Ujeedada fogna iska fiiri.+Faallo=

1
Wednesday June 23, 2021 - 15:48:37 in Wararka by
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada fogna iska fiiri.+Faallo=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
        Sida uu qabo Dastuurkii Somalida ee 1962 Qodobada la xiriiro Jinsiyadda Somalida iyo Sharci Number 28 soona baxay 22 Dec.1962dii Qodobka1aad & 2aad. si kooban, waxa uu qabaa in Muwaadin kasta oo Somaliya oo degan Qeyb ka mid ah 5tii Somali ee gumeysigu noo qeybiyay. Jamhuuriyada Somalidu waxa ey u aqoonsantahay Muwaadin Somaliyeed.
        Xatta Sharciga Canada ee Waaxda Socdaalka iyaga oo tix galinayo Dastuurkii 1962, waxa uu qorayaa in Somliga u dhashay Somali ee ka yimid Dalka Ethiopia iyo kan Somaliya ka yimid, Kuligood loo aqoonsado in ey yihiin Somali Asal ah ( F.S: 1aad).
 
Ethiopia 20kii Sanno ee u dambeeysay waxa ey Safiir u soo magacaabeysay Muwaadiniin Somali ah si ey Danjirayaal uga noqdaan Somaliya ( 2 & 3aad).
 


     Danta laga leeyahay waa in la muujiyo in Somalida Dowlad Deeganka Somalia ee Gacanta Ethiopia weli ku jiro ey yihiin Dad Ethiopian ah, kuna matali karo Somaliya gudaheed, Hore arrintaan looma ogoleeyn, waxaa ey Dowladu xaq u leedahay in ey tiraa: Maya soo bedela. Qof Somalinimo aan u aqoonsanahay isla Dalkiisii Somaliya Safiir ugama noqon karo Dal kale.
 
         (Wadamada qaar Safiir Sharafeed ayey ku heshiin karaan in uu ku matalo isla wadankii u dhashay, Laakin tan Dastuurkeena ayaa Diidayo)
 
Danta Ethiopia waa in Mustaqbalka Fog ey ku doodi karaan, Adinkaabaa Somalida ku nool Ethiopia u aqoonsaday in eynan Somali eheyn, uuna Ethiopian yahay. waxaad na jabiseen Dastiurkiinii 1962 ee sheegashada deegaankaa, Markaad ogolaateen in Somaligani uu Ethiopia metelo, uuna yahay Ethiopian.
 

Ma Diidani in Ethiopia ey Qof Somali ah Safiir ka dhigato, Laakin in ey Somaliya u soo dirto ( Timir  lafbaa ku jirto ). Ka fikir:
 
1. Ujeedada wakhtiga fog iyo Danta ey Ethiopia ka leedahay Safiiradaan.
 
2. in aad jabisay Qodob Dastuuri ah Adiga oo aan weli Bedelin Dastuurkii 1962dii.welina
 
Dastuurkaasi waa marjac, wixii laga waayo Sharciyada noo degan in isaga dib loogu noqdo, welina lama bedelin Qodobkaa.
 
3. Waxaad Shaki galisay Mustaqbalka Somalida ku nool Ethiopia, Haddii ey rabaan in ey Somaliya ku biiraan ama ey iskood gooni ugu istaagaan, hadba sidii ey Dantooda u arkaan.waxaadna cadeeysay in ey yihiin Ethiopian Asal ah.

        yaan laguugu gaadin Qoraal Diblomaasiyadeed ee iska hubi, Warqadaha Aqoonsiga ee Safiirada aad ka gudoomeysid iyo Qofka aad ka gudoomeeysid oo Sharciguna kuu ogolyahay: Haa ama Maya in aad tiraa.
 

FG:wixii aan ka khalday ka sax,wixii ka dhimanna ku dar.
 


Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip