
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-JUNE 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shalay booqday degmada Deyniile
R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bu lshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynaye en, kuna taageerayeen hoggaaminta RW/re Rooble ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilin ta caasimadda, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Deyniile.
Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa ka loo ka qeyb galay xubnoka tirsan G/wasiirada
Soomaalia,xubno ka socday 2da Gole ee Baarl amaanka, maamulka G/Banaadir, Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taagee raayaan R/Wasaaraha Dalka.
R/Wasaare Rooble ayaa waxa uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dh aqan degmada Deyniile iyo mas’uuliyiin ka tir san maamulka degmada Deyniile.
DF oo war kasoo saartay ciidamada la gee yey Eritrea iyo warbixintii QM
Wasiirka W/Warfaafinta XFS Md.Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dal ka Eritrea, kadib markii ay soo bax day warbixin sheegeysa in laga qe yb-geliyey dagaalkii Itoobiya.
Md.Dubbe ayaa meesha ka saar ay in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, wux uuna xaqiijiyey inay caafi maad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-mark aana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dal kooda hooyo.
"Ciidamada waa caafimaad qabaan waa in noo soo socdaan, waana innoo iimanayaan ma rka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in ha ddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.
Sidoo kale Dubbe ayaa tilmaamay in tababa rkooda uu marayo gabagabo, wuxuuna ka dig ay in la siyaasadeeyo tababarka ciidamada oo uu tilmaamay inuu yahay sir qaran. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dano gaar ah laga leeyahay arrintan, isla-markaana la doo nayo in shacabka laga jeediyo xasuuqa gobol ka Gedo.
"Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaa siyiinta dunidana kama hadlaan tababarada ci idanka,ciidamo dalkooda u maqan oo tababark ooda u dhammaaday oo gabogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlaa, si shacabka Soomaali yeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wa do Gedo,” ayuu markale yiri wasiirka W/ warfa afintaXFS. Wasiirka ayaa sidoo kale ka ha dlay warbixinta la filayo inuu dhawaan soo saa ro guddiga Xuquuqul insaanka ee Q/Midoobay oo ku saabsan tahy ku lug lahaanshaha Ciida mada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay ka mid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gob ol kaas. Waxa uu sheegay in warbixinta QM ee sheegaysa in askarta Soomaalida laga soo wa day xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, kuwaasi oo la geeyey gooba ha dagaalka ee Tigray-ga, ay tahay waxba ka ma jiraan, sida uu hadalka u dhigay.
"Warbixin Q/Midoobay waxay arrintaas ka qa ateen Facebook-yada siyaasiyiinteena, wax ca deyn ahna ma keenin oo maqlid aheyn, wuxuu na ku daray in dowladda federaalka ay beenis ay eedeyntaas,” ayuu yiri.
Dubbe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ku eed eyay inay kaambeyn siyaasadeed ka dhigteen arrinta dhalinyarada tobabarka loogu qaaday dalka Eretria, xili ay isasoo tareyso dhawaaqa iyo dadaalada lagu baadi-goobayo.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saa cadihii ugu dambeeyey siyaasiyiinta mucaarad ka ay DFS ku dhaliileen jawaab la’aanta ku aad dan ciidamada la geeyey dalka Eritrea oo Q/Mi doobay ay sheegtay in laga qeybgaliyey dagaal kii ka dhacay Tigray.
Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay maqan yihi in caruurtooda ayaa sidoo kale Shalay dibad-bax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo dalbaday in caruurtooda dib loo soo celiyo. Xigasho:Caasimadda.Net
Waalidiin Carruurtooda laga geeyay Ereter iya oo maalinkii 2aad Banaanbax dhigay
Waalidiintan oo isugu jira rag iyo Dumar ay aa waxaa Shalay mar kale ay banaanbax ka dhigeen Isgoyska km4 ee Magaalada muqdi sho, iyaga oo dalbadanayay in Carruurtooda dib loogu soo celiyo. Banaanbaxayaasha oo wa tay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalba danaaan in Carruurtooda ay dowladda Soomaa liya dib ugu soo celiso, kuwaas oo ay sheegeen inay maqleen inay ka qeyb galeen dagaalkii lo oga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya
Qaar ka mid ah Waalidiinta banaanbaxa dhig ayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay in Nolol ama Geeri ay ugu keenaan Carriirtooda oo muddo sanado ah arkin nala hadin.
Waxaa ay sidoo kale ay hadalkooda intaasi ku dareen in markii la qaadayay Dhalinyarada loo sheegay in la geeynaayo dalka Qatar balse la geeyay dalka ereteriya, taasi oo shaki ku abu urtay.Waalidiinta Shalay dibadabxa ka dhigay M/Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xil li dhawaan Warbixin kasoo baxday QM lagu sheegay inay heleen cadeeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ka qeyb galeen dagaal kii ka dhacay gobolka TIgreega ee Itoobiya, ka as oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Jab hadda TPLF.
Dhallinyaro ka mid ah ASKARTII ay DF u qa aday Eritrea oo kasoo baxsaday iyo xog culus oo ay shaaciyeen Dhalinyaro ka tirsan askartii ay DFS tobabar ka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxs aday xeryihii ay ku jireen ee dalkaas.
Dhalinyarada oo Shalay warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday M/Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, ka dibna laga dejiyay Eritrea. Waxay sheegen in DFS ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askar, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u she egen.
"Waxaa ka mid ahaa ciidamadii laga qaad ay M/Muqdisho,waxaa markii hore na-lagu qa lday in nala geynayo Qatar, balse waxaa naga la deji yay Eritrea,” ayuu yiri mid ka mid ah dhal inyara daas karnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday.
Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah ku soo soo maray Gobolada Itoobiya iyo Jabuu ti ayaa ugu dambeyntii soo gaaray M/ Garoowe ee caasimada maamulka Puntland. "Anaga iyo waxaa isku dhacnay askartii Eritrea-ka ahaa oo dagaal ina-dhexmaray waxaa nagala laayay qa ar kamid ah askarteeni u socday tobabarka, wa xayna nala dhaceen bambooyin iyo xabado” ay uu yiri mid ka mid ah askarta ka soo baxsaday Eritrea.
Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jirdil iyo ciqaab, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keen tay inay kasoo baxsadaan.
Askarta ayDFS u geysay Eritrea tababarka oo ay qeyb ka ahaayeen dhalinyartaan kasoo baxsatay ayaa waxay dalkaas ku sugnan yihiin muddo ka badan 2-sanno, oo aysan helin Da awo iyo xuquuqda aas-aasiga ah, sida ay shee gen.
Dhalinyartaan Shalay warbaahinta la hadla y oo wajiyadooda laga dheehan karo diifta iyo rafaadka ay usoo mareen sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayaa qaarkood waxaa la gu xiray deegaano ka tirsan Itoobiya, ka dib ma rkii ay booliska u gacan galeen ayaga oo baxs ad ah.
Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen wa alidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eri trea,"Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni ho oyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta So omaaliyeed ee ay ka maqan yihiin carruurtoodi si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan oo loo keeno.”
Arrintan ayaa imaneysa xili ay sarre u kacd ay xiisada ka dhalatay askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea oo sanado ku maqan, waxaana M/Muqdisho Shalay ka bilowday dibad-bax ba llaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, ka dib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqo
oyiga Itoobiya.
FIQI oo soo saaray dalab xasaasi ah oo la xiriira ASKARTII ay DF u qaaday Eritrea
Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay banaanbax ballaaran oo ka dhacay M/Muqdisho, kaasi oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in la ga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa wa xaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiil ashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dha cay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah ma daxda DF ah iyo kuwo kale oo ay ku cab ariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qa aday aaway? "inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay madaxda dowladda si geesinimo leh usoo hor istaagi lahaayeen waalidiintaas, islamarkaa na ay ka run sheegi lahaayeen xogta rasmiga ah ee dhalinyaradii ay u qaadeen Eritrea.
Sidoo kale waxa uu xusay in oohinta maalin kasta ka qubanaysa waalidiinta ay ka maqan yi hiin wiilashooda ay ku noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, isagoona sheegay inaysan helin cid daaweysa darenkooda& tabashdooda.
"Waxaa la joogaa waqtigii si geesinimo leh ay waalidiintaas iyo umadda u soo hor istaagi lahaayeen madaxda dalku oo ay ka run-sheegi lahaayeen xogta rasmiga ee dhallinyaradaas iyo waqtiga dalka dib loogu soo celinayo,” ayuu yiri. "Oohinta ka qubanaysa hooyooyinka iyo aabayaasha wiilashoodii loogu qaaday tababar ka dalka Eritrea ee ka waayay war iyo wacaal waxay noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, waxaana muuqata in aysan helin cid daway sa dareenkooda iyo tabashadooda. Xogta kal iya oo ay ka helayaan wiilashooduna ay noqot ay mid welwelkooda sii kordhinaysa.”
Hadalkaan ayaa imanaya xili ay DF ay iska fogeysay in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, ayada oo sheegt ay inuu tababarkooda uu marayo meel gabaga bo ah.
Wasiir Dubbe oo Dorraad warbaahinta la hadl ay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan aska rtaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, is la-markaana ay dhowaan dib ugu soo labanay aan dalkooda hooyo, sida uu sheegay.
"Ciidamada waa caafimaad qabaan waa inn oo soo socdaan, waana innoo iimanayaan mar ka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in had dana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.
Ma jirto wax ka baxsan hadalka afka ah ee DF iskaga difaaceyso eedeymahaas, xili warbi xino caalami ah ay muujinayaan in dagaalka Ti gray ay qeyb ka ahaayeen askarta Soomaaliye ed,kuwaasi oo qaarkood kasoo baxsadeen xer yihii ay ku jireen.
R/W Rooble: Kaalin nooce ah ayuu ka qaad an karaa xiisada dhalinyarada la geeyay Eritrea?
Waxaa maalmihii u dambeeyay sare u ka cday xiisada ka dhalatay dhalinyaradii ay DFS tababarka ugu qaaday Eritrea, kuwaasi oo mar kii hore laga qaaday M/Muqdisho. Dhalinyarada oo Eritrea loogu qaaday Askarnimo ayaa la we ysan yahay muddo ka badan 2-sanno, ayada oo banaanka u soo baxeyso in askarta Sooma aliyeed ay qeyb ka noqdeen dagaalkii qaraara ee gobolka Tigray, ayaga oo gac an siinaya dow ladda Ethiopia.
Waalidiinta dhalay dhalinyaradaas iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa eedeynta u weyn ee qaadista askartaas dusha u saaray madaxweynaha waqtigiisa dhamaad ay, oo ilaa hadda war rasmi ah kasoo saarin xa aladooda.
Sidoo kale waxaa Dorraad warbaahinta kasoo hor muuqday dhalinyaro kamid ah kuwii loo qaa day Eritrea oo kasoo baxsaday, kuwaasi oo sheegay inay tacadiyo kala duwan kala kulme en xeryihii lagu hayay, islamarkaana loo diiday in loo sheego waqtiga lagu celinayo dalkooda, ayna sidaas kusoo fakadeen.
Haddaba, maxay tahay kaalinta RW Rooble ee ku aaddan xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday Eritrea ee maalmihii u dambeeysay ka tagneyda dalka?
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxma an Cabdishakuur oo ka hadlaya arrintaas ayaa sheegay in xiligan ay R/wasaare Rooble u fur an tahay inuu waalidiinta cabanaya la raadiyo ubadkooda, isla markaana uu dhageysto oo uu qanciyo.
"R/W.Rooble waa in uu waalidiinta la fariis taa qanciyaa, ubadkooda la raadiyaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya ka alinta uu Rooble ka qaadan karo arrintaas.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqtigi isa uu dhamaaday, Maxamed C/hi Farmaajo u gu baaqay inuu si deg-deg ah ugu soo celiyo waalidiintaas dhalinyaradooda, isagoo ka jawaa baya cabashadooda.
"Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamm aaday waa in uu oohinta hooyooyinka ka jaw aabaa. Waa in uu dhallinyarada Eritrea loo qa ad ay degdeg uga soo celiyaa intii nool,” ayuu yiri
"Waxaan leenahay waalidiinta waa idin gar ab taaganahay,gurmad iyo garab ayaan idiin na hay. Idinka hari mayno Inta ubadkiina meel la gu sheegayo.”
Soomaaliya oo markii ugu horeysay 24 saac gudahood laga waayey kiisaska COVID19
W/Caafimaadka DF/Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in 24 saac oo xiriir ah M/Muqdisho iyo Gobolada dalka oo dhan laga waayey hal kiis oo cudurka COVD19 ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in muddoyinkii ugu dambeeyey ay sii yaraanayeyn kiisaska COVID19 taas ugu dambeyntii keentay in hal kiis laga waayo Soomaaliya oo dhan 24-tii saac ee u dambeysay.
Kiisaska COVID19 ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe si gaar ah u sii yaraanayey, waxaana muddooyi nkii dambe kiisaska u badnaayeen Gobolada Dalka. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada talaalka cu durka Coronavirus, waxayna dhawaan wasaara dda sheegtay in qeybtii 2aad ee talaalka la kee nay Soomaaliya.
Warka ka soo baxay wasaaradda ayaan sid aan u qornaa:
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770
o Laga Helay: 0
o Bogsashada: 21
Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779
Bogsashada Guud: 7,016
Dhimashada Guud: 77
Aqriso Magacyada: Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo Rooble u gudbiyey bed elka xubnihii dib loogu celiyey
Madaxweynayaasha HirShabelle & K/Galbe ed ayaa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cus ub ee ay ku badeleen kuwii ho re loogu soo eed eeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransana.
Madaxweynaha DG/HirShabe elle, Cali Guudlaawe ayaa Xalay soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Gu ddiyada Heer Federaal, Heer D/Goboleed & Xa linta Khilaafaadka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay afar xubnood.
Sidoo kale Maamulka K/Galbeed, Cabdicasi is Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagna soo bedelay xubnihii lagu celiyay, kuwaasi oo ah labo xubnood oo kala ah Heer D/Goboleed iyo Heer Federaal.
2da madaxweyne ayaa xubnaha cusub u gu dbiyay R/wasaaraha X/xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo isagu gacanta ku haya howl aha doorashada, oo kal hore uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.
HirShabelle & K/Galbeed ayaa kamid ahaa 3 D/goboleed oo aan weli soo magacaabin xubna hooda oo la sugayo, hase yeeshe waxaa had da harsan oo keliya D/goboleedka Galmudug.
Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqday dhinacyadii u horeeyay ee soo magacaaba xubanahooda guddiyada door ashada, midaasi oo qeyb ka aheyd fulinta heshi iskii dhawaan lagu saxiixay M/Muqdisho.
Guddiyada cusub ee dhinacyadu soo magic abaayan ayaa bar billow u noqonaya hirgelinta heshiiskii 27-kii May, kaasi oo meesha ka saar aya mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doora shooyinka Soomaaliya.
Puntland oo meel-marisay xeer dood badan dhaliyay oo la xiriira gabdhaha (Aqri)
Shirka 7dlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulka Puntland ee toddobaadkan ayaa lagu meel-mariyey xeerar dhowr ah oo uu kamid yahay xeerka Gudniinka Gabdhaha, oo dood badan dhaliyey
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkaas guddoominayey, waxayna golaha wasiiradu dood iyo falanqeyn dheer kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka Gudniinka Gabdhaha
Shirka ayaa waxa kale oo lo oga hadlay arrimaha Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deeg aanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo sa ameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirka 7adkan ku ansixiyey xeerka Daroogada oo ay fad higa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cada aladda Puntland.
Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaalada Puntland oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo ku kacda fal ah Gudniinka Gabdhaha ay marsiin doonaan ciqaab, maadama sida uu sheegay ay ka hor-imaaneyso xeerka uu golaha meel-mariyey.
"Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa si da ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la ma rsiin doona ciqaab,” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Puntland.
Xeerka Gudniinka Gabdhaha ee uu meel-mariyey goluhu ayaa waxaa ka taagan dood, inka sta oo golaha ay si aqlabiyad leh ugu codeeyen ansixintiisa, midaasi oo xeerkan ka dhigeysa mid dhaqan galaya, walow aan la ogeyn qaabka uu deegaanada Puntland uga fuli doono
Maleeshiyaadka macawiisleyda oo weerar ku qaaday saldhig Boolis
Wararka naga soo gaarayo M/ Buula Burde ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubey san ay weerar culus kusoo qaadeyn saldhigga Magaalada.
Saldhigga ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo ciidama da Booliska ee ku sugnaa Saldhigga, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaaw ac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn maa daama waqtiga uu weerarka dhacay aheyd xilli habeen ah.
Maleeshiyada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ahaayeen kuwa macawiisleyda ay aa la sheegay inay isku dayeen in xabsiga kasoo furtaan mid kamid ah ciidamadooda oo halkaas lagu xiray.
Ciidamada Booliska ee saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen maleeshiy adii soo weerartay, waxaana fashilmay qorshihii la gu soo furan rabay askariga ku xiran saldhigga ee ka tirsan Maleeshiyada Macawiisleyda.
Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa wa xaa laga dareemayaa khila fka u dhaxeeyo macamiilseyda iyo Booliska, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay ma rtgeliso dagaal dhex maro labada dhinac.
Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in male eshiyada weerarka soo qaaday ay la socdeyn cii damo ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Buula Burde, inkastoo aan weli xaqiiq dhab ah loo helin.Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarkii culsaa ee Habeen hore lagu soo qaaday saldhigga degmada Buula Burde.
Ciidamada Macawiisleyda ayaa aad ugu xooggan qeybo kamid ah deegaanada Maamulka Hirsh abelle, waxayna dhowr jeer dagaal la galeyn Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana ugu dambeysay dagaalkii ay ku qaadeyn ciidamada Booliska Haramcad ee ku sugan Magaalada Jow har ee caasimadda maamulkaas.
Somaliland oo jawaab iyo digniin adag ka bixi say warqad kasoo baxday Puntland
Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay warqad dhawaan kasoo baxday maamulka Puntland, taasi oo lagu ma mnuucayay in imtixaanka shahaadiga ah ee Som aliland lga mamnuucay gobolka Sanaag.
Somaliland ayaa qoraalka kasoo baxay Puntland ku sheegtay wax laga xumaado, ayado ona ku tilmaamtay mid "xagjir-nimo ah” oo aan sharciyad ku dhisneyn, islamarkaana wax saam eyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixan aadka shahaadiga ah ee ardayda Somaliland.
War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu faray maamulka gobolka Badhan inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalada qalaf san ee kasoo baxay maamulka Puntland, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.
Somaliland ayaa sidoo kale ayadoo ka jawaabeysa warqa daas u digtay maamulka Puntland iyo cid kasta oo ku howlan khal-khal gelinta hab sami u socodka imtixaanadka shahaadiga ah ee ay qaado.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka So maliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aq oontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbe eyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si ha bsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.
Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.
Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u arag taa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan shar ciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saam eyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtix anaad ka shahaadiga ah ee ardayda JSL.
Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socod siinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yees haan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.
Ugu dambayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.
Hoggaamiyeyaasha caalamka oo isugu tegaya UK iyo qodobada ay ka hadli doonaan
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isugu tegaya hoteelka Cornish ee Carbis Bay, iyaga oo si fool ka fool ah u yeelanaya shirka dalalka G7.Madaxdaas waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, iyo Madaxweyne Biden, oo ku jira safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay. G7 (Kooxda Toddobada) waa urur ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee la sheego inay yihiin kuwa ugu tunka roon dhanka dhaqaalaha. Waxay kala yihiin Canada, Faransi iska,
Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Mar eykanka. UK wuxuu sanadkan 2021 qabanay aa shirka madaxda G7 sidaas darteed ayuu halkaasi shirka uga dhacayaa.
Waxaa bishii January lagu dhawaaqay in kul anku uu ka dhacayo Hoteelka Carbis Bay oo ku yaalla meel u dhow St Ives oo ku taalla Cornwall.
Ma aha mar kii ugu horreysay ee hogg aamiyeyaasha caalamka ay ku kulmaan hoteel xe ebta saaran. Shirkii ugu dambeeyay ee G7 ee sa nadkii 2019 waxaa lagu qabtay magaalo-xee beedka Faransiiska ku taalla ee Biarritz.
Wuxuu shirku saameyn doonaa nolosha dadka caadiga ah ee ku nool Cornwall, iyadoo la xirayo waddooyinka.Ruushka wuxuu kooxdaas ku biiray sanadkii 1998, markaas oo uu ururku isku bed delay G8, balse waxaa laga saaray sanadkii 2014 ka dib markii uu sheegtay Crimea.
Ilhan Cumar oo difaacday hadal ay ku weerartay Israel
Ilhan Cumar oo ka tirsan xubnaha Koongareeska Mareykanka ayaa jawaab jawaab celisay canaan uga baqayaa asxaabteeda Dimuqraadiga hadaladeeda oo si wanaagsan u muujinaysa mid ka mid ah dowlada Mareykanka iyo Israel Hamas iyo Taliban.
Xildhibaano Yuhuud ah ayaa Ilhan Cumar ugu yeeray inay cadeyso ereyadeeda, laakiin wakiilka Minnesota ayaa si kulul uga jawaabtay eedeymaha loo jeediyay.
Tan ayaan markii ugu horeysay markii ugu horeysay ee dhaliilaha Ms Omar ay u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.
Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay "waxaan aragnay gaboodfallo aan la qiyaasi karin oo aan ku faraxsanahay Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.
"Waa inaan sameynaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhamaan dhibatooyinka ku kacsan ee dhanka wanaagsan u muuqda,” ayay qortay, oo ay kujirto fiidiyoow su’aalo weydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.
Khilaafka ayaa imanaya ku saabsan un kadib markii uu cadaadaada bariga dhexe ay kudhamaatay xabad joojinta iyadoo ay isa soo tareyso wararka ku saabsan weerarada neceyb naceyb ee dhanka dhanka ah yuhuuda Mareykanka
Qoraal ay u kala sooceen kooxdan oo uu hogaaminayo Dimuquraadiga New York Jerry Nadler ayay ku qoreen "isku soo biirinta Mareykanka iyo Israel Xamaas iyo Taalibaan waa mid weerar ah”.
Subaxnimadii hore ee Khamiista, Ms Omar – oo asalkeedu yahay Soomaali qaxooti ah kana mid ah muslimiintii ugu horeysay ee loo furo albaabka Koongareeska – waxay u jawaabtay "wax laga xishoodo” sida caadiga ah hadalkoodu wuxuu ahaa mid ku saleysan Islaam Neceyb.
Ninkii wejiga ka dharbaaxay Macron oo ka hadlay sababta uu falkaas u sameeyey
Ninkii loo haystay inuu dhawaan fagaare ku dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska, Em manuel macron ayaa la horgeeyay maxkamad, wuxuuna ka hadlay falkaas iyo siduu ku dhacay.
Ninkan oo lagu magic aabo Damien Tarel oo 28-sano jir ah ayaa m axkamadda ka hor qirtay in uu madaxw eyne Mac ron dharbaa xay, isagoona iska fogeeyay in falkaas uu ahaa mid uu hore usii qorsheeyay, sida lagu sheegay eedeynta loo jeediyay.
Waxa uu dharbaaxada uu ku dhuftay Macron ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uu san hore uga sii baara-dagin, wuxuuna maxkam adda ka hor sheegay in dhacdadaas ay ka dhal atay hoos u dhaca ku yimid Faransiiska.
Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa cods aday in ninkaan lagu xukumo Sanad iyo 6-bilood oo xabsi ah, maadama uu ku doodayo dacwad-oo gaha inuu eedeysanaha saameyay ficil rabshado oo si ula kac ah.
Sidoo kale waxa kooxda dacwada kusoo oog tay ninka dhirbaaxay Macron ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaq-dhaqaaqa loo yaqaano ‘yellow-vest’.
Madaxweyne Macron oo maalin ka hor ka had lay dhacdadaas ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay "mid kali ah” dhacdadii Salaasaddii ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaas oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.
Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.
"Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.
Waxa uu intaas ku daray "in shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan "inay qaa beeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”
Muuqaallo lagu baahiyey maalintii Salaasada baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujinayey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin kam id ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddel keeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya, isaga oo ku dhawaaqay "ha dhaco Macron”.
Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska, ayada oo madaxda sarre ee dalkaas ay ku tilmaa meen ficilka lagu beegsaday madaxweynaha mid ka hor-imaanaya dimuqraadiyada.
"Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda ga canta ah lama aqbali karo. Beegsiga madaxwey naha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Jean Castex oo la hadlay baarlamaanka.
Qaramada Midoobay oo shaacisay in Ethiopia ay ka jirto macluul
Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qar amada Midoobay Mark Lowcock ayaa sheegay in waqooyiga Itoobiya ay kajirto macaluul.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in 350,000 oo qof ay ku nool yihiin xaalad aad u daran oo ka jirta gobolka ay dagaaladu aafeeyeen ee Tigray, iyo sidoo kale go bolka deriska la ah Amxaarada iyo Canfar ta.Gobolka Tigray ayaa waxaa halakeeyay dagaal ada u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo jabha daha, waxaana ku barakacay 1.7 milyan oo ruux.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in xaal ada cunno ee gobolka ay gaartay heer musiibo taa soo ay ku macneysay gaajo iyo dhimasho saa meysa kooxo yar oo dad ah oo ku faafay dhul bal laaran.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qarama da Midoobay (WFP), Ururka Cuntada iyo Beeraha iyo hay’adda carruurta ee Unicef ayaa dhammaa ntood ku baaqay in si deg deg ah wax looga qa bto dhibaatada jirta.
Dad ku sugan Qafta Humera, oo ah degmo ku go’doonsan galbeedka Tigreega, ayaa warbaahi nta u sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan macaluul.
Dad badan oo ka soo jeeda Qowmiyada Tigr eega, ayaa waxay u qaxeen isku dhacyo awgood waxayna gabaad ka dhigteen magaalada Mekelle ee gobolka Tigray, waqooyiga Itoobiya.
Muxuu yahay isbaheysiga cusub ee Ethiopia ka raadsaneyso Geeska Afrika?
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa bilaabay qorshe uu ku raadsanayo isbaheysi cusub, kadib markii uu xubnaha xukuumaddiisa, Saraakiisha sare ee Ciidamada Militariga iyo Nabadsugidda uu u kala diro dalalka u arko in uu ka gabbaadsan karo culeyska koray.
Xukuumadda Abiy ayaa wajaheysa culeys xoo gan oo dhanka beesha caalamka ah, tan iyo ma rkii uu dagaal ku qaaday maamulkii TPLF, isla markaana uu si bareer ah u muddo dhaafiyey doo rashooyinka, oo aheyd bartii uu ka bilowday xaalka qalafsan ee dalkaas.
Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shidde oo ay welhiyaan Abaanduulaha Ciidanka Gen. Birh anu Jula iyo Agaasimaha Sirdoon ka iyo Amniga Qaranka Temesg en Tiruneh ayaa Jabuuti u tagay inay la kulmaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Ge elle, si ay u meel-mariyaan qorshaha Abiy.
Is-arag kadib, waxa ay sheegeen in ay kala ha dleen Geelle sidii Itoobiya garab loogu siin lahaa joojinta fara-gelinta dibadda, taasi oo uu hore u sheegay ra’iisal wasaare Abiy in marnaba la aqbali karin.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankaas uu kasii horeeyay xiriir Telefoon oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Sha cabka Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Itoo biya, Demeke Mekonnen.
Wasiirka Arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wa saare ku-xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa asagu si cad u sheegay in xiriirka Shiinaha ay ku wiiqayaan cadaadiska uga imanaaya Qar amada Midoobay. Itoobiya ayaa wajaheysa culeys uga imaanaya Qaramada Midoobay, Hay’adda Xuquuqda Aad anaha iyo Mareykanka, oo ayagu ka deyrinaya xaalada ka jirta gudaha dalkaas, tan iyo markii ay dowladda sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ay kula jirtay maamulka TPLF.
KENYA oo billowday ‘inay hubeyso’ qaar ka mid ah beelaha Jubaland + Sababta
Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gob olka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan.
"Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaal iyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhi baateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bi sha Habeen hore illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta.
Afhayeenka ayaa yiri "Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay ma leeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, ku wana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ism aamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gu daha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.”
Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Bule ey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosi leey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.
"Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Ho ose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-gar oon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali,” ayuu yiri Aadan Rufle.
Waxa kaloo uu yiri "Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jarii qaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay ma reysaa.”
Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaa gaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay in ay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo.
"Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalk una meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii ge ela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la baraki ciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciya an. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamad Iina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adee gsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yiri Aadan Rufle.
Dowladda Somalia Iyo Azerbaijan Oo Wada Hadal Gaar Ah Yeeshay
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jama Aidid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.
Wasiirka Arimaha dibadda ayaa Safiirka dowladda uga warbixiyay xaaladda dalkiisa gaar ahaan deegaannadii dhowaan dagaaladu ku dhexmareen Azerbaijan iyo Armenia, wuxuuna Wasiirka ka mahadceliyay taageerada dowladda Somalia.
Amb. Jama Aidid oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.
"Annaguna dhankayaga waxaanu uga mahad celinay sida fiican ee uu noo soo dhoweeyey. Waxaan u gudbinnay fariinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan xidhiidhka labada dal oo ah: Walaaltinimo, isqaddarin iyo iskaashi isu dheelitiran. Waxaan xusnay xidhiidhka soojireenka ah ee walaaltinimo iyo dhaqan ee labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.
Siyaasi Maxbuus Ahaa Oo COVID 19 Ugu Geeriyooday Dalka Baxrayn
Siyaasiga geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Xuseen Barakaat oo 48-jir ah waxa uu ku xirnaan jirey Xabsiga ugu weyn dalka Baxrayn ee JAU.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Baxrayn ayaa sheegtay inuu Siyaasigaasi oo ku xukunaa Xabsi Daa’in uu Xanuunka COVID 19 ugu geeriyooday Isbitaalka weyn ee Salmaaniyah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Manama.
Barakaat waxaa sanadkii 2018-kii isaga iyo 53 qof oo kale lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu soo oogay inay asaaseen Unug Argagixiso. Sida laga soo xigtay Xaaskiisa waxay sheegtay in Wicitaanjkii u dambeeyey ee ay Saygeeda kula hadashjay uu u sheegay inuusan neefsan Karin oo uu dhimanayo.
Dhinaca kale, Wiilkiisa oo la xiray isagoo 16 jir, waxaa uu weli ku jiraa Xabsiga, isagoo lagu xukumay Xabsi 20 sano ah.
Masar iyo Sudan oo mar kale u digay Itoobiya
Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa markale ku celiyay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso xuquuqda biyaha ay ku leeyihiin webiga Nile, taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay dadkooda.
War-saxaafadeed ay soo wada saareen dalalka Masar iyo Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya aysan tixgelineyn danaha labada dal ay ku leeyihiin Biyaha Wabiga Nile ee ku saabsan mashruuca biyo xireenka Itoobiya.
Sidoo kale Bayaan ayaa looga hadlay halista iyo waxyeelada ba’an ee ka dhalan karta buuxinta Itoobiya ee Biya xireenkeeda, iyada oo aysan waafiqin dalalka Masar iyo Suudaan.
Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa isla gartay in baah loo qabo guddi Heer Caalami ah oo soo qiimeeya qasaaraha buuxinta labaad ee Biyo xireenka Itoobiya, sida ay baahiyeen Warbahinta Masaarida.
Sidoo kale kulamo ay yeesheen Guddiga isku dhafka ah ee dalalka Masar iyo Suudaan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb geli doonaan Saraakiil Mareykan ah iyo Reer Yurub si looga hadlo xiisada iyo khilafka Wabiga Nile.
AKHRISO;TOBANKA MAGAALO EE DUNIDA UGU NOLOSHA WANAAGSAN IYO 10KA UGU NOLOSHA LIIDATA
Warbixin ay soo saartay hay’ada Sahaminta Qaybta Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU) ayaa lagu sheegay in magaalada
Auckland ee dalka New Zealand ay tahay mag aalada ugu nolosha fiican adduunka.
Hay’addan EIU ayaa ku xushay 140 magaalo arrimo ay ka mid yihiin xasiloo nida, kaabayaasha dhaqaala ha, waxbarashada iyo helitaan ka daryeelka caafimaadka.
Hase yeeshee soo saarista liiska sanadkan ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay cudurka Covid 19 sida ay magaalooyinka ay ula tacaaleen.
Waxaana sanadkan hoos uga dhacay daraj ooyinkoodii magaalooyinka Yurub halka kuwa Australia, Japan iyo New Zealand ay kor u kaceen darajooyinka.
Wadamadaas jasiiradaha ah waxay si dhakhso leh uga jawaabeen faafitaanka cudurka ‘coronav irus’ waxayna awood u yeesheen inay yareeyaan kiisaska isla markaana ay dabciyaan xanni baadaha.
Auckland ayaa kaalinta koowaad gashay san adkan waxaana ku xigey Osaka dalka Japan, Adelaide oo Australia ah, Wellington oo ku taal New Zealand iyo caasimada Japan ee Tokyo.
"Magaalada Auckland waxay kor u kacday darajada ugu sareysa sababo la xariira guulihii ay ka gaartay xakamaynta aafada Covid-19, taas oo u saamaxday bulshadeeda inay sii furnaato mag aaladuna si xoogan u dhaliso,”ayaa lagu yiri war bixin ay soo saartay EIU."Magaalooyinka Yur ub ayaa si gaar ah ugu liitay daabacaadda sanadk an,” ayay raacisay. Siddeed ka mid ah tobanka u gu sareeya ee ugu weyn qiimeynta ayaa ah mag aalooyinka yurub.
Tusaale ahaan, Vienna waxay hoos uga dhac day kaalinta koowaad illaa 12aad. Caasimada Austria waxay hogaamineysay liiska dhowr sano. Laakiin Hamburg oo ku taal woqooyiga Jarmalka ayaa hoos u dhacday iyadoo hoos u dhacday 34 derejo waxayna gashay 47aad.
Dimishiq waa magaalada ay noloshu ugu adag tahay, sababta oo ah dagaalka sokeeye ee sii so cda ee Syria. Qaar badan oo ka mid ah mag aalooyinkii sida xun loo qiimeeyay waxaa haleelay dagaalo, taasoo cadaadis ku saartay nidaamy adooda caafimaad iyo kaabayaashooda.
TOBANKA MAGAALO EE UGU NOLOSHA WANAAGSAN CAALAMKA 2021
1- Auckland, New Zealand
2- Osaka, Japan
3- Adelaide, Australia
4- Wellington, New Zealand
5- Tokyo, Japan
6- Perth, Australia
7- Zurich, Switzerland
8- Geneva, Switzerland
9- Melbourne, Australia
10- Brisbane, Australia
TOBANKA MAGAALO EE UGU NOLOSHA LIIDATA CAALAMKA 2021
- Damascus, Syria
2- Lagos, Nigeria
3- Port Moresby, PNG
4- Dhaka, Bangladesh
5- Algiers, Algeria
6- Tripoli, Libya
7- Karachi, Pakistan
8- Harare, Zimbabwe
9 -Douala, Cameroon
10- Caracas, Venezuela.
HAMBALYOOYIN DHALSHO OO FARXAD LEH
Maxamuud Axmed Jimcaale {X.Shataar},iyo Car uurtiisa,Dr.Cismaan Axmed Jimcaale,{Dr.Jimmy} iyoCaruurtiisa, Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tus bax},Xabiibo Axmed Jmcaale {Biibto},Yuusuf Cis maaciil Axmed {Carrabeey}, Salaado Axmed Jim caale,MadIino Axmed Jimcaale iyo Carruurtee da,Maryan Axme d Jimcaale iyo Carruurteed, Sa fiyo Axmed Jimcaale iyo Car ruur teeda Maxamed Xasan Xuseen {Anaaleh} Caasho Maxamuud Axmed iyo Carru ur tooda, Xamdi Cumar Xas an Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa fowziyo iyo Carru-urtiisa, Najib Cali Cumar iyo xaaskiisa, Nuurta Cali Cumar iyo Caruurteeda, Nimco Cali Cumar iyo Carruur teeda, Nuuradiin Cali Cumar iyo xaaskiisa, Raxmo Maxamed Maxamuud {Laje-cel}, Farxiyo C/Casiis C/hi,C/hi Cabdicasiis Cali,Mahada Cabdicasiis Cali, Axm ed Nuur Cabdicasiis Cali {Nuunoow}, Cabdirax maan C/hi Maxamed Cuunshe ye,Hibaaq Jeeyla ani Maxamed,Nasro Cusmaan {N.yariiseey}, Hidda-ayo C/salaam Axmed Faadu miin Najiib Cali, Maxamed Amiin Najiib Cali, Dha mmaan Dad-kaasi Waxay Hambalyooyin Dhalsho Farxad leh u kala dirayaan Maxamed Xuse en Maxa med iyo Qadro C/hi CaliHagareey oo Gabar ugu dhalatay khamiistii 2-da Juun 2021 Gaba dhaas oo loogu Magacdaray Xaawo Maxamed Xuseen Maxmed Waxay leeyihiin Alle haka dhigo tii soo Bar-baartaoo dalkeeda iyo Dadke eda iyo Diinteeda Anfacda
Aamiin Aamiin
Sidoo kale waxaay Hambalyo taa laah u di rayaan Maslax Cabdulle Culsoow iyo Nasro Cali Cumar oo iyana 22-kii May 20 21-kii WIIL uu ugu dhashay M/Muqdisho kaa soo loo bixiyey Marwaan Ma slax CabdulleCulusoowwaxay isagana le eyihiin Alle haka dhigo kii soo bar-baara oo wax tara Dadkii sa Dalkiisa iyo Diin diisa Aamiin Aamiin Aamiin.


0 



HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-JUNE 2021
.