
HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 13 June-2021
Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Eritrea (Aqriso Mag acyada)
R/Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Ma xamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin ta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo tan iyo markii dalka laga dhoofiyey aan laga helin xog sugan.
Guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u magic aabay baaritaanka arrintaan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin:
1-Xasan Xuseen Xaaji W/Gaashaandhigga Guddoo miye.
2–Mukhtaar Xuseen Afrax wasiirka arrimaha gud aha Xubin.
3–Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Safiirka So omaaliya ee dalka Itoobiya Xubin.
4–Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciid anka xoogga dalka Xubin.
5–Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka Xukuumadda Xubin.
Tallaabadaan oo ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku wa ayey gacanta dowladda ayaa mudo dheer lagula talinaayey inay qaado dowladda, balse hadda ay uu ku dhaqaaqay ra’iisul wasaare Rooble.
Dhawaan waxaa soo xoogeystay warar sheeg ayey in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalame en gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib warb ixin ka soo baxday hey’adda Q/Midoobey u qaab ilsan xuquuqul insaanka oo shaacisay xog ku saabsan arrintaas.
Wixii intaas ka dambeeyey magaalada Muqdi sho ayaa marti gelisay mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayeen waalidiinta ay ka maqanyihiin carruurtooda, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaa fay cabashadooda la hor taagnaa xafiisyada waa weyn ee hey’adaha dowladda.
Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay in ay kasoo goosteen askartii tababarka loo geeyey dalka Eritrea oo maalin ka hor lagu soo bandhi gay deegaanada Puntland, kuwaas oo sheegay inay wajaheen nolol adag, iyagoo ku cel-celiyey in loo doodo oo dalka deg deg loogu soo celiyo dhalinyarada saaxiibadood ahaa Eritrea ay uga soo tageen.
Danjirayaal Dalal Ay Ku Jirto Somalia Oo War qadaha Aqoonsiga Laga Guddoomay
Madaxweynaha Azerbajaan, Ilhaam Caliyeef waxa uu Shalay Waraaqihii Aqoonsiga Danjir enimo ka guddoomay 10 Danjirayaal cusub oo dalalkooda Wakiil uga noqon doono dalka Azerb aijan.
Rooble oo Guddi u magic aabay Cabashada Waa lidiin Carruurtood loo qaaday Eri trea
10 Safiir ee Waraaqaha Aqo-onsiga Danjirenimo laga guddoomay ayaa waxay dhamaantooda yih iin Danjjrayaal aan Xarun Safaarad deganaan ah ku lahayn gudaha dalka Azerbaijan
Dhinaca kale, 10-ka Danjire ee uu Madaxweynaha dalka Azerbajan, Ilhaam Caliy-eef ka guddo omay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay ayaa waxay ka kala socdeen dalal ka Somalia, Albaniya, Ireland, Norway, Denmar k,Estonia, Guwatamela, Montenegro, New Zea land iyo Slovenia.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Waki ilka Qaramada Midoobay James Swan
Ra’isulwasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaa bilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Kulan ka ayaa si weyn diirada loogu saaray howlaha doorashooyinka ee socda ee Ra’isul Wasaaruhu hoggaaminayo, dhammeystirka guddiyada doora shooyinka iyada oo Ra’isul Wasaaruhu sheeg ay in dhankiisa ay ka go’ an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman bal se ay ku xeeran yihiin dur uufo u baahan in dha mmaan ay gacan ka geyst aan dardargalintooda.
Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaa tay Wakiilka Q/Midoobay wa xa goobjoog ka ah aa Gudd iga Farsamada Doorasho oy inka ee dhawaan uu magic aabay R/Wa sa aruhu, ku wa as oo ka shaqeyn doono arrimaha fa rsamo ee mudnaanta u leh R/Wasaaraha Soom aaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorasho oyinka ee uu xilsaaran yahay.
Sidoo kale, Rw/re Rooble iyo James Swan ay aa ka wada hadlay sida la isaga kaashan karo ta ageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle oo uu R/w/re uu carrab ka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay bar akaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle Qodoba da kale ee si weyn loo ga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga, cadaalad da iyo cudurka corono vi rus iyo sidii loo dardar gelin lahaa tallaalka Co vid-19.
Maamul Gobolka Banaadir oo soo saa ray amaro culus oo ku socdo Shacabka
Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/ Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey sidii amniga loo sugi lahaa maalmaha xuriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeyn Saraaki isha Laamaha Amaanka qeybahooda kala ge dis an, Guddoomiyeyaa sha De g mooyinka G/Banaadir iyo Ku xi geenada Maamulka Gobolka ayaa waxaa loo ga hadlay amniga iyo bilicda magaalada inta la gu guda jiro maalmaha xuriyad da.
Waxaa kulanka laga soo saar ay amaro cu lus oo ku socdo Shacabka Muqdi sho iyo gudd oomiye ku xigeenka si ay shacabkooda u gaa rsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo we yneeyo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Sa alax Cumar Xasan oo Akhriyay Awaamiirta soo baxday kulanka ayaa sheegay inay kamid tahay:
1) in guryaha saaran laamiyada la rinjiyeeyo.
2) In guryaha laamiyada saaran lagu xiro nalal
3 In Calamada Astaanta Qaranka la suro gury aha iyo ganacsiga
4) Jn qof kasta ay nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud. Amarada kasoo baxay Maamulka G/Banaadir ayaa kuso aadayo xilli ay socoto isku diyaarinta maalmaha xuriyadda oo ay ka dhiman tahay maalmo yar.
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka caawinayey qarax yada Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Shalay xukun ku riday gana csato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geli yeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado wa xyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhibaateeyo sha cabka Soomaaliyeed.
Raggaan oo tiro ahaan gaaraya il aa 7 ayaa wa xaa lagu kala Magaca abaa, Cabdi salaan Cali Faarax, Qadar Cabdi sa laan Maxamed, Maxam ed Cabdi Sh. Cumar, Daahir Cu smaan Max amed , Cabdisalaan Cusmaan Max amed iyo hal eedeysane oo baxsad ah.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Raggaan lagu helay dambi ah inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen dagaalameyaasha Al-shabaab.
Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxakamadda wax aa ay ku eedeysay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-dii ilaa 2020 ay Al-Shabaab dekadda Mu qdisho uga soo dejiyeen maadooyin laga same eyo qaraxyada iyo Agab kale.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Cii damada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliy een waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Cusmaan Maxamed oo ra ggan Madax u ahaa lagu xukumay Xabsi daa’in halka Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisal aan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusm aan Maxamed lagu xukumay min 8 sano oo Xa bsi ah.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ay sidey say Cabdisalaan Cusmaan Maxamed,ka dib mar kii la sheegay in Maxkamadda baaritaan dhe er kadib ay wax dambi ah ku weysay.
Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey qaraxyo culus
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada Xo ogga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirs an G/Sh/ Ho-ose, gaar ahaan inta u dhexeysa Aw dheegle & Bariire ee gobolkaasi.
Howl-galladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tabab aran ee Gorgor, iyaga oo fashi liyey weerar ay qo rsheynayeen Xoogaga Al-Shabaab.
Sidoo kale howl-gallada oo ka dhacay tuuloo yinka Balow iyo Nuunaay ayaa waxaa lagu fashi liyey qaraxyo miino, sida ay shaaciyeen saraakii sha ciidamada Xoogga dalka.
"Howlgal amni xaqiijin ah ayey sameeyeen cii damada gaarka u tababaran Xoogga Dalka ee Gorgor waxa ay soosaaeen 4-Miino oo loogu Aa say inta u dhaxeysa Awdheegle iyo Bariire, si ga ar ahaan Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay,” ay aa lagu yiri war kasoo baxay mi-latariga. Sara akiisha horkaceysa howl-gall-adaasi ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqa aqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shab eelaha Hoose. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-gall adaasi ee ay guulaha ka shee gteen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay CXDS iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay ku xoogan
tahay Shabaab.
DF oo soo saartay dalab ku saabsan xiriirka KENYA
DFS ayaa war cusub ka soo saartay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo hadda kasoo hagaa gayo sidii hore, waxaana ay dalbatay in la same eyo guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya soo celinta xiriirkooda.
War qoraal ah oo kasoo baxay wa saaradda arrimaha dibadda xukuu madda Soomaaliya ayaa sidoo ka le lagu sheegay in DFS ay ka go’ an tahay in markale dib loo soo nooleeyo xiriirka soo jireenka ah ee lab ada dal oo dano wadaag & daris wadaag ah.
"Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dib usoo celinta iyo dardar-gelinta xiriirka diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka dadka ee Soomalaiya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraal ka wasaaradda arrimaha dibadda.
Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in Soomaaliya iyo Kenya uu weligood ka dhexeeyey iskaashi dhinaca amniga iyo ganacsiga intaba. "2da qaran ee walaalaha ah waxay weligood iska kaashanayeen amniga, ganacsiga iyo xiriirka dhaqan ee wadajirka ah ee salka ku haya danaha guud,” ayaa markale lagu yiri.
Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey go’aankii ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi, kadib xay iraad muddo ah oo saarneyd.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xum aaday, ka dib soo bixidii dacwadda badda ee taa lla maxkamad ICJ, iyada oo xiisadu ay kasii dart ay markii Soomaaliya joojisay Qaadka.
Si kastaba, waxaa haatan labada xukuumado od ee Muqdisho iyo Nairobi muujinayaan isku soo dhowaasho labada dhinac ah, si meesha lo oga saaro khilaafka soo kala dhex-galay
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay haddii uu is-sharxayo
R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saaray inuu damac uga jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shaaciyey inuusan is-sharxi doonin doorashada la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.
Rooble oo ka hadlay munaa sabad ka dhacday degmada Da yniile ayaa adkeeyey ballan-qaad ka xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-fur an oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, wux uuna ballan-qaaday inuu u sinnaado dhammaan musharaxiinta.
"Aniga dhankeyga ka R/wasaare ahaan wax aan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa haddii aay tar tamaan R/wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin,” ayuu yiri R/ wasaare Rooble. "Dan gaar ah oo aan ka leeyahay doorashad an ma jirto cid gaar ah oo aan leeyahay adigaan kuu xalinayaan ma jirto waa ii sinaanayaan dha maan musharaxiinta waliba si cadaalad ah,” ay uu hadalkiisa kusii daray Rooble, oo meesha ka saaray suurta-galnimada ah inuu is-sharxo.
Xubnahii kala duwana ee xaflad ka hadlay ay aa dhamaantood sheegay iney bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee uu qabtay Raysal was aare Rooble sida inuu ka shaqeeyay xasiloonida Caasimada iyo inuu dalka u dhaqaaqo doorasho xor iyo xalaal ah.
Rooble ayaa dhowaan la wareegay hoggaami nta doorashada dalka, wuxuuna kadib qaaday ta llaabooyin dhowr ah oo muujinaya inuu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada, inkasta oo weli ay jiraan walaacyo laga qabo in Villa So malia ay faro-gelin ku hayso.
Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu isbeddelay fikirkii uu ka haystay Rooble
Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda So omaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanba loolshe oo Dorraad hadal ka jeediyey munaasa bad soo dhaweyn ah oo degmada Deyniile loogu sameeyey R/Wasaare Rooble ayaa ku amaanay sida uu u maareeyey isqab-qabsigii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo bulsh adii isugu timid munaasabadaas ka codsaday in si dhab ah loola shaqeeyo Rooble.
"Berigii hore anigu waxaan dhi hi jiray ninkaan mas’uuliyadiisa marti ayuu ka yahay, waxaa la dhihi jiray waa wax ma tare oo xilka ayaa ku filnaaday, laakiin hadda xantaas meesha waa ka baxday, waxaa cadaatay inaa tahay nin nabadoon ah oo soo da ahay,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyad adag ay hor taallo Rooble, isla markaana dham aan Soomaalida uu waajib ka saran yahay inay gacan siiyaan R/wasaaraha, "Waxaad sidaa Da mbiil ay ku jirto danta dadkeena iyo dalkeena wa ana inaan kula wada qaadno,” ayuu yiri.
Sanbaloolshe oo dadka reer Muqdisho la dar daarmaayey ayaa yiri, "Waxaan rabaa inaan u sheego magaaladaan Muqdisho dadka degan, afar shay qoladii isku darsataa ma guuleysato. Calaacal joogto ah, eed sheegasho joogto ah, dagaal joogto ah iyo rajo beel joogto ah, intaas haddii ay isku darsadaan dadkaas ma guuleyst aan,marka reer Muqdisho waxaan leeyahay cala acalka hala joojiyo, waxaan rajeynayaa reer Muq disho inay noqdaan dadka guuleystay oo lagu da ysado, dalkaan waxuu ku jiraa xaalad adag, wa xaana la rabaa in si degan oo xigmadi ku jirto lo oga gudbo xaaladaan, dadka reer Muqdishana waxaan rajeynayaa inay hormuud u noqdaan.”
Mar uu si gaar ah ula hadlaayey R/wasaare Rooble waxa uu sheegay in wixii xumaan ahaa ay dambiil isaga tuureen isaga iyo siyaasiyiinta kaleba, "Mar-marka qaar waxaan is leenahay amaa R/wasaaraha lugta looga dhegan yahay, laakiin hadda kadib cidii kugu dhegta angoo og ayaan tan dhinaceena ah ka gudbeynaa, R/was aare dadka inta maqan isku doon, anagana wa an kaala shaqeyneynaa,” ayuu yiri C/hi Sanbal oolshe.R//W/ha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dorraad booqasho ku tegay D/Dey niile ee G/ Banaadir oo ah degmo gees u gab axsan Magaa lada, sidoo kale ka baaxad weyn inta badan deg mooyinka caasimadda Muqd isho.Siyaasiyiinta iyo bulshada reer Deyniile ay aa R/wasaaraha iyo wasiirro ka tirsan xukuu ma diisa u sameeyey munaasabad ay ku soo dhawe ynay een hannaanka ay u socoto howsha qabso omid da doorashada.
R/Wasaaraha ayaa uga warbixiyey bulshada degmada Deyniile tallaabooyinka lagu adkeyna yo amniga caasimadda iyo doorka ay ku leeyihi in horumarka iyo bilicda G/Banaadir, isagoo adk eeyey ballan-qaadkii xukuumadiisa ee ku aadda naa hoggaaminta geeddi socodka doorasho da ah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan kar o, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliila ha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabs oomidda doorashada.
Dhankooda, waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada degmada Deyniile ee kulanka soo aga asimay ayaa ku bogaadiyey R/ Wasaraaha iyo xukuumadda uu hoggaaminayo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo sida ay uga go’an tahay R/ Wasaaruha inuu xiriir dhow la yeesho qeybaha bulshada.
XIGASHO:CAASIMADDA.NET
GALMUDUG oo war kasoo saartay weerarkii Habeen hore ka dhacay Dhuusamareeb
Maamulka D/Dhuusamareeb ayaa war kasoo saaray weerar sababay dhima sho iyo dhaawac oo Habeen hore ka dhacay bartamaha magaalada asi oo Caasimada u ah dowlad gob oleedka Soo maal iyeed ee Ga lmudug. Qoraalkan oo uu saar ay afh ayeenka maamulka mag aaladaasi, Bash iir Max amed Salaad (Sanka) ay aa waxaa ugu horreyn tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhi ntay weer arkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ah na loogu raj eeyey inuu Eebbe siiyo caafimaad deg-deg ah.
Bashiir Sanka ayaa sidoo kale shaaciyey in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay ku raadjoogaan kooxdii ka dambeysay falkaasi.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid wuxuushnimo ah, isla-markaana ay cadaaladda horkeeni doonaan raggii ka dambe eyey dhacdadaasi.
Halkan hoose ka aqriso:-
Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee Habeen hore lagu dilay ganacs ato howlahooda shaqo ee gaarka haystay, kuwa na lagu dhaawacay. Waxana alle uga baryaa ma rka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarray sa siiyo inta inaga baxday,qabr igana waasac u ga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo, jan atul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.
Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo. Waxaan intaa ka dib bulshada deeg aanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraad joga an,cadaaladana la horkeeni doono sida ugu dha qsiyaha badan hadii alle idmo. Waxaan ugu da mbayn bulshadaGalmudug dagGan iyo deegaan ada hoosyimaada kacodsnaa inayla shaqeeyaan ciidamada amni ga si looga baaqsa do in waxii Habeen hore dhacayaysan mard-ambe dib u dhicin.
Maamulka Puntland Oo Shalay Dib U Fasaxay Lacagta Danabaysan
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Shalay oo sabti ah ay dib u fasa xday lacagta danabaysan ee Teleefanada la isu gu diro, xili ay horey u xanibtay in la isku diro wixii ka yar hal Dollar.
Wasiir ku-xigeenka W/Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dib loo fasaxay lacagta danabaysan ee Teleefanada la isugu di ro oo horey loo joojiyay.
Waxaa uu sheegay Wasiir Qawdh an in sababta loo fasaxay in wixii ka yar hal Dollar la isku diro ay tahay si dii loo socod siin lahaa isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga oo maalmihii lasoo dhaafay isticmaalkeeda laga diidanaa deegaana da Puntland.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay inay jiraan ganacsato ku sugan deegaa nada maamulka oo iska daadiyay lacag shilinka, isla markaana dano gaar ah ay ka leeyihiin arra ntaas.
Si kastaba hadalka Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan ayaa waxaa uu ku soo beeg amayaa, iyada maalmihii lasoo dhaafay magaalo oyinka waaweyn ee Puntland lagu daadiyay lac agta Shillinka Soomaaliga, kadib markii ay hal kaas ka socon weyday.
Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Kulan La Yeeshay Xubno Ka Tirsan Beesha Caalamka
Madaxweynaha D/G/K/Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan M/Muqdisho ayaa Shalay kulan gaar ah la qaatay xubno ka tir san Beesha Caalamka ee saxiibada Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha Caal amka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiis kii 27-kii May laga gaaray khilaafkii ka taa gnaa doorashada.
Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Laf ta-gareen ayaa Wakiilada Beesha Caala-mka ee uu la kulmay kala hadlay mashaariicda hormarin eed ee ka socda deegaanada Maamulka K/Galb eed Soomaaliya. Kulank-aan ayaa kusoo beegmaday, iyada oo Shalay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James
Swan uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad da xilgaarsiinta kala hadlay fulinta heshiiskii doo rashada, iyagoona maalmo kahor la kulmay Madaxweynaha
Puntland.Xildhibaanada Baarlamaanka oo loogu baaqay kulan looga hadlay dhalinyarada ku maqan Eritrea
Guddoomiye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ee BJFS Senator Abshir Axmad, ayaa waraaq uu u diray Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka uga codsaday inay kasoo qeybgalaan kulan ay dalbadeen Guddiga waalidiinta caruurtoodu ku maqan yihiin dalka Eritrea.
Kulanka oo ka dhacaya isniinta Jazeera Palace Hotel, ayaa ah mid Waalidiinta caruurtoodu maqan tahay ay kula wadaagayaan Xildhibaanada Labada Gole tabashadooda iyo dareenka ay qabaan.
Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa Shalay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.
Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka alka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirk adaha gaarka loo lee yahay. Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sa nadihii ugu dambeeyay si weyn looga icti cmalayay dalka.
Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganac siga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cu mar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel la gu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dham maan shuruudihii looga baahnaa.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nida amsanayn.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu she egay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soo maaliyeed.
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liis anka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareey aha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesha aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.
27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.
Meydka Gabar Soomaaliyeed oo laga helay Magalada Mombasa
Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Najma Cabdullaahi Macalin ayaa waxaa la la’aa muddo Afar Cisho ah, waxaana meydkeeda laga helay wadada weyn ee Dongo Kundu Bypass, ee mag aalada Mombasa.
Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in xilli ay kujireen Howlgal Roondo ah ay heleen Gabadha oo miir daboolan, hayee shee ay geeyeen isbitaal .
Sidoo kale booliska waxaa ay sheegeen in G abadha Ma daxa Najma wauu uga yaalay naba rro jirdil ah , halka ilkaha qeybtooda sare ay ka maqnaayeen, isla mar kaana meydkeeda uu yaa llo Isbitaalka Port Reitz, ee magaalada Changa mwe.Howlgal ay sameyeen Ciidamada Boolis ka Kenya ee ka ho wlgalla Magalada Mombasa ayaa waxaa ay ga canta ku dhigeen laba Ruux oo ay ku tuhmaya an dilka Gabadha, iyaga oo ba aritaano kuwa da.
Dilka Gabadha Soomaaliyeed ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay Soomaalida ku nool Magaalada Mombasa, iyaga oo sheegay in ay
doonayaan inay Cadaalad hesho.
Saddex dal oo Carab ah oo billaabay inay Mu slimiinta Uyghurs u dhiibaan Shiinaha
Dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa billaabay inay masaafuriyaan oo ay Shiinaha u gacan geliyaan Muslimiinta Uyg hur ee dalkaas lagu ciqaabo, si da uu shaaciyey taleefishinka CNN. Warbixinta CNN ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay 2018 illaa 2020, u gacan geliye en Shiinaha ugu yaraan hal qof oo Uyghur ah, kaasi oo dalkaas u tegay inuu kusoo guto Cumra da. Qof kale ayaa sidoo kale la xiray kadib mar kii uu dalkaas u tegay Xajka, wuxuuna hadda waj ahayaa masaafurin loogu gacan gelinayo Shiinaha. Sidoo kale, Amannisa Abdullah oo Uy ghur ah ayaa sheegtay in seygeeda Ahmad Tal ip laga qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaa raadka Carabta, bishii Febraayo ee 2018, loona gacan geliyey dowladda Shiinaha. Amannisa ay aa ka dib u carartay dalka Turkey oo ay hadda ku noo shahay.
"Dhammaan dalalkan kalama jecla xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas CNN u sheegtay Ma ya Wang oo ah cilmi-baare sare oo Shiinees ah oo ka tirsan hay’adda xuquuqada aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).
"Waa dowlado aan la dooran oo muwaadini intooda ku cadaadiya dalalkooda, mana jirto xe er iyo sharci dimoqraadi ah marka ay timaado masaafurinta Muslimiinta Uyghurs,” waxaa sidaa bishii April lagu sheegay warbixin ay sii daysya HRW, oo ku saabsaneyd xadgudubyada ka dhanka ah muslimiintan.
Muslimiinta Uyghurs oo ah qowmiyad ku hada sha luuqadda Turkish-ka oo ku nool gobolka Xi njiang ayaa wajahaya cadaadis iyo xagudubyo diimeed iyo mid qowmiyadeed oo ay kala kulma yaan mas’uuliyiinta Shiinaha.
Warbixin ay sanadkii tegtay soo saartay Qar amada Midoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay xirooyin xabsi ah ku hayso hal mil yan oo ka mid ah Muslimiintan.
Xajka Sanadkan oo laga mamnuucay dadka aan ku nooleyn gudaha Sacudi Carabiya
Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Shalay in sanadkaan gudashada waajibaadka xajka in ay ku koobnaan doonaan dad aan ka badneyn 60,000 oo qof, dhammaantoodna ka imanaya bo qortooyada gudaheeda, sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.
Bayaan ay soo saartay wa kaaladda wararka ee ay maa musho dowladda Sacuudiga ayaa laga soo xigtay Wasaar adda Xajka iyo Cumrada ee boqortooyada oo ku sheegtay in xajka sanadkan, oo bilaaban doona badhtamaha bisha July, uu ku koobnaan doono da’da 18 ilaa 65. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sa babta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaa din oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dal kaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida. Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo hey sa.
Madaxa Sirdoonkii hore ee Israel Yossi Cohen oo bixiyay wareysi xasaasi ah
Madaxa hore ee wakaalada sirdoonka Israel ee Mossad Yossi Cohen ayaa bixiyay wareysi xasaasi ah oo uu ugaga hadlay xatooyada key dka nukliyeerka Iran.
Weerar lagu qaadayxarunta ku taal dalka Isr ael sanadkii 2018 ayaa lagu xaday tobanaan kun oo dukumiinti ah oo ay lahayd xukuumada Iran.
Sidoo kale waxa uu wareysigan ugaga hadlay ku lug lahaanshihii Israel ee burburintii xarunta nukl iyeerka Iran ee Natanz, iyo dilkii saynisyahan cil miga nukliyeerka.
Mr Cohen ayaa howlgab ka noqday madaxa Mossad usbuucii la soo dhaafay.
Mr Cohen ayaa wareysiga ku sheegay in labo sano ay ku qaadatay qorsheynta howlgalka. Wadar ahaan 20 wakiilada Mossad ayaa lug kulahaa dhulka – midkoodna ma aheyn muwaadiniin Israel ah, ayay sheegtay saxafiga Ilana Dayan ee wareysatay Yossi Cohen.
Madaxa sirdoonka ayaa howlgalka ka daawanayay xarun taliska uu ku leeyahay magaalada Tel Aviv. Wakiilo ayaa jabsaday ba-khaar waxayna ku qasbanaadeen inay jabsadaan in ka badan 30 keyd ah.
In kasta oo aysan ahayn wax aan caadi ahayn in madaxdii hore ee Mossad ay wareysiyo bixiyaan ama ay ra’yigooda ka dhiibtaan arrimo gaar ah,haddana warka Yossi Cohen waa kuwo cajaa’ib.Bilowgii wareysiga Mr Cohen wuxuu ka hadlay xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz.Iran waxay sheegtay in burburka uu sababay dab ka kacay goobta lagu nafaqeynayay uranium-ka bishii July ee sanadka 2020. Maalin kadib markii ay soo bandhigtay qalab cusub bishii Abriil ee sanadkan, saraakiishii waxay markale sheegeen in la kharibey oo waxyeelo weyn ay soo gaartey.
Iran ayaa Israel ku eedeysay inay falkaas ka dambeysay. Madaxii hore ee sirdoonka Israel ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii Mohsen Fakhrizadeh.
Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee nukliyeerka waxaa lagu dilay waddo ka baxsan Tehran bishii November ee la soo dhaafay – weerarka Iran ayaa si cad ugu eedeeyay Israel.
Taliyihii hore ee Mossad ma uusan xaqiijin ama beeninin ku lug lahaanshaha dhimashada. Laakiin wuxuu sheegay in saynisyahanku bartilmaameed u ahaa sanado badan.
Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada Dekadaha ay isticmaaleyso
Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.
Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.
"Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayey tiri.
Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.
Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera.
"Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.
Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa iney muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiyo maadaamaa ay dakaduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka.Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ay aan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.
Duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo dib u bilowday
Waxaa maanta dib u bilowday duulimaadyada tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi kadib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada wadan.
Wasaarada Arrimaha Dibbada Soom aaliya ayaa shalay qoraal rasmi ah ka soo sa artay dib u soo celinta xiriirka labada dal kadib markii ay dowlad Kenya hore ugu xirtey shur uud ah inay qoraalka soo saarto xiriirka labada dal.Shirkadaha duulimaadyada ayaa soo dhoweeyay dib u bilaabid duulimaadyada labada dal inkastoo weli ay xayiraad saaran tahay diyaaradaha ka soo qaadi jirey qaadka magaalada Nairobi.
Illaa afar diyaaradood oo rakaab ah ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxdo magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Kenya ayaa hawada Soom aaliya ka xirtay Diyaaradaha Kenya ka safra marka laga reebo kuwa gargaarka ee u shaq eeya Qaramada Midoobay, Caafimaadka iyo Ciidanka oo ay dalbatay in xitaa lala socods iiyo waxa ay wadaan.
In Ka Badan Kun Weriye Oo Goobjoog Ka Noqon Doona Kulanka Madaxweyneyaal
In ka badan Kun Weriyayaal ka kala socda Warbaahinada ugu waa weyn ee Caalamka ayaa la sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland u gudbiyeen Codsiyadooda ku aadan inay ka qeyb galaan Shirka Madaxweynaha Maraykanka iyo dhigiisa Raashiya ay bishan June 16-da ku yeelan doonaan magaalladda Jineefa.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland, Biyeer Alay Elesinger oo la hadlay Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS ayaa xaqiiiyey inay soo gaareen Codsiyada Suxufiyiinta doonaysa inay goobjo og ka noqdaan Kulanka Biden iyo Putin ahj oo noqon doona kii ugu horeeyey ee ay yeeshja an iyagoo ah Madaxweynayaal.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Weri yaaasha buuxiya Shuruudaha loo oggolaan doono inay ka hawlgalaan Shirka Labada Hog gaamiye yeelan doonaan, balse waxa uu sh uruud ka dhigay in Suxufiyiinta laga doonayo inay haystaan Shahaadooyinka Tallaalka CO VID 19 oo ay ansixisay Dowladda Switzerland, Midowga Europe ama Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Dowladda Koonfur Afrika oo ceyrisay diblumaasiyiin u dhashay Malaawi
Dowladda Koofur Afrika ayaa diblumaasi yiinta u dhashay dalka Malawi ee ku sugan dal keeda u qabatay iney 72 saac gudahood dalka kaga baxaan.
Sababta ayaa lagu sheegay in diblum aasiyii ntaan qaarkood lagu helay dembiyo ah iney ku lug lahaayeen ka ganacsiga daro ogada aan canshuurta laga qaadin ee Kha mriga iyo Alkahoolka, oo dalkaasi laga mamnu ucay.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka ca alamiga ah ee Koofur Afrika ayaa sheegay in ey go’aankaan qaateen kadib maalmo ay baa ritaanno wadeen, waxa uuna sidoo kale xusay in diblumaasiyiinta iyo qoysaskoodab dalka isaga baxaan.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Malawi ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay qaaday Pretoria ay tahay mid Dorraadto ah, islamarkaana aan munaasabad ku aheyn qiyamadka Diblumaasiyiinta Malawi.
Biden oo reer galbeedka ku boorriyay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah Shiinaha.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorinaya wadamada reer galbeedka inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha isagoo ka hadlay maalinta labaad ee shirka G7, sida uu BBC u sheegay qof isaga u dhaw.
Madaxweyne Biden ayaa la filayaa inuu ku baaqo isbahaysi cusub oo ka hortagaya dhaq aalaha ay Beijing ku bixinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka soo koraya.
Mareykanka iyo xulafadii sa waxay Shiinaha ku ee deynayaan shaqo qasab iyo xadgudubyo kale oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay gobolka Xin jiang.
Dad Ku Geeriyooday Kiimiko Warshade ed Oo Ku Soo Butaacday
8 qof aaa ku geeriyootay, 3 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay Sun ka soo but aacday Wershad lagu farsameeyo Kiimik adda oo ku taalla magaalladda Guiyang ee K /Galbeed ee dalkaasi.
Warbaahinta Qaranka Shiinaha ee Xaallada ha Degdegga ah ayaa sheegtay inay socdaan ba aritaano lagu og aanayo waxa sa babay Shil kaasi oo Shalayto dha cay. Kiimikada butaacday waxaa la sheegay inay they Kiim ikada laga fars ameeyo Sunta loogu tala-galay Cayayaanka.
Shilalka Wershadaha lagu farsameeyo Kiimik add ee Shiinaha waxaa sanadkii la soo dha afay u dhintay boqolaal qof.
Sanadkii 2019-kii, Shil ka dhacay Wershad Kiimikada oo ku taalla Bariga dalkaasi waxaa ku naf-waayey 78 qof, halka ay 173 kalena ku geer iyoodeenj shil sanadkii 2015-kii ka dha cay Ba khaar lagu kaydiyo Kiimiko oo ku dhex yaallay Dekedda magaalladda TIYANJIN.
ERTHERIA, SHILI SHILI, MAROODI & WAN!!!.=FAALLO=
Shimbirta Shili shili Bintu Kursho : Ow Maroodi, ma kuu sheegaa halkii ey ku Dambeeyeen Dhalin yaradii loo qaaday Ertheria? Dhagta keen, wa an Duulay waxaan tagay Asmara, kadibna waxaan tagay Xeradii taba barka waxaa soo arkay (……………………… Marodi: Warkaas, ma la hubaa?
Shili Shili: weligeey miyaan been kuu sheegay. kuwa aan Baalal leheyn oo aan meel tagin oo Baraha Bulshada wixii loo soo sheego ka sheego ama ku qoro, miyaad ii maleysay ?. Shimbirtii Nabi Suleymaan CS warkeedu soow Run ma noqon, waa xaqiiq warkeeygu ee Waalidiinta gaarsii, Adigaa Xoog leh oo lagu Aaminaa. ( F.S: 1aad)
Wanoow: Ow Maroodi, Anigaa ku jecel oo taageerayaashaada ka mid ah, Aniga iyo Adigu Cowska ayaan wada cunaa, Laakin Shili shili Miraha iyo Hilibka ayeey Cuntaa. Warkeeda iyo waxa ey soo aragtay iska dhaga tir, ee keeyga dhageeyso. Shimbirtu waa Qaran dumis.
Ow Maroodi: UN ma soo warsadaa? Wanoow: Maya, Maya iyaduna waa Qaran Dumis weyn. ( F.S: 2 & 3aad) Akhristayaaloow, yaa Xoolaha, Duurjoogta iyo Shimbiraha warkooda yaqaan oo ii fasiro, waxa ey
shimbirtu sheegtay Qore: Yahya Amir
HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR 13 June-2021
....