HALKAAN KA AKHRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 17-JUNE 2021

0
Thursday June 17, 2021 - 08:21:53 in Wararka by
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES KHAMIIS 17-JUNE 2021

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xukuumadda oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada ee laga sugayo Q/Qoor

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxa med Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ‘goor dhaw la fil ayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cab di Kaariye Qoor Qoor uu soo magacaabi doo no xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee Galmudug.

Xubnaha laga sugayo Qoor Qoor inuu soo magacaabo ayaa lagu bedelayaa xubnihii dha waan laga reebay liiska guddiyada doorashooyin ka, kuwaas oo la tilmaamay inay u qeybsamaan shaqaalaha dowladda, ciidanka Qaranka iyo taa geerayaal gaar ah.

"Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray R/Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Ca bdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu wa xa uu u xaqiijiyay Ra’isul Wasaaraha sida ballan kuba uu ahaa inuu soo gudbinayo liiska, sida u gu dhaqsaha badan.

R/wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiy ay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee horey u soo gudbiyay liiska,” ayuu Macali muu ku yiri qoraal uu soo saaray goor dhaw.

Qoraalka Afhayeenka xukuumadda ayaa int aas ku sii daray, "Madaxweyne Axmed Cabdi Ka ariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho, kaas oo dalka u jiheeyay doorasho.”

Qoor Qoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee aan weli soo magacaabin xubnihii guddiyada do orashada ee laga sugayey, waxaana la sheegay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalila oo do oneysa inay saameyn ku yeelato xubnaha laga soo magacaabayo Galmudug.

Xiriirkaan dhex maray Qoor Qoor iyo Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Shalay Dhuusam areeb tegay wafdi ka socday beesha caalamka, kaas oo la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wax aana la sheegay in qodobo ay ku jirto dardar gel inta doorashada ay ka wadahadleen.

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada ku maqan Eritrea

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soo maaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka lo ogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’ ya hay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo ku wo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah u ga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

"Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqo laal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada taba barrada uga maqan dalka markii ay dhameyst aan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliy eed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rume ysan wararka suuqa ku jira.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama ge erida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyarada as ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore mar kii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Q/Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Norway Oo Soomaaliya Ka Caawinaysa Dhaqaalaha Doorashooyinka

Wasiirka W/Maaliyadda XFS Md /C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa Shalay la kulmay safiirka D/Norway ee Soomaaliya Elin Rognlie, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabs an xiriirka labada dal.

Wasiir Beyle iyo Danjire Elin Rognlie ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyad da,xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka.

"Waxaa sharaf ii ah in aan Shalay kulan muhi im ah la qaatay Safiirka D/Norway ee Soomaali ya H.E. Elin Rognlie oo aan ka wadahadlanay ar rimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta Maaliyad da, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka, Norway waa mid ka mid ah Saaxiibada ugu wanaagsan ee Soomaaliya , waxa ayna qeyb muhim ah ka qaadatay geedi socodka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaal iya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yee shay Mas’uuliyiin ka tirsan QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Shalay hab ma qal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasima ha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyin ka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Q/Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkwe ta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Q/Midoobay u qaabilsan Geeska Afr ica, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

kulanka ayaa lagaga hadlay si dii loo dardar galin lahaa tageera da dadka qoxo otiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dow lada Kenya ay ku xir ayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, wa xaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qa bashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelin ayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barak acayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maax med

DF Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowla dda QATAR

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Max amed Cabdirisaaaq Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibad da Qatar, Suldaan Bin Sacad, oo uu u gudbiyey dalab la xir iira taageerada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qat ar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, ga ar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in si taxadar leh looga gudbo xaala da ay wajaheyso Soomaaliya, xili la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan doorashooyinkii muddo dhaafay.

Wasiirka ayaa Suldaan Bin Sacad ka dalbad ay in dowladda Qatar ay kordhiso taageerada ay siiso dowladda federaalka, taasi oo uu ku sabab eeyay in xiligan Soomaaliya ay mareyso xaalad xasaasi ah, islamarkaana ay wajaheyso dhibaa tooyin kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Was iirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula qaadanayey qaar kamid ah wasiir adda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, kuw aasi oo diirada lagu saarayey xaalada Soo maaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageerada ballaadhan siiya dow ladda federaalka Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer lala xiriiriyey inay saaxiib dhow la tahay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday iyo Agaasimaha NISA.

Soomaaliya Iyo Kenya Oo Isku Raacay In La Xoojiyo Xiriirka Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dal, dibna loo furo safaaradaha Muqdisho & Nairobi, kaddib wada-hadal dheer oo dhanka taleefanka ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibed da ee labada dal.

Wada hadalka ayaa u dhe xmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/rizaak iyo dhiggiisa dalka Kenya Ra ychelle Omamo, waxaana ay si qoto dheer uga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii laba dal, iyo hormar mira dhal ah oo laga gaaro wada hadalada u socda labada dowl adood.

Sidoo kale Labada wasiirba ayaa waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradooda ee kala ah Kenya iyo Soomaaliya ee Nairobi iyo Muqdisho, wax ayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leeda hay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.Waxaana labada Wasiir ayaa muu jiyay rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsi ga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirsha beelle Md. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay kulan la qaatay danjiraha Dowlada Norway ee Soomaaliya Ambassador Elin Be rgithe Rognlie.

Kulankaan ayaa waxay kaga wa da hadleen mashaariic horumarin eed ee Dowladda Norway qorsheynayso in ay ka hirgaliso deegaanada Hirshabeelle iyo in xal waara loo helo fatahaadaha wabiga Shabeelle ee soo noqnoqday.

Madaxweeynaha Hirshabeelle iyo Danjiraha D/Norway ayaa sidoo kale Kulankaan uga ha dlay Arrimaha Amniga Doorashooyinka iyo ilaali nta Qoondada Haweenka.

Siyaasiyinta Waqooyiga ee garabka Cabdi Xaashi oo eedeyn u jeediyey Farmaajo

Golaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamm aaday ee

Maxamed Cabdu llaahi Far maajo ku eedeeyey inuu fara gelin ku hayo gudd iyada doorashada ee Gob olada Waqooyi.

Golaha oo isugu jiro siyaasiyiin iyo xildhibaa no ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soo maaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaa jo uu weli wado faragelinta guddiyada doorasha da Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inuu jab iyey heshiiskii ahaa in magacaabista guddiyada ay ka tashadaan Ra’iisal wasaaraha, Guddoomi yaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xige enka.

"Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee R/wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyad dii dacwadda laga qabay, markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid ya hay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u ra bo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo akhrina yey shirka jaraa’id ee golahaan ayaa sheegay in uu Farmaajo mid mid ugu yeeray wasiirada ka soo jeeda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka oo doonayey inay iska bedelaan xubnaha shaq aalaha dowladda, isagoo sheegay inuu culeys ku saaray inay arrintaan isaga haraan.

Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu gacantiisa ku qortay shantii xubnood ee xukuu madda soo magacaabi lahayd ee ka mida Gudd iyada Doorashada kala duwan ee Maamulka So maliland, waxayna ka digeen in lasoo saaro liis aska Guddiyada Doorashada Somaliland iyadoo aan la isku afgaran.

Ugu dambeyntii, Ra’isulwasaaraha xukuum adda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ay aa waxay ugu baaqeen inuu shaqadiisa qabsa do, maadaama uu isaga mas’uul ka yahay how laha doorashada iyo hirgelinta heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Muqdisho.

Ciidanka dowladda oo sheegay in ay dileen 300 oo shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciida madoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab.

Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryah an ka wadey furi mo kala duwan.

Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciida madoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab,kaasoo u qaabilsanaa dhanka saad ka. dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wa dey hawlgallo balaaran qeybo kamid ah gobola da, hawlgaladan ayey ka fulisay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degma da Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen b akhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soo maaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka. Xigasho:radiodalsan.com

Qoor Qoor iyo Swan oo ku kulmay Dhuuso-mareb

Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xogha ya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Ar rimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee M/Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa ga roon ka diyaaradaha Dhu usamare eb kusoo dhawe eyay Madax weyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Go le ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii ga lbiyay madaxtooyada Galmudug.

Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Mada xtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kul may Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta do orashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa ho wlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaa na da maamulkaas.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale.

Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha So omaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaal ada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay wa ddo oyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amn iga caasimada oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah.Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doo rasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

Qodob ka mid ah heshiiskii doorashooy inka ee xiisadda GEDO oo Shalay la 

fuliyey

Wafdi saraakiil ah oo ka socda taliska ciida mada Midowga Afrika ee AMISOM, isla-marka ana ka howl-gala Soomaaliya ayaa Shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halka asi is weyn loogu soo dhowe eyey.

Saraakiishan ayaa waxaa Garbahaarey si weyn ugu soo soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamu lka degmada, kan gobolka iyo sidoo kale taliyey aasha ciidamada. Wafdigan saraakiisha ah ee ka midka ah AMI SOM ayaa isugu jira saraakiil ka kala socota dal ala Ugandha, Kenya, Seirra Leone iyo Nigeria, waxayna kormeeri doonaan goobaha loo diyaari yay inay ka dhacdo doora shada, si loo geeyo cii damo ka tirsan booliska AMISOM.

Sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaad an doonaan maamulka gobolka Gedo iyo qeyba ha kala duwan ee bulashada, iyaga oo kala hadli doono amniga doorashooyinka.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii door ashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdi sho, waxaana amniga doorashada ka dhaceysa Gedo sugaya AMISOM.

Socdaalka saraakiishan ka socota howl-galka AMISOM ayaa kusoo aadayo, xilli Dorraad guda ha magaalada Kismaayo ay gaareen xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo hoggaami yaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha doorashooyinka 2021.

Si kastaba dowlad goboleedyada ayaa la fila yaa inay guda galaan doorashada xildhibaanada 2da aqal, maadaama heshiis rasmi ah lagu gaa ray Muqdisho.Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey, kadib khil aaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay DFS iyo dowlad goboleedyada.

Ciidamo ay tababartay dowladda Ingariis ka oo tababar loogu soo xiray 

Baydhabo

Saraakiil gaaraya boqol ayaa Shalay waxaa loo soo xirey tababar ay hoggaaminayaan ciidamo Ingiriis, kuwaasoo xarun tababar ku leh ma gaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ee maamul ka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa aheyd tababar socday lix toddobaad, taa soo loogga gol lahaa in la xoojiyo tabta iyo xee ladda dagaal ee ciidanka xoogga dalka, ay ugga hortagi karaan ururka Alshabaab.

Ciidankan ayaa waxaa tababarey hey’adda ammaanka ee Ingiriiska ee fadhigeedu yahay Baydhabo. Qalin jabinta Shalay ayaa ka dhigey sa tirada saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee uu tababarey Ingiriiska in ka badan 2,300 afartii sano ee lasoo dhaafey.

Xafladan qalin jabinta waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federal ka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Madaxweyna ha maamulka Koonfur Galbeed Cabdulcasiis Ma xamed "Lafta Gareen”, safiirka Ingiriiska ee So omaaliya Kate Foster, sidoo kale waxaa goob jo og ka ahaa, saraakiil sar sare oo ka socda ciida nka iyo qeybaha kale ee dowladda. Madaxwey ne Lafta Gareen ayaa ugga mahad celiyey dow ladda Ingiriiska tababarka ay u fidisay CXDS


Culumada Puntland oo ka hor-timid xeer kii ay ansixisay xukuumadda Deni

Culumada deegaanada Puntland oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag uga hor yimid xeer ay dhawaan an sixi yeen golaha wasiirrada Puntland, kaas oo ga bi ahaanba lagu mamnuucayo gudniinka ga bdha ha.

Culumada ayaa sheegay in xeerkaas uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka, iyagoo baa rlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel marin xeerkaas, maadaama baarlamaanka loo gudbinayo, kadib ansixintii golaha wasiirrada.

Culumada ayaa xeerkaan ku tilmaamay ma shruuc mudo dheer laga hor taagnaa inuu dalka ka hir-galo, isla markaana fasahaad ku ah umad da Soomaaliyeed, iyagoo wasaaradii soo diyaari say xeerkaan ku eedeeyey in la siiyey sandare ero, sida ay hadalka u dhigeen.

"Waxaani waa mashruuc, dowladihii dalka soo maray ayaa horay u diiday, Shalay waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jee sano. Baarlamaanka Puntland anigu waxaan ka rajeynayaa inay ansixinta xeerkaas diidi doona an, wasaaradda soo diyaarisayna anigu waxaan is leeyahay waxbaa lagu siiyey, laakiin hadii ay ka war qabi lahaayeen khatarta mashruucaan dii nta Islaamka lagula dagaalayo ma aysan yeel een,” ayuu yiri mid ka mid ah Culumada.

"Xeerkaan kama hadlayo gudniin suni ah ama gudniin fircooni ah, balse waxa uu mamnuuca yaa gudniin oo dhan, marka golaha wakiillada waxaan leeyahya Shalay waa doorkiinii, meesha aad dhigtaan ayaana arki doonaa,” ayuu yiri Sheekh kale.

Khamiistii lasoo dhaafay ee 10-kii bishan June kulan uu shir guddoominayey Madaxweyn aha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goobjoo gna uu ka ahaa ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayey golaha wasiirrada Puntland dood iyo fala nqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xe er lagu mamnuucayo Gudniinka Gabdhaha, kaa s oo wasaaradda Cadaaladda Puntland ay hor keentay golaha.

Gabdho ka baxey kuliyada beeraha jamacad aha Soomaaliya oo sameystay Beero.

Iyadoo aaney ku baneyn Soomaaliya falashada beeraha dumarka, ayaa haatan waxaa soo baxay gabdho ah ardey ka baxdey kuliyadaha

beeraha ee Jaamacadaha Muqdisho, kuwaasoo u weecday beer falashada.

Weriyahayaga BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, ayaa la kulmay qaar kamid ah gabdhahaas, iyagoo u sheegay iney ka go’an tahay iney beerha fashaan.

Naciimo Sheekh Maxamed, waxey kamid ta hay gabdhahan sameysay beero ay iyagu leeyi hiin.Naciimo waxey naawileysan tan iyo xiligii ay yareyd in mar un ay beer yeelato.

Gabdhahan ayaa sameeyey beeraha nooca loo yaqaan "Green House”, kuwaasoo ku baxa iftiinta cadceedk iyo waraabin joogta ah.

Gabdhahan waxey ka cawdeen abuurta beer aha noocan oo kala ah inaanan laga helin dalka, oo ay dibadda ka keenaan.

Sidoo kale, beeraha ayaa u baahan waraab ka biyo badan, taasoo ay sheegeen iney ku kac eyso lacag aad u badan.

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeex day heshiis caafimaad

Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isb itaalka guud ee Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.

Warbixin laga soo saar ay he shiiska ayaa lagu yidhi" Heshiis kan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbi taalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo ka le waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaa tiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka".

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexd ay in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wade no caafimaad ah isla markaana maal galiso dhis mayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland. Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeex ay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrim aha dibada Joseph Wu.

Sabab yaab-leh oo loo eryey tababarihii xul ka kubadda cagta qaranka 

Sooomaaliya

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in gabi ahaanba shaqada laga eryey tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed, Cab dellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, wux uuna xilkan hayey wax ka yar saddex todobaad.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubad da cagta Soomaaliyeed ay aa waxaa lagu sheegay in tababare Cabdellatif Salef uu ku kacay aflagaado ka dhan ah ciyaartoyda Soomaaliyeed, oo haatan tababar ku qaadanaya wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale xiriirka kubadda cagta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tababarahaN ajnabiga ah uu si xun ula dhaqmay ciyaatoyda muddadii yareyd ee uu hayey xilka.

"Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ere yo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wu xuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qab tay xilka xulka, mana uusan laheyn dhaqan wan aagsan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xirii rka kubadda cagta Somalia.

Wareegtada kasoo baxday xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale la gu sheegay in ciyaartoyda Soomaaliyeed, gaar ahaan xulka qaranka aysan ku farxsaneyn tab abaraha la eyriyey, oo uu xiriirku shaaciyey in uu san laheyn xirfad iyo khibrad ku filan.

"Ciyaartoydu kuma faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba aysan aheyn kuwa gaarsiisan heerka xulka, halka aanu xitaa la imaan qorshe tababar”

Go’aanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, iyada oo haa tan xulka qaranka dalkeena uu isku diyaarinayo ciyaaraha Carabta ee ka dhacaya Qatar.

Si kastaba horey ayaa waxaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed si weyn loogu dhaliilay sha qaaleysiinta tababaraha la eryey, maadaama ay joogataan tababareyaal Soomaali ah.

Mareykanka oo diyaarinaya qorshe Ciidam ada ugu soo celinayo Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gacanta ku heysa qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka Maleeshiyada

ururka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib u ga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciida mada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, ma daxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.

Trump ayaa Soomaaliya kala baxay inta badan cii damada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wu xuuna ku reebay illaa 100 kaliya, kuwaas oo dhinaca tababarada ka caawinaya Ciidamada dowladda Soomaliya.

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Dorraad lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee maga alada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii fo osha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaamee dsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, wa xaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ay aa lagu yiri qoraalkaas.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladd ooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan DFS iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo Dorraad ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee deg mada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qor ayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afa afka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciid amada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.Dadka ay qaraxa Dorraad waxyeela du kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jir ay inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Diyaaradaha Israel oo duqayn xoogan ka gaystay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa Habeen hore weeraro dhanka cirka ah ka gaystay Marinka Gaza, iyadoona ay Israel duqayntaasi ku sheegtay mid jawaab u ahayd buufino qarxa oo kaga yimid dhanka Ururka Xamaas.

Militariga Israel ayaa sheegay in Xamaas ay beeg satay Koonfurta Israel, iyana ay garaaceen goobo ay leeyihiin Militariga Xamaas.

Militariga Israel ayaa sheegaya inay diyaar u yihiin caqabadaha ka dhalan kara xaaladda soo korortay, xitaa haddii uu dagaal noqdo.

Dadka degan Khan Yunis ee Koonfurta Marinka Gaza ayaa goor dambe oo Habeen hore ahayd hurdada kaga soo baraarugay daryanka duqaymihii ay gaysan ayeen diyaaradaha Israel.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqayntan ay diyaaradaha Israel ka gaysteen Marinka Gaza.

Xamaas ayaa horey uga digtay inay weerarada dib u bilaabi doonto, haddii dadka reer Israel ee waddaniy addu madax martay ay isku dayaan inay socod ku soo maraan Qudus-ta Bari ee la haysto.

Israeliyiinta ayaa sanad kasta bisha May dhigga bannaanbaxyo ay ku sheegaan maalinta calanka, maalintaas oo ay u dabaaldeggaan markii ay Israel qabsatay Bariga Magaalada Qudus, oo markii hore ay gacanta ku haysay Dowladda Jordan. Bannaanbaxy ada ayaana sanadkan ka dib dhacay xilligoodii.

Ra’iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mohammad Shtayyeh ayaa sheegay in arrintaasi ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo aan la mahdin doonin.

Xiisadda ka soo cusboonaatay Bariga Dhexe ayaa ku soo aadaysa, xilli 21-kii bishii May ay Xamaas iyo Isr ael wada gaareen xabad joojin.

Ra’iisul Wasaare Hamdok oo ka digay dagaal soke eye oo ka dhaca Sudan

Ra’isul Wasaaraha Sudan ayaa ka digay halista fo wdo iyo dagaal sokeeyee oo uu sheeegay inay ab aabulayaan ‘kuwa daacad u ah maamulkii hore’ isa goo difaacayay dib u habeynta Sudan looga saarayo dhibaatada dhaqaale ee qotoda dheer iyo xasilinta siyaasadda xilliga kala guurka ah.

Abdalla Hamdok ayaa hadalkan ka sheegay khud bad uu kula hadlay dadka dalkiisa, taas oo uu ka jee diyay telefishinka maalmo kaddib markii rag dhalliny aro ah oo watay budad iyo ulo ay xireen waddooyinka caasimada Khartoum, kaddib markii ay dowladdu joojisay lacagihii ay ku kabi jirtay shidaalka.

Dowladda Hamdok ayaa ku howlgasha heshii awo od qeybsi ah, kaas oo u dhexeeya militariga iyo rayid ka, kaddib kacdoonkii dadweynaha ee ciidanku xukunka uga tuureen ho ggaamiyihii waayo-aragga ahaa ee Omar Al-bashiir bishii April 2019. Xilliga kala guurka ah ayaa ujeedadiisu ta hay in lagu gaaro doorasho, isagoo ku eg dhammaandka sa nadka 2023.

"Xaaladda nabadgelyada ee ka sii dareysa waxay inta badan ku xirantahay kala qeybsanaanta ka dhex jirta qeybaha kacdoonka, taas oo fursad ay ka faa’ii deystaan siineysa cadowgeenna iyo haraadigii taliskii hore” ayuu yiri Hamdok. Waxa uu sheegay inta dib u habayn lagu samaynayo amniga Sudan ay taagn aan doonaan halista amni ee gudaha iyo dibada uga imaanaya.

"Kala qeybsanaanti waxay inoo horseedii kartaa xaalad fowdo ah oo ay hormuud ka yihiin kooxaha burcadda ah iyo kuwa dambiileyaasha ah, taasoo hor seedi karta fiditaanka isku dhaca dhammaan kooxaha rayidka ah, taas oo horseedi karta dagaal sokeeye” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Hamdok.Itoobiya oo u xaqiijisay UN-ka iney ka bix ineyso dalkeeda ciidamada Eritrea.

Ciidamada Eritrea kuwaasoo ka dagaalamayey gobolka Tigraay ee waqooyiga Itobiya, ayaa dhawaan deg deg halkaasi ugga baxaya, sida u sheegay saf iirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Taye Atske Sellasie Made, oo ah safiirka ayaa she egay in arrintan haatan ay gacanta ku hayaan, qaab kii iyo hannaankii ay ku bixi lahaayeen ciidamadana la diyaariyey.

Safiirka ayaa intaa raaciyey inarrin tani ay dowladda Itoobiya ka go’an tahay fulinteeda, dowladda Eritrea-yana loo cadeeyey.

Toddobaadkii hore, Madaxa arrimaha bani’aadan imada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in abaari ka jirto waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa in muda ah iska diidaneyd in waqooyiga dalkeeda ay ka jirto macluul iyo abaar.

Kumanaan dad ah ayaa lagu diley dagaalka ka dhacey gobolka Tigraay, halka 1.7 milyan dad gaa rayana ay ka barakaceen guryahooda.

Dagaalkan ayaa ka socda toddobo bilood gobolka Tigreega, ayaa waxa kulug leh ciidamada Eritrea, kuwaasoo lagu eedeeyey iney geysteen tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, sida kufsi iyo dil aan sharciga loo marin.

Shacab Careysan oo banaanbax ka hor dhigay Saf aar dda Kenya ku 

leedahay wadanka Ingiriiska

Boqolaal Soomaali ah ayaa banaanbax xoogan ka hordhigay Safaarada dowladda Kenya ku leedahay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, kuwa

as oo ka cabanaayay duqeymaha xad dhaafka ah ee diyaaradaha Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinaayay erayo ka dhan ah madaxweynaha dalka Kenya iyo dowladiisa oo aay ka mid ahaayeen Uhuru Kenyata dooni meyno, Kenya doonimeyno ciidankeeda AMISOM dooni meyno iyo erayo kale.

Safiirka dowlada Kenya ay aa banaanka ugu soo baxay dibad baxayaasha ku hor banaanbaxayay Xafiiskiisa waxaana halkaasi loogu dhiibay warqad cabasho aheyd oo ku socotay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Wariye Cabdixaafid oo ka mid ah wariyaasha Soo maaliyeed, ee ku sugnaa goobta mudaaharaadka uu ka socday ayaa su'aalay Danjire dowlada Kenya,

" Danjire maxaad uga jawaabeysa caruurta yaryar ee dowlada Kenya ku laaysay gobolada Gedo iyo Jubbooyinka" lakiin Safiirka Kenya wuu ka gaabsaday inuu ka jawaab celiyo su'ashaasi waxuuna dib ugu laabtay Xafiiskiisa.

Mid ka mid ah hoggaamiyaasha dibadbaxa ee wa rqada u dhiibay Safiirka Kenya oo lagu magacaabo Aadan ayaa sheegay in warqada aay u dhiibeen Safiirka Kenya ee dalka Ingiriiska iney ku qorneyd cabashada shacabka Soomaaliyeed aay ka qabaan duqeymaha aan loo meel dayan ee caruurta Soom aaliyeed lagu leynayo laga soo bilaabo sanadkii 2011 ilaa sanadkan 2021 tacadiyada iyo gumaadka aay Kenya ka geysatay gudaha Soomaaliya.

Waxuu intaasi ku daray in duqeymaha kenya ee la diiwan galiyay ku dishay dad kor u dhaafaya ilaa 150 qof oo shacab ah una badan caruur iyo haweyn aa nan waxba Shalaysan iyo waxii gumaad ahaa ee cii danka Kenya geysteen ilaa waqtigaas inuu ka jawaab celiyo. "Safiirka waxuu u diiday in su'aalaha uu ka ja waabo waa inuusan heynin wax jawaab ah uma haa yo duqeymaha soo noqnoqday iyo burburka hantiya deed sidaas ayaana ku kaliftay inuu wax jawaab ah bi xin waayo" ayuu yiri Aadan oo ka mid ahaa horjooga yasha banaanbaxa ka dhacay banaanka Safaarada Kenya.

Banaanbaxaan ayaa imaanaya xili todobaadkii la soo dhaafay diyaaradaha dowlada Kenya aay duqe ymo ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Ge do aay ku dileen hooyo canugeeda kuna dhaawacmeen ku dhawaad 10 caruur ah oo aanan waxba Shalaysan.

Biden iyo Putin oo isku raacay inay ka wadaha dlaan xakamaynta hubka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhig iisa Ruushka Vladimir Putin ayaa isku raacay in laga wada hadlo arrimaha xakameynta hubka iyo amniga internetka iyo in safiiradooda dib loogu celiyo xilalkooda, kadib shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Geneva ee Putin ku tilmaamay mid wax dhisaya.

Wadahadalka Shalay oo socdo muddo dhowr saacad ood ah ayaa ah kii ugu horee yay ee labada Madaxweyne yeeshaan tan iyo markii Biden uu qabtay xafiiska.

Labada Madaxweyne ayaa weli isku khilaafsan arrimo badan oo ka imanaya xakamaynta hubka iyo jabsiga internetka ilaa faragelinta doorashada iyo Ukraine.Isaga oo la hadlaya wariyeyaasha kulanka kadib, Putin waxa uu qiray in Biden uu la soo qaaday arri maha xuquuqul insaanka, oo ay ku jirto masiirka hog aamiyaha mucaaradka ee xiran Alexey Navalny, bal se Putin wuxuu difaacay xukunka xabsiga ee Nav alny.

Si kasta ha ahaatee Putin ayaa u leexiyay su’aalaha taas bedelkeedana uu isku dayay in uu diirada saaro qalalaasaha gudaha ee Mareykanka, isagoo soo qaatay mudaaharaadyadii ka dhacay Mar aykanka iyo duulaankii dhismaha Capitol ee Wa shington, DC.

Putin ayaa sidoo kale sheegay in Moscow iyo Wa shington ay bilaabi doonaan wadahadalada ku saa bsan isbadalada suuragalka ah ee heshiiska xakamay nta hubka ee New START kadib marka uu dhamaado sanadka 2026, isagoo intaa ku daray in labada dal ay mas’uul ka yihiin xasiloonida istiraatiijiyadeed ee nuk liyeerka.

Washington ayaa joojisay wadahadaladii ay la la heyd Moscow sanadii 2014 iyadoo ka jawaabeysa ku biiridii Ruushka ee Jasiirada Crimea ee Ukraine iyo faragalinta militari ee ay ku taageertay gooni u goo sadka bariga Ukraine.

Waxa kale oo uu sheegay in Ruushku uu Maray kanka siiyay macluumaad dhammaystiran oo ku saabsan weerarrada internetka iyo in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la bilaabo wadatashiyada ku saa bsan nabadgelyada internetka.

Wasiiradda Warfaafinta Dalalka Carbeed Oo Shir Uga Furmay Qaahira

Shirkii 51-aad ee Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Carbeed ayaa waxa uu ka furmay Xarumaha Dhexe ee Xoghaynta Ururka Jaam acadda Carabta ee ku yaalla Caas imada dalka Masar ee Qaahira.

Ajendaha looga hadlayo Kulan kaasi waxaa ka mid ah Qoddob la xiriira Istaraatijiyada Warbaahinta Carbeed iyo Dha qdhaqaaqa Qorshaha Warbaahjinta Caalamka ee Dib edda, si ay Warbaahinta diirada u saaraan Taageerad da Qaddiyadda Reer Falastiin oo looga hortegayo Siyaasadda Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Ka hor Furitaanka Shirka Wasiirada Warfaafinta da lalka Carbeed waxaa la isla meel dhigay Ajendaya asha Shirkooda, iyagoo ka wada tashadat qoddobo uu ugu muhiimsanaa Doorka Warbaahinta Carbeed ee Ka-hortaga Cuddurka Laayaanka ee COVID 19

Dhinaca kale, Wasiirada Warfaafinta dalalka Car beed iyo Wafuuda kale waxay Kulan Wada-Tashi ah la yeesheen Xoghayaha Guud ee Ururka aamacadda

Carabta, Axmed Abu Kheyd.

UNOPS JOBS

Operations - Senior Assistant

 

Job categories Project Management, Programme Management

Vacancy codeVA/2021/B5001/21947

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty stationMogadishu, Somalia

Contract type Local ICA Support

Contract levelLICA-5

DurationOngoing contract (Open-ended, subject to organizational

requirements, availability of funds and satisfactory performance)

Application period 15-Jun-2021 to 29-Jun-2021

 

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.



Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

Functional Responsibilities


The Operations - Senior Assistant works under the direct supervision of the Oper...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp..



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip