doonayo in iskuul ay wax ka dhigaan macalimiin ajnabi ah gaar ahaan masaari uu ka hirgelin doono Galmudug.
Xildhibaan Mahad Salaad: "Waxaan u taaganahay tartanka Kursiga HOP147"
...