
HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA JUUN 2021-KA....
Aqriso magacyada guddiga dib u heshiisiin ta Gedo ee Rooble uu magacaabay
Ra’iisul wasaare Xukuumadda xil-gaarsiinta Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa isago ka du ulaya heshiiskii 27kii May 2021, waxa uu mag acaabay Guddiga dib-u-heshiisi inta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland.
Rooble ayaa Guddiga uu mag acaabay wuxuu faray inay si deg deg ah u how l-galaan una bilaabaan arrimaha dib u heshiisii nta G/Gedo, iyagoo wadatashiyo la sameenaya dhammaan dhinacyada dib u heshiisiinta khu seyso.
Sidoo kale, R/W/re Rooble ayaa sheegay in howlaha ay qabanayaan guddiga ay la jaan qa adi doonaan qodobka 3xaad ee heshiiskii ay Muqdisho 27 May ku saxiixdeyn R/Wasaaraha, madaxda Mamul G/yada &Gobolka Banaadir.
Guddiga uu magacaabay Rooble oo ka koob an 4 xubnood oo ka kala socdo Hirshabelle, K/ Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa kala ah:
1- Wasiirka Arrimaha gudaha ee HirShabelle, Maxamed Cali Caadle
2-Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Puntland, Maxamed C/xmaan Dhaban cad.
3-Wasiirka Qorsheynta Maamulka K/Galbe ed, Axmed Madoobe Nuunow
4-Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmud ug, Aadan Cismaan Xuseen
Qodobka 3-aad ee heshiiski 27 May ee la fa ray inay guddigaan ku shaqeeyaan ayaa u qor naa sidaan
Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu ba aqayaan bulshada G/Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
G/Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiy ey in RW/ha X/F/ku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta G/Gedo si ay hab sami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
G/Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey ab uuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah DF ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddi ga Farsamo ee Baydhabo.
Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda ja wi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda M/Garbahaarey iyagoo si dhaw ula sha qeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS.
Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubno od ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka D/Garbahaareey iyagoo la tashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan
Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaa banaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan
Madaxweynaha D/Jubbaland ayaa soo mag icaabaya xubnaha Maamulka D/Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
G/Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Gud diga dib u heshiisiinta inay ku soo dhameystira an qorshaha xasilinta G/Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbaha arey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.
Jadwal cusub oo doorasho iyo go’ aanno kale oo la ga soo saaray Gaba-gabada Shirka W/T/Qaran ee MuqdishoG/Wadatashiga ee Doorashada Soomaaliya oo 2dii maalin ee ugu dambeysay kulan u ga socday M/Muqdisho ee caasimadda So oma aliya ayaa Dorraad si rasmi ah usoo saaray jad walka cusub ee doorashada Soomaa liya, ma adaama jadwalkii hore uu fashilmay.
Golaha Wadatashiga ee doorashada Sooma aliya ayaa sheegay in guddiyada doorashada loo furi doono tababarka isla markaasna ay doo ran doonaan hoggaanka 30 June illaa 05 July 2021.
G/Wadatashiga ayaa jadwalka cusub ee do orashooyinka ku sheegay in doorashada xubna ha aqalka sare la qaban dono 25-ka July 2021.
Sidoo kale, jadwalka ayaa lagu sheegay in soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorasha da xildhibaanada aqalka hoose la qaban doono 15 July illaa 10-ka August 2021, iyadoo door shada xildhibaanada Baarlamaanka la qaban doono 10 August – 10 September 2021.
Dhaarinta Xildhibaanada 2da Aqal iyo doora shada 2da Guddoon ayaa lagu sheegay jadwal ka cusub in la qaban dono 20-ka Sept.2021.
Ugu dambeyntii G/Wadatashi ee Doorasha da Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.
Dhanka kale, R/wasaare Rooble oo ka duu laya Heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaab ay Guddiga dib-u-heshiisiinta G/Geddo oo ays an ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray in ay dedejiyan arimaha dib-u-heshisiinta G/Gedo
Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khid mada laga qaadayay haweenka u sharraxan Baarlamaanka.
Sheekh Shariif oo billaabay qorshe uu Cali Guudlaawe ku geynayo magaalada…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna murashax Mada xweyne ee sanadkaan 2021-ka ayaa billaabay inuu xal u raadiyo tabashooyinka ay qabaan qa ar kamid ah shacabka gobalka Hiiraan, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle.
Sheekh Shariif oo aad looga qiimeeyo Soo maaliya, gaar ahaan degaana da HirShabeelle, ayaa billaab ay in uu la kulmo siyaasiinta & odayaasha qaar ee beesha Xa waadle, isagoo kala hadlay tab ashooyinka ay qabaan.
Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Mada xweyne Cali Guudlaawe uu Madaxweynihii ho re ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ax med ka dalbaday in uu ergo ka noqdo, isla mar kaana uu ka shaqeeyo sidii uu ku tagi lahaa Beladweyne.
Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaame ysa in Madaxweyne Sh. Shariif dadkii uu la kul may ee beesha Xawaadle rajo wanaagsan geli yeen, iyagoo u sheegay in aysan ka hor imaan doonin wixii uu u keeno. "Markii ay u sheegeen tabashada Xawaadle waxay u ballan qaadeen in wixii uu keeno oo xal ah aysan ka hor imaan doonin kuna kalsoonyihiin balse waxay is dul-taageen heerka tabashada ay qabaan oo ah mid culus,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan G/ Sh.kana soo jeeda beesha Xawaadle oo la had lay Caasimada Online.
Lama oga in qorshaha xal u raadinta taba shada beesha Xawaadle ee uu wado Madaxw eynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ay ka soo hormari doonto doorashada Soomaaliya iyo inay kadib mari doonto, hase yeeshee war arka ugu badan waxay sheegayaan in laga soo hormarin doono doorashada Soomaaliya.
Heshiiska doorashada ayaa waxa uu dhigay aa in xildhibaanada ka imanaya HirShabeelle la gu kala doorto Beledweyne iyo Jowhar, waxaa na Guudlaawe u uku qasban yahay inuu helo xal kahor, xilli dagaal loogu hanjabay ciddii isku daydaa inay doorasho ku qabato Beledweyne.
Xigasho:caasimada.net
DF oo digniin u dirtay 12 Jaamacad oo qaar ku yaalla Somaliland + Magacyada
Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee W/ Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Som aliya ayaa Dorraad soo saaray liis ay ku shaacineyso 12 Jaamacadood oo ay digniin ka ma dambeys ah u dire yso wasaaraddu.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray Jaamacadahaas in guddiga ay kula soo xi riiran muddo ku siman 10-maalmood, haddii ay mudadaas ula soo xiriiri waayana ay wasaarad du kala laaban doonto ruqsadii iyo diiwaan-gel intii ay hore u siisay wasaaradda waxbarasha da Soomaaliya.
"Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre wuxuu ku wargelinayaa jaamacadaha hoos ku xusan inay Guddiga la soo xiriiraan inta ka horeysa 10/07/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda.
"Guddigu wuxuu jaamacadahaan ku warge linayaa in haddii aysan guddiga lasoo xiriirin ka hor mudada kor ku xusan in Wasaaradda wax barashada ay kala noqon doonto Ruqsadii iyo diiwaan-galintii ay horay u siisay.”
Jaamacadaha uu guddiga digniinta u direy ayaa waxaa safka hore kaga jirtay Jaamacada Admas oo ku taala Somaliland, oo ayadu ku do oda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaal iya iyo nidaamkeeda dowliga ah.
Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Guddiga Qaran ee Tacliinta sare uu la xiriiray 12-ka jaamacadooda in ka badan 5-jeer, isla markaana ay iska dhago tireen oo aysan kasoo jawaabin.
Ma aha markii u horeysay ee Guddiga uu digniin u diro jaamacadaha, hase yeeshe waa middii ugu cusleyd inta la ogyahay, waxaana xu sid mudan in guddiga uu kal hore 20 kamid ah Jaamacadaha dalka ku wargeliyay inay soo dhameystiraan habraaca diiwaan-gelinta Jaa macadahooda, kuwaasi oo ay wasaaraddu dib u aqoonsatay.
HOOS KA EEG MAGACYADA 11-KA JAAMACADOD
Duqa Muqdisho oo kormeeray waddo ay cabasho ka timid
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa M/Mu qdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Dorraad kormeer ku tegey dhi smaha ka socda Waddada Warshadda Caanaha oo ay hore Cabasho uga soo gudbi yeen shacabka M/ Muqdi sho.
G/G/Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Md. Cumar Finish ayaa sheegay in waddadaan laa mi la saari doono iyadoo hadda la bilaabay dhismaha Marsha Biyeediga.
Dhismaha Waddadan oo uu maalgelinayo Maamulka G/Banaadir ayaa waxay qeyb ka qa adaneysaa bilicda M/Muqdisho iyadoo soo afja reysa dhibaato ay ku qabeen Gaadiidka halka asi isticmaala.
Maxuu ahaa u jeedka kulanka Rooble, muca aradka iyo madax goboleedyada?
RWasaaraha X/X-isgarsiinta DFS Md.Ma xamed Xuseen Rooble, madaxda D/G/yada dal ka iyo qaar ka mid ah golaha midowga musha raxiinta ayaa Xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo ka dhacay guriga uu madax weynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka de ggan yahay M/Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shalay la soo gaba-gabeeyey, isla ma rkaana jadwal doorasho laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada.
Kulankaan ay Xalay isugu yimaadeen Ro oble, madaxda dowlad gob oleedyada iyo xubno ka soc day golaha midowga Mushar axiinta waxaa gogoshiisa dhi gay oo madaxda casho shar af u sameeyey madaxweyna ha Galmudug Axmed C. Kaariye Qoor Qoor.
G/M/Musharaxiinta oo mudooyinkii dambe u muuqday mid ku kala jabay siyaasadda dalka ayaa xubnaha ka socday ee Xalay kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ah, madxweynihii hore Xasan S.Maxamuud, R/W/rihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdinaadir Cabdulle.
Xubnaha ugu cad-cad ee ka maqnaa kulank aas waxaa ka mid ah madaxweynihii hore Shar iif Sh.Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cab dishakuur, kuwaas oo aan la cadeyn sababta ka baajisay kulankii ay Xalay isugu yimaadeen xubnaha ka kala socday mucaaradka, D/G//y ada iyo Xukuumadda Federaalak Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u muujiyey saluugiisa ku aadan shaandhayntii u dambeysay ee lagu sameeyey guddiyada doo rashooyinka, balse illaa hadda ma jiro siyaasi ka hor yimid ama saluugay heshiiskii Dorraad ay gaareen madax goboleedyada iyo R/wasaa re Rooble, kaas oo lagu cadeeyey shaxda do orashada.
Somalia & Turkiga oo ka wada hadlay fulinta heshiiska ay galeen
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Md.Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Talaadadi Dorraad xafiiskiisa ku qa abbilay safiirka Jamhuriyadda Turkiga ee Soo maaliya, Mehmet Yılmaz, iyadoo ka wada-had lay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Kulanka inta uu soc day waxaa lagu soo qa aday sidii loo dhaqan galin lahaa iskaashi ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga, isagoo safiirka Turkiga uu qaadanayo door fud udeyn ah. Is-af garadka ay aa dhigayay in 2da dal ay iska kaa shadaan horumarinta shaqaala ha iyo kor u qa adista shaqada dhallinyarada.
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaaa sidoo kale uga mahadceliyay Dawladda iyo Shacab ka Turkiga taageerrada Dawlad dhisidda iyo ho rumarinta Soomaaliya.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu ar ko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiim ad weyn u leh dalka, waxay wasaradda qaadan aysaa door weyn oo taageeraya dalka inuu mar kale cagihiisa ku istaago, waxaana adeegyadii u horreeyay la gaarsiiyay bulshada kuwa ugu nugul,”
"Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.
Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soom aaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dal ka, wuxuuna markaa xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Qoysaskii ay saameysay du ufaanti GAATI oo guryo la siiyay.
Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Ku Xigeen ka W/Arimaha Gudaha Fadraalka Iyo Dimuqr aadiyaynta D/Puntland Md.Cabdiwali Mire Xirsi oo ay Waheliyaan Agaasimaha Waaxda Masiib ooyinka Cawil Bulle Iyo Sara akiil Ka Socota Ha yadda Isla amic Relief ayaa Gaaray Dee gaanka Cadayo oo ka Tirsan Degmada Gumbax ee G/ Gardafuu.
Wafdiga Waxaa Deegaanka Cadayo Kuusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha G/Gardafuu Muuse
Saalax Guuleed Gudoomiyaha Degmada Gu mbax Maxamuud Axmed Muuse Isuduwaha Wasaaradda Amniga Gobolka Gardafuu Shire Xaaji Yuusuf Nabadoono Waxgarad Iyo Bulsha da Kala Duwan ee Deegaanka Cadayo.
Wafdiga ayaa inta ay ku Sugnaayeen Deeg aanka Cadayo Xariga Ka Jaray Mashruuc ay Fulisay Hayada Islaamic Relief oo ahaa 30Guri oo Loogu Talagalay Dadka Danyarta ahaa ee ay Duufaanti Gaati Saamaysay Waxana kala Wareegtay W/Arimaha Gudaha Fadraalka Iyo Dimukhraadiyaynta D/Puntland si ay Dib Udajin Ugu Samayso Dadki ay Guryaha Badu Ka qaa datay.
Shabaab oo weerar qarsoodi ah ku qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland
Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa Dorraad daabacay in weerar qo rsheysan oo ay Al-Shabaab Habeen hore ku qaaday xe ebaha G/J/Hoose lagu qabtay mas’uuliyiin ka tir san maamulka Jubb aland.
Weerarkaan oo ahaa mid qa rsoodi ah ayey kooxo aad u hub eysan oo ka ti rsan Al-Shabaab ku qaadeyn guri ku yaalo jaziira dda Kudhaa, waxana guriga la weeraray daga naa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaa miyo Axmed Madoobe.
Sida ay baahiyeen warbaahinada taageerta Al-Shabaab, waxaa kooxdaan u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Guddoomiye ku xige enka Kudhaa Cumar Cabdulle oo u magac dhe eraa (Cumar Afloow).
Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu qab tay Maxamed Cali Garaar oo ahaa madaxii ugu sareeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Ku dhaa. Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeyn gur iga mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay inuusan qaadan waqti badan, mana jirin iska caabin sid aas ah maadaama kooxda fulisay howlgalkaan ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan.
Kudhaa waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta G/J/hoose, waxayna M/Kismaayo ka ga beegan tahay koonfur, waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100Km ama 62 Mile.
Inta aanan lagu magaacaabin magaca had da ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis. Burburkii Soomaaliya ka hor, maga aladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago, waxa ana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka.
Maamulka Hir-Shabeelle & Hay’adda FAO oo ka wada hadlay ka hortagga fatahaadaha
M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan waxaa Dorraad kulan ku yeeshey Wasiir Kuxigeenka W/ beeraha Hir-shabee lle Maxamed Bashiir Qa asim (Daqare) oo ay we hlinaye en G/G/ Hiiraan, masuuliyiin kale oo ka ti rsan Hir-Shabeelle & mas’uuliyiin ka tirsan Ha’ yada Cunada iyo Beeraha Aduunka ee FAO.
Kulanka oo saacado badan socfy ayaa wa xaa looga hadlay dardargalinta howlaha Mash aariicda biya xireenka Wabiga Shabeelle ee de gaanada Hir-shabeelle Gaar ahaan M/B/weyne.
Wasiir Kuxigeenka W/Beerahahir-shabeelle Md. Daqare ayaa sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday Afgarad iyo in Mashaariicda Biya xireenka lasii wado si loogu guuleysto.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in la xaliyay murankii ka dhashay Muqaal dhawaan baraha bulshada lagu baahiyay oo G/ G/Hiiraan uu eedeyn ugu jeedinayay Haa’yada FAO.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dadaal lo ku aaddan sidii M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan looga baajin lahaa fatahaada kusoo laab laabatay.
Saraakiil Ka Tirsan CXD Iyo AFRICOM Oo Ka Shiray La Dagaalanka Al-Shabaab
Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Mareykan ka qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa Dorraad gaaray degmada Doolow ee G/Koonfurta Soo maaliya, iyagoo halkaas soo dhaweyn loogu sameey ay.
Wafdigan oo isugu jiray Sa raakiil, qabiiro iyo xubno ka le ayaa waxa Garoonka diyaaradaha Doolow ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo Sa raakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaas.
Saraakiisha ka socotay Taliska AFRICOM ay aa kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidan ka D/G/Gedo, iyagoona ka wada hadlay sidii ho wlgal ka dhan ah Al-shabaab looga bilaabi lah aa deeganada ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.
Sioo kale 2da dhinac ayaa isla gartay in how lgalka oo ay ka qaadan doonaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa AFRICOM lagu furi doono waddooyinka Magaalooyinka Gedo oo ay Go’d oomiyeen Shabaabka.
Si kastaba Saraakiisha CXDS ayaa dhowr je er G/Gedo ee Maamulka Jubbaland ugu dhaw aaqday howlgallo ka dhan dagaalamayasha Al-shabaab,waxaana halkaas ka dhacay dagaalo geystay khasaaro oo dhexmaray 2da dhinac.
Saddex Arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug
Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka so cda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dad ka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu han jabeen inay soo weerari doonaan.
Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, isla markaana aysan keeni karin dhallinyaro u da gaalanta Al-Shabaab.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dadkan ku am ray in la shaqeeyaan maamulkooda, islamarka ana ay u ogolaadaan in dugsiyada Qur’aanka ay macalimiin ka noqdaan xubno Al-Shabaab ah, si carruurta loo baro caqiidada ay aaminsan yihiin Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in bo qolaal qoys ay saacadihii la soo dhaafay ka bax een Bacaadweyn iyo Wasil, islamarkaana ay geereen degaano ku dhow Gaalkacyo si ay u helaan amni.
DFS iyo maamulka Galmudug ayaa u muuq da inay ku guul dareysteen in Al-Shabaab laga qabto dadka ku nool degaanadaas maadaama ay shacabka awoodi waayeen in ay iska difaac aan qatarta Al-Shabaab ee degaanadaas.
Al-Shabaab ayaa subaxii Axadda weerar cul us ku qaaday deegaanka Wisil, waxaana daga al ka dhacay ku dhintay in ka badan 30 qof. Wa xay sidoo kale marar badan horey u weerareen deegaanka Bacaadweyne.
Xigasho:Caasimadda.Net
Ciidanka Puntland Oo Toogasho Ku Dilay Rag U Dhigay Qarax Khasaaro Geystay
2 Qarax oo is-xigay ayaa Dorraad lala bee gsaday kolonyo gaadiid oo siday ciidamada PSF ee Puntland oo marayey meel ku dhow tuulada Xamure ee degmada Balidhidin
ee gobolka Bari, waxaana qaraxyadaas ku dhaawacmay hal askeri.
Sarkaal ka tirsan ciidamada PSF ayaa VOA u sheegay in Qar axa kadib ay toogasho ku dileen laba nin oo ku tilmaamay inay ah aayeen kuwii dhigayey miinada, oo uu ka mid ahaa nin kaamiro watay oo dubayey sida qar axyadu u dhaceen.
Sidoo kale Sarkaalla ayaa waxaa uu hadalki isa intaas kusii daray in qaraxa lala eegtay kol onyada uu dhaawac kasoo saaray laba Askari oo ka tirsan Puntland, uuna jirin khasaaro kale oo ka dhashay.
Maalintii Sabtida ee 26-kii June ayay aheyd markii qarax lala beegsaday ciidamo iyo mas’u uliyiin ka tirsan Puntland oo maalmahan booqa sho ku joogay magaladda Balidhidin, qaraxaas oo sababay dhimashada laba askeri iyo dhaa wacyo kale.
Jaamacadaha Muqdisho oo war kulul kasoo saartay afar arrin oo Dorraad lagula kacay
Kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda Urur ka Jaamacadaha Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ASU ayaa waxay ca basho xoogan uga muujiyeen tallaabooyin uu kula kacay maamulka goolka Banaadir.
Qoraal ay soo saareen madaxda ururkaas ka dib kulamadii ay yeeshen ay aa waxaa lagu she egay in Xafiisyada Canshuura ha Berriga deg mooyinka gobolka Banaadir uu sameeyay xad-gudub ka dhan ah macalimiinta ku shaqeynay sa duruufa ha adag iyo qaar kamid ah goobaha wax barashada.
"Iyada oo aaney jirin shuruuc si cad u qeex eysa xuquuqda uu leeyahay Macalinka Soom aaliyeed iyo waajibaadka laga rabo, ayaa wax aa soo gaaray Xarumaha Jaamacadaha amar ka soo baxay Xafiisyada Canshuuraha Berriga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dalbanaya inay soo gudbiyaan gunada ay qaataan macali miinta si looga jaro canshuur. Waxa uu macalin ku ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo dhowr xarumo waxbarasho si uu u daboolo baahidiisa dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka.
"Sida aad la socotaan burburkii kadib, wax barashada dalka qeybaheeda kala duwan wax ay ku aasaasmeen si is-xilqaan bulsho ah, iya doo Dorraad la dareemi karo miraha dadaalka bahda waxbarashada iyo kaalinta ay kaga jira an dib u dhiska dalka iyo dowladnimada Sooma aliyeed.”
Sidoo kale wuxuu Ururka ASU si weyn u ca mbaareeyay afar hab dhaqan oo uu sheegay in ay ku kaceen ciidamo yimid goobaha Waxbara shada, ayaga oo fulinaya amarka maamulka go bolka, kuwaasi oo kala ah;
La soo galid hub goobaha waxbarashada.
Handadaada iyo caga-jugleynta howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
Xarig lagula kacay howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
Xirida xarumaha waxbarashada iyadoo ay socdaan howlihii waxbarasho ee loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed.
IGAD Oo War Cusub Kasoo Saartay Doora shooyinka Ka Dhacaya Somalia
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Urur-gobal eeka IGAD ayaa lagu shaaciyey in loo baahan yahay inay Doorashadda Somalia ku dhacdo Xilligii loo qorsheeyey ee ahaa muddo 60 cisho gudaheeda.
Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia waxay Kulankoodii la soo gebagebeeyey bishii la soo dhaafay ee May 27-dii waxay isku raa ceen Xilliga inay Doorashooyinka ku dhacaan xilliga loo cayimay oo
ahaa 60 maalmod gudahoda
Bayaanka IGAD oo laga soo saaray Shirkii 72-aad ee G/Wasiiradda Arrimaha Dib edda ee dalalka xubnaha ka ahUrur-gobaleedkaasi ayaa lagu shaaciyey inay lama huraan tahay inay Do orashadda Madaxtinimada Somalia noqoto mid Nidaamsan, Nabadeed, Hufan, Daah-furan, lag una kalsoonaan karo.
Bayaanka waxaa kaloo lagu bogaadiyey Ma daxweyne Farmaao, RW Rooble, Shanta Mada xweyne Dowlad-gobaleed iyo Murashixiinta oo Is-afgarad ka gaaray Nidaamka Doorashooyin ka soo socda.
Dhinaca kale, Bayaanka IGAD waxa kale oo Baaq ka soo saaray Doorashadda soo socota ee Madaxtinimada dalka Kenya ka dhici doonta bisha August 9-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.
Saraakiil ka socota Howlgalka Africom oo gaaray Gobolka Gedo
Waxaa D/Doolow ee G/ Gedo Dorraad ga aray sarakiil sare khabiiro iyo macalimiin ka so cotay Taliska Howlada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaano (AFRICOM).
Garoonka diyaarada ha degmada Doolow ay aa waxaa saraakii sha ku soo dhawey ey, Taliyayaa sha u gu sareeyo Ciida ma da dowladda Sooma aliya ee G/Gedo iyo mas’uuliyiin kale
Intaasi kadib Saraakiisha ayaa waxaa ay kul an la qaateen Saraakiisha Ciidamada dowlad da & kuwa AMISOM, kaas oo looga hadlay sidii ciidamada SNA, Amisom, Taliska Africom Som alia, ay isaga kaashan lahayeen howlgal ka dhan ah A-Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doono guud ahaan Gobolka Gedo.
Howlgalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu noqon doono mid la isugu furayo Wadooyinka qaar ka mid ah magalooyinka Gobolka iyo go obaha yar oo markaasi ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada iskudhafka ee M/Gaalka cyo oo heegan la geliyay
Guddoomiyaha D/Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee G/Mudug Maxamed Xas an Walloore ayaa Dorraad kulan la qaatay Sara aki isha Cidmada isku dhaf ka ah ee M/ G/kacyo.
Mas’uusliiyiintaan ayaa ciidaanka iskudhaf ka ah kala hadlay xoojinta wadashaqayneed ee amniga degmada Gaalka cyo iyo isku xirnaan shaha ciidanka.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa maamul ka degmada iyo kan Gobalka waxaa ay dadaal xoogan ku bixiyeen ka shaqaynta amniga mag aalada oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal qorsh eysan. Mas’uuliyiinta Maamulka G/Mudug Pun tland iyo kan D/Gaalkacyo ayaa sheegay in he egan la geliyay Ciidamada, iyaga oo kula dard aarmay inay ammiga guud ee M/Gaalkacyo ay siweyn u adkeeyaan.
Muxuu yahay mashruuca culus ee uu wado Erdogan ee walaaca laga
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdog an ayaa si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashquulka badan ee ku yaala gacan ka magaalada Istanbul wuxuu dhawaan xarigga ka jaray mashruuca kan aal looga dhisayo ma ga aladaas.
Erdogan ayaa mash ruucaan oo uu ku bax ayo 15 bilyan oo dollar, laguna magacaabo Ca nal istanbul, ku sheegay inuu yahay mashruuc han weyn laga leeyahay Isla markaana ah mid ka shaqeenayo danaha shacabka Reer Turki.
"Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istan bul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay xafladda xa rig jarka mashruucaas.
Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 ki lo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus.
Mashruucaan ayaa wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad lix sano sida laga soo xigtay sa raakiil ka tirsan Dowladda Turkiga, balse wuxuu mashruucaan la kulmay dhaleeceyn tiro badan oo ka imaaneyso qeybaha kala duwan ee Bul shada dowladdaas iyo hey’adaha kala duwan.
Dadka dhaleeceynta usoo jeediyey mashruu caan ayaa sabab uga dhigay inuu dhibaato ku yeelan doono deegaanka, sidoo kalaa waxay ku tilmaameyn inuu yahay mashruuc waali ah oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo Biyaha.
Sidoo kale dhaleeceynta loo soo jeediyey mashruucaan waxaa kamid ah inuu ku kacayo lacag aad u badan taasna ay keeni karto in de ymo badan uu soo amaahdo Turkiga.
Dooda looga soo horjeedo mashruucaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu yalis weyn ku yahay noolaha badda, halka uu halis gelin karo biyaha macaan oo ay hadda helaan dadweynaha reer Turki.
Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah.
UK oo qorsheyneysa inay Africa ka furato xarun lagu hubiyo qaxootiga magangalyo-doonka ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa qorsheyneysa sha rci awood u siinaya waaxda arrimaha gudaha inay dadka soogalootiga ah ee dalbanaya magangalyada u diri karto codsigooda dal kale oo dibadda ah, si loo baaro qaxootinimadooda.
Nidaamkan ayaa hadda kaliya ka jira waddan ka Australia. Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegta in Xo ghayaha Laanta Socdaalka Priti Patel ay kala hadashay dowladda De nmark inay dal Africa ku yaal ka wada furtaan xarun lagu eego codsi yada qaxootiga.
Booliiska Kenya oo soo xiray Burcad u labistay sidii dumarka.
Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka, ayaa kamid ah laba ruux oo laga shakisan yahay oo ay booliiska Kenya soo xir een. Waxaa lasoo xirey burcaddan mar ay isu diyaariyeen iney ku kaca an fal dambiyeed ag aga arka xaafadda Langata ee magaalada Nai robi.
Peter Omweno Mom anyi, waa 24 sano jir, kaasoo loo xirey inuu u labistay sidii haweenka, iyadoo uu wehlinayey saaxiibkii John Muchiri Kimani, oo 25 sano jir ah.
The suspects defied the order of a police officer who asked them to stop after looking clo sely at one of them and discovering that she was not a woman. Labadan qof ee laga shaki san yahay, ayaa iska diidey amar uu siiyey sar gaal booliis, kaasoo ka dalbadey iney istaag aan, kagadaal markii uu labadooda mid kamid ah uu si wanaagsan inta u eegay, markaa kadi bna uu ka shakiyey inaanu haween aheyn.
Markii uu ku amrey iney istaagaan, way ka diideen, iyagoo markaa kadib ka cararey.
Si kastaba ha ahaatee, burcaddii, ma aysan fileyn in sargaalka booliiska uu awoodi doono eryistooda, illaa iyo markii uggu danbeysay uu soo xirey iyagii.
Maxaa Ka Jira Inuu Baxsaday Boqorka Dal Ay Xiisad Ka Taagan Tahay?
Dalka yar ee Eswatini oo horey loo oran jirey Swaziland ayaa waxaa ka taagan xiisad, iya doo la sheegay inuu Boqorkii dalkaasi u baxsa day dalka Koonfur Afrika.
Ku-simaha R/wasaaraha dalka Es watini, Themba Masuku waxa uu beeniyey War ar ay Warbaahintu ku shee geen inuu baxsaday Boqor Masati-hii3-ad.
Hadal-qoraal oo uu Ku-sima ha RW soo saaray waxa uu ku xu say inuusan Boqorka ka ca rarin Dibadbax yo looga soo ho rjeeday Taliska Boqortooyada.
Waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay is-dejiyaan iyo inay muujiyaan Is-xakamayn.
Boqorka dalkaasi, Masati-hii 3-aad oo 53-jir ah waxaa la soo weriyey inuu Habeen hore u gudbay Xuduudka dalka Koonfur Afrika, kadib, markii ay Dibadbaxayaal aan ku faraxsanayn Xukunk iisa iyo Nidaamka Boqortooyada ay isugu ban baxeen Waddooyinka, iyagoo codsanayey Isb edelo
Wasiir Xaniifa oo ka hadashay kulankoodii Golaha Wadatashiga
Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuq ul Insaanka Somaliya, Xaniifa Maxamed Ibr aahim Xaabsade ayaa ka warbixisay kulan ay Shalay iyagoo tiro haween ah la yeesheen Gol aha Wadatashiga Qaranka.
Wasiiradda iyo laba haween oo kale oo la socday ayaa metelayay haweenka Soomaaliy eed, waxayna R/ Wasaaraha, Madaxda D/Gob oleedyada iyo Gudoomiyaha G/Banaadir kala hadleen xaqiijinta qoondada haweenka (30%) ee 2da Aqal ee Baarlaaanka Somaliya.
"Shalay waxaan tagnay Xarunta Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ka socday, oo ay fadhi yaan Madaxda D/Goboleedyada, R/ Wasaara ha iyo Gudoomiyaha G/Banaadir, anagoo ka ko obnayn haweenka Baarlamaanka, bulshada ray idka iyo anigoo Wasiiraddii ah. Waxaan dalban ay inaan Madaxda la kulano, anagoo markaas rabnay inaan ku adkeyno xaqiijinta kuraasta loo sameynayo dumarka, wayna na qaabileen.” Ayay tiri Wasiiradda.
Waxa kaloo ay tiri "Waxaan ku adkeynay qa biil kasta oo saddex kursi leh in hal kursi ay ga bar noqoto ama in la sameeyo kuraas loo qoo ndeeyay dumarka oo keliya ku tartamaan.”
Xaniifa ayaa tiri "Runtii Madaxda aad bay noo soo dhaweeyeen, waxayna nala qaateen, oo ay noo xaqiijiyeen in la xaqiijin doono boqol kiiba soddonka ee qoondada haweenka.”
Xaqiijinta qoondada haweenka ee 2da Aqal ee Baarlamaanka waa mid ka mida heshiiskii 5-ta qodob ugu muhiimsanaa ee 27-kii bishii May ay Madaxdu ku gaareen M/Muqdisho.
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dalka Itoobiya Kadib Xabbad Joojintii Dowladda Iyo TPLF
Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Ito obiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaarsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciida mada dowlada.
Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqo oyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Q/ Midoobay. Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horeysay isaga baxay magaalada.
D/Itoobiya ayaa go bolka Tigray uga dhaw aaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu R/Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ci idamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas mee sha uga saaro.
Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay ti mid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joga an waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle
Turkiga Oo Dayax-Gacmeed Isgaarsiineed U Diraya Hawada Sare
Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inay sanadka soo soc da Hawada Sare u diri doonaan Dax-gacmeed ka Türksat 6A satellite.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasa badda Hawlgelinta Dayax-Gacmeedka kale ee Turksat 5A oo Dorraad lagu qabtay Degmadda Gölbaşı oo 20-KM dhanka Koonfurta kaga too san caasimadda Turkiga ee Ankara.
Erdogan waxa uu tilmaamay in ay Turkiga ka mid noqon doonaan 10-ka Waddan ee Caal amka ee soo saara Dayax-gacmeedyada Isga arsiinta, iyadoo Dayax-gacmeedka Türksat 5A satellite oo Hawada loo diri doono dabayaaqa da sanadkan uu ka shaqeyn doono dalal ku ya alla Eruope, Bariga Dhexe iyo inta badan dalal ka Afrika, oo aysan ku irin Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Dhinaca kale, Dayax-gacmeedka Türksat waxa uu bixin doonaa Adeegyada Baainta Tel efishinada ee Europe, Bariga Dhexe iyo Qaara dda Afrika.
Golaha Ammaanka Ee QM Oo Kulan Deg-Deg Ka Yeelanaya Colaadda Tigray-Ga
Dowladaha Maraykanka, UK iyo Ireland wax ay si wadajir ah ugu baaqeen Shir Degdeg ah oo ay Golaha ka yeeshaan Xaalladda Gobalka
Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.
Ilo Diplomaasiyadeed oo la hadlay Wakaallad da Wararka REUTERS waxay sheegeen in Shir ka la qaban doono sida ugu dhaqsaha badan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ee soo socota.
Dalalka Reer Galbeed ka weli kuma guuleysa nin inay isku-duwaan Fa dhi Guud oo looga hadl ay Xiisadda Gobalka Tig rayga, iyadoo dalalka Shiinaha iyo Raashiya oo awood Qay axan ku dhex leh Golaha Ammaan ka oo ay wehliyaan inta badan dalalka Afrika waxay u arkaan in Xi isadda Tigr ayga tahay mid khuseysa Arrimaha Gudaha ee Eth iopia.
Kulanka Degdeg ee ay Maraykanka, UK iyo Ireland abaabulayaan waxa uu ku soo beeg may, iyadoo ay Maleeshiyadda Kooxda Tigray ga ee TPLF dib ula wareegeen Caasimadda Gobalka Tigrayga ee Mekhelle.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ant onio Guterres waxa uu Khadka Telefoonka ku la hadlay RW Abiy Ahmed, oo ay isla eegeen rajada lagu joojin karo Colaadaha, Badbaadinta dadka Rayidka, Gargaar la gaarsiiyo dadka u baaan iyo in sidii Xal Siyaasadeed looga dham ayn lahaa Colaadda Gobalka Tigrayga.
Wasiirka Arrimaha Dibada Israil oo booqa sho ku jooga Imaaraadka Carabta
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibbada israil Yair Lapid ayaa booqa sho ku tegey Imaaraad ka Carabta isagoo si ras mi ah u furi doono safaa radda Israel ee Abu Dhabi iyo qunsu liyad da Dubai. Wasiirka arrimaha dibedda ee cusub ee Israa’iil waxaa martigelin doona dhiggii sa Im aaraatka, Abdull ahi bin Zay ed Al Nahy an. 2da diblomaasi ee u gu sareysa dalalka ayaa la fila yaa inay ka wa da hadlaan arrimo badan oo 2da dal ku saabs an booqasha da 2da maalmood ah, oo ay ku jirto iskaashi ga dhaqaala ha, gana cs iga iyo amniga.
Inta lagu guda jiro bo oqashada labada ma alm ood, Lapid ayaa la kulmi doona dhiggiisa Imaar aatka, Sheek Cabd ullaahi Bin Sayid Al Nahy aan , wuxuuna daah furi doonaa safaaradda Isr aa’iil iyo qunsuliyad da oo ku kala yaalla mag aalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai.
Booqashadan waxay sidoo kale muhiim u tahay is waa dhexgalkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee u dhaxeeya labada dhinac tan iyo dgaaal kii Israa’iil iyo Qaza ee bishii hore. Ugu yaraan 256 qof ayaa lagu dilay Qaza, sida laga soo xi gta Qaramada Midoob ay, halka 13 kalena lagu dilay gudaha Israa’iil.
Israel ayaa caadi ka dhigtay xiriirkii ay la la hayd Imaaraadka iyo Baxrayn iyadoo dowlad dii R/wasaarihii hore ee Israa’iil Benjamin Netany ahu, oo 12-kii sano ee uu xukunka hayey ay dhammaatay horaantii bishaan.
Madaxweynihii hore Koofur Afrika Jocob Zu ma oo 15 bilood oo xabsi ah lagu xukumay
Madaxweynihii hore ee K/Afrika, Jacob Zuma, ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah.
Waxaa loo qabtay Jocob Zuma muddo shan maalmood inuu isku dhiibo booliska. Haddii taa la waa yo, wasiirka booliisku waa inuu amraa xarigiisa.
Xukunka ayaa yimid kadib mar kii maxkamada dastuuriga ah ay ku heshay dambi ah xaqira ad uu ka horyimid amarkeeda si ay uga soo muuqato baaritaanka musuq maasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.
Waqtiga Mr Zuma ee xukunka, oo dhamma aday 2018, waxaa har eeyay eedeymo mus uq maa suq.
Maxkamadda ayaa ka baara an dageysa in Zuma lagu ciqaaba yo iyo in kale ku gacan seyr ida yeeritaan max kamadeed oo aheyd inuu ka soo hormuuqdo,
Guddoomiyaha guddiga sida gaarka ah ugu daba jira, ayaa baarayey eedeymaha ay usoo jeedisay maxkamadda, iyagoo ugu danbeyntii ku dhawaaqey in Zuma lagu helay danbi ah in uu quursadey maxkamad, sidaasi darteedna ay ku xukumeen laba sano.
Tan iyo intii uu is casiley sanadkii 2018-kii, Zuma ayaa isaga daba laalaabanayey maxka mad, taasoo kusoo oogeysay eedeymo la xiriira musuq masuq, in kastoo uu isagau iska diidey.


0 



HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA JUUN 2021-KA....
...