61 Sano jir aan weli Qaan gaarin.(Documentigaan waxaa la qarinayay in ka badan 30 sano, Bal hadda ayaan aragnee nala arag)

1
Wednesday June 30, 2021 - 20:47:35 in Wararka by
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    61 Sano jir aan weli Qaan gaarin.(Documentigaan waxaa la qarinayay in ka badan 30 sano, Bal hadda ayaan aragnee nala arag)

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

(Documentigaan waxaa la qarinayay in ka badan 30 sano, Bal hadda ayaan aragnee nala arag)

Boqor Xayle Salaase waxa uu ku tagay Dalka Mareykanka Booqasho Rasmi ah 4 mar. 1954, 1957 ,1969 iyo 1973, Qoraalada shirarkii hore oo aad u badan iyo Qoraala kale oo aan arkay, waxaan ku soo koobayaa oo kaliya kulankii 1973 ee ugu dambeeyay.

Boqor Xayle waxa uu Washington kula kulmay Madaxweynihii Mareykanka Mr. Nixon 15 May 1973 shirku waxa uu bilaawday 11:03 am – 12:13 Pm. Xayle waxa uu ku hadlayay Afka Amxaarada waxaana ka tarjumayay Safiirkiisa Amb. Minasse Haile.

Sida ku cad Documentiga hose P.2 waxa uu Xayle yiri: Waxaan Halkaan u imid Arrimo deg deg ah oo saameeynayo Caalamka, Mareykanka iyo Ethiopia oo ah isku dheeli tir la’aan Ciidan, waxaa faraha ka baxayo Badda Cas, Nabadgalyada guud, Ganacsiga iyo khayraadka dabeeciga ah.

Waxaa la laciifinayaa Ethiopia. Afrika waxa ey aqoonsatay Xuduudihii isticmaarka, Laakin Somaliya waa diiday, waxa ey aaminsanyihiin meel kasta oo uu joogo Qof Af Somali ku hadlo in uu yahay Somali, Xattaa Jabuuti oo Qabiilada degan Badankoodo ey Ethiopian yihiin, Dhulkuna uu hore u ahaa Dhul Ethiopia waxa ey rabaan marka ey xur noqoto in ey sheegtaan, ayuu yiri Xayle.

Sida ku cad Bogga 3aad ee Documentiga. Boqor Xayle mar uu ka hadlayay isku dheeli tir la’aanta Ciidan waxaa uu yiri: Waxaan heeysanaa 20 Tank, Somaliyana 200 Tank. APS waxaan heysanaa 54 Somalia 310. Radar Fiican ma qabno, Somalia Radar System fiican ayeey qabaan. Dayaaradaheeno waa kuwa hore iyagana kuwa casri ah, 7 Diyaarad oo ah MIG 21 iyo 10 ah IL28. Anti Aircraft Batteries waxaan heysanaa 24, Somaliana 170. waxa uu leeyahay Somaliya waan ka sareey jirnay haddase Maya. Ma nihin wadan gardaran, waxaana khatar ku jiro jiritaankeena.

Documentiga Bogga 3aad waxa uu leeyahay: waa ka xumahay in aan idin dhibo laakin meel kale oo aan aado ma heeysto. waxaan idinku wareejinayaa 3 Document: Mid waa arrinkaan aan idin kala hadalyo, Midna waa qorshaheena deg dega ah, Midka 3aad waa Qorshaha wakhtiga fog ee Ciidamadeena. ( Akhristoow haddii aad heyso Documentiga 3aad nala wadaag)


Mr. Nixon ayaa ugu jawaabay. warqadda arrimaha Ciidamada ayaa yiri: waxaa u dhiibayaa Sareeye Gaas Brent Scowcraft oo ah kaaliyaha Madaxweyne Nixon ee arrimaha Amniga, si uu uga soo tala bixiyo.

Yaanan war kugu daaline qoraalada lifaaqa iyo Kuwa kale akhri.

FG: Xayle illaa Abiye .Ethiopia waxaa is bedelo Qofka hogaamiyaha ah, laakin isma bedesho Siyaasadeeda ku wajahan Somaliya.

Alla mahadii Qorshihii uu Xayle damacdanaa isga oo aan gaarin ayuu dhintay. Qorshihii Abiye Axmed isga oo aan Fulin ayaa Colaad Gudaha ah Alle ku furay. Intii Xayle uuna Amerika tagin 1973 ka hor ayuu China tagay 1971. si uu ugala hadlo Gaaska ku Jiro Somali galbeed, Khayraadka Dabeeciga ah ee uu u sheegayay Xayle Mareykanka waa kan Berigeena iyo Badeena ku jiro oo ey Ciidamo Badeed u sameeysteen, iyo Dekadaheena oo ey Share ku yeesheen. Dadka leh Ethiopiyadii shalay ma ahan tan maanta bal xoogaa haka akhriyeen qorshaha wadamada ee Wakhtiga fog.
waxaan nahay wadan Xur ah 61 sano. Ma nahay 61 jir aan weli qaan gaarin ?.

FG:wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip