
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 16-JUNE 2021
R/Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dha awacmay qarixii Argagixisanimo
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaa liya Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku beegsadeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo u soo istaagay difa aca dalkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaa gay dhallinyaradan iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in
dowladduay ku bi xin doon to dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafi maad oo dhammaystiran.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xa aji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaara ha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyar ada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaa reen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan argagixisada, aysanna ka hor istaagi karin falalkan fuleynimada ah ee cadowgu ay soo maleegayaan kamiro hiigsigooda ciidan iyo xoreynta dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuse en Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaa liyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaad ka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, manta na la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sif eeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehel ada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerark an arxan darrada ah.
Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhac ay Xerada Jen. Dhaga-Badan Oo Sii Kordhay
Maamulka Isbitaalka Madiina ee M/ Muqdi sho ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda dhaa wacyada la geeyay Isbitaalkaas ee dadkii ku dhaawacmay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee duhurnimadii Shalay ka dhacay Xerada taba barka Ciidanka ee Jeneraal Dhaga-badan
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta
ayaa u sheeg ay in Isbitaalka la geeyay 45 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan 38 kamid ah da dkaas la jiifiyay, halka 6 qof kalena la daawe eya, kadibna la fasaxay.
Agaasimahaayaa xusay in 5 kamid ah dadka ay qabeen dhaawacyo culus, isla markaana loo sa meeyay qalliino, halka dadka kalena ay yihiin dhaawacyo xaaladoo da Caafimaad aan liidan, kuwaasi oo loo fidiyay gargaar.
Taliyaha Ciid anka Xoogga dalka Jen. Od awaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriy oodeen 10 ruux, halka 20 qof kalena ay ku dhaa wacmeen, balse Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheeg ay in khasaaraha uu gaarayo 45 qof.
Dhammaan dadka dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxii Shalay ka dhacay Xerada ta babarka Ciidanka Jene raal Dhaga-badan ayaa ahaa dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan Ciid anka Xoogga dalka, waxaana isku qaraxiyeu Nin isa-soo miidaamiyey.
Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab oo warar ku faafiyeen baraha qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Xe rada tababarka Ciidanka Dhaga-badan, iyagoo na sheegay inay ku dileen 40 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladdaKUNA dhaacaween ilaa 50 kasle
Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka had lay qarax ka dhacay Muqdisho
Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka ha dlay qarax Shalay ka dhacay xarun lagu tab abbaro ciidamada oo ku taal degmada Wadajir ee M/Muqdisho.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa xaq ijiyay dhimashada 10- ka mid ah dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka iyo dhawaca 20-kamid ah dhalin yadasi kuwaas oo lagu diiwaan galinayay xerada ciidanka ee General Dhaga badan
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Oda waa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Tacsi u diray dhalinyarada ku dhimatay weerarka Argagxisanimo isagoona kuwa dhawaca ah alle uga baryay inuu caafimad taam ah siiyo.
Qaraxa ayaa dhacay xilli dhallinyarada ay sugayeen Baaritaanka ka hor inta aysan gudaha xerada galin,
Taliyaha ayaa xusay in tani aysan wax saa meyn ah ku yeelan doonin dhismaha ciidan xoo gga oo dhalinyaradda soomaaliye ed kaalin mug weyn kaga qayb qaadanay aan.
Sheekh Shariif Oo Si Kulul Uga Hadlay Qara xii Shalay Lala Beegsaday Dhalinyarada
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gu ddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Sh ariif Sh Axmed ayaa ka hadlay qaraxii Is-miida aminta ahaa ee Shalay ka dhacay Xerada tababarka Cii danka Jeneraal Dhaga-badan
Sh. Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu si kulul ugu Cambaareeyay qaraxa lala beeg saday dhal inyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, isagoona falkaas ka dhacay ku tilmaamay wax laga arga gaxo.
Wuxuu Shariifka tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo shacbiga Soomaaliyeed oo ay ba xeen dhalinyaradii la qarxiyey, xili ay saf dheer ugu jireen diiwaan-gelin ka socotay Xerada Cii damada, halka kuwa dhaawacmay uu Alle uga rajeeyay inuu Caafimaad Deg-deg siiyo.
"Waa fal argagax leh oo aan si adag u cambia reyneyno, waana mas’uuliyad na wada saaran in loo midoobo sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha duullaanka ku ah dowladnimadeenna” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
In ka badan 20 dhalinyaro ah ayaa ku naf-wa ayay qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Xerada Ciidanka ee Jeneraal Dhaga-badan, halka 45 ka lena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad, waxaana Mas’uul iyadiisa sheegtay Al-shabaab.
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Turkiga Kala Hadlay Arrimo Muhiim Ah
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir Xiir eey Axmed Rooble ayaa magaalada Istanpul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay ku-xigeenka du qa magaalada Istanpul Mr. Mahir Polat.
Mas’uuliyiintan kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya magaalo oyinka Muqdisho iyo Istanpul oo ku saleysan dhi nacyo kala duwan.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa ka Arrinsaday sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa mashaarii cda dhismaha la xariira oo ay dowlada dalka Tur kiga ka fulin jirtay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha gu ud ee gobolka Banaadir ayaa ugu mahadceliyay dowlada dalka Turkiga iyo shacabkeeda sida ha gar la’aanta ah oo ay u garab istaageen umada Soomaaliyeed, isla markaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta bilicda Caasimadda.
Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Danjiraha Qatar Xamza
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xaf iiskiisa kula kulmay Safiir ka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xa san Xamza.
Kulankan ayaa loogaga hadl ay xiriirka labada dal, habsa mi u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Sooma aliya iyo Arrima ha doorashooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu waday wadahadalo uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka isagoo kala hadlayay arrimaha doorashooyinka.
Beesha Mudulood oo ka digtay dhul boobka ka socda degmada Dayniile
Kulan ay Shalay iskugu yimaadeen wax gar adka, Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta Beel aha Mudullood oo ka qabsoomay magaa lada Mu qdisho ayaa waxaa looga horyimid dhul boob ka socda degmada Dayniile.
Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda ciyaaraha Soom aaliya ayaa waxaa looga digay dhul boob ka so cda dhul la sheegay in garoon diyaaradeed ay ka hirgelinayso dowladda.
Guddoomiyaha horumarinta Beelaha Mudul lood, Muxiyadiin Xasan Afrax iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka Beesha oo ka hadlay ku lankaas ayaa madaxda sare ee dowladda u soo jeediyay inay wax ka qabtaan dhul boobka lagu hayo dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Ma taan.
Sidoo kale waxay soo bandhigeen dukomunt iyo ay ku cadeynayaan in dhulk aas ay leeyihiin dad kasoo Reer Sheekh Axmed Mataan, ayada oo uu dhawaan Wasiir Duraan ku sheegay in dhulkaas laga hirgelinayo garoon diyaaradeed.
"Waxaa sheegayna, oo u sheegayna ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka iyo cirka in me esha laga rabo garoonka waxaa ka taagan qeylo oo dadkii lahaa wey taagan-yihiin,” ayuu yiri Gud doomiyaha horumarinta beelaha Mudulood.
Odayaasha beesha Mudulood ayaa ku hanja bay haddii la dhageysan waayo baaqa Shalay ay jeedinayaan arrintu isku badali doonto dagaal gacan ka hadal ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Kulanka Shalay ayaa imanaya xili si weyn isu-soo tarayso cabasho xooggan oo laga muuj inayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile.
Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay go obta ay dowladda u asteysay garoonka laga hir gelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciy ey inuu sharciyeeyo.
Axmed Madoobe oo la kulmay Wakiilo katirs an Beesha Caalamka
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka ga arka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoob ay u qaabilsan arimaha Somaaliya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Ga arka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yur ub iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka ayaa lag aga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doora shooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Mad axweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.
Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulam ada iyo wadatashiyada la xiriira arimaha Doora shooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka.
Wakiilada beesha Caalamka ayaa maalmahan kulamo kala duwan la qaadanayya Madaxda do wlad goboleedyada iyo madaxda Dowlada fede raalka, waxa ayna kala hadlayeen dardar galinta howlaha doorasooyinka.
Deni oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah shirkadda DP World
Madaxweyne Saciid C/hi Deni oo Talaadada Shalay ah si rasmi ah u daahfuray kal fadhiga 48-aad ahyed ee Golaha Wakiiladda ee Maamu lka Puntland, ayaa ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda P&O oo hoos tagta shirkadda DP World ay ka qaadi jirtay dekedda Boosaaso.
Heshiiska P&O ee marsada Boosaaso ayuu xusay in dib-u-eegis lagu bilaabay. Khuburo ka socda shirkada ayuu xusay in ay sahmiyeen xaf aarida goobta ayna shaqada ku bilaabaney so muddo laba bil gud aheeda.
Mudada dib-u-habe ynta socoto oo aan la cayimin ayuu ka dhaw aajiyey in akoonka shir kada P&O laga wareej iyey dakhliga dekadda isla markaana haatan ay ku dhacdo akoonka ka le oo ay maamusho dow lada Puntland.
Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emira te-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada So maliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dha afeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Shirkadda P&O Port ee hoostagta DPWorld ayaa bishii October sanadkii 2017 heshiis kula wareegtay Dekadda Boosaaso iyadoo afar sano ka dib weli aysan waxba ka qaban dhismaha De kedda sida uu qabey heshiisku.
Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraad ka Carabta ayaa go’ay kadib markii sanadkii 2018-kii dawladda Soomaaliya ay u yeertay Saf iirka Iimaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, iyadoo ujeedada u yeeriddu la xiriirtay sidii qaab diblomaasiyadda waafaqsan ay Soomaaliya ugu gudbin lahayd mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World iyo faragelinta ay ku heyso Dekadaha Soomaaliya.
12-kii bishii Maarso ee isla sanadkaas ayu Baarlamaanka Soomaaliya gaashaanka ku dhuf tay heshiis dhex maray shirkaddaas iyo maamul ka Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay Dekedda Berbera ku yeelanaysay DP World, ha llka Itoobiyana loo qoondeeyay 19%.
Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusama reeb gaaray kuna dhawaaqaya xubnaha guddiga doorashooyinka
Madaxweynaha maamulka Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamreeb kaddib safar shaqo oo uu muddo uga maqnaa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey Ma daxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Nu ur Gacal, xubno ka tirsan labada gole, maam ulka caasimadda iyo qeyb aha bulshada.
Qoorqoor ayaa lagu wa daa in uu saacaddaha soo socdo uu ku dhawaaqo xu bnaha cusub ee guddiga doorashooyinka.
Xubnahaasi ayaa lagu badali doona kuwii horay cabashada looga keenay, waxaa sidoo ka le lagu waddaa in uu xaliyo cabashooyin ka taa gan degmada Ballanbale oo xilka looga qaaday wasiirkii Arrimaha Galmudug.
Cali Guudlawe oo la kulmay safiirka Talyaaniga Vecchi
Madaxweynaha Hirshabeelle Md.Cali Guudl aawe ayaa Shalay kulan kula qaatay Magaala da Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u fa dhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.
Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Fat ahaadaha Amniga iyo Fulinta Mashaariicyo hour marineed oo wax tar u leh bulshada Deegaana da Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa Ambassador Alberto Vecchi Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soom aaliya la wadaagay Xaaladaha fatahaada ee ha da taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku ba rakacay fatahaada Wabiga shabeelle oo ay ku barakaceen in kabadan toban kun oo qoys, si doo kale kulankaan waxaa looga hadlay sidii loo ga wada shaqeyn lahaa xal u helida Arrimaha Fatahaadaha oo ku soo laab laabtay Dowlada Hirshabeelle.
Kulanka inta uu socday waxaa la iskula soo qaaday Dhismaha iyo tababarada ciidamada booliiska, Daraawiishta Fulinta mashaariicyo hor umarineed oo wax tar u leh bulshada sida Cu sbitaalo iyo adeegyo kale oo muhiim ah iyo Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha Magaa looyinka iyagoo balan qaaday in sanadka cusub ay Magaalada Beledweyne nooga dhisi doonaan Airport Caalami ah.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Do wlada Talyaaniga taagerada ay dadka Soomaal iyeed la garab taagan yihiin gaar ahaan shaqooy inka ay ka wadaan Magaalada Beledweyne Xar unta Ganacsiga Dowlada Hirshabeelle
Madaxweynaha hirshabelle oo la kulmay safi irka talyaaniga
Dibad-baxayaal xirtay waddo muhim ah oo ku taal Muqdisho
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soom aaliya waxaa Shalay dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyin ka Bajaajta ee ka howl-gasha caasimada, iya goo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon.
Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho
Dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanaya wado xumo, waxayna sheeg een inay waayeen meel ay maraan, isla-markaa na jidadka qaar ay biyo xireen, halka kuwa kal ena ay gooyeen ciidanka ammaanka ee dowla dda federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in maa lin waliba laga qaado lacago canshuuro ah, isla-markaana aan waxba loogu qaban, sida ay had alka u dhigeen.
Sidoo kale bajaajleyda Muqdisho oo la had lay warbaahinta ay baaq waxa ay u direen gud doomiyaha gobolka Banaadir, iayagoo dalbade en inuu soo fara-geliyo cabashadooda.
Dibad-baxan ayaa sidoo kale saameyn ku ye eshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay, maadaama banaan-baxayaasha ay xirteen wadadaasi.
Si kastaba dibad-baxa ayaa kusoo aadayo, xilli maamlmihii lasoo dhaafay jidadka Muqdisho ay ahaayeen kuwa ciriiri ah, isla-markaana ay biyo xireen wadooyinka qaar.
Mucaaradka oo beeniyey eedeyn la xiriirta waalidintii wiilashooda la geeyey Eritrea
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah xubnaha mucaaridka ah ayaa si adag uga ja waabay eedeyn ay dhawaan u jeedisay dowla dda federaalka, taasi oo ay kula xiriirisay kacdo onka waalidiinta caruurtooda looga qaaday aska rnimada dalka Eritrea.
Odowaa ayaa eedeynta uga timid dowladda ee uu dhawaan u jeediyay wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid qeyrul mas’uulnimo ah, oo mu ujinaysa heerka ay dowladda federaalka uga da mqaneyn cabashada hooyooyinka ay dhalin to oda ka maqan tahay.
"Dowladan waxaa laga bartay inaysan hadlin ama inay si kheyru mas’uul u hadasho hooyooy in ooynaayo in la yiraahdo mucaarad baa soo a baabulay ceyb bay ku tahay,” ayuu yiri Xildhib aan Odowaa. Waxa uu ku dhaliilay madaxda sa ree ee dowladda inay ku caan baxday inaysan ka hadlin dhibaatada ay sababtay oo ay kamid tahay Askarta ay u qaaday Eritrea, iyo inay si qeyrul mas’uulnimo uga jawaabto falalka loo haysto. Odowaa ayaa sidoo kale dalbaday in la soo cadeeyo inuu jiro heshiis dhex-maray Farm aajo iyo madaxweynaha Eritrea oo ku aadan ask arta tobabarka loogu qaada dalkaas.
"Waxaa dembi ah in ilmahaan markii hore la gu qaaday in la geynayo Qatar, ayada oo habe en madow laga dhoofiyay garoonka Muqdisho, waa in dowladda Qatar ay iska bari-yeesho oo ay soo cadeyso,” ayuu yiri Odowaa isaga oo do wladda Qatar ka dalbaday inay si rasmi ah uga hadasho arrinta ciidamada, islamarkaana ay cad eyso inaysan ku lug laheyn shirqoolka lagu qa aday dhalintaas.
Hadalka Odowaa ayaa imanaya xili dhawaan ay dowladda federaalka ku eedeysay mucaarid ka inay arrinta Askarta loo qaaday Eritrea ay ka raadinayaan dano siyaasadeed, islamarkaan ay ka dambeeyan kacdoonka ay maalmihii u dam beeyay waalidiinta dhalay caruurta ka wadeen M/Muqdisho.Xigasho:-Caasimadda.Net
Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey
Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu Habeen hore dhex-ma ray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hir Shabelle.
Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin ku lan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuu suf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaa sabad ay iskugu timid beeshoodu.
Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabag eed munaasabadaas, keliya ay isdhaafsadeen hadal kooban, ayaga oo aan marnaba ka hadal arrimo siyaasadeed iyo xiisada ka taagan Bele dweyne, sida uu hadalka u dhigay.
"Dabageed wey jirtaa Habeen hore inaan kulanay ee ma jirin wax kulan gaar ah oo ina dhex-maray an niga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qar aabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.
Waxa uu intaas kusii daray "Waxaa igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe”.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Yuusuf Dab ageed oo ku aadan kulanka la sheegay iyo qaab ka uu uga warbixiyey Jeneraal Xuud, hase yee she waxaa si weyn loogu baahiyay kulankaas ba raha bulshada, ayada oo aan si rasmi ah loo og eyn waxay ka wada-hadleen labada mas’uu.
Tahriibayaal Jabuutiyaan ah oo ku dhintay Doon la degtay
In ka badan 250 Muhaajiriin ayaa ku geeriyo otay Doonidaasi oo ka shiraacatay Xeebaha Ja buuti, kuna sii jeeday Yemen.
Doonidaasi oo ay la socd een ilaa 300 oo qof ayaa la sheegay inay Dorraad ku deg tay Bartama ha Badda, iyad oo ay ka badbaadeen in ka bad an 20-qof, kuwaasi oo la sheegay inay qa bsadeen ama ku dhegeen Dhakada Sare ee Do onida qalibantay.Afar Yemeniyiin ayaa la sheeg ay inay Naakhuuday aal ka ahaayeen Doon ida,mana kala cadda waxa sababay inay qalib anto Doonida oo dhowr maalmood ka hor ka shir aacatay Xeebaha Jabuuti.
Waxaa kaloo la soo weriyey inay tiro Maydad ka Muhaajiriinta dul sabaynayeenXeebta Mar inka Baabul Mandab ilaa Raas Al-Caarat ee Go balka Laxaj ee dalka Yemen.
Haweenka Sacuudiga oo loo ogolaaday inay xajiyaan maxram la’aan
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa shaacisay in haweenka dalkaasi ay isu dii waangelin karaan xajka sanadkan iyagoo max ram la’aan ah.Haweenka loo ogolyahay gudash ada waajibaadka xajka, ayaa da’adooda u dha xeysaa 18-65 sano jir.
Bayaan sabtidii ka soo baxay wasaaradda xajka iyo cumrada Sacuudiga ayaa lagu shee gay in xajka sanadkan loo ogolaan doono 60,000 oo qof oo ku nool Sacuudiga.
Diiwaangelinta xujeyda ayaa bilaabatay Ax adii 13-kii bishan June, waxaa ayna ku egtahay 23-ka bishan.
Maxaa ka soo baxay kulankii Biden iyo Erdogan?
Madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Turkey Joe Biden iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa wa dahadalladii fool-foolka ahaa ee ay markii ugu horreysay Dorraad yeesheen ku tilmaamay inay ahaayeen ‘kuwa miro-dhal ah’, laakiin ma aysan shaacin horumar weyn oo laga garay xiriirka la bada dal.
Biden ayaa saxafiyiinta u sheegay kaddib kul ankii Isniintii ka dhacay magaalada Brussels in wadahadalku uu ahaa ‘mid wax ku ool ah oo mi ro-dhal ahaa’, wuxuuna sheegay inuu ku kalso onyahay in horumar dhab ah laga gaari doono wadahadallada uu la leeyahay Turkey.
Erdogan ayaa isna dhiniciisa wadahadlladan ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa si daacad ah la isku weydaarsaday.
"Waxaan u maleyneynaa inaysan jirin arrimo u dhexeeya xiriirka Mareykanka iyo Turkiga oo aan la xallin karin iyo in meelaha iskaashiga nagala dhexeeya ay ka taajirsan yihiin kana weyn yihiin dhibaatooyinka” ayuu yiri Erdogan.
Wadahadalkan ayaa imanaya xilli labada dal oo ku jira xulufada NATO ay isku khilaafsan yihiin arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Syria, Libya iyo soo iibsashadii Turkey ee hubka Russia.
Dowlad Gacanta Ku Dhigtay Mukhalasiin Badan Oo Dad Tahriibinayey
Booliska magaalada Istanbul waxay gacanta ku dhigeen 32 qof oo lagu eedeynayo inay tahr iibiyaan Muhaajriinta iyo inay Lacagaha ay ka helaan u xawilaan dalal kale oo aan la shaac inin.
Unug Ciiddan ah oo ka socday Waaxda La-dagaalanka Tahriibinta iyo Xuduudaha laga soo gudbo ee Turkiga ayaa la sheegay inay indhaha ku hayeen Hawlaha qaar ka mid ah Shirkadaha u shaqeeya sidii Wakaalado Socdaal iyo Dalxiis oo kale.
Ciiddankaasi waxay muddo 2 bilood ah Hawlg alo Sirdoon ku hayeen Shirkadahaasi, ka hor int aysan fulinin Hawlgalo Qorsheysan oo ay ku ga leen 8 Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Istanbuul, kuwaasi oo ay ku iraa Xafiisyada Sarrifka Lac agaha, Xawaalado iyo Dukaaman lagu iibiyo Dahabka.
Boliska Istanbul waxay kaloo tilmaameen in ay Hawlgaladaasi ku soo xireen 32 qof, kuna soo qabteen Lacag cadadeedu dhamayd 8.8 mil lion ee Liiraha Turkiga oo u dhiganta ku-dhaw aad Hal million oo Dollar iyo Dukumentiyo loo adeegsaday Lacagaha la xawilay.
11 ka mid ah dadka la soo qabtay ayaa weli xiran, halka 9 kale lagu sii daayey Damiin, iy adoo 12 kalena aan weli wax Tallaabo ah laga qaadin.
Tobaneeyo Ka Tirsan Ururka Akhwaanul-Mus limiin Oo Xukun Lagu Riday
Maxkamadda Rayidka ee ugu saraysa dalka Masar waxay taageertay xukun horey loogu riday 12 xubnood oo ka tirsan Ururkaasi oo laga mam nuucay dalkaasi.
Ilo Garsoorka ayaa she egay in Eedeysanayaa sha lagu helay inay xiriir la lahaayeen dil-wadare ed lagu dilay Askar ka tirsan Ha’addaha Amma anka ee dalkaasi sanadkii 2013-kii.
Xubnaha dilka lagu xukumay oo aan Rafcaan ka qaadan Karin Xukunkaasi waxaa ka mid ahaa Maxamed El-Beltagi oo horey uga tirsanaa Barlamaanka Masar iyo Osaama Yaasiin oo isna Wasiir soo noqday.
Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 9 ka tirsan Ururkaasi ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah, kadib, markii eedeeyey weerar lagu qaaday Saldhig Bolis, oo 13 Askari lagu dilay.
Ururka Walaalaha Muslimiinta Masar ama Akhwaanul-Muslimiinka Masar waxaa la asaas ay sanadkii 1928-kii , waxayna mar ka mid noq deen Mucaaradka dalkaasi, inkastoo markii da mbe gebi ahaan Dhaqdhaqaaqooda laga mam nuucay dalkaasi.
Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Jaamac adda Carabta oo kulan deg deg ah yeelanaya
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in Shalay oo Talaado ah Shir Degdeg ku yeeshaan Caasimadda dalka Qatar ee Doha.
Hadal ka soo baxay Golaha Ururka Jaam acadda Carabta dhawaan ayaa lagu shaa ciyey in kulankan dib loogu eegi doono Dhacd ooyinka u dambeeyey ee laga walaacsan yahay ee arrinta Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaam acadda Carabta, Xusaam Zaki oo la hadlay Wa kaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA wax a uu tilmaamay in Kulankaasi oo Heer Was iir Arrimo Dibadeed ah uu yimid, kadib, Codsi ka yimid Dowladaha Masar iyo Sudan oo iyagu ka walaacsan inuu Biyo-xireenka Itoobiya saamayn xooggan ku yeelan doono Saamiga Biyaha ee ay ka heli jireen Webiga Nile.
Masar iyo Sudan waxay muddo dheer ka wal aacsanayeen Saamiga Biyaha ay helaan, kadib, markii ay Itoobiya bilowday inay Biyo-xireen ka dhistaan Niilka Buluga ah bishii May ee sanadkii 2011-kii.
Ra’iisul Wasaare Ka Badbaaday In Codka Kal soonida Lagala Noqdo Xukuumadiisa
Ra’isul-wasaaraha dalka Japan Yoshihide Suga ayaa waxaa uu Shalay ka badbaaday Codka Kalsoonida ee loo qaaday Xukuumadiisa, kadib, 9 bilood oo uu xilkaasi hayey.
Mooshinka waxaa ka difaacay Xisbiga uu RW Suga ka tirsan yahay ee LDP iyo Isbahaysi gooda oo Aqlabiyad ku leh Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Afar Xisbi oo Mucaarad ah ayaa ku baaqay Cod-bixintaasi, kadib, markii uu Xisbiga LDP ku gacan-sayray in Xilliga Fadhiga Barlamaanka oo ku ekaan doonaa berrito oo Arbaco ah lagu kordhiyo muddo 3 bilood
Mareykanka oo mamnuucay eeyihii uu kasoo iibsan jirey 113 dal.
Xarunta xakameynta iyo kahortagga cudurada ee Mareykanka, ayaa ku dhawaaqdey in hal sano la mamnuucayo ka keenista eeyaha 113 dal, oo ay ku jirto dalka Masar.
Mamnuuciddan ayaa ka danbeysay kadib markii ay soo baxeen walwal laga qabo cudurka Raa biyadda, oo ku dhex baahaya eeyaha.
Mamnuuciddan ayaa saameyneysa dha mmaan eeyaha, gaar ahaan kuwa laga keenay dalalka uu ku badan cudurka Raabiy ada.
Mamnuuciddan ayaa timid ka gadaal markii uu kor u Kacey Ee yaha laga keena yo Mareykanka dibaddiisa, ntii lagu guda jirey dhibaatada cudurka safmareenka ee Covid19.
Xarunta xakameynta iyo kahor tagga, ayaa tilmaantey in boqolaal kamid ah eeyahan loo sameeyey shahaadooyin been abuur ah, oo lagu sheegayo iney ka baq qabaan cudurka Raabiyada.Xigasho:BBCSomali
NIN KA DHINTEY 38 XAAS IYO 89 CARRUUR AH DALKA HINDIYA
Ziona Chana oo 76 jir ah oo la aaminsan yahay inuu lahaa qoyska ugu ballaaran dunida ayaa ku dhintay gobolka Mizoram ee dalka Hindiya.
Ziona Chana, ayaa dhintay Axaddii isagoo ka tagay 38 xaas ah, 89 carruur iyo 36 carruur oo uu awoow u yahay.
Warkan waxaa shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mizoram, Zoramthanga, oo bartiisa Twitterka ku soo qoray tacsida. Ziona ayaa la sheegay inuu qabay dhiigkar iyo sokorow.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay inuu Ziona aad u xannusaday isagoo jooga gurigiisa habeennimadii Axadda, wax yar ka dib markii isbitaalka la geeyayna uu dhintay.
Inkastoo warbaahin kala duwan oo maxali ah ay ku tilmaameen inuu ninkan haystay rikoorka madaxa qoyska ugu ballaaran dunida, haddana way adagtahay in la xaqiijiyo.
Qoyskiisa ayaa soo jiitay dalxiisayaal badan oo ku booqdo tuulada ay ka dagan yihiin gobolkaasi oo ku yaalla waqooyi bari Hindiya. Qoyskiisa ballaaran ayaa ku nool guri ka kooban afar dabaq oo 100 qol leh, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah. Tuuladan ayaa soo jiidatay dalxiiisayaal badan oo caalamka ka kala yimid oo doonaya inay arkaan nolosha qoyskan ballaaran.
Sida ay ku warantay wakaalaadda wararka ee Reuters, Chana
wuxuu dhashay 1945. Wuxuu la kulmay xaaskiisa ugu weyn oo isaga
saddex sano ka weyn markii uu ahaa 17 sano jir ah.XIGASHO:BBC
Operations - Senior Assistant
Job categories Project Management, Programme Management
Vacancy code VA/2021/B5001/21947
Department/office NYSC, Peace and Security Cluster
Duty stationMogadishu, Somalia
Contract typeLocal ICA Support
Contract levelLICA-5
DurationOngoing contract (Open-ended, subject to organizational
requirements, availability of funds and satisfactory performance)
Application period 15-Jun-2021 to 29-Jun-2021
Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.
Background Information - PSC
Peace and Security Cluster
The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service
provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action
Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other
mine action partners. It is led by the Director, who has overall
authority and accountability for the performance PSC on behalf of its
clients. TheDirector is responsible for administering and providing
oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both
according to the client requirements and in line with UNOPS rules and
regulations.
UNMAS
United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.
UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.
The Operations -
Senior Assistant works under the direct supervision of the Oper...
Treats all
individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...
Education/Experience/Language requirements
*CANDIDATES WITH NO
UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...
Please note that the
closing date is midnight Copenhagen time Applications ...
Background Information - UNOPS
UNOPS is an
operational arm of the United Nations, supporting the successful imp..
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 16-JUNE 2021
.