Madaxda dalalka Masar,Ciraq iyo Jordan oo ku kulmay magaalada Baqdad

0
Monday June 28, 2021 - 19:51:21 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda dalalka Masar,Ciraq iyo Jordan oo ku kulmay magaalada Baqdad

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Raiisel Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi iyo Boqorka Jordan King Abdullah ayaa ku kulmay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraq. Al-Sisi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Masar ka socda oo booqda m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Raiisel Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi iyo Boqorka Jordan King Abdullah ayaa ku kulmay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraq. Al-Sisi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Masar ka socda oo booqda magaalada Baqdad tan iyo sanadkii 1990kii, markii Saddam Hussein uu ku soo duulay Kuwait. Saddexda hoggaamiye ayaa waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo danaha gobolka sida horumarkii ugu dambeeyay ee ku saabsan arrinta Falastiin, la dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaalaha, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xoojiyo wadatashiga iyo isku dubaridka saddexda dal ee arrimaha ugu muhiimsan ee gobolka. Kadhimi, Sisi iyo Abdullah ayaa ku kulmay magaalada Amman ee dalka Jordan sanadkii la soo dhaafay waxaana lagu waday inay shir kale ku qabtaan magaalada Baghdad bishii Abriil, laakiin waxaa dib u ride ka dib markii uu shil tareen oo halis ah ka dhacay Masar. Ciraaq ayaa qorsheyneysa inay dhisto dhuumaha shidaalka qaada oo la doonayo in maalin kasta laga dhoofiyo 1 milyan oo foosto magaalada koonfurta ku taal ee Basra lana geeyo dekedda Aqaba ee Badda Cas. Dagaalkii ugu horreeyay ee Khaliijka ayaa kala dhantaalay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Ciraaq iyo Masar, laakiin xilliyadii laga soo gudbay ayuu soo wanaagsanaanayay xiriirkooda iyadoo saraakiil sar sare oo badan oo ka tirsan labada dal ay isweydaarsadeen booqashooyin. Mareykanka ayaa ku boorrinayay ciraaq inay xoojiso xiriirka ay la leedahay wadamada carabta si looga hortago saameynta Iran waxaana booqashada Sisi ay tahay wareega seddexaad ee wadahadalada u dhexeeya Masar, Jordan iyo Iraq oo looga gol leeyahay iskaashi dhow oo dhanka amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Sanadihii ugu dambeeyay waxay labada dal ee Masar iyo Ciraaq kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo ku saabsan tamarta, caafimaadka iyo qeybaha waxbarashada. Xigasho;Reuters




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip