21 QODOB oo la dhihi karo waxay sabab u yihiin dib u dhaca kubbada Cagta Somalia

1
Thursday June 24, 2021 - 13:45:57 in Wararka by
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    21 QODOB oo la dhihi karo waxay sabab u yihiin dib u dhaca kubbada Cagta Somalia

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maadaama aan Muddo 4 Sanno ah aan ka mid ahaa Xiriirka kubada Cagta waxaa rabaa in aan bulshada Soimaaliyeed la wadaago dib u dib u dhaca kubadda Cagta Soomaaliya.

1 – Hal shakhsi ayaa Gudoomiye, Xoghaye iyo Madaxa Maaliyada isku ah2 – Intaa Joogey waxaa Xiriirka uu saxiixey Mashruuc la yiraahdo Mashruuca Horumarinta Caruurta da’doodu 12 Jir si loogu barbaariyo Kubadda Cagta waxay FiFA ku bixisaa dhaqaale badan lama garanayo meel uu ka baxay Mashruucaas

3 – marka la Bilaabayo Horyaal A,B, C Kooxaha waxay leeyihiin Dhaqaale Tusaale Alaha U Naxariiste Faarax Zendiko Kooxaha waxaa uu siin jirey A-15 Kun oo Doolar B-10 Kun oo Doolar C-5 Kun oo Doilar maanta A- 1500 oo Doolar B- 1000 Doolar C- 500 oo Doolar

4 – Tababarayaasha ma helaan Lacag ku filan waxaa mar mar loo Tuuraa 300 Doolar waa marka ay tababarayaan Qaranka

6 – Kii u dhaawacma Qaranka ma helo Daryeel Caafimaad

7 – Wasaarada Wax Talo ah kuma laha Haddii uu Qaranka uu Baxayo

8 – lalama Tashado Cayaartoydii Hore oo laga heli karo Waayo aragnimo

9 – Xiriirka oo is kala weyn Wasaaradda Dhalinyarada Isboortiga.

10 – Garsoorayaasha oo marka ay Cayaar dhex dhexaadinayaan Cayaaraha Gudaha waxaa laa siiyaa 10 Doolar

11 – Siminaarada Dibada oo aan la siinin Dadkii Xaqa u lahaa

12 – Ciyaartoyda oo Dibadaha ka Cayaar oo aan laga bixin Tikidhada oo la yiraahdo isa soo dabara

13 -Guuldarada oo Faaiido weyn ugu jirta Xiriirka Kubada Cagta

14 – Cayaartoyda Qaranka ee muujiya Dadaalka Dheeraadka oo aan la abaal marin ha noqoto Wasaarad ama Xiriirka Kubadda Cagta

15 – Dowlada Madaxdeeda oo aan dhiira gelin Cayaartoyda Qaranka Guul iyo Guuldaraba

16 – Gudiga Olombikada iyo Xiriirka kubada Cagta oo aan Wada Shaqeyn ka dhaxeyn maadaama Xiriirka kubada uu hoos tago Olombikada

17 – Inta badan oo Xulka Qaranka oo aan lagu darin Dhaqtar

18 – Ma Jirto Xisaab Celin Daahfuran

19 – Maamul Goboleeyada iyo Xiriirka oo aan wada Shaqeyn ka dhaxeyn

20 -16 Sanno ayey joogaan Madaxda xiriirka haatan Maamusha 8 Sanno Xoghaye 8 Sanno Gudoomiye weli Guul lama gaarin

21 – Bahda Warbaahinta iyo Xiriirka oo aan Wada shaqeyn ka dhaxeyn



Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip