Masar iyo Sudan oo mar kale u digay Itoobiya

0
Thursday June 10, 2021 - 09:59:13 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar iyo Sudan oo mar kale u digay Itoobiya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa markale ku celiyay in Itoobiya ay ku xadgudbeyso xuquuqda biyaha ay ku leeyihiin webiga Nile, taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay dadkooda.

     War-saxaafadeed ay soo wada saareen dalalka Masar iyo Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya aysan tixgelineyn danaha labada dal ay ku leeyihiin Biyaha Wabiga Nile ee ku saabsan mashruuca biyo xireenka Itoobiya.

 

    Sidoo kale Bayaan ayaa looga hadlay halista iyo waxyeelada ba’an ee ka dhalan karta buuxinta Itoobiya ee Biya xireenkeeda, iyada oo aysan waafiqin dalalka Masar iyo Suudaan.

    Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa isla gartay in baah loo qabo guddi Heer Caalami ah oo soo qiimeeya qasaaraha buuxinta labaad ee Biyo xireenka Itoobiya, sida ay baahiyeen Warbahinta Masaarida.

    Sidoo kale kulamo ay yeesheen Guddiga isku dhafka ah ee dalalka Masar iyo Suudaan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb geli doonaan Saraakiil Mareykan ah iyo Reer Yurub si looga hadlo xiisada iyo khilafka Wabiga Nile.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip