Xildhibaan Carabow "Haddaadan Shabaab nugleen, iyagaa ku nugleen doono"

0
Sunday June 20, 2021 - 09:15:11 in Wararka by
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Carabow "Haddaadan Shabaab nugleen, iyagaa ku nugleen doono"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay gulufka militari ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe.


Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow Ibraahim oo laga soo doorto Hirshabelle ayaa muujiyay in hawlgalkan uu ka duwan yahay hawlagaladii hore ee gobolka laga samayn jiray.



"Hirshabelle waayadaan dambe wax tallaabo ah oo loo qaaday dhanka argagixisada maysan jirin in yar oo kooban mooyee, waxaana ku xeeran marxaladooyin fara-badan oo amni. Ilaahay mahadiis hadda waxaa la qaaday hawlgalkii looga hortagayay nimankii nabadiidka deegaano ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe. Degmada Raage ceelle iyo aaggaas ayay soo buuxdhaafiyeen, marka khasaaro fara-badana waa la gaarsiiyay, waana u mahadcelineynaa Saraakiisha iyo Ciidamada u taagan illaa iyo hadda halkaasi, oo maalin kastana lagu qarxinayo, ayagana jab xoog leh gaarsiiyay. Anaga dhan waxaa waajib nagu ah inaan garab istaagno.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow oo marti ku ahaa Barnaamijka Martida Mikrafoonka ee VOA.

Xildhibaanka ayaa sheegaya haddii aan lala diririn Shabaabka in loo nuglaan doono weeraradooda.

This image has an empty alt attribute; its file name is Xildhibaan-Carabow-1.jpg

"Waxyaabaha keenaya in la weeraro waxay tahay, haddii aanan nimankaa ayaga ah lala diririn oo aan gacan la saarin, ayaga ayaa ku soo ciriirin doono. Waad dareemi kartaa doorashooyina waa loo socdaa, deegaanadaas-na in badanoo ka tirsan waxaa dhibaato xoog leh ku hayo kooxahaas nabadiidka.” Ayuu yiri Xildhibaan Carabow.

Xildhibaan Carabow ayaa yiri "Waxaan u maleynaynaa in markaan gacan adag la saari doono, haddii Ilaahay yiraahdo, deegaano badanoo in ka badan 12 sano ugu dambeysay xorriyad in ay xor noqon doonaan.”

Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hirshabelle ee hawlgalka ka wado gobolkaasi ugu baaqay inay xoojiyaan gulufka ay kaga saarayaan maleeshiyada Al Shabaab.

"Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo iskaashanayo ayaa hawlgalkaasi wado. Waan garab taaganahay ciidamada, nafteena iyo xoolaheena waxaan awoodnaa la garabtaaganahay, waxaan rajeynaynaa inay ciidamada xorreeeyaan deegaanadooda.” Ayuu yiri Carabow.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray "Deegaankaas waxaan rabnaa inuu noqdo waqtiga soo socdo xor oo cagaheena aan ku istaagi karno meel walba. Amni hadduusan jirin dhanka horumarka deegaanada ma shaqayn karaan, marka si horumar loo helo waa in amni la helo.”

Gulufka ciidan ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa bilowday daba-yaaqadii bishii May, waxaana horkacaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

xigasho:dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip