HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 3-JUNE 2021

0
Thursday June 03, 2021 - 08:24:28 in Wararka by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 3-JUNE 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xog: R/W Rooble oo maanta u baxaya safar gudaha dalka ah

Ra’iisal wasaaraha x/ Xil-gaarsiinta, Maxam ed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalinta maanta ah uu safar ugu ambabaxayo M/ Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, Sida ay wararka la helaayo u sheegen warbaahinta qaar xubno ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble iyo wafdi uu hor kacayo ayaa sida uu qor shuhu yahay Khamiista ka degi doona Jowhar, xili uu shalay kasii horeeyay ma daxweynaha maamulka HirShabeelle oo toddo baadyadii u dambeeyay M/Muqdisho u joogey shirkii golaha wada-tashiga doorashooyinka.

R/wasaare Rooble ayaa marka uu gaaro M/Jo whar u kuur-gali doona xaalada magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dha shay daadadka fatahaada Wabiga Shabelle.

M/Jowhar ee HirShabelle ayaa lagu soo warra mayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fa tahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoon ka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo ma gaaladaasi, inkasta oo si kmg ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo mar ar badan kusoo noq-noqotay G/Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.

Ciidamada DF oo Rasaas ku furay kolonyo la socotay Xasan Sheekh

Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday mad axw eynihii hore ee dalka Somaliya ,Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa goordhow lagu rasaaseeyay M/ Muqdisho. Sida ay ogaatayWarbaahintu , madax weynihii hore ee dalka ayaa lagu rasaaseeyay bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaar ka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xamar Weyne.

Kolonyada la socday Xasan Sheekh ayaa wa xa mar qura la huwiyey rasaas xooggan, ayada oo lasoo warinayo in ilaaladii la socotay madax weyanha aysan marnaba ka jawaab celin rasaas taas, midaasi oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii dar aya in rasaasta lagu furay mad axweyne Xasan Sh.aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu madax weynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeyen, islamarkaana aysan ka jawaabin rasaasta lagu furay.

Md.Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xeebta, isago ona u socday shir ay lahaayeen Midowga Mu sharaxiinta xiliga ay ciidamada dowladda ku fur een xabbadda. Waxaa xusid mudan in goobta la gu rasaaseeyay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxamed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bixiyey Ra’iisal Wasaaraha. Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laammaha ammaanka oo ku aaddan dhacdadaan.

Aqriso Magacyada: Cabdi Xaashi oo Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsi inta u gudbiyey xubnihii laga sugayay ee gud diyada doorashooyinka.

Sida uu shaaciyey xafiiska R/wasaaraha, Gud doomiye Cabdi Xaashi ayaa magacaabay 6 xub nood, kuwaasi oo uu si rasmi ah ugu gudbiyey R/wasaaraha, si qeyb uga noqda an guddiga doora shooyinka.

Xubnaha guddiyada doorashooy inka kuraasta Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha aqalka sarre ayaa imanaya kadib heshiiskii si si man loogu kala qeybiyay xubnaha guddiga isaga iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ee uu u gudbiyey Rooble.

1. Cabdishakuur Daa’uud Maxamed – FEIT

2. Maxamed Ciise Heybe. Xallinta Khilaafaadka

3. Suleymaan Caydiid Cismaan – SEIT

4. Cabdishakuur Abiib Xayir – SEIT

5. Maxamed Cali Cabdillaahi – SEIT

6. Jaamac Cumar Cali – SEIT

Magacaabista Cabdi Xaashi ayaa imaneysa, xili uu xalay madaxweynaha D/Goboleedka Jubb aland, Axmed Madoobe uu R/wasaaraha X/xil-ga arsiinta isagna u gudbiyay xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doora shooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saar ay ku magacaabay 12-qof oo guddiyada doorash ada ku meteli doona Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la ta shiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Md.Cabdi Xaashi iyo Axmed Madoobe ayaa noqonaya mas’uuliyiintii u horeeyay ee qaada tal laabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday M/Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doo rashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Anis ixintii Golaha Wasiirada

Madaxweynaha D/G/Jubaland Axmed Maxa med Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariye en Xukuumada Cusub.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yih iin hormarinta dhaqaaha, shaqo abu urka dhalinyarada iyo maamul dada ajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wa naagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqa da ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaq balka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jub aland. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqon ayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himi looyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweynaha ayaa gaba gabadii gudoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan Cusub guda gasho.

Xildhibaan la socday Xasan Sheekh oo ka ha dlay ‘isku dayga dil’ ee ay ka bad-baadeen

Wasiirkii hore ee amniga gudaha, Md.Cabdiri saaq Maxamed oo sidoo kale ah mudane ka tir san baarlamaanka, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii la socotay kolonyadii la xabadeeyay ee madaxw eynihii hore ee Soomaaliya, Xa san Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay arrintaas.

Cabdirisaaq ayaa isku-day dil ku tilmaamay Rasaastii ay ku fureen ciidamada dowladda Kolo nyo Gawaari ah oo la socotay Xasan Sheekh, xili ay marayeen agagaarka xarunta Maxkamadda gobolka Benaadir ee degmada Xam ar Weyne.

Waxa uu ra’iisal wasaaraha xukuum adda xil-gaarsiinta ka dalbaday in dhacdadaas uu ku sheegay isku-de yga dil ee ka dhanka ahaa madax weynihii hore ku sameeyo baaris deg-deg ah.

"Rooble waa inuu baara isku-deyga dil ee ka dhanka ah madaxweynihii hore Xasan Sh. Taasi oo dhacday 40-daqiiqo ka hor. Aniga qudheyda waxaan la safrayay madaxweynaha oo aan wehl iyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe. Waa daan-daansi aan la aqbali karin oo ka dhan ah madaxweynaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa ka had lay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad ayaa sheegay in ra’iisal wasaa raha laga rabo tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah arrinta lagula kacay madaxweynihii hore, isa goo dalbaday in sharciga la horkeeno ciidamadii rasaasta ku furay iyo cidii ka dambeysa.

"Ciidamo ku sugan agagaarka Maxkamadda G/Banaadir ayaa shalay rasaaseeyay Madaxw eyne Xasan Sheekh. R/Wasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa inuu tallaabo degdeg ah ka qa ado, sharcigana horkeeno ciidamadaas iyo ciddii bixisay amarka weerarka. Weerarka shalay ay aa noqonaya midkii 3aad oo lagu beegsado Mad axweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in weerarka la gu qaaday Xasan Sheekh uu noqonayo midkii 3a ad ee lagu beegsado, ayada oo dhawaan xal la ga gaaray xiisadii ka dhalatay doorashada dalka.

"Ciidamo ku sugan agagaarka maxkamadda G/Bamaadir ayaa rasaaseeyey baabuurkii uu sa arnaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka badba aday weerarkaas. Ma ahan markii 1aad ee ciida mada halkaas ku sugan ay weeraraan mas’uuliy iin wadadaas maraysa, waxaana laga sugayaa R/wasaare Rooble inuu tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan uu ka qaado ciidamadaas & ciddii ka danbaysay amarka weerarka,”ayuu yiri.

Si kastaba, rasaasta lagu furay Kolonyada madaxweyne Xasan Sheekh ayeysan ka dhalan wax khasaaro ah, kadib markii uu madaxweynihii hore amray ilaaladiisa inay is-xakameeyan, si lo oga baaqsado iska hor-imaad sababi lahaa khasaaro badan.Xigasho:-Caasimadda.net

DF oo war ka soo saartay rasaastii lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh

Wasiirka cadaaladda xukuumadda Sooma aliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay rasaas shalay lagu furay baabuur uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay aheyd shil oo ay san ku talo-gal aheyn, isla markaana loo xil saaray guddi soo baara sida ay wax u dhaceen, kaas oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxma an Aadan.

"Shalay waxaa dhacay shil dhex-martay cii dan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweyni hii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, wax uuna ahaa shil si qaldan u dhacay, waxaan shac abka Soomaaliyeed u sheegayaa in ciidanka As luubta aysan si ku talgal ah u geysan shilkaas,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, "Arrintaas had da waxaan u xilsaarnay guddi uu Taliyaha horka cayo, cidii uu ku cadaado qalad noocaan ahna, waxaan hor keeni doonaa sharciga, qaladkaas oo kale in uusan nagu soo laabana waan ku da daleynaa, sida loo maamulayo baraha controlna waan ka wadahadalnay taliyaha, waana la haga aji doonaa, waxaan rabaa in dadka Soomaaliy eed ay ogaadaan ciidamada mas’uuliyad ayaa saaran, qalad waa dhici karaa, laakiin muhiima du waa in laga daba tago oo la saxo, madaxwey ne Xasana waxaan uga mahad naqeynaa, sida uu u xakameeyey arrintaan, waana ka raali gelin eynaa.”

Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xa san Sheekh ayaa shalay waxa mar qura la huw iyey rasaas xoog leh, waxaana la sheegay in ilaa ladii la socotay madaxweyanha aysan rasaast aas ka bixin wax jawaab celin ah, sida aan xogta ku helnay, taas oo baajisay iska hor-imaad dhex-mari lahaa labada ciidan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta lagu furay madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax khasaare ah ka dhalan, kadib markii uu mad axweynaha amray ilaaladiisa inay is-xakameeya an, isla markaana aysan ka jawaabin rasaasta la gu furay, waxaana la sheegay in xabadaha ugu badan ay ku dhaceen gaariga madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka yimid shir nabad-gelyo oo ka dhacay Elite Hotel ee xe ebta, isagoona u socday shir ay lahaayeen Mido wga Musharaxiinta, xiliga ay ciidamada dowlad da ku fureen xabadaha.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu rasaaseey ay madaxweyne Xasan Sheekh kal hore lagu rasaaseeyay kolonyo la socday Imaam Maxam ed Yuusuf, midaasi oo uu hore raali-gelin uga bix iyey ra’iisal wasaaraha.

Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya oo Warqad aha Aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha Dawladda Etoobiya Sahle-Work Zewde ayaa warqadaha aqo onsiga si rasmi ah uga guddoon tay danjiraha cusub ee Dawladda Soomaaliya u fadhin doona dalka asi Ethiopia Ambassador C/hi Ax med Jaamac Ilka Jiir.

Munaasabaddan ayaa ku qabsoontay aqalka madaxtooyada Etoobiya ee caasimadda Addis Abeba, waxaana ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan W/Arrimaha diba dda Ethi opia iyo madaxda safaaradda Somaaliya ee Addis Abeba

Ka dib markii danjiraha cusub laga guddoom ay warqadaha aqoonsiga ayuu si rasmi ah ugu gudbay una fariistay xafiiskiisa cusub ee safaa radda, halkaas oo ay ka dhacday munaasabad kooban oo hawl-wadeenada Safaaradu ay kusoo dhoweynayeen safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doona dalkaasi Etoobiya

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Shalay la ansixiyay

M/Kismaayo ee Xarunta G/Jubbada Hoose wa xaa Shalay Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Ba arlamaanka DG/leedka Jubbaland, kaas oo uu shir guddoomiyay G/Baarlamaanka Cabdi Maxa med Cabdiraxmaan, waxaana lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan maga caabay M/wayne Axmed Max amed Islaam.

Kulanka ayaaa soo xaadiray 51 Mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cu sub ansax tahay G/Golaha wa kiiladda Jubbaland Md.Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha gudiga hab-dhowrka Baarlam aanka JubbalandXildhibaan Shukri Wayrax Kaa riye ayaa sheegay in ajandaha Kulanka kaliya uu ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna la gu ansixiyay, isaga oo u mahad celiyay Xildhiba annada.

20-kii Bishii May ayuu Madaxweynaha DG/ Jubbaland Axmed Madoobe Golihiisa wasiirada oo ka kooban, Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasii ru dowlayaal kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib markii la dhaariyo ma almaha soo socda.

Dowladda oo sheegtay in hub farabadan ku qabatay dagaal ka dhacay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa welihowlgal qorsheeysan kawada degaanka Ce elbacad oo hoostaga degmada buulo burde ee G/Hiiraan,halkaas oo Doraad dagaal xoogan ay kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii Ciidamada dowladda ay weerareen degaanka ceelbac ad, waxaana saraakiisha Ciida mada ay sheegeen in weerarka as uu ka dambeeyay kadib mar kii ay ka warheleen weeraro qorsheeyeen Al-Sha baab

.Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee CXDS Jan. Tareedisho ayaa sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab uga dileen 25 dagaalame. Sidoo ka le waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku soo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay jiraan khasaarooyin kale oo loo geystay Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee shalay naga soo gaaraya degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee G/Hiiraan ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa 2daasi degmo ay Ciidamada ka wadaan howlga llo culus oo ay sheegeen in amniga lagu xaqiijin ayo.

Madaxweynaha Puntland oo amar ka soo saaray Shilalka Gaadiidka

Madaxweynaha D/G/Puntland Md.Saciid C/hi Deni ayaa sheegay in malmihii la soo dhaafay ay degaannada maamulkaas kusoo bateen shilalka gaari ay ka dhashaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac.

Waxaa uu sheegay in laammaha Amniga Pun tland looga baahan yahay inay hubiyan dhalliny arada dalxiiska u aadaya degaannada qaar ee Puntland inay yihiin kuwo awood u leh inay si wa naagsan u wadan Gawaarida.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Md.Deni in baarita an lagu sameyn doono Wadayaasha Gaadiidka qaarkood oo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya,, waxaana uu ugu baaqay wadayaasha Gaadiidka inay noqdaan dad mas’uul ka ah dadka ay Gawaarida ku wad aan. Warkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Pu ntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhaw aan degaano hoostaga M/Garoowe ay ka dhac een Shilal Gaari oo ka dhashay khasaaro isugu ji ra dhimasho iyo dhaawac.

Natiijadii ugu horeysay ee doorashada Somal iland oo la shaaciyey – Yaa ku horreeya?

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijadii u gu horeysay ee doorashada goleyaasha deeg aanka Somaliland, taas oo labo maalin ka hor ka bilaabatay dhamaan deegaanada Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ay aa si horudhac ah u shaaciyey natiijada ilaa 5 kamid ah degmooyinka Somaliland, taasi oo lagu muujiyey sida ay u kala heleen saddexda xisbi ee ka jira Somaliland.

Doorashada Somaliland ka dhacday 31-kii May ayaa isku gu jirtay doorashada mudaney aasha golaha wakiilada & dee gaanka ee maamulkaas, wux uuna si horudhac ah u shaac iyey komishanka ilaa hadda mida goleyaasha de egaanka.

Waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka ay shaaciyaan natiijooyin kale oo ku aadan door ashooyinkii qabsoomay Isniintii, midaasi oo lagu muujinayo sida xisbiyada uga kala guuleysteen Xildhibaannada golaha wakiilada iyo deegaanka ee guud ahaan Somaliland.

Hoos ka eeg natiijada hordhaca ah iyo sida ay u kala heleen xisbiyadu.

1. Sallaxley, Maroodi-jeex

Kulmiye 4

Ucid 3

Waddani 2

2. Gar’adag.

Kulmiye 4

Waddani 3

Ucid 2

3.Saylac-Awdal.

Kulmiye 4

Waddani 4

Ucid 4

4. Xuddun-Sool

Kulmiye 7

Waddani 2

5. Lughaye-Awdal.

Kulmiye 5

Waddani 2

Ucid 1

Ciidamo la wareegay buundo muhiim ah iyo xiisad culus oo ka taagan Beledweyne

Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xige enka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee G/Hiiraan Abuukar Maadey ayaa doraad xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadw eynaha iyo ga adiidka M/B/weyne.

Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buunda da Liiq Liiqato ayaa lagu she egay inay ka dhal atay khilaafka u dhaxeeyo Gu ddoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xige enka Maaliyadda iyo Siyaa sadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey.

Khilaafka u dhaxeeyo 2daan Mas’uul oo mud dooyinkii dambe soo jiitamayey ayaa hadda noq day mid saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsi ga iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee M/Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa in uu sababo dagaal ka qarxo M/dhexdeeda.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, khilaafka 2da Mas’uul ayaa salka ku hayo sida loo ma am ulayo lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas, taa soo ugu dambeyn keentay in khilaafkooda la ga dareemo magaalada oo dhan .

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo G/ Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qa bto shacabka Magaalada Beledwe yne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaa daha wabiga.

Lacagta kasoo xarooto Gobolka ayaa la she egay inaysan soo dhaafin gacanta madaxda ugu sarreeyo Maamulkaas, waxayna hadda u muuqa taa in dhexdooda ay ku heshiin la’yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolo sha ay ku dhibaataysan yihiin M/Beledwe yne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga G/Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka M/ B/weyne ayaa wado waawaan la doonayo in buu nda da looga qaado ciidamada xirtay kuwaas oo saa ka lagu waabariistay iyagoo halkaas ku sug an, sidoo kalana waxaa socdo dadaal lagu doo nayo in labadaan mas’uul la isugu soo dhawee yo inka stoo khilaafkooda uu gaaray meel aad u sarreeyo.

Madaxweynaha Maamul G/Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaan weli ka hadlin khila afka ka ta agan G/Hiiraan oo ah mid isku xi raa Koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soom aaliya, iyadoo na ay ka baxaan maalintiiba gaad iid qaada xoo laha iyo bagaashka nuucyadiisa kala duwan ku waas oo geeya gobollada dalka.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Beledwe yne marti gelso khilaaf u dhaxeeyo madaxda Ma amulka Hiiraan, waxaana mar kasta khilaafka dhaliyo musuq maasuqa ay mas’uuliyiinta ugu sa reeyo ku sameeyaan lacagaha kasoo xaroodo Gobolkaas oo ah mid muhiim u ah Hirshabelle.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

Hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan cuntada ayaa sheegtay in ka badan boqolkiiba sagaash an dadka ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay 200 oo Milyan oo doolar si ay gacan uga geysato quudinta in ka badan shan milyan oo qof oo halk aas ku nool.

Boqolaal kun oo qof oo Tigree ah ayaa hore yba ugu baahnaa gargaar cunno kahor intaanay bilaaban colaadu ku dhawaad 7 bilood ka hor

Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna tirada ay aa sare u kacday iyadoo Qaramada Midoobay 7baadkii la soo dhaafay ay ka digtay halis macl uul haddii aan la kordhin gargaarka.

Iyadoo heerarka nafaqo-darrida ay sii kor dha yaan WFP waxay ku baaqday xabad-joojin si loo helo marin dadka tabaaley san loogu gaarsiiyo gargaar.

Mar sii horreysayna Britain ayaa ka digtay in wa qooyiga Itoobiya ay ka jirto halis macluul oo ba an, Ergeyga gaar ka ah ee UK ee kahortaga ma cluusha, Nick Dyer, ayaa qiimeyntan same eyay mar uu booqd ay gobolkaas ay colaadda saam eysay. Mr Dyer wuxuu xaaladdan ku tilm aamay mid musiibo ah, isagoo tusaale u soo qaa tay nab adgelyo xumo iyo burbur soo gaadhay qalab kii beeraha iyo go obaha caafimaadka.

Abiy Axmed: Geeri ayaan ka xigaa inaan xukunka wareejiyo

R/wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo kulan gaar ah lalahaa hoggaanka sare ee xisbigi isa Prosperity Party ayaa laga duubay cod halis ah, kaas oo uu kaga hadlay mustaqbalkiisa ho ggaamineed ee wadanaakasi Itoo biya. Abiy ay aa codka laga duubay ku sheegay in doorasha da soo socota ee dhaceysa 21-ka bi shan ay ku guu leysan doonaan isaga iyo xisbigiisa, haddii kale uu dhiig da adan doono.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaa day in ays an jirin cid dhisi karta xuk uumad illaa 10-sano ee soo socoto, isaguna uu sii joogi do ono xafiiska.

"Waxaan dareemeynaa xaqiiq la xiriirta welwel badan oo nooga imaanaya siyaasiyiin, kooxo ka la duwan iyo warbaahinta kuwaas oo doora sha da u galaya si ay xukunka u qabsadaan, aad na u doonaya, meel kasta ayey joogaan, waa dhow yihiin, waana fog yihiin,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey "”Ma jirto cid awood u yeelan karta in dowlad ay soo dhisto 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaana ka xi gaa intii aan xilka wareejin lahaa” ayuu yiri, iyada oo intaasi kadib codka lasoo duubay laga maq lay sawaxan iyo sacab isla-socda.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale wuxuu codkiisa muujinayaa inuu ku shuban doo no doorashada ka dhaceysa Itoobiya, isaga oo boggaadiyey kooxda ka shaqeyneysa.

"Doorashada waa ay dhaceysaa, kooxda aan sa meynay shaqo adag ayey qabteen, waxaa dhicidoona dhimasho iyo dhiig , sida ay doonto ha ah aatee, shaki iigama jiro inaan ku guuleysan nay doorashada, weliba qaab sahlan,” ayuu mar kale yiri Abiy Axmed.

Codkan oo halis weyn ku ah dimuqaaraad iya dda dalka Itoobiya ayaa si weyn u gil-gilay Itoob iya oo sanadihii u dambeeyey wajaheysay xaa la do adag oo ka dhashay dagaalladii ka dhacay waqooyiga dalkaas, gaar ahaan gobolka Tigray oo ay warareen ciidanka dowladda.

Dhinaca kale xafiiska ra’iisul wasaare Abiy ay aa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in cod ka uu yahay mid la’isku keen-keenay iyada oo la adeegsanayo codad kala duwan.

"Codka loo maleynayo in laga soo duubay Ra’I isul Wasaaraha xilli uu ku sugnaa shirka xis biga haya talada toddobaadkii lasoo dhaafay, codka as waa mid been ah oo laisu geeyay, waxaana laga soo qaatay codad kala duwan oo kasoo bax ay R/Wasaaraha, isbaddalo badan ayaa la gu sa meeyay si looga dhigo hal cod” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Abiy.

Si kastaba dowladda Itoobiya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag, iyada oo ay ku kacsan yihiin qowmiyada qaar, sidoo kalena ay usii dhe er-tahay dagaalka ay kula jirto TPLF.

Midowga Afrika oo laalay xubinnimadii dalka Mali

Midowga Afrika ayaa si kmg ah u jooj iyay xub innimada dalka Mali ee ururkaas, waxaana tal laabadaas ay jawaab u tahay afgambigiu uu mili tarigu ku qabsaday dowladdii dalkaas 7aadkii la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Midow ga Africa ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqa bateyn dheeraad ah, haddii mil itarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd.

Militariga ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Was aarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabis ay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Africa lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sid eed bilood kaddib marki ay isla militarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi Abubakar Keyta.Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Afr ica ayaa isna Axadi Mali ka joojiyay xubinnima da ururkaasi.


Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Mad axweynihii hore ee dalka Sierra Leone

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cab di waxa uu shalaykulan gaar ah ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahaa ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoo may 31-May-2021.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku bogaadi yey madaxweynaha hore ee Sierra Leone ima ansha uu ku yimid Somaliland ee uu ku soo tab tay xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta ee dhinac yada horumarka, nabadgelyada, Dimuquraaddi yadda, wada-noolaanshaha, wada-jirka shacbiga iyo xukuumadda.

Madaxweyne Ernest Koroma waxa uu xusay inuu indhihiisa ku soo arkay bulsho bisil oo wa ayo arag u ah arrimaha doorashooyinka oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban la haayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala xis biyo ah.

Waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey warbixinta ay soo saareen goobjoogayaasha doo rashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deeg aanka ee dalka ka qabsoomay Isniintii ina dhaa ftay.Kulankan oo gaar u ahaa labada madaxwey ne, ayaa ahaa mid ay ku lafo gureen qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen arrimaha qaaradda Afrika.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha hore mid mid u dul geeyey sawir rada madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo kuwo kale oo ka turjumaya taariikhda Somal iland oo ay ka mid yihiin qalcadda taariikhiga ah ee Talleex iyo goobo kale oo muhiimad gaar ah leh.

Shacabka Jabuuti oo ka cabanaya shuru uc ay dowladdu soo rogtey

Wasiirka cusub ee caafimaadka ee dalka Jab uutii Dr. Axmed Rooble Cabdulle, oo dhowaan loo magacaabey wasaaradda, ayaa qaatey go’ aanno cusub, oo loogga hortagayo cudurka Covid19 guud ahaan dalka oo dhan.

Kulan muhiim oo uu la qaatey wasiirka guddi ga maareynta cudurka Covid19, ayuu kaga dhawaaqey laba go’ aan oo la xiriira tallaalka ka hort agga Covid19.

Go’aankan ayaa qasab ka dhi gaya in dhammaan dadka ka baxaya Jabtuuti iyo kuwa soo galayaba ay is talaalaan, oo ay arrint aa lagama maarmaan tahay.

Dhanka kale, isagoo hadalkiisa sii wata wasi irku ayuu ka hadlay iney xoojin doonaan baarit aanada Covid19-ka ee goobaha laga soo galayo guud ahaan dalka oo dhan.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in qof waliba oo socdaal ku yimaada Jabuuti uu gali doonno kara ntiil, isla markaana ay wadaan qorshe ay ku diya arinayaan hotelo iyo goobo looggu tala galey dadkan. Dadka la galinayo karantiilka ayaa iyagu qarashka iska bixin doonna, si loogga foojignaa do buu yiri wasiirku in waji kale oo saddexaad uu ku dhufto dalka Jabuuti, oo la xiriira cudurka Covid19.

Mid kamid ah garsoorayaashii kiiska Somaliy a iyo Kenya oo dhintay – Maxaa isbedelaya?

James Richard Crawford oo ka mid ahaa gar soorayaashii dhageystay kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda ICJ ayaa geeriyooday.

Crawford, oo dhashay 14-kii November 1948-kii, ayaa garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ, tan iyo Febraayo 2015, waxaana uu kursiga sii fa dhin lahaa illaa Febraayo 2024.

Bayaan kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in garsoorahan u dhashay dalka Australia uu geeriyoday 31-kii May. Crawford ayaa ka mid ahaa 15-ka garsoore ee dhageystay kiiska So omaaliya iyo Kenya, oo Muqdisho ay isku dayeyso inay Kenya uga soo ceshato dhul badeed ka badan 100,000 oo isku-wareeg km ah oo Nairobi ay dooneyso inay boobto.

Geeridiisa ayaan la fileyn inay wax saameyn ah ku yeelato kiiska, ayada oo garsoorayaasha ay goor-horeba qoreen kana tageen go’aankoo da. Sidoo kale, go’aanka Maxkamadda ayaa lagu saleeyaa aqlabiyad.

Go’aanka Maxkamadda ayaa hadda sugaya kaliya in lagu dhowaaqo, waxaana taas la filayaa gudaha sanadkan. Dowladda Kenya ayaa diiday inay ka qeyb-gasho dhageysi oraaheedkii dacw adda ee dhacay 15-18 March, inkasta oo ay hab qoraal ah ay dooddeeda u gudbisay.

Go’aan kasta oo kasoo baxay Maxkamadda ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah, oo aan dib loogu laabaneyn, mana lahan wax racfaan ah, ama maxkamad kale oo lala aadi karo.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo baaq cul us u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida

Aadan Barre Ducaale oo ah mudane sare oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, ahaana hoggaa miyihii hore ee aqlabiyada golaha baarlamaanka ee daalkaasi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasade ed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Ducaale oo ka hadlayey muna asabad ballaaran oo lagu qabt ay M/Nairobi ayaa sheegay in looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha Somalida inay ka shaqeeya an hor urmarka iyo midnimada dalka iyo dadka, isla-markaana ay tanaasul sa meeyaan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay go’aanka qaadanayaan ay ku saleeyaan horumarka Soom aaliya, si dalka looga gudbiyo xaaladda adag ee uu haatan ku jiro. Hoggaamiyihii hore ee aqlabiy adda baarlamaanka Kenya ayaa shaaciyey in madaxda Somalida loga baahan yahay inaysan wax u meerin dalalka dariska & kuwa Carbed .

"Waxaan ugu baaqayaa madaxda DFS, hogaa miyeyaasha gobolada iyo siyaasiyiinta gaar aha an Farmaajo in marka aad tashaneysaa aad go’ aanadiina ku saleysaan danta Soomaaliya oo ay san idin meerin dowladaha derisa ama kuwa Car abta,” ayuu yiri Aadan Barre Ducaal.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dho waan madaxda DF &kuwa D/G/yada ay heshiis rasmi ah ku gaareen M/Muqdisho, kaas oo lagu jiheynayo doorashooyinka muranka badan dhaliy ey ee sanadka ka dhacaya dalka.

Soomaaliya ayaa haatan galeyso marxalad do orasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida ma daxweynaha, taas oo ay si weyn ugu tartami doo naan musharraxiinta Soomaaliyeed.

Dallada Ururada Soomaalida Netherlands Oo Maxkamad Looga Yeeray + Sababta

Dalladda Federation of Somali Associations in the Netherlands oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayna ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah ayaa loogu ye eray Maxkama d markii lagu soo eedeeyey in ay san siin dadkii u soo shaqeynay ay tan iyo markii la aasaasay lacagaha laga jaro dad ka shaqeeya mushaark ooda, loog una tala galay qofku marka uu hawl-gab noqdo (Retire) in la siiyo.

Hay’ad musharaadka siisa dadka shaqada ka fadhiista (Pension founds) ayaa dacwad ka gay say FSAN maxkamad, waxayna dalbatay in laca gahaasi ay bixiso FSAN, haddii ay bixin waysan a in maxkamadu ay xukun ku rido, iyada oo SAN dhinaceeda ay iska difaacday eedeyntaas.

Mid ka mid ah guddoomiyayaasha ururada xu binta ka ah dalladda FSAN, kana gaabsaday in magaciisa la xuso, oo aan ka waraysanay halka ay dacwadu mareyso ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhowaan labada daraf ay maxkamad wada tag een, lana sugayo go’aanka maxkamadda.

"Maxkamad ayaa dhacday maalin dhoweyto, go’aan ayaa la sugayaa, qolada lacagta soo she egatay ee "Pension fonds” waxay ku doodaysaa in shaqaalihii ka shaqeynayay FSAN ilaa maalin tii la aasaasay xuquuqdooda in la bixiyo, FSAN iyaguna dhinacooda way is difaacday, haddii la gu yiraa FSAN waxba la idin kuma laha iska ba xa waa guul, haddii-se lacag badan lagu xukumo ciladu halkaas ayeey ka imaaneysaa, inkastoo ay jiraan dad aaminsan in FSAN ay lacag haysa to iskana bixin karto haddii maxkamadu xukun to,” ayuu yiri mas’uulkaas, waxaanna uu intaasi sii raaciyey:

"Eeg…ururkii SOMVOA, oo ahaa ururkii ugu faca & magaca weynaa ururada Soomaalida, xit taa dadka Soomaalida marka ay dalal kale ka imaanayaan waxaa la dhihi jiray haddaad Holl and tagtaan SOMVOA taga, ma jirtaa cid garan eysa waxa ururukaasi uu saaxada kaga baxay.? wuxuu kaga baxay markii lagu eedeeyey in ays an si sax ah u maamulin lacago loogu talogalay in ururkaasi & urur kale oo Itoobiyaan ah ay ma shaariic ku wada fuliyaan, ayna ku fashilmeen in ay sameeyaan xisaab celin sax ah, shalay mar ka aynu maqalno FSAN ayaa lacag loo haystaa, waxeynu soo xasuusaneynaa wixii horay u qab saday SOMVOA, umana rajeyneyno in ay taasi ku dhacdo.”

Mas’uulkaas magaciisa qariyay, waxaa kale oo la weydiiyey cidda qaadeysa mas’uuliyadda inaan wax xil ah la iska saarin arrintan, waxaan na uu yiri:

"Waxaa wax iska caadi ah, haddaad tahay shi rkad ama hay’ad haddii maamuladii kaa horeey ey ay wax qaribaan mar walba lama dhahaayo maamulkii idinka horreeyey ayaa qaladkaas ga ystay idinka waxba la idiin raacan maayo, mar waliba mas’uuliyada waxaa qaadanaya maamul ka xilligaasi jooga, maamuladii hore iyo kuwii xil alka isaga dambeeyey arrintan way ka seexdeen waayo shuruucda dalkan sida ay tahay ciddina kama qarsoona”

Mahad Siciid oo muddo dheer Xisaabiye ka ahaa FSAN, iskana casilay xilkaasi sannadkii ho re, ayeey dad badani ictiqaadsan yihiin in is-cas ilaadiisu ku lug laheyd isaga oo ay u muuqatay in FSAN qarka u saaran tahay waddadii burburka, haddaba Mahad qudhiisa ayeeynu arrintaasi iyo arrinta maxkamadda wax ka weydiinay wuxuuna ku jawaabay:

"is-casilaadeydu waxay aheyd arrin shaqsi ah, wax shaqo ah kuma laha arrinta dacwada. Dac wadani mudda ayeey socotay, haddana way so cotaa, meesha ay mareyso waxaa fiicnaan lah eyd in guddiga bestuurka la weydiiyo”

Xiriir aan la sameeyey dalladda FSAN, si aan arrintan wax uga weydiino wax jawaab ah kama aynaan helin. W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan

Caasimada Online, Netherland


Operations Analyst

Job categories Project Management, Programme Management

Vacancy code VA/2021/B5001/21864

Level ICS-8

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type International ICA

Contract level IICA-1

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational

requirements, availability of funds and satisfactory performance)

Application period 02-Jun-2021 to 16-Jun-2021



Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC

 

Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

 

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

.

Functional Responsibilities

.
*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY *Qualified fe...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education A First Level University Degree (Bachelor’s Degree or e...

Contract type, level and duration


Contract type: International Individual Contractor Agreement (IICA) Contract lev...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS

.
UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip