HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 24-JUNE 2021-KA

0
Thursday June 24, 2021 - 10:40:21 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 24-JUNE 2021-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doora shada ee horey


 loo dejiyey + Sababta

Xog ay sheegtay inay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in shirka uu Sabtida shaaciyey R/wasaaraha xukuumadda xil-gaar siinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Gola ha Wada-tashi ga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka door ashada.

Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu ya hay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyin ka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelin ta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday.

Xafiiska R/wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda u soo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayim ay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood, sida ay Caasimada Online oo ay u sheegeen xubno ka tirsan xafiis ka Rooble.

Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dow lad goboleedyada iyo G/Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sa babi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan mud do kordhinta jadwalka doorashada.

Sida uu dhigayo Jadwalkii ay kal hore soo saareen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran waxa ku cadaa in doorashada lagu qabto mud do 60-maalmood ah, waxaana hadda ka baxay in ku dhow soddon cisho.

Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo M/ Muqdisho,kaasi oo ay iskugu imaanayaan R/w asaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. R/w. Rooble ayaa xiligan da daal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici la heyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqaba do kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaa rkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib u soo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada.

Su’aalo ka dhashay Sawir Farmaajo ah oo la gu daray

 boorarka maalmaha xorriyada

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda diyaar garowga maalmaha xorriyada ee ku asteysan xuska sanad guurada 61-aad ee markii laga xoroob ay gumeystihii Ingriiska iyo Tal yaaniga 1960-kii.

M/Muqdisho oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga ma almaha xorriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa wadooyinka Muqdi sho la suray tabeelooyin lagu muujinaayo qiima ha maalmaha xorriyada. Hase ahaatee waxaa tabeelooyinka la suray ka mid ah mid uu sawir an yahay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu hoos qoray "Lixdan iyo kow guurada Xorriyada iyo Mi dnimada 1960-2021”.

Sawirkaan oo baraha bulshada si weyn lo oga faafiyay ayaa dhaliyey su’aalo xoogan oo ku saabsan danta laga leeyahay, wuxuuna mu ujiyey marin habaabin jiilka danbe lagu samey naayo iyo gudbinta in Farmaajo lala meel dhi gay halgamayaashii xorriyada usoo halgamay ee dhiigooda iyo dhiicaankooda ku baxay, inka sta oo uusanba dunida joogin maalinkii la qaa tay xoriyadda.

Qoraalada barraha bulshada la isla wada agay ayaa dhamaantood muujiyay in ay gef iyo aqoondari inay tahay in sawir lagu muujinaayo maalmaha xorriyada in lagu soo gudbiyo mada xweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, taasoo dhaawacaysa dowladnimada iyo xuska loo sameynaayo maalmaha xorriyada.

In boorarka lagu xusaayo halgamayaashii xorriyada usoo dagaalamay in lagu xardo sa wirka madaxweynaha waxay muujineysaa ama gudbineysaa in shaqsiga lagu sawiray lala meel dhigo halgamaayaashii xorriyada soo gaarsii yay dalka, taasina waa qeyb ka mid ah marin habaabinta iyo xukun jaceylka ku dhisan diktat ooriyada.

Tan iyo burburkii dalka Somalia soo maray ee dowladdihii KMG iyo tii danbe ka gudubtay KMG marna ma dhicin in maalmaha xorriyada madaxweyne lagu xayeysiiyo, iyadoo guddiya dii abaabulka maalmahaasi ay si waafaqsan sharciga iyo muujinta dareenka jaceyl ee loo qa bay halgamayaashii gumeysi la dirirka lagu mu ujin jiray boorarka loo diyaariyo maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Gobolada Waqooyi ee la baxay Somali land ayaa markii ugu horeysay gumeysitihii Ing riiska xornimada ka qaatay 26-kii June, halka gobolada Koonfureed ay ka xoreebeen gumeys tihii Talyaaniga 1-dii Luulyo, halkaasina uu ka dhashay israacii G/da/Waqooyi iyo Koonfur.

Cali Guudlaawe oo la kulmay Jaaliyadda Hirshabelle ee



 dalka Turkiga

Madaxweynaha D/Hirshabeelle Md.Cali Gu udlaawe Xuseen ayaa Xalay M/Istanbul ee Dal ka Turkiga uga qeybgalay kulan casuumaad ah oo ganacsatada jaaliyada Magaaladaas ay u sa meeyeen. Guudlaawe oo kulankaan uu ku weh liyay Md/ C/dir Caraboow Ibr aahim oo ka mid ah Xildhiba anada G/Shacabka ayaa iska Xog wareystay xaaladaha gu ud ee dalka gaar aha an tan Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaa liyeed ee stanbul uga mahadceliyay casuumaa da iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay faaiidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda si gaar ahna u la wadaagay fursadaha Maalgashi iyo tan ganacsi ee ka banaan Hirshabeelle.

Ganacsatada kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha ayaa dhankoooda balanqaaday inay booqan doonaan Deegaa na da iyo Degmooyinka Hirshabeelle si ay u maalgashtaan deegaanadaas barwaaqada ah.

Sheekh UMAL oo soo saaray shan qoddob oo looga hortagayo afduubka ka billowday NairobiSheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo ba danayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah.

Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas.Waxa uu shacab ka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooy in ah si looga hortago Afduubka ku soo cusbo onaday magaalooy in kamid ah dalka Kenya, kuwaa si oo kala ah;

In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumar ka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta.

In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaa tadiisa dadweynaha.

In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ila aliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar.

In aanan marnaba la bixinin madax-fura sho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sare u kacaan falalka afduubka ah.

In marnaba aan gabbaad la siin dadka af duubka geysta.

Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dal ka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo bo oliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiy een gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Sooma alida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdin ta leh ee afduubka ah.

Al-Shabaab Oo Xukun Ku Fulisay Nin Gowr acay Hooyadiis Iyo Walaalkiis

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gelin kii dambe ee Dorraad waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla deegaan ka tirsan G/Hiiraan xukun dil toogasho ah kula fuliyeen Nin lagu eedee yay inuu horey u dilay hooyadiis iyo walaalkiis.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukun ka ka dhacayay oo ku taa lla degaanka Shaw ee Hiir aan, si u daawadan dilka toogashada ee lagu fuliyay Ninkii dilay hooyadii dhashay iyo walaalkiis.

Ninka la toogt ay ayaa waxaa lagu m agicaabi jiray Maxa med Calas oow Ca bdi, isagoona hor ey gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusm aan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Maca llim Maxamuud Calasoow Cabdi.

Al-shabaab ayaa sheegtay in falka uu Maxam ed Calasoow ku gowracay hooyadiis iyo walaal kiis ay ka argagaxeen dadka deegaanka uu fal kaas ka dhacay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa gudaha Soomaaliya kusoo badanayay falalka argagaxa leh, waxaana xusid mudan in Al-sha baab ay dhowr jeer xukuno dil toogasho ah ku fulisay rag geystay falal dadka deegaanada ay ka taliyaan ku abuuray Aragax.

Amisom oo Ciidanka Xoogga ku ware ejisay Saldhiga


 maryan gubaay.

Ciidamada Ugandha ee ka tirsan AMISOM ay aa si guul leh u xaqiijiyey amaanka gacan ku ha ynta agagaarka saldhigga howlgalka ee Maryan Gubaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose,

iyagoo ka adkaaday Al-Sha baab waxayna hada ku waree jiyeen ciidamada Xoogga da lka Soomaaliyeed oo sugi do ono amaanka aggan wixii had da ka dambeeya.

Axaddii ayey qabsoontay munaasabad si to os ah Amisom ugu wareejinaysay Ciidanka xoog ga Dalka Soomaaliyeed ( SNA) xarunta oo ay qeyb ka ahayd Qorshaha Kalaguurka Soomaali ya, munaasabadan ayaa waxa ka soo qeyb galay gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose, Cabdul qaadir Siidii iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Ibrahim Abdinoor.

Ciidanka xoogga ayaa mudooyinkii u dambe eyey la wareegayey Saldhigyada Amisom hore gacanta ugu haysay tani oo muujinaysa awooda sii kordhaysa ee ciidanka xoogga iyo sida uu ugu filan yahay la wareegista dhamaan goobaha laga xoraynayo haraadiga argagaxisadda.

Ciidamada Amisom waxay hadda horay ugu sii socdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si ay gacan uga geysato ka xoreynta aagagga kale ee gacanta argagixisada ku harsan, ayna taageerto Ciidanka Xooga Dalka Somaaliya (SNA) si loo ilaaliyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowlada oo guulo ka sheeg tay dagaal ka dhacay Shabelaha 

Dhexe

Afhayeenka Ciidanka xoogga dalka Gaashaa nle Sare Cali Xaashi Cabdi oo ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay inay ku dileen illaa 17-dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada ay ka dhac een deegaano ay ka mid yi hiin Wararaxlay, Cali Fool dheere, Qurac-Madoobe iyo deegaano kale.

"Qaybaha Shalay ilaa Dorraad dagaalku ka so cdo waa Wararaxlay, Cali Fooldheere, Qurac-Ma doobe intaas ayaa hada dagaalku ka socdaa wa ana dhul keyn ama howd ah oo baryahaan dagaal ku ka socday waxaana lagu dilay 17 dagaalyahan hadana dagaalka waa socdaa” ayuu yiri afhayeen ka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Afhayeenka oo sheegay in ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in ay hub ku furteen dagaalka ayna wali wadaan tiro koobka khasaaraha ka dhashay dag aalka.

Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi, Afhayeen ka Ciidanka xoogga dalka, oo qiray in dagaalka ay u adeegsadeen hubka wax gumaada ayaa she egay in dadka deegaanka ay fareen in ay ka foga adaan deegaanmada ay dagaaladda ka socdaan oo dhamaantood hoostaga magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Al Shabaab, dhankooda kama aysan hadlin dagaalka iyo sheegashada taliska ciidanka xoo gga dalka Soomaaliyeed ee ah in ay dileen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay


 duleedka MUQDISHO

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya weerar qorsheysan iyo dagaal toos ah oo Habeen hore ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsaday bar-koontarool ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay ku leey ihiin halkaas oo sidoo kale laga ilaaliyo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib dagaal kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii hubeysnaa, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciida mada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ga arka ah ee Haramcad.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday iyo baabuur NO HA ah oo ay wateen kooxdaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii dar ay in haatan ba aritaano dheeraad ah lagu hayo ragga gacanta lagu dhig ay, ku waas oo ay la wareegeen hay ’ada ha ammaanka dowladda.

Xaaladda goobihii lagu dagaala may ayaa Shalay deggan, waxaana ku sugan ciida mada Haramcad oo howl-gallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halk aasi.

M/Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ah amniga, kuwaas oo u badan dila qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxwey naha intaba.

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Shalay Ee Baar lamaanka Galmudug ?

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Shalay kulan koodii caadiga ahaa ku yeeshay Xa runtooda Magaalada Dhuusamareeb ee Caas imada Galmudug

Kulanka Shalay Xildhibaan ada ayaa waxaa shir gudoomina yay Gudoo miyaha Baarlamaan ka Ga lmudug Dr Maxamed Nu ur Gacal ayna wehlineysay Gud oomiye ku xigeenka 2-aad Marwo Faad umo Cabdi Cali

Ajandaha kulanka Shalay ayaa ahaa,

1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Mii saaniyadda Galmudug 2021.

2. Bandhiga iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Shar ciyeedka Kaluumeysiga Galmudug.

Wasiir Dowlaha Wasaarada Kaluumeysiga Galmu dug ayaa Xildhibaanada Galmudug kahor shee gay muhiimada sharcigaan u leeyahay kaluum eysiya Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Galmud ug ayaa Shalay ka dooday wax ka badalka mi isaaniyada Galmudug oo uu Wasiirka Maaliyada Galmudug Dorraad horkeenay Baarlamaanka Gal mudugKa hor inta uusan xirmin kalfadhiga 2-aad ee Baar lamaanka Galmudug ayaa waxaa Golaha u qor sheysan meelmarinta shuruuc muhiim u ah Galm udug oo ay ku shaqeyn lahaayeen hay,adaha dawliga ah iyo Wasaaradaha Galmudug.” Xisbiga Waddani oo ka jawaabay eedo ay usoo jediy een qaar kamida mushar ixiintii doorashada

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa beeniyay warka musharixiin Waddani ah oo ku ee deyay in xisbiga Waddani laftiisu xaday codkii ay bulshada ka heleen. Hogaamiyaha ku meel gaadh ka ah ee xisbiga Waddani Cab diqadir Jirde, ayaa sheegay in dooda musharixii ntu ay tahay mid jaban. "In ay yidhaahdaan xisbigii nagu soo tab cay ayaa na xaday maaha wax suurogal ah" ayuu yidhi.

Jirde ayaa sheegay in hadii ay codad xaday aan ay xadi lahayen codka Kulmiye.

"Hadii aanu codad xadayno, waxanu xadilah ayn codadka xisbiga naga soo horjeeda ee Kulm iye" ayuu yidhi.

Xuseen Caydiid oo katirsan xisbiga Waddani ayaa isaguna sii xoojiyay hadalka Jirde.

Eedaha musharixiinta ayaa yimid kadib doorasha dii isku sidkanayd ee barlamaanka iyo dee gaan ka oo 3 meeloodow 2 meelood oo musha rixiin ahi ay dhaceen.

Maxkamada sare ee Somaliland oo ka hadash ay


 dacwado ay usoo gudbiyeen musharixintii dhacay

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somal ila nd Adan Xaaji Cali, ayaa sheegay in Shalay ay bilaabeen dhagysiga 23 dacwadood oo mushar ixiin uso gudbisay.

Guddoomiyaha ayaa shee gay in 25 cabasho soo gaa dheen markii hore la kin ay 2 ka mid ahi ka noqdeen dacwadoda Musharixiin tan dacwadaha gudb iyay, ayaa ah musharixiintii aan ku qancin natii jadii doo rashada.

Ka garnaqa dacwadaha ayaa bilabmay Shalay sida uu sheegay gudoomiyaha maxmada sare. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kadib mar ka la gu dhawaaqo, natijada rasmiga ah ee doora sha da uu madaxweynaha Somaliland muddo 30 cis ho gudahood ah iskugu yeedhi doono golaha wakiilada.

Maxkamada sare, ayaa ka garnaqaysa dacwa daha ay soo gudbiyeen musharixiintii aan ku qan cin natiijadi hordhaca ahayd ee doorashooyinka.

Mareykanka Oo Shaaciyay Dowlad Ku Fashilantay Dayax-


Gacmeed La Diri Lahaa

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegay inay Iiraan ku guul-daraysa tay bartamihii bishan June Isku-day ay ku doonay een inay Gantaal Cusub u diraan Hawada Sare.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Kolonel Uriyah Orland ayaa xogtaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka caanka ee CNN-ka, wuxuuna xusay inay Taliska Hawa da Sare ee Marayk anka ka war qa ba an inay Iran ku fa shil antay Isku-dayg aasi bishan June 12-dii.Lama sheegin waxa u sab ab ah Fashil kaasi, welina Dowl adda Iran kama ay san hadlin arrintaa si.

Waxaa la soo weriyey inuu markii 4-aad ee ay Iran ku guul-daraysato inay Hawada Sare u dirto Daax-gacmeed-Xambaaraha ee SIMROGH oo laga soo minguuriyey Muuqaalka Gantaalka ay Waqooyiga Kuurya hindistay.Bishii May, Wakaalladda Wararka Iran ee IRNA waxay sheegtay inay Iran qorsheynay so inay dhowr Daax-gacmeed u diraan Hawada sare mustaqbalka dhow.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Oo Magacaabay


 Guddi Cusub

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwey ne ku-xigeenka D/Hirshabeelle Yuusuf Axmed Ha gar Yuusuf Daba-geed ayaa Magacaabay Guddi heer Wasiir oo soo dhaweynaya wufuud Caalami ah oo ku wajahan deegaanada Maamulka.

Wareegto uu soo saaray Yuusuf Daba-geed ayaa lagu magacaabay Guddiga oo ka kooban 12-xu bnood, kuwaasi soo dhaweynaya, ugana warbixi ya ma shaariicda ka socota Hirshabeelle gaar ah aan Gobolka Hiiraan wafd iga oo ka socda Dalalka Talyaaniga iyo Sweden.

Sidoo kale Guddigaan ayaa wafdiga ay hogg aaminayaan Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Swe den ee Soomaaliya uga Warbixinaya baahiyaha horumarineed ee dhanka bulshada ka jira dee gaanada Hirshabeelle.

M/Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay aa waxaa kusii jeeda wafdi ka socda XF ee xilgaa rsiinta oo ay kamid yihiin Safiirada Dalalka Talyaa niga iyo Sweden, kuwaasi oo saacadaha soo so cda halkaas tegi doona.

Turkey oo war cusub kasoo saartay xar unta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono 


dayax-gacmeedyada

D/Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta 3-dal, ay ada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay So omaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-ga cmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda

Serdar Huseyin Yildirim, oo ah mad axa hay’a dda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa ha dalkan u sheeg ay wakaaladda wararka Ruu shka ee Sputnik isa ga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caala miga ah ee sahminta hawada sare Inkasta oo uu san sheegin saddex dal ee ay Tur key la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa wax aa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah.

"Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhin acyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay su urta-galnimada ah in Ruuska ay gacan ka gayst aan dhismaha xarunt an. Khibrad weyn ayey u le eyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim.

Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Sooma aliya ka dhis to saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku ka caya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah bar naamijka sahminta hawada sare.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turk ey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda.

Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawa da sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sa re loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qan daraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan.

Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixi yeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System).

Raggii dilay suxufi Jamal Khashoggi oo la ogaaday in


 lagu soo tababaray dal kale

Afar kamid ah Sacuudiyaankii ka qeyb qaatay dil kii sanadkii 2018 Dalka Turkiga loogu geystay wari yihii Washington Post ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inay tababar qaas ah ku qaaten Mareykan ka hal sano ka hor xiliga ay shirqo olka sameena yeen.

Qandaraaska Tababarka ay Mare ykanka ku qaat een xubnaha an ka qeyb galay shir qoolkii ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu di lay Khashoggi ayaa waxaa ansixi say Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, sida Talaadadii Dorraad aheyd lagu daabacay New York Times.

Tababarka ayaa waxaa bixisay Tier 1 Group oo ay leedahay shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, waxaana ujeedka tababarka uu ahaa inay kamid noqdaan ilaalada gaa rka ah ee madaxda Dowladda Sacuudiga, sida lagu daabacay New York Times.

Shirkadda Cerberus Capital Management ayaan wax jawaab ah bixin kadib mar kii Wakaaladda Wa rarka ee Reu ters u gudbisay codsi ah inay ka jawa abaan kiiska ku saabsan xubnahaan ka qeybgalay tababarka ay shirkaddaan qadaraaska kusoo qaad atay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mar eykanka Ned Price oo ka jawaabayey warbixinta ay qortay New York Times ayaa sheegay in sharciga u yaalla Wasaaradda uusan u ogoleyn inuu ka jawa abo wax kasta oo ay qorto Warbaahinta.

Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasada Mar eykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya "ay mudn aanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.”

Khashoggi oo heystay deganaanshaha Marey ka nka ayaa Washington Post ku qori jiray faalooyin la gu dhaleeceeyey dhaxal sugaha Boqortooyada Sa cuudi Carabiya Maxamed Bin Salman. Waxaa dilay oo jarjaray koox howl wadeeno ah oo xiriir la leh Am iirka, wuxuuna dilkaas ka dhacay Safaaradda Sacu udiga ee Istanbul Bishii October ee sanadkii 2018. Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ay aa xaq iijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tab abarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Kha shoggi sa nadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aal aha xubna ha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabist iis xilka sare ee wasaaradda gaashaan dhigga ee Pe ntagon ee maamulkii madaxweyne Don ald Trump, sida laga soo xigtay New York Times.

Sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weligood ma helin jawaabahan maxaa yeelay maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aa nu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xigtay New York Times oo intaas ku dartay in Bre mer uu qoraal ahaan u gudbiyay.

Bremer wuxuu sheegay in Waaxda Arimaha Dib ada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowla dda ay mas’uul ka yihiin kala shaandheynta ciidama da shisheeye ee lagu tababaray iida Mareykanka, sidaana waxaa qortay New York Times.

Garoon ku yaal dowlad degaanka Soomaa lida oo xiran

Garoonka diyaaraha magaalada Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhismihiisa waxaa ku baxey labaatan milyan oo Doolar, ha yee shee ma jiraan duulimaadyo yimaada ama ka ba xa.Horraantii bishii June, 2016-kii ayey aheyd markii Qabri Dahare lgau qabtey munaasab ad si balaaran loosoo aggaas imey, taasoo lagu furey garoonka diyaar adaha ee magaalada, iyadoo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamulada heer deegaan iyo heer feder aalba ee dalka Itoobiya ee waqtigaas.

Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisay, iyadoo qa rashka lagu hirgaliyey uu bixiyey maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida, ee uu hoggaaminayey mad axweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Shan sano ka dib, garoonkan ayaa haatan bixineyn wax adeeg ah, tan iyo intii la hakiyey guud ahaan duulimaadyadii da lkani bilawgii sanadkii hore ee 2020-ka caabuqa corona virus awgiis.

Inkastoo dib loo furey duulimaadyadii gudaha ee Itoobiya, marka laga reebo magaalada Qabri Dahar, oo shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ay ku sheegtay iney u joojisay duulimaadyada Qabri Daha re rakaab la’aan, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxa med Yusuf Rooble, wasiir kuxigeenka madaxtooya da ee maamulka deegaanka Soomaalida.

Hadalka ka yimid shirkadda waxaa si weyn ugga horyimid shacabka ku dhaqan M/ Qabri Dahare, oo aan aamin saneyn in rakaab yari ay ka jirto magaa lada, oo xarun u ah tobanka degmo ee hoos yimaa da gobolka Qoraxeey.

Midowga Yurub waa inuu cusbooneysii yaa he shiiska


 socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga.

Midowga Yurub waa inuu cusbooneysiiyaa heshi iska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga sanadkii 2016, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursu la von derayaa sheegtay Talaadadii ka hor shir ma daxeedka Midowga Yurub oo looga hadlayo cusb oonaysiin ta heshiiska.

Bishii Maarso 2016, Midowga Yurub iyo Turkiga waxay gaareen heshiis la gu joojinayo socdaalka aan caadiga ahayn ee looga soo tallaabayo bad da Aegean lana hagaajiyo xaalada ha in ka badan 3 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan Turkiga.

Heshiiska ayaa lagu guuleystay in la joojiyo qulq ulka muhaajiriinta iyo qaxootiga, laakiin diidmada Midowga Yurub ee ah in qaxootiga laga qaado Turkiga, iyo caqabadaha xafiisyada ee wareejinta la cagaha loo ballanqaaday ee qaxootiga ayaa hor seeday cambaareyn kulul oo uga timid siyaasiyiinta Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu ku dhaleeceeyay Midowga Yurub inay ka gaabiyeen inay fuliyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhaqaale ku siinayaan muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Turkiga oo qeyb ka ah heshiiska halka loo qoondee yay balaayiin Yuuro Giriiga.

Xuquuqda: -Daily Sabah.

Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Lagu Qaaday Gaadiid Ay


 Wateen Ciidamo Kenyaati

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateri ga iyo kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa lagu qa aday weerar xoogan oo ka dhacay deegaan hoos tega M/Mandheera ee G/Waqooyi Bari ee dalkaas.

Weerarka oo ahaa mid dhabba-gal ah ayaa wa xaa Kolonyada Ciidamada Kenya ku qaaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, xili ay soc daal ku marayeen deegaanka Buulo Laban ee dule edka Ceelqaaloow.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa she egtay in Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Kenya weerarka looga dilay Askar, halka kuwo kal ena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo loola cararay Xarun Caafimaad.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxaa ay intaas ku sii dareen in weerarka lagu gubay gaari nooca xam uul ah oo u rarnaa ciidamada oo ku socdaalayay wa ddada deegaanka Buulo Laban ee duleedka Ceelq aaloow ee Magaalada Mandheera.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkii dhacay, waxaana Al-shabaab ay dhowr jeer sidaan oo weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadeen Ciidanka Kenya iyo Saldhigyo ay leeyihiin, kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro kala duwan

Maraykanka oo xirey xarumo warbaah ineed oo laga leeyahay dalka Iran

Mareykanka ayaa la wareegay xarumo wa rbaahineed oo laga lahaa dalka Iran iyadoo lagu ee deeyay inay faafinayeen warar been abuur ah.

Shabakado badan oo warbaahineed ayaa haw ada laga waayay waxaana lagu arkay calaamado muujinaya inay xirtay dowlada Maraykanka.

Xarumahaa ayaa waxaa ka mid ah TV-ga Iran ee TV-ga Press iyo al-Masirah TV, oo ay maamusho dhaq dhaqaaqa Xutiyiinta Yemen.

Arrintan ayaa ku soo bee gantay iyadoo ay jirto xiisad kacsan oo u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan oo ku saabsan dib u qorista heshiiska nukliyeerka.

Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa she egtay in Mareykanku la wareegay 33 websayt oo ay maamusho dowlada Iiraan ee Raadiyaha iyo Tele fishanka Islaamiga ah (IRTVU) iyo saddex kale oo ay maamusho maleeshiyada Kataib Hezbollah ee ay Iiraan taageerto.

Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in cinwaan nada ay adeegsato IRTVU ay leeyihiin shirkad Mar eykan ah IRTVU-na aysan ruqsad ka helin Xafiiska Hanti-dhowrka ee Hantida Dibadda ee Mareykanka kahor intaan la isticmaalin. Kataib Hezbollah – oo Mareykanku u aqoonsaday urur argagixiso

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yaman ayaa xaqiij iyay in la xiray cinwaankoodii almasirah.net.

Iran waxay taageertaa Xuuthiyiinta, oo gacanta ku haysa inta badan galbeedka Yemen, laakiin wax ay beenisay inay siiso hub.

Inta badan magacyada domain ee la qabtay wax ay ahaayeen cinwaanada .com, .net iyo .tv. Cinwaa nnada .com iyo .net waa aagag guud oo aan ku koo bnayn dal gaar ah.

Dhowr ka mid ah bogagga ayaa dib ugu soo lab tay khadka tooska ah saacado gudahood iyagoo wa ta cinwaanno cusub. Dowladda Iiraan kama aysan bi xin faallo rasmi ah oo ay kaga jawaabeyso tallaa badaas.

Daraasadda kafeega: Bunka oo la ogaad ay in uu yareyn karo halista cudur


 rada ku dhaca beerka

Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuunada ku dhaca beerka.

Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo oga aday in cabidda kafeega ee sad dex ilaa afar koob maalinkii, ay yar eyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanun waxyeeleda beerka.

Cilimibaarayaasha ayaa daras aadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qa ban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka.

Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maad ama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan.

Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada & caajiska ee Caffein-ta.

Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda.

Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddoo yinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xir iiriyay arrintan.

Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujis ay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro wa xyaabo kale.

Dr Oliver Kennedy, oo ah khabiirkii hoggaaminay ay cilmi-baarista, ayaa sheegay in daraasadda ay muuineyso in mustaqbalka bunka loo adeegsan karo ka hortagga xanuunada ku dhaca beerka, sida ay ku warrantay warbaahinta PA Science.

"Kafeega waa mid si weyn loo heli karo, sida aan ku aragnay daraasadda, gaar ahaan faa'idada uu leeyahay, waxay u muuqan kartaa in qeyb weyn uu ka qaadan karo daweynta iyo ka hortagga xanuuna da ku dhaca beerka".

Cilmibaarayaasha waxay darseen xaaladda 495 ,585 qof oo isticmaalay noocyada kala duwan ee bunka. Intii ay daraasadda ku gudo jireen, waxaa jir ay kiisas gaarayay 3,600 oo lala xiriiriyay cudurka ku dhaca beerka iyo 301 kiis oo dhimasho ah.

Si kastaba, cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in daraasasdda ay ku saleysneyd kaliya dadkii ka qeyb qaatay, balse aanan la ogeyn xaaladdooda si da ay aheyd wixii ka horreeyay daraasadda oo ah in ay horey u isticmaali jireen bunka.

Dadkii laga qeybgeliyay tijaabada waxay u badnaay een dad caddaan ah oo kavsoo jeeda qoysas dhaq aalahoodu sarreeyo, waxaana adag in la derso xaal adda dadka isticmaala bunka ee ku nool dalalka ka le, sida ay sheegeen khubarada sameeyay baaritan kan.

Cilmi-baarsita mustaqbalka la sameyn doono ayaa lagu ogaan doonaa xiriirka ka dhexeeya bunka iyo cudurka ku dhaca beerka, gaar ahaan inta koob ee qofka uu cabi karo maalintii.

Sidoo kale, waxaa lagu rajo weyn yahay in cilmi-baarista mustaqbalka lagu beegsado dadyow kala duwan si loo xoojiyo in isticmaalka bunka, ama qax wada/kafeega, uu yareyn karo halista ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada beerka.

XIGASHO:BBC


JOE BIDEN: QOYS SI KADIS AH KU OGAADAY IN AY QARAABO YIHIIN


 MADAXWEYNAHA MARAYKANKA



Todobaadkii la soo dhaafay, BBC-da ayaa baaritaan ku samaysay xog dhawaan la ogaaday oo tilmaamaysa in xiriir dhanka abtirka ah uu Mad axweynaha Maraykanka, Joe Biden, la leeyahay England. Tan iyo markaa, qoys degan England ayaa sheegay in ay qaraabo yihiin madaxweynaha.

Muddo 20 sano ah, Paul Harris, ayaa ku mashquulay inuu u kuurgalo taar iikhda. Waxaa u suuragashay in uu isku duwo xog ku saabsan abtirkiisa.

Waxa uu wax badan ka ogaaday ayeydii, Kathleen Mary Brooks, iyo hooyadeed Ann Maria Davies.

Kadib waxa u soo baxday in magaca Biden uu meel ka soo galo qoyskiisa. Mudnaan ma uusan siin arrintaas ilaa maalin kamid ah sanadkii ho re ay gabadhiisa Rose Patton ay si aan ku talagal ahayn u tiri hadal micno ba dan u sameeyay.

"Sow ma aha wax layaab leh haddii aan qaraabo noqono Joe Biden?" ayay tiri Rose oo ka had laysa madaxweynaha cusub ee ma rkaa loo doortay Maraykanka.

Harris oo la yaabay hadalkaas ay aa sheegay in uu eegi doono arri nkaas. Baaritaanka uu sameeyay ayaa waxa uu ku ogaaday in xiriir xooggan uu ka dhexeeyo madaxw eynaha iyo reer ay qaraabo yihiin oo ku nool Westbourne, oo ah tuulo ka tir san Galbeedka Sussex ee England.

Shan sababood oo qasbay in Biden guulaysto

Waa kuma Joe Biden, madaxweynaha cusub ee Mareykanka? Waxa kadib waxaa u soo baxday arrin cajiib ah: in Harris ay ilma abti shanaad yihiin Ma daxweyne Biden.

SIDA AY QARAABO U YIHIIN LABADA QOYS

Harris oo ah 60 jir ku shaqeeya software-ka ayaa ku doodaya in madax weynaha ay qaraabo ka yihiin dhanka ayeydii saddexaad oo lagu magicaa bo Emily Biden.

Waxa ay ku nooleyd Westbourne, oo ay qoyskeeda ku noolaayeen jiilal badan. Xubnaha qoyskeeda waxaa ka mid ahaa adeerkeed William Biden, oo la rumaysan yahay in horraantii 1800 uu u guuray Maraykanka.Harris ay aa BBC-da la wadaagay dukumiintiyo muujinaya dhalashooyinka qoyskiisa, guurka iyo xogta tirakoobka si uu u muujiyo xiriirka qoys ee kala dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka.

Harris iyo gabadhiisa Rose ayaa dhowr jeer booqday Westbourne si ay xog badan uga helaan xabaalasha qoyska Biden, balse ma aysan helin halka ay ku aasan yihiin.

Carruurta Rose ayaa aad ugu farxay arrinkan cus ub, waxaana ay jeclaan lahaayeen in xiriirka ehelnimo uu aqoonsado Madaxweyne Biden.

"Waxa ay carruurta sugayaan in lagu martiqaado Aqal ka Cad," ayuu yiri Harris.

Ka hor inta uusan madaxweynaha noqon, Biden ay aa dhowr jeer booqday dad ehelkiisa ah oo ku nool Ja mhuuriyadda Ireland oo ay ka soo jeedaan awoowaya ashiisa ugu caansan.

Ma cadda inta ay gaarsiisan tahay aqoonta uu Madaxweyne Biden u leey ahay xiriirka ehelnimo ee uu shaacisay Harris, inkastoo BBC-da ay arrintaa u badan dhigtay Aqalka Cad, balse aanu weli ka jawaabin.

Rose ayaa aabaheed Harris ku boorisay in uu warqad u qoro Madaxwey ne Biden.

"Wax wanaagsan ayay noqon lahayd haddii carruurteydu helaan wax ku saabsan xiriirka, ayna la sii wadaagi karaan ubadkooda," ayay tiri Rose Patton

 

XIGASHO:-BBC


HADAL-HAYNTA NAADA AL QALCAH: FANNAANADA REER SUUDAAN IYO SOOMAALIDA

    Gabadha heets ee caanka ah ee reer Suudaan, Naada Al-Qalcah, waxay barteeda Facebook-ga si diirran ugu mahadcelisay Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku taxan ee ugu hambalyeey ay in ay boggeeda uu gaaray 2-mil yan oo qof oo ku xiran.

Arrintan ayaa timid ka dib markii boqollaal ka mid ah Soomaali ku ta xan barteeda ay la wadaageen ha mbalyo iyo tahniyado la xiriira in barta ay Facebook ku leedahay fannaanada ay gaartay illaa 2 milyan oo qof.

Naada Al-Qalcah, ayaa Dorraad gaartay tirsiga laba milyan oo qof oo barteeda toos ugu taxan, halkaas oo ay fannaanadu taageerayaasheeda kula wadaag to heesaha ay qaaddo.

Soomaalida ka falcelisay arrintaas waxay fanaan adda ku tilmaameen mid aad looga jecelyahay Soo maaliya. Arrintaas oo fannaanadda ay laf ahaante eda ka falcelisay, waxayna barteeda Facebook-ga soo dhigtay farriin u dhignayd sidatan: "Salaan iyo qadarin ayaa u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, wa an ku faraxsanahay in aan wada-xiriirno shacab kiinnaas aadka u wanaagsanow, waxaanan jeclahay inaan dhowaan idin soo booqdo idamka Alle".

Farriinta Facebook iyo Naada

Farriinta Facebook iyo Naada

Farriin kale waxa ay ku sheegtay inay ku farax san tahay in taageerada joogtada ah ee ay ka he sho, iyadoo tilShalayy inay jaceyl iyo qaddarinba u hayso.

Mid ka mid ah Soomaalida halkaas ku taxan wa xa uu tilmaamay in fannaanadaas ay hadda kaddib "ka mid tahay bulshada Soomaaliyeed" mar haddii ay garatay buu yiri "in Soomaalidu ay taageero buu xdo u hayaan".

Naada ayaa si weyn usii faafi say farriimaha ham balyada ee ay taageerayaasheeda Soomaalida u muujiyeen.

Dalka Sudaan aad ugu badan is cadeynta hawe enka, waxaana u dheer is cayilin. Nada oo dumar badana ay u arkaan gabadh aad u qurux badan, ay aa billaabay in kaniiniyo ay liqaan si ay qaabkeeda ugu cayilaan.

Waxa ay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Suudaan, waxayna dadka la dhac een codkeeda, iyo masraxiyadeeda fanneed.

In kastoo Suudaan ay leedahay boqollaal fanaan iin caan ah, Naada way ka soo dhex baxday, waxay na ka mid noqotay kuwa ugu caansan.

Magaceeda dhabta ah waa Naada Moxamed Cu sman. Al-Qalcah waa naaneysteeda, waana xaafad ka tirsan magaalada Khartuun oo ah meesha ay fankeeda ka soo bilowday. Naada waa fannaanad dhalatay sannadkii 1975, waxayna fanka ku soo biirtay 1990-kii. Muddo 22 sano ah ayey tahay fann aan. Waxayna inta badan ka heestaa arrimaha haw eenka. Waxay qaaday in ka badan 200 oo heesood.

Heesaheeda qaar ka mid ah waxay kula talisaa dhallinyarada - rag iyo du,mar - ee isticmaala baraha bulshada. Mid ka mid ah kuwa ugu caansan waa "Ragel al-Sitrah".

Waa fanaanad horey qeyb oga noqotay arrimo muran dhaliyay oo heeso ay ka qaaday. Inta badan heesaheeda iyada ayaa sameysata.

Heesaheeda waxaa qeyb ka ah kuwo siyaasade ed. Mid ay dhowaan qaaday oo ku saabsanayd isbe delka ka dhacay Sudan ayaa muran dhaliyay. Warb aahinta qaar ee dalkaas waxay sheegeen in khilaaf uu soo kala dhexgalay Naada iyo Ciidamada, ka dib markii heestaas la shaaciyay.

XIGASHO:BBC


 BOGGA CAYAARAHA {ORODYAHAN ASALKIISU SOOMAALI YAHAY OO KA


 MID AH XULKA MARAYKANKA TARTANKA OLOMBIKADA}

Cabdixakiim Cabdiraxmaan oo ah 44 jir Asa lk iisu Soomaali yahay ayaa ka mid ah Orodya ha nnada u tartamaya waddanka Maraykanka

Tartanka Olombikada adduunka oo dhowaan ka furmaya dalka Japan.

Cabdirahman waa oradyahankii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah ee abid u tartamaka same eya koox ka socota dalka Maraykanka ciyaaraha Olombikada."Waxaan ahay 44-jir, wa xaanan xubin ka ahay kooxda Olimbikada Mare ykanka. Waxaan u maleynayaa inaan ka mid noqon doono dadka ugu da’da weyn tuulada Ol imbikada, gaar ahaan dhac dooyinka orodka. Kaliya waxaan matalayaa dhammaan ragga da ‘dhexaadka ah ee banananka joogga kuwaas oo u maleynaya inaysan ta rtami karin.”ayuu yiri Cabdi xakiim.Cabdi wuxuu ku dha shay Soomaaliya wux uu ahaa ilmo yar markii qoys kiisa ay qaxooti ku noqd een xeryaha qaxootiga. Waxay Aakhirkii tageen Arizona oo wuxuu noqday muwaadin Mareykan ah

.Waxaan ahay Mareykan Waxaan ku koray hal kan, ”ayuu yiri. "Dalkan wuxuu i siiyay wax kasta oo aan nolosha ka doonayay: waxbarasho lacag la’aan ah, shan jeer oo Olombikada ah. Waan u han weyna hay sida Mareykan, waxaan ugu han we ynahay sida Soomaalida.

Waan ku faraxsan ahay 2da dal,”ayuu yi ri."Wax aan u tegey tababaraha Kulliyadda Pi ma, waxaanan u sheegay inaan jeclaan lahaa inaan ordo, wuxuuna i weydiiyay inaan waligey horay u soo ordo. Waxaan ku iri maya. Aniguna waxaan galay kaalinta 2aad maalintaas. Ta asina waxay ahayd bilowgii shaqadayda orod, si aan daacad u noqdo, ”ayuu sii raaciyay Ca bdi oo ka hadlayay taariiqda noloshiisa.


DAGAALLO CULUS OO DIB UGA BILLOWDAY GOBOLKA TIGRAY IYO TDF OO


 QABSADAY MAGAALOOYIN


Dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo fallaagada (TDF), oo ah koox ka dhalatay isu-tagga TPLF, maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidan kasoo goostay dowladda fede raalka, ayaa lagu soo warra mayaa inay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan dib uga billowday gobolka Tigray ay yihiin kuwii u gu cuslaa waxii ka dambeeyey bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, xilligaas oo ay dowladdu shaacisay inay ku guule ysatay dagaalladii ka socday gobolkaasi. Xoogaga fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa shaaciyey inay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka, isla-markaana ay haatanka talinayaan.

Sidoo kale goobjoogayaal la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay arkeen xoogaga fallaagada oo roondo ka sameynaya magaalooyinkaasi.Dhinaca kale saraakiil u hadashay milatariga Itoobiya ayaa beeniyey wararka soo baxaya ee ku aadan in ciidamada fallaagadu ay la wareegeen magaalooyin ku yaalla Tigray, iyaga oo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur lagu faafiyey baraha bulshada Internetka. Dagaalka gobolka Tigray ayaa saameyn xoogan ku yeeshay gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan, iyada oo ay ku barakaneen kumanaan kale oo rayid ah.Waxa kale oo haatan gargaar deg-deg ah u baahan illaa shan milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo 350,000 ka mid ah ku nool yihiin xaalad macluul ah.Itoobiya ayaa haa tan ku jirto marxalad doorasho ayaa waxaa ku daba-dheeraadau dagaallada ka socda G/ka Tigray, kuw aas oo saameeyey xasiloonida dalkaasi.


UJEEDADA FOGNA ISKA  FIIRI.


 +FAALLO=


Sida uu qabo Dastuurkii Somalida ee 1962 Qodobada la xiriiro Jinsiyadda Somalida iyo Sharci Number 28 soona baxay 22 Dec.1962dii Qodo bka1aad & 2aad. si kooban, waxa uu qabaa in Muw aadin kasta oo Somaliya oo degan Qeyb ka mid ah 5tii Somali ee gumeysigu noo qeybiyay. Jamhuu riyada Somalidu waxa ey u aqoonsantahay Muw aadin Somaliyeed.

Xatta Sharciga Canada ee Waaxda Socdaalka iy aga oo tix galinayo Dastuurkii 1962, waxa uu qora yaa in Somliga u dhashay Somali ee ka yimid Dalka Ethio pia iyo kan Somaliya ka yimid, Kuligood loo aqoonsado in ey yihiin Somali Asal ah ( F.S: 1aad).

Ethiopia 20kii Sanno ee u dambeeysay waxa ey Safiir u soo magacaabeysay Muwaadiniin Somali ah si ey Danjirayaal uga noqdaan Somaliya ( 2 & 3aad).

Danta laga leeyahay waa in la muujiyo in Somalida Dowlad Deeganka Somalia ee Gacanta Ethiopia weli ku jiro ey yihiin Dad Ethiopian ah, kuna matali karo Somaliya gudaheed, Hore arrintaan looma ogoleeyn, waxaa ey Dowladu xaq u leedahay in ey tiraa: Maya soo bedela. Qof Somalinimo aan u aqoonsanahay isla Dalkiisii Somaliya Safiir ugama noqon karo Dal kale. (Wadamada qaar S



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip