Dagaalyahano ka tirsan ururka Jabhat al-Nusra ayaa la sheegay in ay qabteen duuliyihii diyaarada oo nool kadibna waxa ay u kaxeeyeen sida la sheegay xaruntooda.
Duuliyaha diyaarada oo magaciisa lagu sheegay Colonel Khaled Saeed ayaa la soo bandhigay muuqaalkiisa. Hase ahaatee lama garanayo nooca diyaarada dagaal ee uu duulinayay Khaled.
Muuqaalo video ah ayaa la soo dhigay baraha bulshada taasoo ay ka muuqatay burburka diyaarada oo ololeysa.
Xabad joojin jilcan ayaa waxaa la kala dhex dhigay dowlada Siiriya iyo kooxaha mucaaradka hase yeeshee ururada xiriirka la leh Alqaacida iyo IS kama mid aha xabad joojinta.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ay dowlada Siiriya ay qabsanayeen deegaano ay maamulayeen ururada xiriirka la leh argagaxisada.



0 







Kooxda Jabhatul-Nusra oo soo ridey diyaarad dagaal noloshana ku qabatay duuliyaha diyaarada(Sawiro)
Kooxda Jahbat al-Nusra oo taabacsan ururka Alqaacida ayaa soo ridey diyaarad dagaal oo ay dowlada Siiriya leedahay meel ku dhow magaalada Aleppo.