WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA ABRIILE 2016-KA

0
Thursday April 07, 2016 - 08:12:54 in Wararka by
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 7-DA ABRIILE 2016-KA

    MAXAMED BAKISTAAN OO LOO DOORTAY XOGHAYAHA GUUD EE URURKA XIRIIRKA SHAQAALAHA SOOMAALIYEED Xaflad lagu dooranayay Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa la gu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana xilkaasi u tartamayay saddex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAMED BAKISTAAN OO LOO DOORTAY XOGHAYAHA GUUD EE URURKA XIRIIRKA SHAQAALAHA SOOMAALIYEED Xaflad lagu dooranayay Xoghayaha guud ee Ururka xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa la gu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana xilkaasi u tartamayay saddex musharax oo kala ah Max amed Ibraahim Bakistaan, Cabdiraxmaan Xasan Cumar iyo Cumar Faaruuq Cismaan oo isagu goob ta doorashada ay ka dheceysay ka maqnaa.

 

Maxamed Ibraahim Baksitaan ayaa ku guulesytay doorashada, iyadoo ay halkaasi goobjoog ka ahaayeen XildhibaaMno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliya.

Xoghayaha maanta la doortay ee xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Baks itaan ayaa u mahadceliyay xubnihii doortay, isagoo balanqaaday inuu arrimaha shaqaalaha wax bad an ka qaban doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Soomaaliya Mu dane Maxamed Muqtaar oo goobta ka hadlay ayaa kula dar daarmay Mas’uulka la doortay inuu wax qabad rasmi ah la yimaado.

Xildhibaan Maryan Macalin Isxaaq iyo Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo ka tirsan Baarlam anka Federaalka ah ayaa bogaadiyay sida ay u dhacday doorashada Xoghayaha guud ee xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed.

SHAKIYO CUSUB OO KA SOO BAXAY DILKII SAXAFIYAD TALYAANI IYO SAWIRQAADAHEEDA OO LAGU DILAY MUQDISHO.

Nin Somali oo lagu magacaabo Hashi Omar Hassan ayaa ah qofka keliya ee haatan u xiran di lkii loo geystay Saxafiyad u dhalatay dalka Talyaaniga oo la oran jirey Ilaria Alpi oo iyada iyo Sawi rqaadaheeda Miran Hrovatin, kuwaasi oo sannadkii 1994kii lagu dilay bartamaha magaalladda Muqdisho.

Saxafiga iyo Sawirqaadaha waxay u shaqeyn jireen Kanaalka 3aad ee Telefishinka RAI ee dal ka Talyaaniga

Sida laga soo xigtay Diplomaasi Talyaani oo lagu magacaabo Giuseppe Cassini oo baaritaan ka Kiiskaasi ka soo sameeyey gudaha Somalia waxa uu sheegay in Dareewalka oo ah Markhaatiga muhiimka samaynayo wax kasta oo uu kaga badbaadi karo Dacwadoogayaasha Maxkamadda.

Wargeyska La Republica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa daraad daabacay in Cad daynta markhaatinimadda ee Diplomaasiga inay Maxkamadda si qarsoodi ah u qaadeen.

Bishii Janaayo ee sannadkan, Maxkamad ku taalla magaalladda Preugia waxay oggolaatay Codsi ka soo gaaray Qareenka oo ahaa in dib loo furo Dacwadda loo haysto Muwaadinka Soom aalida ee Hashi Omar Hassan.

Kooxda Qareenka waxay doonayaan in la cafiyo Hashi Omar Hassan oo isaga bishii june ee sannadkii hore laga sii daayey Xabsiga, kadib, markii uu soo dhamaystay xabsi 16 sanno oo ka mid ahaa Xukun 26sanno oo horey loogu riday dilka Saxafiyad u dhalatay dalka Talyaaniga ee Ilaria Alpi iyada iyo Sawirqaadaheeda Miran Hrovatin.

Sidoo kale, Qareenadda waxay ku doodayaan inuusan Hashi Omar Hassan joogin Muqdisho markii uu dilkaasi dhacayey, isla markaana si khiyaano leh loogu soo kaceeyey dalka Talyaaniga.

Ilaria Alpi iyo Sawirqaade Miran Hrovatin.2Bishii Feberaayo ee sannadkii hore, Ahmed Cali Ra age oo ah Markhaatiga muhiimka ee Kiiskaasi ayaa sheegay inuu Hashi Omar Hassan yahay nin aan wax dembi ah gelin.

Ahmed Ali Raage oo u waramay Kanaalka 3aad ee Telefishinka RAI, waxa uu sheegay in laga codsaday inuu si been ah ugu markhaati furo Hashi Omar Hassan oo isaga ku eedeysan dilka Sax fiyadda Ilaria Alpi iyada iyo Sawirqaadaheeda Miran Hrovatin.

"Anigu ma arkin qofka rasaasta ku furay Suxufiyiinta” ayuu yiri Ahmed Ali Rage oo ka laabtay Markhaati ahaanta uu horey ugu caddeeyey Hashi inuu ahaa qofka ka dambeeyey dilkaasi.

Saxfiyadda Ilari Alpi oo 32 jir ahayd iyo Miran Hrovatin oo 45 jir ahaa waxaa magaalladda Mu qdisho lagu dilay bishii March 25dii ee sannadkii 1994kii, kadib, markii ay jidka u galeen 7 nin oo hubeysan.

Waxaa kaloo loo maleynayaa inay Suxufiyiintaasi lagu dilay iska horimaad dhex maray Ciid dankii Nabadilaalinta Talyaaniga iyo Maleeshiyaddii Hoggaamiyekooxeed Soomaali bishii March 25 dii ee sannadkii 1994kii.

Dhinaca kale, Buug ay Waalidka Saxfiyadda Ilari Alpi qoreen sannadkii 1991kii waxay ku shee geen inuu dilkaasi la xiriiray Baaritaan ay Saxafiyadda iyo Sawirqaadaha ku samaynayeen Hubka Qarsoodiga ee loo soo diri jirey Somalia ee lagu beddelan jirey Wasaqda Haraagga Kiimikadda ee lagu daadiyo Badda Somalia.

DANJIRE RACHAD FARAH OO KA HADLAY DOORASHADA DALKA DJIBOUTI

Qabanqaabada doorashada Madaxweynaha dalka aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa si xawli ah ku socotay maalmihii la soo dhaafay, waxaana madaxda ugu cad cad ka mid ah Madaxwe ynaha iminka talada haya Ismaanciil Cumar Geele, oo ah halyeey taariikh wanaagsan ku leh Gees ka Africa gaar ahaan ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga.

Waxaanu waraysi doorashada Djibouti ku saabsan la yeelanay rug cadaa wax badan la soo shaqeeyay Madaxweyne Geelle, Safiirkii hore ee Djibouti u fadhiyay dalalka Japan, China France, Switzerland, United Kingdom iyo UNESCO. Danjire Rachad Farah ayaa sheegay in madaxweyne Geelle yahay halyeey Afrika ku faani karto,.

"Hoggaamiye waxaa lagu qiimeeyo waa waxqabadka dadkiisa iyo dalkiisa, waxaana taas cadd eyn u ah farqiga u dhaxeeya Djibouti daraad iyo shalay, waa wax muuqda halkii aanu joognay 1999 xiligii uu talada qabtay madaxweyne Ismancil” ayuu yiri Danjire Rachad Farah.

Danjire Rachad Farah ayaa yiri "waxaa guulo la taaban karo laga gaaray dhinacyda dhaqaal aha, siyaasada, isdhaxgalka bulshada iyo xiriirka caalamiga ah, waxaa la kobciyay adeegyadii aasa asiga ahaa sida waxabarashada, caafimaadka iyo nabadgelyada”.

"Waxaa la xoojiyay xiriirkii arrimaha dibadda ee Djibouti, taas oo keentay in Djibouti loo furo albaab dhinaca dublamaasiyadda ah, waxaana waddankeenu noqday mid leh saaxiibao fara badan, waxaa dalkeena ku soo batay maalgashadayaasha dalalka shisheeye, taasina waxay keentay in uu kobco horumarka dhaqaale ee dalka” ayuu yiri Danjire Rachad Farah.

Burburkii Soomaaliya kaddib, iyadoo caalamu ka jeestay Soomaaliya ayaa madaxweyne loo doortay Ismancil Cumar Gelle, waxyaabaha lagu xasuusto ayaa waxa ka mid ah in isla markii uu xilka qabtay uu u istaagay Soomaalidii kala irdhaysneyd, isagoo arinta Soomaaliya geeyay Qaram ada Midoobay, dabadeedna uu ku casuumay madashii caanka aheyd ee loo yaqiin shirkii Carta, hal kaas oo ay ka dhalatay dowladnimada ay Soomaalidu haysato ilaa shalay.

Danjire Rachad Farah ayaa hadalkiisi ku soo qatimay in dalka Jabouti uu u baahan yahay madaxweyne Geelle, waana tan keentay in shacabka iyagu ka dalbadaan in uu isu soo taago doorashada sanadkan 2016 ka.

TALYAANIGA OO DIGNIIN CULUS U JEEDIYAY DOWLADDA MASAR

Xiriirkii soo jireenka ahaa ee Talyaaniga kala dahxeeyay dalka Masar, ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay soo galay mad madow, ka gadaal markii arday Talyaani ahaa lagu dilay Magaalada Qaa hira.

Giulio Regeni oo 28 jir ahaa, ayaa waxaa 25kii bishii January laga qafaashay Magaalada Qa ahira, iyadoo sagaal cisho ka dibna (3dii February), meydkiisii laga helay duleedka Magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa wuxuu Talaadadii ku hanjabay in Talyaanigu uu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Masar, haddii aanay sharaxaad badan ka bi xin cidii dishay ardaygaasi.

Wasiirka, ayaa wuxuu sheegay inaanu Talyaanigu la dhacsanayn habka gaabiska ku socda ee Masar ku baareyso dilka Giulio Regeni, isagoo intaa ku daray inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Masar.

Wasiirka oo Talaadadii ka hor hadlaayay Baarlamaanka Talyaaniga, ayaa xusay in toddobaa dkan ay Magaalada Rome ku kulmi doonaan Xeer Ilaaliyeyaasha labada dal.

Arbacadii shalay ah, ayaa waxaa lagu wadaa in xubno ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Masar, ay u amba baxaan Caasimadda Talyaaniga, si ay faah faahin dheeri ah uga siiyaan baaritaanado oda ku aadan dilka ardayga.

Madaxweynaha Masar, AbdelFattah elSissi, ayaa Talaadadii sheegay in Xukuumadda Qaahira ay wado baaritaano dhameystiran oo la xiriira, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa kuwii dilka gaystay.

Talyaaniga, ayaa Masar ku adkeynaaya inay ku soo wareejiso teleefankiisii gacanta iyo muu qaal video ah, oo muujinaaya qaabka ninkaasi looga qafaashay Magaalada Qaahira.

Haddii ay Masar ka gaabiso inay ka jawaabto dalabka Talyaaniga, ayaa waxaa la leeyahay tall aabada ugu horeyso ee Talyaanigu uu qaadi doono waxaa weeye, in Safarkiisa uu kala baxo dalka asi.

MADAXWEYNAHA KOOFUR AFRIKA OO KA BAD BAADAY INUU WAAYO CODKA KALSOONIDA BAARLAMAANKA

Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma oo ku soo baxday fadeexad, markii malaayiin dollar uu ku dhistay guri uu leeyahay ayaa waxaa mooshin laga geeyay Baarlamaanka dalkiisa.

Maxkamadda sare ee Koofur Afrika ayaa go’aan ku gaartay inuu jebiyay dastuurka, kadib ma rkii uu diiday inuu bixiyo malaayiin dollar oo uu ku dhistay gurigiisa.

Siyaasiyiin ka mid ah Xisbigiisa ayaa ugu baaqay inuu is casilo Mr Zuma, balse waa uu ka dhe ga fureystay.

Hase ahaatee waxaa markii dambe Mucaaradka mooshin codka kalsoonida loogu qaadayay ka geeyeen Baarlamaanka.

Inkastoo aqlabiyada ugu badan ee Baarlamaanka Koofur Afrika ay yihiin Xisbiga uu hogaam iyo ee ANC, ayaa waxay taas keentay inay horjoogsadaan mooshinka, isla markaana uu ka bad ba ado mooshinka lagala noqonayay codka kalsoonida.

GOODAX MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE GOBOLKA HIIRAAN XILLIGAAN GACMIHIINNA AYUU KU JIRAA

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo federaalka XFS, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo soo gaaray Magaalada Beledweyne, ayaa khubad uu ka jeediyay shirka dibuhishiisiinta isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Xildhibaan Goodax ayaa ugu horeyn bogaadiyay shirka iyo duubabka dhaqanka gobolka Hii raan, isaga oo sheegay in shirkan yahay mid loo hanweyn yahay, lagana filayo in ay kasoo baxaan miro wax ku ool ah.

''Shirkan waa shir dhaqan, waa shir nabadeed, waa kulan dibuhishiisiin iyo is cafin, waan ha mbalyeenayaa shirka iyo go'aanka duubabka dhaqan ee ah inay bulshadu Wadahadasho kana hishi iyaan wixii madmadow iyo khilaaf ah ee u dhaxeeya'' ayuu yiri Mudane C/llaahi Goodax.

Mar uu soo hadal qaaday Arrimaha Siyaasada, ayuu sheegay in masiirka iyo Mustaqbalka siy aasadeed ee gobolka Hiiraan mar walba go'aan ka gaari doonaan bulshada ku nool, balse la aqbali karin in wax aysan raali ka aheyn sidda uu hadalka u dhigay dusha sare looga keeno.

''Mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan gacantiina ayuu ku jiraa, hadddii uu gobolka is kii u taagnaanayo iyo haddii kale intaba go'aanka ugu dambeeya intiina shirka joogta iyo inta kale ee idinku tallada ah ayaa iska leh' ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Federaalka, ayuu ku eedeeyay in ay kala Qaybiyeen sida uu hadalka u yiri Duubabkadhaqanka Gobolka Hiiraan oo Taariikhda inta la xasuusto markii ugu horeysay u midoobay tallada iyo aayaha gobolka Hiiraan.

"Shalay dowladihii waaweynaa ee Caalamka ayaa Midoobaya, marka waa wax lala yaabo in mas'uuliyiinta Qaranka ee loo dhaariyay inay dadka isku keenaan, isla markaana kawada shaqee yaan midnimadooda ay billaabaan dhaqamo aan Wanaagsaneyn iyo in dadka la kala qaybiyo, Duub abkiidhaqanka Gobolka oo taariikhada inta la xasuusto midoobay in la kala jabiyo oo waxaan jirin lo ogu kala sheekeeyo Waa wax ruux aan caqli u saaxiib ahayn uu sameyn karo oo kaliya,'' ayuu yiri sheegay xildhibaanka.Ugu danbeyntii, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay ma almaha soo socda shirka kusoo biiri doonaan wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, isaga oo ku dhiirigaliyay ka qeybgalayaasha in ay xoojiyaan nabada kana shaqeeyaan siddii loo walaaleyn lahaa bulshada ku dhaqan gobolka.

DOWLADDA MASAR OO DADAAL UGU JIRTA SIDII AY DIB U SOO CELIN LAHAYD XIRIIRKII MILLATERI EE SOOMAALIYA

Xukuumadda Masar ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay dib ugu soo celin lahayd Xiriirkii Mil ateri ee ay la lahayd Soomaaliya, wixii ka horreeysay sannadkii 1991, Markaasoo xukunka laga tuur ay xukuumaddii dalka ka talinaysay, dalkana uu muddo 24 sanadood ka badan ku jiray colaado soke eye.

Masar ayaa shaacisay sannadkii 2012kii inay doonayso inay tababarto ciidanka millateriga Somalia iyo kuwa badda, iyadoo sheegtay in dalka Geeska Afrika ku yaalla ay wajahayaan caqa bado ay ka mid yihiin xuduudbadeedka iyo amnidarro

Sidoo kale, Waddamo ay ka mid yihiin; Turkiga, Mareykanka iyo weliba Midowga Yurub ayaa tababarro kala duwan siiyay Ciidamada Soomaaliya, taasoo keentay in ay Somalia ku tallaabsatay dib u soo laabashada cududdeeda dhanka ciidamada.

Xukuumadda Qaahira ayaa dhankeeda ugu jirta dadaal xoogan sidii ay uga soo biiri lahayd qorshaha Xukuumadda Somalia looga caawin lahaa dib u dhiska ciidanka sida; Millateriga. Iyadoo dhawaan ay Muqdisho yimaadeen Wafdi dalka Masar ka socday, kuwaasoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda Dowladda Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada Somalia, isla markaana sheegay inay diyaar u yihiin inay tababaraan ciidamada Soomaaliya.

"Masar, Waa saxiib weyn oo ay Soomaaliya leedahay. Intii kulankeennu socdayna waxaan ka wada hadalnay sidii loosoo celin lahaa iskaashiga dhinaca millateriga ee labada waddan u dhexee yay,” ayuu yiri taliyaha Millateriga Somalia Jen. Maxamed Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Ciidamadii Qalabka sida ay ee Soomaaliya, ayaa ku burburay coladihii sokeeye ee Dalka ka socday muddada 20sano ka badan, balse waxaa haatan la qorsheynayaa in dib loo dhisi, si ay uga hortagaan Weerarrada ay Alshabaab ka geysanayso gudaha Somalia, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Xukuumadda Somalia, ayaa ku tiirsan taageerada ay siiyaan ciidamada Midowga Afirka ee AMSIOM, inkastoo ay leedahay ciidammo Soomaaliyeed oo aan Awood lahayn, kuwaasoo aan awo od u lahayn inay weerarrada Alshabaab ka hortagaan ama ay amniga xaqiijiayaan.

Ugu dambeyn, Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Alshabaab laga saaray Deegaano iyo magaalooyin ay awood ku lahaayeen, inkastoo weli Alshabaab ay Weerarro Gaadmo ah la beegs anayso saldhigyada Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda Somalia iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

WHO OO KA DIGTAY QATARTA CUDURKA SOKOROWGA OO GAARAY HEERKII UGU SAREEYAY

Adduunka ayaa wajahaya heerkii ugu sareeya halista cudurka loo yaqaano macaanka ama Sokorowga (diabetes), iyadoo 11 qof uu saameeyay hal qof adduunka oo dhan.

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayay waxay kaga digtay kor orka ku imaanaya cudurka macaanka ah.

Illaa 422 milyan oo qof ayaa la sheegay inuu ku dhacay cuduka Sokorowga, qiimeyn la sam eeyay sanadkii 2014.

Tiradan ayaa ah labalaab sanadkii 1980 daraasad la sameeyay oo lagu ogaaday in 108 milyan oo ruux uu cudurkan ku dhacay.

Heerka sokorta dhiiga oo sareysa ayaa ah dilaaga ugu weyn, iyadoo 3.7 milyan oo ruux ay sa nadka kasta ay u geeriyoodaan.

Sida ay sheegayso xogtii ugu danbaysay waddamada galbeedka Pacifiga ayay ka jirtay dhim ashada ugu badan ee cudurka macaanka.

Xogtan ayaa sheegeysa in dalalka soo koraya ay yihiin kuwo ugu badan ee cudurkan same eyay, halka markii hore dalalka qaniga ah uu ku badnaa cudurkan.

AMNESTY INTERNATIONAL OO SOO BANDHIGTAY TIRADDA XUKUNADDA DILALKA EE SANNADKII HORE LAGA FULIYEY SOMALIA.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin sannadeedka la xiriira xukunadda dilalka ee Caalamka laga fuliyey sannadkii hore ee 2015ka.

Amnesty international waxay sheegtay in tiradda xukunadda dilalka ee Caalamka sii korodhay, iyadoo sannadkii hore gaartay meesha ugu sarreysay tan iyo sannadkii 1989kii.

Amnesty international waxay xustay in ugu yaraan 1,634 qof lagu fuliyey xukuno dil ah sanna dkii hore, taasi oo muujinaysa sarakaca in ka badan 50% marka loo eego sannadkii ka horreeyey.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in 89% xukunadaasi laga fuliyey dalalka Iran, Pakistan iyo Sacuudiga, iyadoo dalka Shiinaha oo Kumanaan qof lagu dilo, haddana Dowladda Shiinaha waxay aad u dhowrtaa Sirta xukunadda dilka.

Shaxda Amnesty International waxaa lagu xusay in Iran lagu dilay 97 qof, Pakistan 326 qof, Sacuudiga 158, Maraykanka, 28 qof, Iraq 26 qof, Masar 22 qof, Indonesia 14 qof iyo Chad oo 10 qof lagu dilay sannadkii hore.

tirokoobka dilalka Warbixinta Amnesty International waxaa lagu sheegay in Somalia sannadkii hore Xukun dil ah lagu fuliyey 25 qof, waana tiro aad u yar marka loo eego xukunadda sannadihii ka horreeyey.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuunadda dilalalka ee ay Maxkamadaha ridaan ka sokow waxaa jira dad badan oo ku geeriyooda qaraxyadda, israsaasaynta iyo dhaca hubeysan, kuwaasi oo aan haba yaraatee la diiwaan gelinin, lana soo qabanin kooxaaha ka dambeeya dilalka dadka rayidka ee Somalia.

CIIDAMADA DOWLADDA IYO AMISOM OO SI RASMI AH ULA WAREEGAY DEGMADA AADAN YABAAL

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay 1dii duhurnimo ee shalay gudaha u galeen Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Labada ciidan oo tan iyo xalay ku sugnaa afaafka hore ee Degmadaasi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in duhurnimadii ay si nabdoon gudaha ugu galeen, iyadoo aanay wax iska caabin ah kala kulmin Xoogaga Ururka Al Shabaab, oo gelinkii dambe ee Talaadadii isaga baxay.

Ciidamada Huwanta, ayaa waxay si buuxdo ula wareegeen xarumaha muhiimka ah ee ku ya ala Degmada Aadan Yabaal, sida Xarunta Degada, Saldhiga, Garsoorka iyo goobo kale.

Gudoomiyaha Degmada Aadan Yabaal, Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa wuxuu sheegay inay hadda Degmadaasi ka wadaan hawlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan.

Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay inaanu qorshahoodu ahayn inay dib uga baxaan Degmadaasi, islamarkaana ay sii jooggi doonaan, sida uu yiri.

Gudoomiyaha waxaa uu dadkii ka barakacay Degmada Aadan Yabaal uu ugu yeeray dib inay guryahoodu ugu soo laabtaan, islamarkaana ay damaanad qaadayaan inay ammaankoodu suggay aan.

CIIDAMADA XEEBAHA DALKA MASAR OO SOO BADBAADIYEY 10 RUUX OO SOOMAALI AY KU JIRTO

In kabadan 10 ruux oo soomaali ah ayaa shalay waxaa soo badbaadiyey ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka masar.

Dooni ay saarnaayeen 13 muhaajiriin soomaali ah iyo saddex masaari ah ayaa laga soo bad baadiyey badda xili ay u socdeen xeebaha dalka talyaaniga qaarada Yurub.

Mohamed Samir oo ah afhayeenka militriga dalka masar ayaa sheegay in muhaajiriintaan soomaalida ah ee lasoo badbaadiyey ay iskugu jiraan haweyn, caruur iyo rag dhalinyaro ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay badbaadiyeen 22, 026 oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ka yimid badankood dalalka soomaaliya iyo Eretria.

Maalinkii talaadada ee isbuucii hore ayaa xeebta magaalada Kafri el Sheikh laga helay mey dadka 5 qof oo afar ka midaa ay soomaali yihiin halka midka kalane uu u dhashay dalka masar.

Mohamed Samir waxaa kaloo uu sheegay in khamiistii lasoo dhaafay ciidamada masar ee ilaaliya xeebaha dalkaasi ay xabsiga dhigeen 131 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo heysta dhal ashooyin kala duwan

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN HUB AL SHABAAB AY KA SOO FURTEEN AMISOM

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhig een hub iyo saanad kuwii laga soo furtay AMISOM ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Al Shabaab oo saanadaas ugu soo duulay Pun tland ay gashaanka u daruuren Ciidamada maamulkiisa.

" waa hub kala duwan oo casri , Ciidamadeena geesiyaasha ayaa gacanta ku dhigay, kana furtay Al Shabaab oo horay uga soo furtay AMISOM” ayuu yiri Dr Gaas.

Al Shabaab ayaa dagaallo waxa ay kula galeen Ciidamada Maamulka Puntland gobollada Nug aal iyo Mudug ee maamulkaasi.

MA LA TALIYAA MISE WAA KUU TALIYE?! 'HESHIISKA GAROWE WAA ALXAMDU, LAAKIIN AL SHUKRU KU DERIMAA' ???

Al xamdu Al shukru: Gabar guurku ka daahay ayaa la soo doontay iyadoo 40 jir ah, deriskii ayaa ku yiri: manta waa lagu soo doontay oo odayaalaa yimid wiilkooda ayeeyna kula rabaan ee Alxamdu al shukru dheh. gabadhii ayaa ugu jawaabtay: Alxamdu waan leeyahay, laakiin Al shukru ku darimaa oo weli leeyma guri geeyn. Hadda haddii Dowladii iyo Punt land Heshiiyeen Al xamdu waa leenahay, …. Al shukruna waxeey ku xirantahay siduu u hirgalo.

Heshiiska waxaa wax ka saxiixay oo damaanad qaaday dad aan Somali aheeyn, Su’aashu waxa ay tahay ajnabigu xaq ma u leeyahay in uu wax ka saxiixo, mise waxa uu doorkiisu ku eg ya hay in uu kaa caawiyo wixii farsama ah iyo fidinta gogosha haddii loo baahdo . doorkiisu wuxuu ku eg yahay in uu talo ku siiyo, taana waa diidi kartaa waana qaada kartaa, laakin xaq ma aha in aad taladiisa ugu darto in uu kuu taliyo. Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay isaga keena darmaan la taliye iyo taliye doorkoodu.

La taliye: la taliye kuu taliya adigoon maxmiyad aheen ma jiraa? Dowladii cabdullahi ciise wa xa eey laheed la taliyayaal ajnabi ah waxaa khasbayayna waxa eey aheed maxmiyad. Kuwii dambe maxaa ku khasbay la taliyayaal ajnabi ahi in eey u taliyaan.

Dowladii Md. Cabdullahi Ciise haddi aan tusaale u soo qaadano waxaa ay ka koobneed shan wasaaradood iyo raisulwasaare.

1-Wasiirkii arrimaha dhaqaalaha,Md. Faarax Cali cumar waxaa la taliye u ahaa: Dr. lugi Casberi.

2-wasiirkii arrimaha gudaha,Md.Muse Boqor Cusman, lataliye :Dr.Tuwaliber Binardeli.

3-wasiirkii maaliyada,Md. Salad cabdi maxamud,lataliye ;Habelio Riconire

4-wasiirkii Arr. Bulshadacaafimaadkawaxbarashada,Md.Cali jimcale,lataliye Dr.Filinio wizinio

5-wasiirkii howlaha guud,Md. Maxamud cabdi nur Jujule,lataliye:Dr.Minotti Tomaski.

Lagula yaabi mayo oo waxa eey aheed maxmiyad ku ekeed 1960kii, laakin Dhabeecadaasi waa nala tagtay in aan ajnabi la taliye ka dhigano.Horaantii 1960 kii waxaa jiray Mr. Johon dryasdale oo la talye ahaan ku sii qaadanayay 100.000.sh.so sannadkii, shaqada uu hayay faa’iido malaheeyn sharcina ma aheeyn in shaqsi heshiis noocaa ah lala galo. Laakin dowladii Md. Maxamed Ibrahim Cigaal ayaaba xishootay oo heshiiskii magaca u bedeshay oo halkii uu shaqasi ka ahaa ka dhigtay shirkad la yiraa " la societa Africa research company, London.fiiri: faafinta rasmiga ah. polletino offi ciale delle republica somala.

Mog,2.Augosto1969. Kacaankiina waxa uu laha la taliyayaal kale oo u badnaa jeneraalo Ruush ah, dowladaasi ma ogoleeyn in la taliyuhu u yeeriyo wax khibradiisa iyo xirfadiisa ka baxsan, inta badan.

Waxaa xigay la talye amar ku siinaa! Annagu ma waanan la heeyn waaya arag soomaliya oo wax la taliya, maxaase loo waayay taladiisa suuban cid ka qaadata? Mise Taladiisu waxa eey ka hor imaanee talada la taliya kale.

Dhowr sanno ka hor xamar maxeey ka qabaayaan la taliye Mr. peter Reed iyo Mr. Stevene iyo kuwa kale oo Australiya iyo Norway ka yimid .waxaa ka sii yaab badan, waddamada eey u dhasheen mushaar ma siiyaan soomana dirin AAA!!!!!, shirkad kale ayaa mushaakar siineysay, haddi aad taariikhdooda gadaal u aqriso waa rag ku soo fashilmay meela hore eey iskugu sheegeen la taliye, Burundiba ha ugu dambeeysee.

Mr. Peter Reed wuxuu ahaa( strategic advisor to the TFG Somalia on Road map) waqtigaa, tal adiisu waa in uu kugu kontroolo in aadan ka bixin habka Road mapka u daneeynayaan kuwii degs aday Road Map kii wareerkan noo keenay. yaab iyo raad tirasho, la taliye doowladiisii leedahay soo ma dirsan, cid kalaana mushaar siisa waa nagu bateen.

IGAD oo la filayay in warkeedu ku ekaado aniga sidaa ayeey ila tahay ayaa ku leh anigu waxaan go’aamiyay in somaalida maantu sidaa u dhaqanto kuwa berina qorshahan lagu hago.

Madaxda shalay waxaan ku la talinaa aduunkan waad ka tageeysaan ,dadkuna waa idnka soo harayaan.bal fiiri sawirkan 1963dii madaxdii ugu horeeysay ee Africa shalay midna kama joogo, xat taa madaxweeynaheenii oo ka muuqda sawirka .laakin waxaa haray dadkii. Adigu ceeb aduun iyo cadaab aakharo iska ilaali. Waa ceeb walaalkeey aaminimaa haduuna la imaan Amxaar damiin ka ah.

Qoraalada dhaadhher waa laga qeeyliyay aan ku soo kobo intan

QORE PROF. YAHYA AMIR

 



NATIONLINK TELCOME

OGEYSIIS

 

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid- ka)

A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal

10 daqiiqowadamada

  • USA.
  • CANADA
  • CHINA.
  • INDIA.
  • AUSTRALIA.
  • BANGLADESH.
  • MALAYSIA.
  • PAKISTAN.
  • SOUTH AFRICA
  • SWEDEN

 

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip