Warar sheegaaya in Faarax Sheekh C/qaadir uu ka tanaasulay Madaxtinimada Maamulka Hiiraan & Shabellaha Dhexe

0
Wednesday April 06, 2016 - 10:08:42 in Wararka by
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaaya in Faarax Sheekh C/qaadir uu ka tanaasulay Madaxtinimada Maamulka Hiiraan & Shabellaha Dhexe

    Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed uu ka tanaasulay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed uu ka tanaasulay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalana saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billihii ugu dambeeyay xusul-duub ugu jiray, sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka Goboladaasi.

Ka dib muddo billo ah oo ay cakirneyd sidii lagu soo dhisi lahaa Maamulka loo wado in loo dhiso Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, ayaa waxaa la leeyahay waxay keentay inuu Faarax Sheekh C/qaadir ka tanaasulo damaciisii.

Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u sheegay Faarax Sheekh C/qaadir in uu gacan ka taagay xilkaasi, isla-markaana uu Madaxweynaha Somaliya ku wargeliyay inuu ka tanaasulay yoolkiisii ku aadanaa Goboladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu hadda qorsheynayaa in Gudoomiyaha Jaamacadda Simad, Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) uu ku bedelo booska Faarax Sheekh C/qaadir. Daahir Carab waa nin ku dhow Hogaamiyaha Wadanka.

Faarax & Xasan

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada ee sanadkan lagu wado inay dalka ka qabsoomto, ayaa waxaa Faarax Sheekh lagu soo dari doonnaa Golaha Wasiirada.

Faarax wuxuu dadaal u geli doonnaa sidii uu markale uu Madaxweyne Xasan ugu soo bixi lahaa doorashada dalka, iyadoo la xusuusan yahay in Faarax uu yahay ninkii Xasan Sheekh ka caawiyay inuu ku guuleysto tartankii doorashada madaxtinimada dalka ee September 10, 2012 ka dhacday Magaalada Muqdisho.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip