Daawo: DF oo is-hortaagtay banaanbax ay dhigayeen waalidiinta ay caruurtooda ku maqan yihiin Eritrea

0
Thursday June 24, 2021 - 17:39:36 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: DF oo is-hortaagtay banaanbax ay dhigayeen waalidiinta ay caruurtooda ku maqan yihiin Eritrea

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xoog ku joojiyey oo is-hortaagay banaanbax ay dhigayeen Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe banaanbax ay ku muujinayaan cabashadooda ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal, ciidamada ayaa ku wargeliyay waalidiinta inaysan dhigi karin banaanbax, ayaga oo warbaahinta ka hor istagaay inay la hadlaan, si ay cabashadooda u muujiyan, islamarkaana ay sii wadaan dalbashada in caruurtooda loo soo celiyo.

Waalidiinta oo saaka isku aruursaday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho oo horey uga dhigi jireen banaanbaxa ay ku muujinayaan cabashadooda, ayaa waxay ciidamada booliska ku amreen in goobtaas aysan ku dhigi karin banaanbaxa, ayaga oo aan wax sabab ah ku wargelin.

Ciidamada booliska oo watay gaadiid gaashaman ayaa ugu dambeyntii Waalidiinta ku qasbay inay iskaga tagaan goobta ay ku dhigayeen banaanbaxa, inkasta oo markii hore ay ka madax-adeygeen.

Waa markii u horeysay ee dowladda u adeegsato ciidamada booliska banaanbax ay dhigayaan Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay Eritrea, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay banaanbaxyo ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea ayaa muddooyinkii dambe kasoo dareysay, ayada oo ay soo baxayeen xogo sheegaya xaalad argagax leh oo ay ku nool yihiin dhalintaas oo markii hore dalkaas loo geyay tobabar ciidan.

 
XIGASHO:-CAASIMADDA .COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip