HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-JUUN 2021-KA....

0
Monday June 28, 2021 - 09:52:14 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-JUUN 2021-KA....

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u direy Shacabka Jabuuti

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray hambalyo ku aaddan sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornima da Jamhuuriyad da abuuti.

Madaxweynaha ayaa tilmaam ay dadaalkii ay ku bixiyeen shacab ka iyo dowladda Soomaaliye ed hal gankii gobanimo doonka ee walaalaha Jab uuti, ta as oo ka turjumeysa is garab-taagga wala alnima da iyo naf-hurnimada leh ee ka dhexeeya 2da dal.

"Sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xornimada walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti waa mid farxad gaar ah u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, maadaama ay kaalin weyn ka soo qaateen helitaanka gobanimadooda, si ay xor uga noqdaan gumeystihii Faransiiska”

Maxamed C/hi Farmaajo ayaa kula dardaarm ay shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti in ay adkeystaan isku duubnidooda iyo midnimadoo da, waxa uuna alle uga baryay baarwaaqo, nabad waarta iyo horumar ka sii ballaaran mid ay haatan haystaan.

30 maalin kadib maxaa ka hirgalay heshiis kii 27-ka May ee doorashada Soomaaliya?

Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee he shiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaali ya.In kasta oo bil tagtay haddana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanaya an ra’isul wasaaraha iyo madax da Dowlad goboleedyada, tiiyo xa taa la sheegayo inuu qaadhacay Gu ud-laawe oo ah madaxweyn aha Hirshabelle.

"Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashi ga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir Shalay uga furmaya Magaalada Muqdisho.” Ay aa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle

Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro ar rimo ay ka mid yihiin

Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn Jadwal ka Doorashada 2021 Ansixinta qorshaha amniga doorashada Anisixinta habraaca xulista odeyaa sha, ergada iyo bulshada rayidka ah .

Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka lab ada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho.

Intaas kadib, waxaa lagu wadaa in la guda gal o doorashada aqalka sare oo ka dhaceysa xildhi baannada baarlamaannada maamul goboleedya da, waxaa kale oo la bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada golaha shacabaka oo gaaraya 275

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulm ay Madaxweynaha Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee So omaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kula ku lmay M/Muqdisho Mad axwey naha dow lad Goboleedka Ju bbaland Axmed Maxamed Isla am.

Kulankan ayaa Labada mas ’uul ayaa waxaa ay ugaga wada hadleen sidii loo dardar galin la haa dadaalada loogu jiro qabs oomida Doora shooyinka Baarlamaanka iyo iyo tan Madax weynaha.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxa med Islaam dadaalada uu gelinayo sidii dalkaan u ga dhici laheyd dooraso oo dhan yahay.

Madaxweynaha Goboleedka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam ayaa waxaa uu ka mid ya hay madaxda maamul goboleedyada ee u jooga magaalada Muqdisho kulanka Golaha wadata shiga doorashooyinka.

Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaa dacay shirka ka furmaya Muqdisho

Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta uu Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe u qaadacay ka qeyb-galka shirka ra’ii sul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

Qoraal Shalay kasoo baxay HirSh abelle ayaa lagu yiri "Dowladda Hir Shabeelle waxay cadeyney saa ina ysan qeyb ka ahayn shirka golaha wa datashiga qaran ee dowladda fed eraalka, dowl adaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Ban aadir. Dowladda Hir Shabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabs oomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doon aan wax quseeya dowladda HirShabelle.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu dareemayo in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysan eyo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka car reysiisay.

Sida aan xogta ku helnay, Guudlaawe ayaan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zo om-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka ka dhacaya Muqdisho. Guudlaawe oo ku sugan Turkiga, ayaa awoodi waayey inuu qadka soo galo, hase yeeshee waxaa la qabtay kulanka, ayada oo aan loo sameyn wax cudur daar ah ama aan dib loogu dhigin.

Waxaa sidoo kale, kulankaas lagu go’aamiyey ajendayaasha shirka, taasi oo Guudlaawe aan si doo kale lagala tashan, wuxuuna madaxweyna ha HirShabelle dareemay in laga soo qaaday qof aan miisaan laheyn oo ku gowracan waxa ay isku raa caan xubnaha kale ee G/wada-tashiga qaran.

Sida ay ku warrameen ilo-wareedyada la had lay Caasimada Online, ayada oo Guudlaawe uu sidaas dareemayo, ayaa haddana Habeen hore mar kale la go’aamiyey in shirka Shalay uu furmo, xilli Guudlaawe uu dalka ka maqan yahay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa markaas ka dib sii carrooday, wuxuuna is-weydiiyey sababta marar badan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shirar loogu hakiyey toddobaadyo, isagana loogu dulqaadan waayey maalmo kooban oo uu safar ku maqan yahay, wuxuuna kadib soo saaray qor aalka uu shirka ku qaadacay.Madaxweynaha Hir Shabelle ayaa kasii maqnaan doona dalka illaa Ji mcaha, markaas oo la filayo inuu kusoo laabto, waxaana hadda hakad galay shirkii kadib go’ankii uu qaatay. Xigasho:-Caasimadda.net

Al-Shabaab oo weerar ku billowday is-miidaamin ka fulisay Mudug + Khasaaraha

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo Shalay ka dhacay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax

is-miidaamin ah oo loo aadeegs aday gaari laga soo buuxiyey wal xaha qar xa ku qaadeen sal dhig yo ciida mada Xoogga dalka Soo maaliyeed iyo kuwa Galmu dug ay ku leeyih iin deegaank aasi oo u dhexeeyo Hob yo iyo Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay laba da dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaan ka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidamada dowladdda ayaa sheegay inay iska difaaceen we erarka uga yimid kooxdaasi, isla-markaana ay dib ugu noqdeen deegaanka Wisil.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareem ayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey waxaa deegaanada Galmudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan Al-Shabaab & sidoo kale ciidamada huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud iyo Mudug

Wasaaradda amniga Galmudug oo war kasoo saartay weerarkii Alshabaab kusoo qaadeen Wisil

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa war qor aal kasoo saartay weerar kooxda Alshabaab saa kay aroornimadii hore kusoo qaadeen fariisin cii damada Galmudug ay ku lahaayeen magaalada Wisil oo dhacda 60km dhanka Woqooyi ee M/ Hobyo.

Wasaaradda amniga waxay sheegtay qorshaha Alshabaab inuu ahaa in ay la wareegaan Magaalada istiraat iijiga ah ee Wisil, ayna lay aan ciidamadii halkaas ku sugnaa, sidoo kalena qabsadaan gaad iidka iyo hubka saldhigaas ya allay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerarkaas, wax ayna sheegtay in ay khasaaro xooggan gaarsi iyeen kooxda Shabaab ee soo weerartay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarkaas Shabaab looga dilay kontomeeyo islamarkaana Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusama reeb, Hobyo iyo deegaamo kale.

Galmudug waxay ugu dambayn tacsi u dirtay ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, mana sheegin tir ada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray ciida mada Galmudug iyo dadka shacabka ah.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in ay 52 Askari ku dileen weerarka ay kusoo qaadeen Wisil. Bishii Ramadaan ayay ahayd markii Alshab ab ay si nabad galyo ah kula wareegeen

Degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

DF oo war kasoo saartay weerarkii Wisil, iyo wararkii ugu dambeeyey khasaaraha + Sawirro

Dowladda FS oo si adag u cambaareysay we erarkii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab Shalay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkaas oo ahaa mid culus.

Ugu yaraan 30-qof oo shacab iyo askar isugu ji ra ayey Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaa deen deegaanka Wasil oo dhaca koonfurta gob olka Mudug, halka dhankooda Al-Shabaab laga di lay 41-dagaalame, sida ay sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Ca bdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loo gu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo Shalay mu ujiyey geesinimo, iskana caabiyey Shabaabkii soo weeraray.

"Xukuumaddu iyadoo dhiiragelineysa guusha sha cabka reer Wisil waxay qaaday tallaabooyin deg deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay wa xyeeladu ka soo gaartay weerarkii iyo qaraxyo ay dhulka geliyeen nabadiidka Al-Shabaab,” ayuu yiri Al-Cadaala oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkaas.

Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala deega anka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana Shalay Wisil dhaawacyo is ugu jira shacab iyo askar ka soo qaaday diyaarad ay dirtay dowladda federaalka, taas oo ka soo dejisay Muqdisho.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soo maaliyeed ee gobollada dhexe ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii Shalay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka bada na looga dhaawacay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFADEDKA DF

PUNTLAND oo toogasho wadareed ku fulisay 21 qof

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa Shalay toogasho ku fuliyey llaa 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay horey xuk un dil ah ugu ridday maxkamadda ciidamada maa mulkaasi oo go’aan ka gaartay kiiskooda.

Xubnaha la toogtay oo dhammaan rag ah ayaa waxaa ay ahaayeen shabakado isku xirnaa oo ay Puntland ku eedeysay inay dad badan ku dileen magaalooyinka maamulkaasi. Toogashada ayaa ka kala dhacday Gaalkacyo oo lagu dilay 18 xubnood, Garoowe oo lagu toogt ay labo xubnood iyo xubin kale oo lagu toogtay magaalada Qardho ee gobolka Bari

Sidoo kale ragga la toogtay waxaa ku jiray sar aakiil sar-sare oo horey warey siyo looga qaaday, kuwaas oo qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shab ab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo khasaare dhaliyey ka fuliyeen Puntland, waxaana ka mid ahaa Faysal Axmed Ba shiir (Gujis), Maxamed Xa ashi Mu’min (Abu-Day ib) iyo Maxamed Cali Cuu ke (Jeeri).

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidama da Puntland Gen. Maxamuud Cabdi Maxamed ay aa fulinta toogashada, kadib la hadlay warbaahin ta, wuxuuna ka warbixiyey heerarka maxkamade ynta ee ay soo mareen ragga Shalay oo Axad ah ay dilka ku fulisay Puntland.

"Maxkamadda ciidamada waxa ay muddo ku howlaneen in Gobolka Mudug ka ciribtirto dadka laayay labeynta iyo indhaha bulshada, hay’adaha baarista Puntland waxa ay ka qaateen kaalintii ug u weyneed oo qof waliba baaris ayaa la mariyay ka hor inta aanay la geyn maxkamadda” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidama da General Maxamuud.

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo dad gaaraya 21 qof gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xooj isay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhi gooda uu yahay dhulka buu raleyda ah ee gobolka Bari.

Puntlad oo farriin culus u dirtay ururka Alshab aab kadib xukunkii Shalay lagu fuliyay 21 nin oo Shabaab ah

Taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Mudug G/le sare Muumin Cabdi Shire ayaa farriin culus u diray ururka Alshabaab, kadib markii Shalay M/Gaalkacyo lagu toogtay 18 nin oo ay Puntland ku sheegtay in ay aha ayeen shabakad Shabaab katirsan oo dilal iyo qoraxyo ka geystay Puntland.

G/le sare Muumin Shire oo saxaaf adda kula hadlayay goobta tooga shadu ka dhacaysay, ayaa sheegay in Puntland uusan ka fakan doonin qof kaste oo isku daya inuu ummadda dhiiggeeda daadiyo.

Muumin wuxuu sheegay in ay ogyihiin odaya al iyo ganacsato la shaqeyn jiray Alshabaab oo ha y'adda amnigu il gaar ah ku hayaan.

"Waxaan ognahay dad badan oo waawayn oo odayaal ah, oo ganacsato leh, oo cid kaste leh, oo howlahaas ku lug leh ama kasoo shaqeeyay. Cid aan daynayno ma jiridoonto. Waxaan wax ku dilay naa sharci iyo si dadban.”

Si kastabe ha ahaaatee, ayaa Shalay Puntl and xukun dil ah ku fulisay 21 rag ah oo ururka Alshabaab katirsa naa. 18 kamid ah ayaa lagu to ogt ay magaalada Gaalkacyo, 2 kale ayaa lagu to ogtay Garowe, halka midna lagu toogtay magaa lada Qardho.

Waa dil wadareedkii ugu badnaa oo ay Puntl and ku rido xubno katirsan Alshabaab. Muuqaal la soo galiyay baraha bulshada ayaa la arkayay cii damada Puntland oo si toos u tooganaya xubn aha Alshabaab.

"Guddoomiye Sanyare”Puntland waxay fulis ay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta’ Al-Shabaab Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland Shalay ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukun tay maxkamadda ciidamada maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweey ey toogashadan oo ka dhacday M/Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartam aha Soomaaliya.

"Waxaan hadda ku fulinay Xukunkii Maxkamad eed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu wa ynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee muda da 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan dar ida ah ku laynayey Bulshada M/Gaalkacyo. Xukun kan Maxkamadeed waxaan ka fulinay M/ Gaalkac yo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gu dno Qisaasta,” ayuu yiri guddoomiy uhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay fuliyeen mid ka mid ah yoolashoo da ka sifeynta deegaanada Puntland ee kooxda Al-Shaaab, sida uu hadalka u dhigay.

"Ka maamul ahaan waxaa fulay mid ka mida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Urur ka Argagixisada Alshabaab guud ahaan Gobolka Mudug” ayuu yiri Md. Sanyare isagoo itaa ku dray:- intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badn ayd abid ee soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya Shalay oo dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto u noqon doonta M/Gaalkacyo,”ayuu markale yiri guddoom iye Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo rag gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoo jisay dagaalka ay kula jirto koo xaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigo oda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Musharax Dr Abdinasir; "Waxaan diyaar u ahay hoggaanka dalka”

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo Habeen hore ka qeyb galay casho sharaf mahadcelin ah oo uu u sameeyey xubnaha Xisb iga Gurmad ee Muqdisho kaalintii muhiimka aha yd ee ay ku lahaayeen soo dhaweynta ma alintii Ji mcaha ayaa shee gay inuu diyaar u yahay baratanka hoggaan ka dalka.

Wuxuu sheegay in dadka Soom aal iyeed aysan haysan adeegya dii do wladnimo ee ay mudnaa yeen taa soo ku kalliftay inuu markale isku soo taago inuu qabto hoggaan ka Soomaaliya.

"Walaalayaal waxaan rabnaa inaan ka wada shaqeyno sidii dalkeenna iyo dadkeennaba ay uga bixi lahaayeen dhibta waana mid loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, taasina waxay ku imaanaysaa in hoggaanka Soomaaliya uu noqdo mid aragtida Shacabka ku shaqeeya”.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir ayaa ifaf aalo ka muujiyey sida uu ugu hanweynyahay inuu qaban doono hoggaanka dalka lana imaan doono isbeddel iyo aragtiyo cusub oo Soomaaliya u horseedi doonta horumar iyo nabad waarta.

Musharax Dr Cabdinaasir oo ka mahadceliyay

soo dhoweynta loo sameeyay

Madax Carbeed Oo Farriin U Diray Madaxw eyne Geelle Iyo Shacabka

 Jabuuti

Xilli Shalay loo dabaal-degayo 44-guuradii ka soo wareegtay markii ay Reer Jabuuti ka xoroob een Gumeysigii Faransiiska ayaa waxaa Shalay si ballaaran looga dabaal-degayaa gudaha dalkaasi iyo dalal kale.

Boqorka dalka Sacuudiga, Boqor Salmaan Bin C/Casiis Ala-Sacuud iyo Dhaxal-sugaha dalkaasi, Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay Mad axweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhamaan Shacabka Reer Ja buuti ugu hambalyeeyeen Maalinta Xorriyadda dal ka Jabuuti oo ku beegan Shalay oo ay taariikhdu tahay 27-ka June.

Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar, Sheekh Ta miim Bin Xamad Al-Thani iyo Ku-xigeenkiisa, Cab dalla Bin Xamad Al-Thani waxay Dhambbaal Hab alyo ah u direen Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle munaasbadda Maalinta Xorriyada ee dalkiisa Jabuuti.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo u jawaab ay madaxweyne Farmaajo

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleeban Yu suf Cali Koore, ayaa wax laga xumaado ku tilm amay hadalkii madaxweyne Farmaajo ee aha "So maliland kacdoon midnimad doon baa ka socda".

Wasiirka ayaa sheegay in mad ax weyne Farmaajo aanay arrima ha So maliland waxba ka khusayn.

"Waxan aad uga xumahay in madaxweynaha wakhtigiisu dhamaday, ee tangiyada Afrikanku ku wareegsanyihin uu dad tashaday yidha kacdon baa ka socda" ayuu yidhi.

Wasiir Koore ayaa sheegay in caalamku uu xaqiiqsaday jiritaanka umada Somaliland.

"Caalamku waxay fahmeen oo ay garteen in ummada Somaliland tahay, umad xaqiijisay dimuq uradiyada iyo jiritaanka" ayuu yidhi.

"Umada Somaliland maaha umad sida adhiga dasada (gasac) shugux-shuguxda ka didaysa" ayuu yidhi.

Koore ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo anu waxba u dhimayn Somaliland.

"Kalmad uu Farmaajo yidhi uma malaynayo in ay wax u dhimayso reer Somaliland" ayuu yidhi.

Wasiir Koore ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu cadawad kula kacay Somaliland tan iyo markii la doortay.

"Waxay umada Somaliland ka dharagsantahay ilaa maalintii 100 nin doorten ee qolka lagu xeree yay in uu cuqdad iyo cadawad umada Somaliland la daba joogay" ayuu yidhi.

Hadalka wasiir Koore ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo sheegay in Somaliland uu ka socdo kacdoon midnimo doon.

QATAR OO QM KA HOR SHARAXDAY

Dowladda Qatar ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sharaxday qorshaheeda ku aadan caa wimaadda Soomaaliya, ayada mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in loo wajaho qaab dha mmaystiran oo looga hortagayo xagjirnimada rab shadaha wata ee ka jirta Soomaaliya.

Go’aankaan ayey Dowladda Qatar ku sheeg tay bayaanka uu Wakiilka Joogtada ah ee Dowla dda Qatar Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani u gudbiyay Qaramada Midoobay.

Ambassador Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani oo ka hadashay munaasabadda asbuucii labaad ee Qaramada midoobay ee La-dagaallan ka Argagixisada oo cinwaankeedu yahay "caqaba daha cusub iyo kuwa soo koraya ee tobanka sano ee soo socoto: iyada oo loo marayo dhaqan-celin ta iyo dib-u-dhex-galka Soomaaliya,” oo ay soo qa ban qaabisay Dowladda Qatar oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sandu uqa Hawlgelinta iyo adkeysiga Beesha Caalamka.

Safiirka ayaa shara xday in Qatar ay taa geero siiso Sand uuqa Caalamiga ah iyadoo ay ujeedada tahay ka hortagga iyo la-dagaallanka xag-jirnimada iyo arg agixisada, waxayna sheegtay in ay si weyn u aam insan tahay lama huraanka wax ka qabashada xag-jir nimada rabshadaha wata, iyadoo xustay in ho wlaha uu qabtay Sanduuqa Caalamiga ah ay ka faa’ideysteen dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

"Qatar waxay leedahay qorshayaal dhowr ah oo caalami ah oo loogu talagalay in lagu dhiso bul shooyin nabdoon, cadaalad ah, oo loo dhan yah ay isla markaana kor loogu qaado xasiloonida iyo sinnaanta heerarka siyaasadeed, bulsho, iyo dha qaal” ayay tiri Ambassador Sheikha Alya

Waxay sharraxday in Qatar ay higsaneyso inay horumariso dhaqanka nabadda iyo dulqaad ka iyadoo loo marayo waxbarashada iyo isboort iga. Sidoo kale waxay shaacisay in dowladda Qa tar ay aad u daneeneyso in la hagaajiyo xaalada ha dhaqaale iyada oo la siinayo fursado shaqo iyo kaalmooyin horumarineed wadamada ku nool xaaladaha khilaafaadka ama kuwa kasoo baxaya.

Sheikha Alya ayaa carabka ku adkeysay in Qatar ay marwalba tahay saaxiib caalami ah oo la isku halleyn karo oo ay leedahay Soomaaliya, ma adaama ay siiso taageero siyaasadeed iyo nooc yo kale oo ay ku jirto taakuleynta militariga, si loo xoojiyo laamaha amniga loona wanaajiyo awood deeda ay ku wajahayaan hanjabaadaha joogtada ah ee uga imaanayo argagixisada.

Waxay hoosta ka xariiqday in garashada Qa dar ee wax ka qabashada rabshadaha iyo argag ixisada iyo qaadashada habab amni aysan kaligo od ku filnayn. Sidaa darteed waxay sheegtay in ka almada Qadar ay siiso Soomaaliya ay u jihaysay dhinaca bixinta kaalmooyin horumarineed iyo maalgashi dhinacyada muhiimka ah sida waxbar ashada iyo bixinta fursado shaqo oo ka caawiya Somaliya soo celinta xasilloonida iyo barwaaqada

Waxay xustay in abuurista fursado shaqo ay ta hay aalad wax ku ool ah oo lagu yareyn karo rab shadaha isla markaana ay muhiim u tahay fudud eynta kala-soocidda iyo dhaqan celinta dhallinyar ada horay ula xiriiray kooxaha xag-jirka ah ee rab shadaha wata sidaasna ay ku suurta geli karto in dhallinyaradaas ay dib ula midoobaan bulshad ooda.

Sheikha Alya ayaa tilmaamtay in howshaas ay tahay mid adag oo u baahan qarash badan loona baahan yahay inay ka wada qeyb galaan hogga amiyaasha dhaqanka , kuwa Diinta iyo NGO-yada maxalliga ah sidoo kalana ay lagama maarmaan tahay caawinta Beesha Caalamka.

Sheikha Alya waxay iftiimisay doorka Silatech, oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo Qatar ah kana shaqaysa horumarinta bulshada waxayna ka shaqaysaa isku xirka dhalinyarada iyo shaqooyin ka iyo xoojinta mashaariicda guuleysta ee dalal badan oo gobolka ah.

Waxay sheegtay in ururku la shaqeynayo la-hawlgalayaasha Soomaaliya si loo horumariyo is-dhexgalka dhaqaalaha iyo nabad ku wada noola anshaha. Waxay sidoo kale fulineysaa barnaam ijyo lagu siinayo kumanaan qaxooti dhalinyaro ah, barakacayaal, iyo kuwa soo noqday fursado nolo leed oo waara iyada oo loo marayo tababar xirfa deed, horumarinta xirfadaha ganacsiga yar yar, xirfadaha beeraha iyo kalluumeysiga, iyo shaqaa laynta ardayda qalin jabisay.

Waxay ku dhawaaqday in la aasaasay sand uuq maaliyadeed oo lagu maalgeliyo mashaariic da laguna abuuro fursado shaqo oo la siinayo ku manaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyadoo lagu shaqeynayo shuruucda u degsan Sanduuqa Hor umarinta Qatar.

Faysal Cali Waraabe "Madaxweyne haynagu celin sharci daradii 2005 dhacday oo kale"

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Wa raabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, uu da gaal sharci daro ah ka dhex wado golaha waki ilada.

Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, aanu ku qanacsanayn qaybta uu xisbigiisu ka hel ay xubnaha wakiilada.

"30 ayaad heshay labadii xisbi ee kale, ayaa helay 52, qaybtaada imaanso" ayuu yidhi.

"Shir gudoonka isbahaysiga ayaa leh xumaana maaha ayaan leeyah ay, dalkii oo dhan baad gacanta ku haysaye hagaaji" ayuu hadal kisa ku daray.

Faysal ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu joojiyo dagaal uu sheegay in uu ka dhex wado golaha wakiilada ee cusub.

"Madaxweyne jooji dagaalka gudaheena ah" ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynu hu uu wado mid lamida sharci daro uu sheegay in ay dhacday 2005. "Madaxweyne haynagu celin sharci daradi dhacday 2005 ee intuu UDUB helay 33, ee UCID helay 21, Kulmiye na helay 27".

"Sharcidaradi keentay in Kulmiye yeesho 62 Waddani oo aan dorashaba galina uu yeesho 20, UCID oo 21 heshayna la yidha male xildhibaan" ayuu yidhi.

"Waa sharci daradii aduunka ugu foosha xum ayd ee dhacda ee tii haynagu celinin" ayuu hadal kisa ku daray. Xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada muc aaradka oo dhan aha ayaa loolan ugu jira hana shada shir gu doonka golaha wakiilada ee cusub.

Dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada Yemen oo sii xoogeystay

Waxaa jira warar sheegaya in in ka badan 100 da gaal yahanno ah lagu dilay dagaal u dhaxeeya ciid amada ammaanka Yemen iyo mucaaradka Xuutiy iinta ee ka dagaallamaya waqooyiga dalkaas.

Ilo laga soo xigtay dowladda ay aa sheegay in ilaa 30 ciida mada ka tirsanaa lagu dilay dag aalka oo socday saddexdii maa lmood ee la soo dhaafay.

Dagaalka ayaa salka ku haya gacan ku heysta mag aalada Macrib. Dowladda ayaa sheeg tay in Xuutiyi inta laga dilay 80 qof.

Macrib waa mid ka mid ah magaalooyinka Yemen ee shidaalka qaniga ku ah. Kumannaan qof oo ka barakacay qeybaha kale ee Yemen ayaa ku nool ma gaaladaas. Shaqaalaha hay’adaha gargaarka ay aa aaminsan in qabsashada Macrib ay horseedi kar

to musiibo bani’aadannimo oo hor leh.


DAD LOO SOO QABTAY AFDUUB LOO GEYSTEY GABAR SOOMAALI AH DALKA KENYA

Booliska Kenya ayaa soo xiray labo ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduub iyo jir dil bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxa med Luqmaan.

Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo qabtay hotelka Cry stal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinan gop.

Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xiriir jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afdu ubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay duk aankeeda.

"Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baaris ta Kenya.

Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horra anteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

Hase yeeshee lama bixin lacagta madax fura shada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta. Labadan eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda.

XAFSA MAXAMED LUQMAAN OO SHAACISAY SIDII AY SAAXIIBTEED XAFSA CABDI U SHIRQOOSHAY

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah, oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa shaaca ka qaaday in Gabar ay saaxiibo ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay.

Wareysi gaar ah oo ay Xafsa Luqmaan siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ayey ku sheegtay in haweeneydii Shalay lagu qabtay xaa fadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

"Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, ink asta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nah ay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqm aan.

Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduu bkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee duka ankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqm aan soo gashay dukaanka saacadda markay ah eyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June Xilliga ay dukaanka galeysay ayaa waxaa dukaanka kula sugnaa haweeney kale oo xilligaas magaceeda lagu sheegay Xafsa Abdulwahab.

Muuqaalada ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa waxaa lagu arkayaa Xafsa Maxamed oo ka soo baxeyso dukaanka iyado oo ay la socoto Xaf sa Cabdi daqiiqado kadib markii ay dukaanka ka baha lagu iibiyo soo galeyn.

Xafsa Cabdi ayaa la arkaa iyadoo indhaha ka la hadleyso nin aan la garaneyn oo fadhiyay kura asta dukaanka markii iyada iyo Xafsa Maxamed ay ka baxayaan dhismaha.

Maalintaas murugada leh, (Juun 15, 2021) Xaf sa Luqmaan waxay sheegtay inay ku sugnayd go obteeda ganacsi ee caadiga ah ee ku taal Cal ifornia xaafadda Islii markii ay Xafsa Cabdi istaag tay oo ay ka codsatay inay u wado Kayole.

"Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laa kiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka aha yn balka oo ku faafay meel walba,” ayay tiri.

Xafsa Luqmaan ayaa sheegtay inay salaada ma qribka ku dukatay dukaanka ku yaalo Kayole oo ay saaxiibteeda usoo waday, waxayna tilmaamtay in Salaada kadib ay la kulantay afduubka.

Waxay tilmaamtay inta ay ku sugnaayen Ba khaar ka ay saaxiibteed Xafsa Cabdi geysay ay ku mashquulsaneyd taleefoonkeeda iyadoo qore ysay farriin qoraaleed isdaba joog ah.

"Markii aan dhameeyay salaaddayda, waxaan arkay laba nin oo xoog leh oo ii imanaya isla mar kiina waxay bilaabeen inay i garaacaan,” ayay tiri iyadoo ay ilmada ka socoto.

Waxay sheegtay in nimanka afduubka u gey stay ay qoorta ka qabteen islamarkaana ay si xun u garaaceen, kadibna waxay sheegtay inay afke eda ku dabooleen balka si ay uga hor istaagaan inay dhawaaqdo.

Waxay intaas ku dartay markii la garaacay ka dib laga daboolay indhaha, gacmaha iyo lugaha na laga xiray in sidaas ay ku geliyeen Haan aan bi yo ku jirin sidaasna ay ugu gudbiyeen guri ku yaal Magaalada Matopeni halkaas oo ay dambi baaray aasha markii dambe ay kasoo badbaadiyeen.

"Saaxiibtey isoo waday marka ay dhacayaan waxaan oo dhan isha ayey ka fiirineysa” ayey tiri Xafsa Maxamed.

Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

Xafsa ayaa xustay in ay aad isku jeclaayeen iy ada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lac agta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsige eda qudaarta.

"Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya wax aan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadi yeen maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

Baarayaasha dambiyada ayaa xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Hafsa Abdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Hafsa Mohamed Lukman.

Labadooda ayaa laga qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deega anka Kinangop oo ay Habeen hore ku hoydeen.

Labada eedeysane weli lama soo taagin maxk amad, wuxuuna wargeyska The Standard sheeg ay in dadaalkii ay ku doonayaan inay kula xiriiraan qoyska iyo ehelka dhow ee Xafsa Cabdi ay u suur tag geli weysay.

Madaxweynihii Hore Ee Suudan Oo Loo Gudbin Doono Maxkamadda ICC

Dowladda Sudan ayaa qorsheynayso inay Madax weynihii hore ee dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Ax med Al-bashiir iyo xubno kalae oo ka tirsanaa Dow ladiisa ku wareejin doonaan Maxkamadda Dembiyad da Caalamiga ee ICC oo ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Hayg ee dalka Netherlands.

Wasiirka Arrimaha Federalka ee Sudan, Buthay na Diinaar ayaa hadalkaasi ku sheegtay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Khartoum, wa xayna xustay inay Dowladda Sud an go’aansan doonaan inay Al-bashiir iyo xubno kale u gudbiya an Maxkamadda ICC-da.

Waxay intaasi ku dartay in Al-bashiir la wareein doono marka ay Maxkamadaha Gudaha soo gebag ebeeyaan Dacwadaha Musuqa iyo kuwa kale ee loo haysto.

Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC-da waxay ku eedeeyeen Al-bashiir iyo saddexda Sarkaal ee kale inay geysteen Dembiyo Dagaal, Xas uuq iyo Falal ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waa sida ay Maxkamada ku doodayso.

Madaxweynaha Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay dalka Iraq

Madaxweynaha dalka Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay dalka Iraq iyo Shirweyne u furm ay Madaxda Iraq, Masar iyo Urdun

C/Fataax El-Sisi waxa uu Shalay booqasho rasmi ah ku tegay caasimada dalka Iraq ee Baqda ad, waana Socdaal u horeeyey ee Madaxweyne Masaari ah ku tago dalkaasi muddo 30 sano ah.

Madaxweynah Masar waxaa Garoonka ku soo dhaw eeyey dhigiisa dalkaasi, Barham Salah iyo RW Mus tafa Al-khidaami.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Iraq, Masar iyo Boqorka Haashimiyada Urdun ayaa la fil ayaa inay yeeshaan Shirweyne Saddex Geesood ah oo ay kaga xaajoonayaan Danaha iyo Iskaashiga da lalkaasi.

Shirkaasi ayaa ah Shirweynihii 4-aad ee Iskaashi ga we dalalkaasi oo iyago Isbahaysi saddex geeso od ah samaysay bishii.

Diyaarado Daroonis Oo Lagu Duqeeyey Dhismo Mareykanka Leeyihiin

Saraakiisha Kurdishka iyo Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi ayaa sheegay in Daronis laga soo buxu iyey waxyaabaha qarxa lagu duqeeyey meel ku dhow Dhismaha Qunsulliyada Maraykanka ee laga dhisayo caasimadda Gobalka Kurdishka ee Waqoo yiga Iraq.

Ilaa 3 Diyaarado Daroonis ahaa ayaa lagu duqeeyey Guri ku yaalla Tuulladda Baragah oo dhowr Kiilomitir u irta halka laga dhisayo Qunsuliyada cusub ee Maraykanka

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Qunsulliya da ayaa lagu cambaareeyey Duqeyntaasi, mana aha weerarkii u horeeysay ee Daroon lagu weeraro Xarumaha ay Maraykanka ku leeyihiin gudaha dalka Iraq.

ROOBLE IYO QOORQOOR OO ISBITAALKA KU BOOQDAY DADKII KU

 DHAAWACMAY DAGAALKII WISIL

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen dee gaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacya da ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab oodee gaankooda soo weeraray.

Dagaalka ka dhacay Wisil aroornimadii Axada ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhima sho iyo dhaawac waxaana dadka waxyeeladu ka soo gaartay ka mid ahaa dad rayid ah.

Rooble iyo qoorqoor oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii wisilrooble iyo qo orqoor oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dha awacmay dagaalkii wisilrooble iyo qoorqoor oo isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay dag aalkii wisilrooble iyo qoorqoor oo isbitaalka ku boo qday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii wisil

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix ruux

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xu kun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Sha baab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toga shada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawa asiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas Ruux ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ho wl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Ju bbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheeg tay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixi yeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ay aa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Marayk anka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u sha qaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqayn ayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xa ssan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.

Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shab aab, kuwaas oo la qisaasay.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xogasho:caasimadda.net

Sheekh ku xadgudbay tilmaamaha COVID-19 oo xukun lagu riday

Wadaadka mayalka adag ee saameynta badan ku leh dalka Indonesia ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, kaddib markii uu qariyay macluumaad ku saabsan baaritaanka COVID-19, iyadoo lagu soo eedeyay inuu faafiyay xanuu nkaas, kaddib markii uu qabtay kul amo diimeedyo ay iskugu yimaadeen boqollaal qof.

Ciidamada Booliska iyo Militariga ay aa aad u ilaalinayay maxkadda Bar iga Jakarta, halkaas oo saddexda garsoore ee ma xkamaddaas ay ku xukumeen in Rizeiq Shihab uu ka been sheegay natiijada baaritaankii lagu same eyay ee COVID-19, taas oo ku adkaatay hay’ad aha caafimaadka ee dowladda inay ogaadaan dadkii uu la kulmay iyo goobihii u booqday.

Shihab ayaa xirnaa ilaa Decemeber 13, 2020, waxaana, garsoorayaashu amreen in wakhtigii uu horey u qaatay laga jaro xukunkiisa cusub.

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray waddooyin ka mara agagaarka maxkamadda, iyadoo kumana an ka mid ah taageereyaasha Shihab ay isku da yayeen inay dhigaan bannaanbax ay ku dalbanay aan siideyntiisa. Booliiska ayaa dadka ku kala eryay sunta dad ka ilmeysiisa, si ay u kala cararaaan taageereyaa sha wadaadkan, kuwaas oo isku dayayay inay maxkamadda u dhawaadaan, waxaana la xiray bo qolaal kamid ah oo diiday inay ka fogaadaan maxkamadda.

Garooreyaasha isla maxkamaddan ayaa 27-kii bishiii May ku xukumay 8 bil oo xarig ah, markii uu ku xudgudbay habraaca cafimaad ee COVID19, isagoo qabtay kulamo diimeedyo iyo arooska gabadhiisa oo ay ka soo qeybgaleen kumanaan taageereyaashiisa ah intiii uu socday cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale lagu xukumay 20 milyan oo lacagta rupiah oo u dhiganta $ 1,400, kaddib mar kii uu kulan dad badani ay ka soo qeybgaleen uu ku qabtay galbeedka magaalada Java.

Wakaalada wararka ee AP ayaa qortay in Shih ab uu wajahayay dacwado ciqaab ah oo xiriir ah tan iyo markii uu ka soo laabtay dalka Sucuudiga bishii November, halkaas oo uu ugu noolaa si dibad-joognimo ah.

Shibab oo 55 tir ah ayaa hoggaamiye iyo Iimam u ahaa koox loo la magaceedu ahaa Islamic Def enders Front oo hada laga mamnuucay waddan ka Indonesia, waxaana kooxda u jeedkeedu ahaa in Islaamka lagu saleeyo nolosha dadka reer Indoneia oo tiradoodu gaareyso 230-Milyan.

Sacuudiga oo xabsiga ka sii daayay haween ey u doodda xuquuqda

 aadanaha.

Sacuudiga ayaa sii daayay haweeney caan ah oo ah qoraa iyo qof u dooda xuquuqda bulshada lag una magacaabo Nasima al-Sada, kaddib saddex sano oo ay xabsiga ku jirtay.

Nasima al-Sada oo deggan gobolka Qatif ee Sacuudiga ayaa u doodda xuquuqda haweenka iyo Shiicada laga tirada badan yahay.

Waxaa la xiray sanadkii 2018. Sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty Interna tional ayaa hore u dalbatay sii deynteeda.

Nasima al-Sada waxaa lala xira Samar Badawi sababo la xiriira inay u ololeynayeen xuquuqda haweenka.

Waxay dalbadeen in haweenka loo oggolaado inay gaari ku dhex kaxeeyaan Sacuudiga.


HAMBALYO DHALASHO OO LOO DIRAAYO WARIIYE



 XUURSHE & XAASKIISA

Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrab eey}, Xuseen Cabdi Calasow, Cali Muuse Cabdi, Dr.Cismaan Axm ed Ji mcaale,Muuse Maxamed Xismaan, Prof Yaxye Sh.Caamir,Cismaan Xu seen Axmed {Waryeel}, Naasir Cali Cumar,Jabriil Maxamuud Nuur {Jab ra}, Maxamed Maxamuud Nuureey {Jimcaale}, Maxamed Shiil Xasan {Sh iil} C/laahi Maxamed Cumar {Mucjis},Fannaan Bashiir Cali Xuseen ,Xa san Maxamuud Axmed {Fanax}, Maxamuud Cali Maxamed {Madka}, C/hi Maxamed Salaad {Dalle},Maxamuud Xasan Cumar{Adduunyo}, Yaaquub C/hi Guure,Qaasin Neero,C/fitaax Ma xamed Salaad {Diyeeshe},Faarax Cumar Nuur, Maxamuud Sh.Cabdi {M.Fat} C/qaadir Maxam ed Casoow {Calas} Xasan Cali Geeseey, Maxa med Ibaraahin {Bakistaan}, Abuukar Muxuddiin Isloow {Xashharo}, Muxuddiin Cabdi Calsow, Shariif Macallin Maxamed, Aweys Foodeey Nu ur,Mahad Caraboow Cali, C/raxmaan Ma xamed Xasan {Xudeyfi},C/raxmaan Muxuuddiin Cali ,Cali Muxuddiin Cali, Nuuraddiin Macaallin Mu khtaar {Diimoow}, Maxamed Cali Nuur {Socd aal},Cali Muxumud Aadan {Cali Madoobe} Max amed Xasan Xuseen {Anaa leh}, Aadan Macall in C/hi {Aadaamo}, Barre Sh.C/hi {Bangaalade esh}, Cali Maxamed Cismaan {C.Ameeriko}, Xasan Maxamed Geeseey, Mukhtaar Nuur {lovy}, C/qaadir C/lle Nuur {Qalbi {Dahab}, Cilmi Nurre Wehliye, C/qaadir C/lle Bange, Falastiin Axmed Xaaji, Farxiyo Cali Qa ajo,Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi} Macallin Xasan, Raxmo Maxamed Maxamuud {La-jecel},Shukri Axmed Leyte {Shii maa},Safiyo Sh.Cali {Saf oon},Cabdi Aadan Gu uleed,Amiin Yuusuf Qasaaro,C/hi Maxamed Xa san {Black}, Axmed Maxamuud Dhicisoow {Yaa nyo},Maxamuud Yuus uf,Madiino Axmed Jimca ale, Nuurto Cali Cumar, Najiib Cali Cumar, Qa dro C/hi Cali Hagareey, Maxamed Xuseen Co on, Cumar Diini Geeddi, C/hi Axmed Cali {Fat} C/raxmaan Cumar Madoobe {Caaqil-Dalmar, Cism aanciil Cumar Madoobe. Caaqil-yar} Xas an Caraale,Cabdi Cali Xasan {Yuubane} ,Safi yo Axmed Rooble {Shiino} iyo Dhammaan Sux uufiyiinta Soomaaliyeed iyo Maamulka iyo haw ladeennada Wargeyska Mogadishu Times iyo Axsaabta kaleba oo Dhammaan waxay HAMB ALYO DHAL ASHO FARAXD LEH u dirayaan:-Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe} Iyo Mary an Sheekh Maxamuud Cismaan oo 22-ka Juun 2021-ka ay GABAR ugu dhalatay Degmada Kaar aan ee M/Muqdisho waxayna leehiyiin Alla ha ka dhigo tii soo barbaarta oo Dalkeeda Dadkeeda iyo Diinteedaba anfacda Aamiin Aamiin Aamiin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip