
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-JULY 2021
Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda Xuska 1da Luulyo awgeed calan-saaray Madaxtooyada Qaranka..
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maa muuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.
Madaxweynaha ayaa dhammaan shacabka Soo maaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha ba dan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowl adnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Cii danka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuu sayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtoo yada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriy adda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, so ona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda.
Ra’iisul Wasaaraha oo Bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada xoriyadda iyo Midowgii Koonfur iyo Waqooyi
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed u gu hambalyeeyay 61 sano guurada ka soo wareegtay Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo iyo Midowga Ko onfur iyo Waqooyi.
"Waaxan Shacabka Sooma aliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koonfur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal u hayaan, kuna faanayaan aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno, kuwaas oo guusha ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in 61 sano ka dib, weli baahida ugu weyn ee la qabo ay tahay midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee lagu gaari karo horumarka la hiigsanayo, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga adduunka.
---DHAMMAAD----
Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga addu unka oo kala saxiixday mashaariic ku ka caysa $445 million oo dollar
Wasiirka Maaliyadda Xuk-uumadda Federaalka So-omaaliya Cabdiraxm-aan Ducaale Bayle,
ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaa-radda Maaliyadda Kristina Svenssn oo ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka.
Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soom-aaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay guulaha dib-u-ha-beynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina ayaa kulanka kadib waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu hor-umarinayo Soomaaliya.
Wasiir Bayle wuxuu sheegay in mas-haariicda la kala saxiixday ay aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, gaar ahaan ay yihiin mash-aariic ku saabsan Caafimaad, Waxbarashada.
"Deeqdan dalkeenna la siiyay waxay marqaati ka tahay habka aan kusoo dhaqanay afartii sano ee ugu dambeysay. Iyo sida dalkan loo aami-nsan yahay inuu wax badan soo qabtay, hadana wax badan qabandoono,’ ayuu yiri wasiir Bayle.
Bayle wuxuu sheegay dhaqaalaha mas-haariicdan lagu fulinayo in dalka oo dhan la gaa-rsiinayo.
Bankiga adduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar sanadihii ugu dambeeyay. Sanadkii hore ayay ahayd markii Bankiga adduunku lacag ka badan 100 milyan uu ugu deeqay Soo-maaliya, si wax looga qabto caabuqa Covid19.
Ra'iisul Wasaare Rooble oo Tababar u Furay Guddiyada Doorashooyinka iyo Khilaafaadka
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay tababar u furay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga khilaafaadka.
Tababarkan oo socon doona saddex maalmood ayaa lagu xoojinayaa awoodda iyo aqoonta guddi-yada, si ay ugu diyaar garoobaan qabashada door-ashada dalka ka dhacaysa.
/Ra'iisul Wasaare Maxam-ed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddi-isu ay taageero joogto ah oo hagar la'aaneed siin doonto guddiyada, si dalka ay uga qabsoonto doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah.
Mudane Rooble ayaa xusay in dooraho-oyinku ay muhiimad weyn u leeyihiin geeddi-soc-odka dowlad-dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya, loona baahan yahay in xil weyn la iska saaro.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddiy-ada doorashooyinka inay waajibkooda qaran u gutaan si daacad ah, isla markaana ay dhawraan xuquuqda muwaadiniinta tartamaysa, iyaguna ma-suul ka yihiin fulinta heshiisyadii horey loo ga-aray. Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey inay si fiican uga faa'iidaystaan tababarka oo muhiim u ah shaq-adooda, kaasoo ay bixinayaan khubaro iyo xeel dheerayaal doorasho, kana fogaadaan wax walba oo musuq-maasuq keenaya.
Eng. Rooble ayaa xusay in aysan jirin wax isbadal ah oo lagu sameeyey heshiisyadii horey lo-oga gaaray doorashooyinka, isla markaana ay wax walba u fulayaan sida ku qoran heshiisyada. Isagoo guul u rajeeyey guddiyada doorashada iyo inay sida ugu wanaagsan u gutaan masuuliyadda qaran ee loo xilsaaray. ---DHAMMAAD----
Maamulka dhaqaalaha doorashada oo la isku hayo
Waxaa Dorraad lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Sooma-aliya.
Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas heshiis laga gaarin.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dooday in xaf-iiskiisa laga maamulo dhaqaalaha ku baxaya do-orashada, halka madaxda maamul gobaleedyada ay dalbadeen in la qeybiyo oo maamul kasta la siiyo qiimo gaar ah, sida uu doonana u maamulo.
Qodobkan ayaa lagu heshiin waayey, waxaana la isla gartay in si hoose oo farsameysan loo xaliyo. Dhaqaalaha doorashada ayaa waxaa bixinaya bee-sha caalamka, waxaana suurta-gal ah in go’aanka kama dambeysta ah ee cidda maamuleysa uu ayaga ka yimaado.
Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa Dorraad si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee door-ashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay, ayada oo la qorsheeye in doorashada madaxweyna ha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaa bay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.
Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.
Xigasho:caasimadda.net
Shabaab oo siyaabooyin kala duwan fagaare ugu toogtay 24 qof
Ururka Al Shabaab ayaa tan iyo Axaddii waxay xukuno dil ah ku fuliyeen afar iyo labaatan qof oo midi ay haweeney tahay, ka dib markii ay ku eedeeyeen basaasnimo.
Al Shabaab ayaa gelinkii dam-be ee Shalay waxay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya Bar-row ee Gobolka Shabellaha Ho-ose ku toogatay sideed nin, oo sida ay sheegtay u shaqeynayay Sirdoonada Mare-ykanka iyo Somaliya.
Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in toddobo ka mid ah raggaasi ay la shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka, halka kan kalena uu la shaqeynayay Hay’adda NISA.
Sidoo kale Shabaab ayaa Talaadadii Dor-raad shan nin ku toogtay fagaaraha deegaanka Bu-ulo Fulaay ee Gobolka Baay, kuwaa oo ay ku eed-eeyeen inay horey u fududeeyeen duqeymo uu Mareykanku ka gaystay deegaanada ay maamulaan.
Shalaynimadii Isniinta, shan nin oo falal basaasnimo lagu eedeeyay ayay Shabaabku ku toogteen Deg-mada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa fagaarahaasi ka sheegay in raggaasi ay u sha-qeynayeen Sirdoonada Mareykanka iyo Ingiriiska.
Gelinkii dambe ee Axaddii ayay ahayd markii lix qof oo kale ay Shabaabku ku toogteen fagaare ku yaala Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe. Lixdaasi qof ee la toogtay oo midi ay haweeney ahayd waxay Shabaabku ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA.
Shabaabka ayaa bilaabay inay dadkan toogtaan, saacado ka dib markii Puntland ay Axaddii xukun dil ah ku fulisay kow iyo labaatan nin, oo ay ku heshay Shabaabnimo iyo inay dilal iyo qaraxyaba ka gays-teen deegaanadeeda.
Waa markii ugu horeysay oo maalmo xiriir ah ay Shabaabku xukuno dil ah ku fuliyaan dad ay markaasi ku eedeynayaan inay ku howlanaayeen falal basaasnimo.Xigasho:dhacdo.com
Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday xero ku taalla Biyo-Cadde
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidanka dowlada & kuwa AMISOM.
Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday
madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burudi ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigga ciidanka AMISOM, balse ma cadda inta uu gaariisan yahay khasaaraha.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ay dhankooda hooboyiyeaal ku jaw-aabeen, kadib weerarka lagu soo qaaday xeradooda deegaanka Biyo-Cadde.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.
Xaaladda haatan degan, hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi.
Biyo-Cadde waxaa ku soo noq-noqday weeraro joogto ah oo ay ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle Gaab.
Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.
DF oo shaacisay sababta looga jartay dhaqaalihii dalalka beesha caalamka
Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho.
Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha.
Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub.
"Lix bil kahor doorashooyinka ayey jaraan kaalmada, waxaa lasoo celiyaa marka la doorto madaxweynaha waxa ay ku qiimeeyaan isbadalkiisa iyo sida uu howsha u wado marka ay taa ka qancaan ayey dib usoo celinayaan,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan loo diyaar garoobayo doorashooyinka Soomaaliya oo Dorraad lasoo saaray jadwalka lagu wajahayo qa-bsoomideeda.
Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh, taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda, isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka.
Rooble oo la kulmay Safiirka Kenya Lucas Tumbo
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo iyagoo ka wadahadlay xiriirka labaa dal.
Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu la yeesho safiirka Kenya Lucas Tumbo, tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Kenya ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo xoojinta xiriirka labada dal iyo in kor loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya.
Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay xiriirkooda uu ahaa mid aan wanaagsanayn,hase yeeshee dowlada Qatar ayaa ka shaqeysay sidii labada dal xiriirkooda u wanaagsanaan lahaa.
Wadaad caan ah iyo walaalkiis oo lagu dilay BAYDHABA
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in Habeen hore deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, balse haatan Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Imaamka iyo walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen duleedka magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Macalin Bashiir ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ka tegay magaalada Boosaaso oo uu ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’din iyo Imaamba ka ahaa masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi Boosaaso.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey ciidamada ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi dilka ah.Inta badan deegaanada K/Galbeed waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar toos ah oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool.
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan oo Hambalyo u dirtay shacabka
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan waxa ay ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida
ka joogaan gaar ahaan muwaadiniinta ku nool dalka Pakistan ugu Hambaliye-enaysaa sanad guuradda 61-aad ee xornimada iyo midnimadda Soomaaliya. 1luulyo 1960. Sidaa darteyd dhamaan muwaadin-iinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan waxaa lagu wargalinayaa in berito oo ah 1da luulyo ay safa-aradda xerantahay waxaana dib loo furayaa 2 luulyo 2021. Happy independence da
Maamulka gobolka banaadir oo ka hadlay war kasoo baxay maamulada Jaamacadaha dalka
Maamulka Gobolka Banaadir oo Shalay Shir Ja-raa’id qabtay ayaa waxa uu been abuur ku tilmaa-may hadal kasoo yeeray qaar maid ah jaamacadaha dalka kuwaas oo uu maamulku sheegay in aan wax Canshuur ah laga qaadin xarumaha Waxbarasho ee ku yaala magaalada Muqdisho islamarkaana arri-ntaas aysan qeyb ka aheyn qorshaha dowladda Hoose ee Xamar sida uu maamulka gobolka she-egay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo Shirkaas Jaraa’id qabtay ayaa waxa uu ku bee-niyay warka kasoo baxay qaar kamid ah Jaamacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegay in maa-mulka gobolka banaadir ay Canshuur siiyaan.
Afhayeenka Maamulka Gobolka ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka banaadir uusan wax canshuur ah ka qaadin xarumaha waxbar-ashada ee ku yaal Muqdisho islamarkaana aysan jirin wax ciidan ah oo ka socda dowladda oo loo diray goobaha waxbarashada si ay canshuur uga soo qaadaan.
Sidoo kale waxa sheegay Afhayeenka in madaxda jaamacadaha ee hadalkaas uu kasoo yeeray ay u tageen dad ka socda maamulada degm-ooyinka gobolka banaadir, islamarkaana ay goobaha waxbarashada ay ka qaadaan canshuur gaar ahaan jaamacadaha waxaana uu maamulada jaamacadaha ka dalbaday iney hubiyaan dadka canshuuraha ka qaadaya.
In ka badan boqol arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda HORMUUD
In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa Shalay ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia.
Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad.
Madaxdii kala duwaneyd ee hadalka ka jeediyey xafladda ayaa ardayda qalin jabisay ugu baaqay inay umadda Soomaaliya iyo dalka ugu adeegaan wixii ay soo barteyn.
Qaar ka tirsan ardayda qalin jabisay oo iygana hadal laga siiyey xafladda qalin jabintooda ayaa Jaamacadda Hormuud uga mahadceliyey fursadda ay u siisay inay Jaamacadda Lincoln University Co-llege wax ka bartaan iyagoo ku sugan Soomaaliya.
Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo qabatay kulan ku saabsan xoojinta wada shaqeynta guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha "SAWIRRO”
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaa-liya ayaa qabatay kulan farsamo oo lagu dardarga-linayo shaqooyinka ka dhaxeeya Wasaaradda Arr-imaha Gudaha iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduu-daha iyo Federaalka.
Kulanka oo uu shir guddoom-inayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Siciid Cabdullaahi Calasow ayaa waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha, Xoghay-aha Guud iyo xubno ka tirsan Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeysa labada dhinac iyo in la dar dargeliyo shaqooyinka ka dhexeyso.
Koox qaati looga taagnaa MUQDISHO oo gacanta lagu soo bandhigay
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu sugayey amniga guud ee caasimada dalka.
Howl-galladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu shaaciyey Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Cabdiftaax ayaa shaaca ka qaaday in ragga lasoo qabtay ay gaaraan illaa 14 ruux, kuwaas oo xilliga gacanta lagu soo dhigayey ku howlanaa furashada dadka rayidka ah.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray inay ku hubeysnaayeen qoryaha fud-fudud, sida AK47, Bastoolado iyo Mindiyo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.
"Howl-galka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxaha qowleysatada ah ee dadka furta isla markaana baneystay hantida Shacabka waxaa suuragashay in la qabto 14-ruux oo ku labisan dharka ciidanka iyaga oo watay hubka fud-fudud,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdiftaax Aadan oo ah ku simaha afhayeenka Booliska.
Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego falalka liddiga ku ah amniga ee ka dhacaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
"Bulshada Gobolka Banaadir waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu gacansiiyaan kooxaha kale ee aan ku raad-joogno” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa shacabka ku dhaqan gudaha caasimada ay ka cabanayeen dhac baahsan oo habeen iyo maalin loo geysanayo, waxaana tani ay jawaab cad u tahay qeylo dhaanta kasoo yeereysa bulshada oo qaati ka taagan burcad hubeysan.
Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii Wasil isku qarxiyey oo la shaaciyey
Al-Shabaab ayaa Shalay soo bandhigtay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo naftii haligii isku qarxiyey weerarkii ay kooxdaan Maalintii Axadda aheyd ku qaaday Magaalada Wasil ee Gobolka Mudug.
Idaacadda Andalus ee ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay dardaaran uu reebay dagaalyahankii qaraxa ku daah furay dagaalkii Wasil, waxayna magaciisa ku sheegtay Sagaar Mad Huroow oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Cabdullaahi Jeeri) kaasoo ahaa 28 jir.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaan uu ku dhashay degmada Rabdhuurrre ee gobolka Bakool halkaas oo uu markii ugu horeysay Al-Shabaab kaga soo biiray isagoo 16 jir ah.
Cabdullaahi Jeeri ayaa kasoo jeedo Qabiilka Hadamo ee beelweynta Raxanweyn, gaar ahaan wuxuu ka dhashay lafta Ligsi.
Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Magaalada Wasil ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur ku yimid qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Magaalada.
Inta la xaqiijiyey weerarkaas waxaa ku dhintay 25 qof oo isugu jiro dad Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay inay weerarkaas ku dishay 35 qof.
Magaalada Wasil ayaa waxaa hadda gacanta ku hayo ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa u abaabulan qaab qabiil, waxaana halkaas gaaray saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kuso qaaday Magaalada Wasil ayaa la sheegay inay ka yimaadeyn degmada Bacaadweyn oo ay dhawaan la wareegeyn, waxaana socdo abaabul dagaal loogu qaaday Bacaadweyn si Al-Shabaab halkaas looga saaro.Xigasho:Caasimadda.Net
Ceel-afweyn: Askar lagu eedeeyay in ay kufsi ugaysteen gabadh da' yar ah
Afar askari oo katirsan booliska Somaliland, ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabadh yar oo ku nool degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Eedaysanayaasha ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo maxkamad la horgayn doono sida uu sheegay taliyaha booliska ee gobolka Sanaag.
"Kiiska afarta askari ee loo haysto gacanta ayaa lagu hayaa, baadhis baana ku socoto, maxkamada ayaana la horgayn doona" ayuu yidhi.
Taliyaha ayaa sheegay in gabadha yar ee la kufsaday ay caddaalad heli doonto.
Ciidamada Somaliland ayaan lagu aqoon in ay galaan falalka kufsiga ah, waxana laga warsugayaa halka uu cago dhigto danbiga loo haysto eedeysanayaashan.
Maraykanka Oo Ka Digay Khatar Dhanka Amma anka Oo Kaga Imaan Karta Somalia
Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay inay Maraykanka u arkaan Khataro dhanka Ammaanka oo uga imaan kara Somalia, kadib, markii Ciiddankii Maraykanka ka joogay Somalia laga daad-gureeyey bishii hore, laguna meeleeyey meel ka baxsan Somalia.
Taliyaha waxa uu hadalkaasi Dorraad ka jeediyey Xarunta Madasha Istaraatiiyada iyo Cilmi-baarista Caalamiga, wuxuuna xusay inay xaqiiqo tahay in daad-gureyntaasi kediska ah ay khatar cusub oo dabaqyo ah ku tahay Hawlgalkooda.
waxa uu tilmaamay in Khataraha ka jira Somalia ay cabsi ku tahay Deganaanshaha Afrika iyo khataro laga filan karo gudaha Maraykanka.
Taliyaha AFRICOM waxa uu xusay inay Maraykanka sii wadaan inay Saaxiibadooda Afrikaanka ka taageeraan sidii ay u furdamin lahaayeen Caqabadaha Ammaanka Somalia ee ay Alshabaab kala kulmaan.
Hadalka General Stephen Townsend waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Maraykanka ka baaraan-degayso sidii ay Ciiddamo Khaas ah ugu soo diri lahaayeen gudaha Somalia iyo in kuwo kalena ay Saldhigyo rasmi ah ka dhigtaan dalalka Jabuuti iyo Kenya
Ciiddanka Talyaaniga Oo Lagu Amray Inay Ka Baxaan Saldhig Laga Taageeri Jirey Hawlgallada Somalia
Ciiddanka Talyaaniga ee ku sugan Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al-Minhad ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu amray inay dalkaasi kaga baxaan ugu dambayn maalinta Jimcaha ee soo socota oo ku beegan bisha soo socota ee July 2-da.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday Go’aankaasi sababo la xiriira Muran u dhexeeya labada Waddan, iyadoo ay Dowladda Talyaaniga bilowgii sanadkan hakiyeen hubkii ay ka iibsan jireen dalkaasi.
Ka-bixitaanka Ciiddanka Talyaaniga ee Saldhiga Al Minhad Air Base ee ay ku lahaayeen magaalladda Dubai waxa uu soo shaac baxay Toddobaadkii hore, kadib, markii uu Wargeyska ka faalooda Arrimaha Difaaca ee Defense News ka soo xigtay Warkaasi Xildhibaan ka tirsan Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Talyaaniga oo lagu magacaabo Matiyo Preego Di Keremango.
Ciiddanka Talyaaniga waxay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Al Minhad Air Base u adeegsan jireen inay ku hakadaan Diyaaradahooda ee taageeradda Loojistikada u fidiya Hawlgalladda Caalmiga ee ka socda Geeska Afrika, Badweynta Hindiya iyo dalalka Afgaanistaan iyo Iraq.
Dowladda Talyaaniga waxay ka baaraan degaysaa qaabab kale oo lagu soo daad-gureyn karo ciiddankooda ku sugan dalka Afganistan, haddii ay ciiddanka Maraykanka ka wada baxaan dalkaasi bisha September ee sanadkan.
Khilaafka Talyaaniga iyo Imaaraadka ayaa yimid, kadib, markii ay Barlaaanka dalkaasi uu bishii Janaayo ee sanadkan xayiray Hubkii laga iibin jirey dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga sababo la xiriiray dagaalka Yemen.
Dowladda Ethiopia oo ku dhowaaqday in ciidan keeda ay dib u geli karaan Mekelle
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF.
Afhayeen u hadlay dowladda Red-wan Hussein ayaa sidoo kale she-egay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.
Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga.
"Ethiopia waxay u baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka,” ayuu yiri Redwan Hussein, ayada oo ay u muuqato inuu ula jeedo Sudan.
Afhayeenka jabhadda TPLF Getachew Reda ayaa talaadadii u sheegay Reuters in xabad-joojinta ay dowladda ku dhowaaqday ay aheyd "kaftan”.
Redwan ayaa xabad-joojinta ku qeexay go’aan siyaasadeed "oo loo qaatay sababo bani’adaannimo”.
"Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.
Hadalka Redwan ayaa imanaya ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ay wacad ku mareen inay "cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekelle.
"Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
REUTERS + AFP + VOA
Dad ugu geeriyooday kuleyl dartii dalka Canada
Tobanaan ruux ayaa ugu geeriyo-otay wadanka Ca-nada, kadib markii kuleyl xad dhaaf ah oo lagu arkay gobolo ka mid ah dalkaas.
Wararka ayaa sheega ya in magaalada Vancouver dad ka badan boqol ruux ay si degdeg ah ugu geeriyoodeen kuleyl awgii.
Dadka dhintey ayaa badankood ah kuwo da’ ah iyo qaar kale oo xanuunsanaa.
Shaley ayuu dalka Can-ada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii uggu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey mag-aalada Lytton ee gobolka British Columbia.
Toddobaadkii hore iyo intii ka horeysayba, heerkulka dalkan Canada ayaanan ka sara mari jirin 45C.
Hirarka heerkulkan oo cadaadikiisu sareeyo ayaa ka imanaya dhanka waqooyiga galbeed ee Canada iyo Mareykanka.
Khuburada ayaa sheegeysa in isbaddalka cimiliada la rajeynayo inuu sara u qaado dhacdooyinka jawiga, sida hirarka kulul.Si kastaba ha ahaatee, in la lala xiriiriyo dhacdo waliba oo timaada is baddalka cimilada dunida, waa wax aad u adag.
Ciiddankii Jarmalka Oo Gebi Ahaanba Laga Daad-Gureeyey Afganistan
Haweeeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Jarmalka, Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa sheegtay in Ciiddankii ugu dambeeyey ee Jarmalka ka dhoofeen dalkaasi, kadib, markii ay ku-dhaawaad 20-sano ka hawl-galayeen.
Qoraal ay Barteeda Twitterka Habeen hore soo dhigtay waxay ku xusay inay Ciiddanka si nabad ah kaga soo dhoofeen dalkaasi.
Dhinaca kale, Milliteriga Jarmalka oo loo yaqaano Bundeswehr waxay sheegeen in Ciiddankaasi iyo Taliyaha Guutadii u dambeysay, Jeneral Ansgar Meyer ka soo dhoofeen dalkaasi, iyagoo Transit ahaan sii maraya Caasimadda dalka Jooriya ee Tiblisi.
Diyaarad xamuul oo nooceedu yahay Airbus A400M ayaa la sheegay in Ciiddankaasi ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda dalka Afganistan ee Kabul, iyagoo ku waahan dalkooda hooyo.
Ilaa 1,100 Askar Jarmal ah ayaa ku sugnaa Afganistan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka socday dalalka Isbahaysiga NATO.
55 Askar Jarmal ayaana lagu dilay inta ay Hawlgallada u Joogeen dalkaasi.
Nin Ka Qeyb Qaatey Xasuuqii Rwanda Oo Lagu Xukumey 25 Sano Oo Xabsi Ah
Maxkamadda sare ee Rwanda, ayaa ku xukuntay Jean Claude Iyamuremye shan iyo labaatan snao oo xabsi ah, maadaama uu galey dambi xasuuq markii ay dadiidu aheyd sagaal iyo toban sano
Intii ay socotey dacwadda maxkamadda oo aheyd shan sano, Iyamuremye ayaa iska diidey inuu kaalin ku lahaa dilalkii dhacayey ee ahaa xasuuqii lagala soo horjeeday qabiilka Tutsi-ga, isagoo sheegay in hooyadiisba ay aheyd Tutsi.
Garsoore ayaa arbacadii sheegay inuu ku xukumi lahaa Iyamuremye xabsi daa’in, laakiin uu uggu qafiifiyey xukunkiisa maadaama uu ahaa qof yar markii uu galayey danbiga, uuna badbaadiyey qoysas u dhashey qabiilka Tutsi-ga.
Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay Iyamuremye inuu kamid ahaa koox dagaal yahano ah, kuwaasoo diley dad katirsan qabiilka Tutsi-ga oo ay daris ku ahaayeen caasimadda Kigali. Iyamuremye ayaa laga soo xirey dalka The Netherlands sanadkii 2013-kii, halkaasoo uuka ahaa darawal u shaqeeya shaqaalaha safaaradaha Israel iyo Finland ay ku leeyihiin dalkani, isagoo dib looggu soo celiyey Rwanda sanadkii 2016-kii.
MAREYKANKA oo saxaya qaladkii ka dhashay go’aankii Trump ee SOOMAALIYA
Dowladda Mareykanka ayaa iskudayeysa inay saxdo qaladkii iyo qatartii ka dhalatay go’aankii uu madaxweyne Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare.
Lix bilood kadib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu si lama filaan ah ciidamadiisa ugala baxay Soomaaliya, maamulka cusub ee Joe Biden ayaa kawada hadlaya in dib loogu soo celiyo dalka
Bishii December, Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la geeyay Soomaaliya.
Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM ) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa fikradihiisa ah in ciidamada Mareykanka dib loogu soo ceiyo Soomaaliya la wadaagay hoggaanka ugu sarreeya wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.
Isagoo 29-kii June ka hadlayey Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington ayuu Gen. Stephen J. Townsend sheegay inaan la dafiri karin qatarta ka dhalatay go’aankii sida lama filaanka aheyd ee ciidamada Mareykanka looga soo saaray Soomaaliya.
"Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay qatar iyo murugo, marka waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga,” ayuu yiri Townsend.
Townsend ayaa sheegay in Pentagon-ka ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaarayo istaraatiijiyada ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa.
"Waxaan horay iyo gadaalba ula soo xiriiri jiray hogaamiyeyaashayda rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca, Xoghayaha Difaaca, anigoo siinaya xulashooyin, Waxaana u maleynayaa inaan xulashooyinkaas ku ilaalin doonno halka ay tahay inay ahaadaan sidaa darteed hoggaamiyeyaasha rayidka ah waxay fursad u leeyihiin inay go’aanadooda gaaraan,” ayuu yiri Gen. Stephen J. Townsend.
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgali jiray Soomaaliya ayaa duqeymo iyo weeraro toos ah ku qaadi jiray xarumaha Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababaro siin jireen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga soo saaray Soomaaliya kuwaas oo howlgal Military oo socday 10 sano kula jiray Al-Shabaab oo ah gacanta ugu weyn uguna dhaqaalaha badan al-Qaacidada adduunka.
Fikaradda ah in ciidamada Mareykanka la geeyo Soomaaliya ayaa waxaa lahaa Maamulkii uu hoggaaminayey madaxwneyihii hore ee Mareykanka Bush, waxaana duqeyntii ugu horeysay Soomaaliya laga fuliyey sanadki 2007, taasoo qeyb ka aheyd Istaraatiijyadii danaha Mareykanka looga difaacayey meelo ka baxsan dalkaas.
Dowladda Kenya oo baaraya 6 qof oo calanka Soomaaliya ka taagay xeebta Mombasa.
Booliska Magaalada Mombasa ayaa bilaabay baaritaanka lix qof oo ay sheegeen in ay calanka Soomaaliya ka taageen xeebta Mombasa ayna dabaal deg ka sameenayeen, Booliska ayaa tilmaamay inay baarayaan suurtagalnimada in arintaasi ay argagaxiso xiriir la leedahay.
Dadkan la xiray ayay booliska magacyadooda ku sheegeen Ridhman Issack, Jamal Abdi, Mohammed Bare, Abdimalik Noor, Abdiraffi Sheikh iyo Saad Ibrahim Salat.
Booliska ma aysan cadeynin Jinsiyadaha dadkan.
"Tuhmanayaasha ayaa taagay calanka Soomaaliya waxayna qaadayeen heeso farxadeed oo Soomaali ah,” ayuu yiri saddex alifle Gideon Wambua markii kooxdan la horkeenay maxkamadda ku taala Mombasa.
Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in ay baarayaan dambiga lixdaasi qof haduu noqon karo mid argagaxiso la xiriira.
Baarayaasha ayaa doonaya inay soo ogaadaan sababta ay kooxdu calan shisheeye uga taageen dalka Kenya iyo sababta ay lixda qof u doorteen inay dabaaldaggooda u aadaan xeebta dadweynaha dhamaadka usbuuca.
Waxaa la xaqiijin doonaan Kooxdan lixda qof ka kooban, meelaha laga diiwaangeliyay sidoo kale booliska oo sheegay in lixda qof afar kamid ah kaliya ay wateen ducuments sax ah.
Dadkan ayaa la tilmaamay mudo 15 maalmood ah in xabsiga lagu sii hayn doono ilaa baaritaankooda kasoo dhamaado.
Arintan qabashada dadkan ayaa kusoo aadaysa xili weli guud ahaan dalka oo dhan iyo dibadiisa laga dareemaayo maalmaha xoriyada ee 26June iyo 1da Luuliyo kuwaas oo ah maalmo ku weyn shacabka Soomaaliyeed iyadoo munaasabada 1da luuliyo ay Xalay ku beegan tahay.
Booliiska Caalamiga Ah Oo La Wareegay Xaruum aha Shirkad Internet Oo Gaar Loo Leeyahay
Howlgal uu booliiska caalamiga ah sameeyay, ayaa lagula wareegay xarumaha internet-ka ee shirkad gaar loo leeyahay, taas oo lagu qarin jiray aqoonsiyada iyo halka ay ku sugan yihiin dembiilayaasha internetka.
Booliiska ayaa sidoo kale la wareegay baraha internet-ka ee ay leedahay shirkadda Double VPN.
Waxay ugu beddeleen farriin ku wargelineysaa in dadka isticmaali jiray ay haatan hay’adaha xoojinta sharciga la wareegeen warbixinta iyo xogta ku keydsan baraha shirkadda.
Howlgalka waxaa ku lug lahaa booliiska dalalka Yurub, Mareykan iyo Canada. Hay’adda booliiska Yurub, ayaa sheegtay in shirkadda aad loogu xayeysiin jiray burcadda internet-ka ee ku hadla afafka ingiriisiga iyo Ruushka.
Xoghayihii Hore Ee Difaaca Ee Dalka Maraykanka Oo Geeriyooday
Donald Rumsfeld oo ahaa Xoghayihii Difaaca ee dalkaasi ee xilligii uu socday dagaalkii Iraq ayaa geeriyooday, isagoo 88-jir ahaa.
Qoraal ay Qoyskiisa xalay soo dhigeen Barta Twitter-ka ayeyna ku xaqiiiyeen inuu ku geeriyooday magaalladda TAOS ee Gobalka New Mexico ee dalkaasi
Donald Rumsfeld waxa uu Xoghayihii Difaaca ka ahaa Dowladii Madaxweynihii hore ee George Bush sanadihii 2001-dii ilaa 2006-dii.
Waxa kale oo uu horey u soo noqday Xoghayihii Difaaca ee ugu da’da yaraa Taariikhda dalka Maraykanka ,kadib, markii uu Xilkaasi qabtay Xilligii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Gerald Ford muddadii u dhexeysay sanadihii 1975-kii ilaa 1977-kii.
Waxa uu kaalin dhexe ku lahaa Duullaankii ay Maraykanka ku galeen Afganistan sanadkii 2001-dii iyo kii ay Maraykanka ku qabsadeen dalka Iraq sanadkii 2003-dii ee sababay dhimashada Kumanaan qof oo ku noolaa labadaasi dal.
James Swan oo soo saaray farriin ku socota Soomaalida
Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.
Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad.
"Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri James Swan.
"Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey
ABIY AHMED oo sabab yaab leh u yeelay qabsa shada ciidanka Tigrayga ee Mekelle
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, isaga oo sheegay in sababta ay tahay in magaaladaas aysan hadda kadib aheyn "muhiimadda dagaalka”.
"Markii aan galnay Mekelle toddoba ama sideed bil kahor, waxaan u sameynay sababtoo ah waxay aheyd muhiimadda iyo xudunta dagaalka,” ayuu Abiy u sheegay warbaahinta dowladda, oo muuqaalkiisa baahisay Arbacadii.
"Waxay aheyd xarunta dowladda. Xarunta kheyraadka la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn. Hase yeeshee waqtigii aan ka baxnay ma jiraan wax muhiim ah oo ay leedahay marka laga reeebo 80,000 oo qof oo shacab ah iyo kuwa shacabka bililiqeysta…waxay lumisay mhiimaddeeda,” ayuu yiri.
Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadallada Abiy ku tilmaamay been, wuxuuna sheegay in ciidamada Ethiopia lagu qasbay inay magaalada ka baxaan.
"Xaqiiqda ah inuu sheegay inay ka baxeen Mekelle, waa been cad. Waxaan uga adkaanay cayaartoyda. Waa ay guul-darreysteen,” ayuu Getachew u sheegay Reuters.
Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa Talaadadii sheegay in ciidanka federaalka ay dib u geli karaan magaalada Mekelle. "Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Eritrea oo horey loogu eedeeyey inay xadgudubyo ka gaysteen gobolka ay hadda ka baxeen. Hase yeeshee Getachew ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn, isaga oo intaas ku daray in ciidamada Eritrea ay isku urursanayaan qeybaha waqooyi ee Tigray, si ay "naftooda u difaacaan.”
Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.
Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.
Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.
Source: warkii.com
MAXAA KA DHAXEEYA SAKIINTA CABSIDA ABUURTAY IYO AL-SHABAAB?
Nooc ka mid ah sakiinta lagu xiirto oo magaca la wadaagto koox Islaami xagjir ah oo argagax iyo cabsi badan ku haysay dadka deggan gobolka ku yaal woqooyiga dalka Mozambique ee Cabo Delgado ayaa walwal iyo cabsi ku abuurtay ma’uuliyiinta dalkaasi.
Sakiintan oo lagu magacaabo Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay laga isticmaalayay dalkaasi Mozambique.
Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa haatan ka cabsi qabo in uu xiriir ka dhaxeeyo sakiintaasi iyo koox lagu magacaabo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamka ee IS oo muddo sanado ah dhibaato ka geysanasyay woqooyiga dalkaasi.
Shabaab
Madaxa booliska dalkaasi Mozambique, Bernardino Rafael, ayaa amar ku siiyay saraakiisha booliska in ay soo uruuriyaan xogta la xiriirta sakiintan lagu magacaabo Al-Shabaab, si loo ogaado in ay qayb ka tahay dacaayadaha kooxdan xagjirka ahi.
Warbaahinta maxalliga ahi ee dalkaasi ayaa sheegeysa in ilaa sanadkii hore qaar ka mid ah suuqyada magaalada Pemba ee xarunta gobolka Cabo Delgado lagu iibinayay sakiintaasi.
Waxay intaasi ku dareen in sakiintan haatan lagu arkay dukaamada ku yaal magaalada caasimadda ahi ee Maputo iyo qeybo ka mid ah gobolka Manica.
Dhammaadkii bishii Maarso ee sanadkan ayaa dagaalyahanno ka tirsan kooxdan waxay weerar ku qaadeen magaalada Palma, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof .
Shabaab Toddobo qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan huteel ay ku go’doonsanaayeen.
Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale weerarkaasi laga soo badbaadiyay.
Al-Shabaabka Mozambique ayaa ah koox mintid ah balse aan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaabka ka jira Soomaaliya oo ay isku magac yihiin. Kooxdani ayaa xiriir la leh kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee IS ee fadhigeedu yahay waddamada Ciraaq iyo Suuriya halka Al-Shabaabka Soomaaliya uu xiriir la leeyahay urur weynaha Al-qaacidda. Xigasho:BBCSomali
61 SANO JIR AAN WELI QAAN GAARIN. (DOCUMENTIGAAN WAXAA LA QARINAYAY IN KA BADAN 30 SANO, BAL HADDA AYAAN ARAGNEE NALA ARAG)
(Documentigaan waxaa la qarinayay in ka badan 30 sano, Bal hadda ayaan aragnee nala arag)
Boqor Xayle Salaase waxa uu ku tagay Dalka Mareykanka Booqasho Rasmi ah 4 mar. 1954, 1957 ,1969 iyo 1973, Qoraalada shirarkii hore oo aad u badan iyo Qoraala kale oo aan arkay, waxaan ku soo koobayaa oo kaliya kulankii 1973 ee ugu dambeeyay.
Boqor Xayle waxa uu Washington kula kulmay Madaxweynihii Mareykanka Mr. Nixon 15 May 1973 shirku waxa uu bilaawday 11:03 am – 12:13 Pm. Xayle waxa uu ku hadlayay Afka Amxaarada waxaana ka tarjumayay Safiirkiisa Amb. Minasse Haile.
Sida ku cad Documentiga hose P.2 waxa uu Xayle yiri: Waxaan Halkaan u imid Arrimo deg deg ah oo saameeynayo Caalamka, Mareykanka iyo Ethiopia oo ah isku dheeli tir la’aan Ciidan, waxaa faraha ka baxayo Badda Cas, Nabadgalyada guud, Ganacsiga iyo khayraadka dabeeciga ah.
Waxaa la laciifinayaa Ethiopia. Afrika waxa ey aqoonsatay Xuduudihii isticmaarka, Laakin Somaliya waa diiday, waxa ey aaminsanyihiin meel kasta oo uu joogo Qof Af Somali ku hadlo in uu yahay Somali, Xattaa Jabuuti oo Qabiilada degan Badankoodo ey Ethiopian yihiin, Dhulkuna uu hore u ahaa Dhul Ethiopia waxa ey rabaan marka ey xur noqoto in ey sheegtaan, ayuu yiri Xayle.
Sida ku cad Bogga 3aad ee Documentiga. Boqor Xayle mar uu ka hadlayay isku dheeli tir la’aanta Ciidan waxaa uu yiri: Waxaan heeysanaa 20 Tank, Somaliyana 200 Tank. APS waxaan heysanaa 54 Somalia 310. Radar Fiican ma qabno, Somalia Radar System fiican ayeey qabaan. Dayaaradaheeno waa kuwa hore iyagana kuwa casri ah, 7 Diyaarad oo ah MIG 21 iyo 10 ah IL28. Anti Aircraft Batteries waxaan heysanaa 24, Somaliana 170. waxa uu leeyahay Somaliya waan ka sareey jirnay haddase Maya. Ma nihin wadan gardaran, waxaana khatar ku jiro jiritaankeena.
Documentiga Bogga 3aad waxa uu leeyahay: waa ka xumahay in aan idin dhibo laakin meel kale oo aan aado ma heeysto. waxaan idinku wareejinayaa 3 Document: Mid waa arrinkaan aan idin kala hadalyo, Midna waa qorshaheena deg dega ah, Midka 3aad waa Qorshaha wakhtiga fog ee Ciidamadeena. ( Akhristoow haddii aad heyso Documentiga 3aad nala wadaag)
Mr. Nixon ayaa ugu jawaabay. warqadda arrimaha Ciidamada ayaa yiri: waxaa u dhiibayaa Sareeye Gaas Brent Scowcraft oo ah kaaliyaha Madaxweyne Nixon ee arrimaha Amniga, si uu uga soo tala bixiyo.
Yaanan war kugu daaline qoraalada lifaaqa iyo Kuwa kale akhri.
FG: Xayle illaa Abiye .Ethiopia waxaa is bedelo Qofka hogaamiyaha ah, laakin isma bedesho Siyaasadeeda ku wajahan Somaliya.
Alla mahadii Qorshihii uu Xayle damacdanaa isga oo aan gaarin ayuu dhintay. Qorshihii Abiye Axmed isga oo aan Fulin ayaa Colaad Gudaha ah Alle ku furay. Intii Xayle uuna Amerika tagin 1973 ka hor ayuu China tagay 1971. si uu ugala hadlo Gaaska ku Jiro Somali galbeed, Khayraadka Dabeeciga ah ee uu u sheegayay Xayle Mareykanka waa kan Berigeena iyo Badeena ku jiro oo ey Ciidamo Badeed u sameeysteen, iyo Dekadaheena oo ey Share ku yeesheen. Dadka leh Ethiopiyadii Dorraad ma ahan tan Shalay bal xoogaa haka akhriyeen qorshaha wadamada ee Wakhtiga fog.
waxaan nahay wadan Xur ah 61 sano. Ma nahay 61 jir aan weli qaan gaarin ?.
FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar. Qore: Yahya Amir
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 1-JULY 2021
.