WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA ABRIILE 2016-KA

0
Wednesday April 06, 2016 - 09:32:20 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA ABRIILE 2016-KA

    SALAAD C. JEELLE "DOWLADDAN WAQTIGEEDA WAA DHAMAADAY, MADAXDEEDANA WAA MUSHARAXIIN" Salaad Cali Jeelle oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyada ayaa sheegay in dowladda hada jirta uu waqtigeeda dhamaaday, isla markaana aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SALAAD C. JEELLE "DOWLADDAN WAQTIGEEDA WAA DHAMAADAY, MADAXDEEDANA WAA MUSHARAXIIN" Salaad Cali Jeelle oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimoqraadiyada ayaa sheegay in dowladda hada jirta uu waqtigeeda dhamaaday, isla markaana aanay wax heshiis ah geli karin.

Mr Jeelle ayaa sheegay in aanay raalli ka aheyn nidaamka 4.5 ee hada la qorsh eynayo in dowladda soo socota lagu soo doorto, waxaana uu ku eedeeyay dowladda waqtigeeda dhamaanayo inay ku guuldareysatay waxyaabihii loo igmaday.

"2012 qaabkii wax loo doortay ayay hadana mid la mid ah noqonee, anaga ma soo dhoweyneyno 4.5 waxaa u aragnaa inay dhiira gelineyso xagjirnimada iyo qabyaa lada, mana noo muuqato in lagu gaari karo mustaqbal Soomaaliyeed”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacada Muqdisho.

Waxaa uu ku eedeeyay madaxda dowladda inay yihiin musharaxiin dano gaar ah leh, isagoo xusay in aanay haatan talo gacanta ugu jirin, maadaama waqtigeeda dhama aday, isla markaana aanay wax heshiis ah geli karin.

"Dowladda sideedaba waqtigeeda waa dhamaaday, waxa meesha joogana waa dad musharaxiin ah oo muraad gaar ah leh, xukuumadan wax waa qaban weyday, waa na fashilantay, taladana waxay hortaalaa shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumaddihii KMG ahaa, waxaa uu ka mid ahaa musharaxiintii u tartameysay doorashadii madaxtin imada sanadkii 2012, inkastoo aanu hal cod ah helin.

DAD LOO SOO QAB QABTAY QARAX KA DHACAY DEGMADA BAARDHEERE

Tiro dad ah ayaa loo soo qab qabtay kadib qarax khasaaro sababay oo ka dha cay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Qeybta Booliska degmada Baardheere Cabdi Sheekh Xasan Cilmi oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qarax Miino oo dad shacab ah ay ku waxyeeloobeen uu ka dhacay degmadaasi , kaas oo dad ay u soo qab qabteen , walow uusan cayimin tiradooda.

Dadka la soo qab qabtay ayuu taliyuhu tilmaamay in ay baaritaanno ku hayaan oo ay kula shaandheynayaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa 2 Sarkaal oo Ciidamada dowladda Federaalka ka tirsan waxaa lagu dilay degmada Baardheere , iyadoona Qaraxa Miino ee ka dhacay degmadaasi ay ku dhaawacmeen 5 qof oo rayid ah.

MAXKAMADDA ICC OO SHALAY GO’AAN KA GAAREYSA DACWADA WILLIAM RUTO

Maxkamada Caalamiga ee dambiyada dagalka ICC ayaa shalay lagu wadaa inay go’aan ka gaarto dacwada loo heysto Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto iyo wariye Joshua Arab Sang, kuwaasoo loo heysto eedo la xiriira qalalaasihii dadka faraha badan lagu dilay doorashooyinkii muranka ka dhashay ee Kenya ka dhacay sanadkii 2007.

Xaakimka Maxkamadda ICC ayaa la filayaa in kiiska loo heysto ee dambiyada ka dhank bani’aadanimada in meesha laga saaro iyo in kale.

Qareenada u doodaya Mr Ruto ayaa sheegay in dambiga loo heysto uusan ku lug laheyn, iyadoo markhaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen, iyadoo ka laabtay hadalo ay horay u sheegeen.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada Fatou Bensouda ay aa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah Madaxweyne kuxigeenka ka dhigeen mid daciif ah, hase yeeshee waxa ay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii dacwad oogaha Maxkamada ay meesha ka saartay eedeymo loo heystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

KENYA: SHEIKH MANSUR WAXA UU AHAA NIN U DHASHAY KENYA ALSHABAAB U QAABILSANAA TABABARADA CIIDAMADA

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Sheikh Mansur oo taliska amisom shalay sha aciyeen in lagu dilay dagaaladii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose uu ahaa nin u dhashay dalka Kenya isla markaana alshabaab u qaabilsanaa dhanka tababarada.

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Sheikh Mansur in uu ah aa nin shabaab u qaabilsanaa dhanka Tababarada ciidamada shabaab isla markaana haystay dhalashada Kenya sanado ka horna ku biiray alshabaab.

Afhayeenka ciidanka Kenya David Obonyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sheikh Mansur uu ahaa muwaadin u dhashay kenya isla markaana alshabaab u qaa bilsanaa dhanka Tababarada ciidamada.

Taliska amisom ee soomaliya ayaa shalay shaaciyay in ay dileen lix sarkaal oo al-shabaab ahaa kuwaasi oo kala ahaa Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deega anka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abr iba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa Todobaadyadii ugu damb eeyay Gobolka shabeelaha Hoose waxa ay ka sameeyeen howlgal balaaran waxaana gobolka ka dhacay dagaal dhaxmay iyaga iyo alshabaab.

AMISOM OO SOO BANDHIGTAY MAGACYADA SARAAKIIL SHABAAB AH OO AY SHEEGEEN INAY DILEEN

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Amisom shalay oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay magacyada 7 Sarkaal oo Amisom ay sheegtay in lagu dilay howlgalo ka dha cay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.Qoraalka Amisom ay soo saartay ayaa lagu sheegay 7 Sarkaal oo muhiim u ahaa Shabaab, Amisom inay dishay muddo Isbuuc gudahooda ah, kadib howlgalo kala duwan oo dhacay.

Saraakiisha ay Amisom waxa ay sheegeen in ay dileen Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deegaanka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abriba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

Amisom ayaa sheegtay howlgalo muddo Isbuuc gudihiisa dhacay in lagu kala dil ay Saraakiishaan ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab.

Amisom waxaa ay sidoo kale sheegeysaa in ay socdaan dadaalo Janaale loogu furayo waddooyin islamarkaana lagu nadiifinayo miinooyinka. Hadalkaan ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay Shabaab ay la kulmayeen duqeymo kala duwan oo kaga imaanaya Diya aradaha Mareykanka iyo ciidamada Amisom.

DOWLADDA JABUUTI OO KA MUSAAFURISAY DALKEEDA SUXUFIYIIN KA TIRSAN BBC OO U TAGAY DOORASHADA

Xukuumadda Jabuuti, ayaa Waddankeeda ka Cayrisay suxufiyiin ka tirsan BBC-da, kuwaasoo u tagay sidii ay uga soo tabin lahaayeen lahaayeen Doorashada Mada xweynaha ee ka dhici doonta dabayaaqada Todobaadkan aynu ku jirno.

Wariyeyaashaan, ayaa waxay Xukuumaddu xirtay muddo 16saac ah, iyadoo in taas kaddib ka musaafurisay waddankeeda, sida ay sheegtay hay’adda BBC shalay, bal se lama sheegin tirada suxufiyiintan laga eryay Jabuuti.

"Suxufiyiintaan waxay Jabuuti u tageen sidii ay uga soo tabin lahaayeen Warbix innada ku saabsan doorashada madaxweynaha ee ka dhici doonta 08da Abriil; waxa ana lasoo eryay kaddib markii ay wareysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Mura shaxa Mucaaradka uga qaybtaha doorashada,” ayay BBCdu sheegtay.

Dhanka kale, Xukuumada Jabuuti ayaan weli ka hadlin suxufiyiinta ay dalkeeda ka eriday, kuwaas oo la sheegay in la siiyay Warqadihii looga ogolaanayay sidii ay Wa ddankaas uga shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale, Doorashada Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa u taagan illaa lix murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xukuma dalkaas Ismaciil Cumar Geelle oo ku tartamaya magaca xisbiga aqlabiyadda Jabuuti ee UMP.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jabuuti Xukumayay tan iyo 1999kii, makaasoo uu doorashadii madaxweynaha ee Dalkaas ka dhacday kaga adkaaday Mad axweynihii hore ee Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon oo dalkaas Xukumayay tan iyo markii uu Xorriyadda ka qaatay gumeystihii Faransiiska Sannadkii 1977kii

Geelle ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Madaxweynaha ee dalkaas ka dhacay sanadihii 2005kii & 2011kii, isagoo haatanna doonaya in uu Jabuuti xukumo Shanta Sannadood ee socota, inkastoo mucaaradku ay ku eedeeyaan inuu musuqm aasuqo doorashadooyinka.

Ugu dambeyn, Jabuuti ayaa lixdii Sano mar waxaa ka dhacda Doorashada Mad axweynaha, iyadoo Sannadkaan ay mucaaradka iyo muxaafidkuba dadaal ugu jiraan sidii ay hoggaanka dalkaas uu mid walba isagu u qaban lahaa.

HAWEENEY U OLOLEYSA KAHORTAGGA GUDNIINKA FIRCOONIGA OO LAGU WEERARAY MAGAALADA LONDON

Haweeney u ololeysa mamnuucida gudniinka fircooniga Hibo Wardhere ayaa la gu weeraray bas dhexdiisa kadib markii ay booqasho ku tagtay qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ee magaalada London.

Hibo Wardhere oo 46 sano jir ah ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxayna u olole ysaa sidii loogaga hortagi lahaa gudniinka fircooniga ah iyadoo si cad ugaga soo hor jeesatay gudniinka oo saameyn ku leh 200 oo malyan haween ah oo ku nool soddon dal oo caalamka ka mid ah.

Haweeneydan u ololeysa ka hortagida gudniinka ayaa u sheegtay wargeyska Evening Standard ee magaalada London in lagu weeraray xilli ay saarnayd bas gudaha magaalada London.

"Arrin cabsi leh ayaa igu qabsatay baska 257 ee Walthamstow.Haweeney niqa ab leh ayaa I aqoonsatay wayna igu soo carartay iyadoo ku qeylinaysa magacayga isla markaana dhahaysa ‘Waxaad tagtay iskuulkii ay carruurteydu dhiganayeen waxaadna ku tiri gudniinka Fircooniga waa xadgudub.’ayay tiri Hibo.

Hibo ayaa intaasi sii raacisay inaysan aqoonsan karin haweeneyda soo weer artay "Waxaan arki karay indhaheeda oo kaliya, waxaana ka buuxay neceyb, Aad ayay u xanaaqsanayd baskana waa laga dejiyay, balse aniga gudaha ayaan u galay anigoo ku faraxsan in carruurtii aan waxbaray ay waalidkood la hadlayaan.”Waxaa soo kor dhaya haweenka u ololeeya mamnuucida Gudniinka Fircooniga oo ku nool dalalka Yu rub, Dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay ayuu Ra’iisal Wasaare Sharma’arke taageeray dadaalada lagu doonayo in loogaga hortago gudniinka fircooniga.

Haweeney u ololeysa kahortagga gudniinka Ifrax Axmed oo la kulantay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashid Cali ayaa ka dhaadhicisay inuu saxiixo buug ay dadka diidan gudniinka saxiixaan.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee gabdhaha lagu gudo gu dniinka fircooniga loo yaqaan, waxaana socday labaatankii sano ee la soo dhaafay olol ayaal loogaga hortagayo gudniinkan.

KENYA: SHEIKH MANSUR WAXA UU AHAA NIN U DHASHAY KENYA ALSHABAAB U QAABILSANAA TABABARADA CIIDAMADA

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Sheikh Mansur oo taliska amisom shalay shaa ciyeen in lagu dilay dagaaladii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose uu ahaa nin u dhashay dalka Kenya isla markaana alshabaab u qaabilsanaa dhanka tababarada.

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Sheikh Mansur in uu ahaa nin shabaab u qaabilsanaa dhanka Tababarada ciidamada shabaab isla markaa na haystay dhalashada Kenya sanado ka horna ku biiray alshabaab.

Afhayeenka ciidanka Kenya David Obonyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Sh. Mansur uu ahaa muwaadin u dhashay kenya isla markaana alshabaab u qaabilsanaa dhanka Tababarada ciidamada.

Taliska amisom ee soomaliya ayaa shalay shaaciyay in ay dileen lix sarkaal oo alshabaab ahaa kuwaasi oo kala ahaa Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deega anka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abr iba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

Ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ayaa Todobaadyadii ugu damb eeyay Gobolka shabeelaha Hoose waxa ay ka sameeyeen howlgal balaaran waxaana gobolka ka dhacay dagaal dhaxmay iyaga iyo alshabaab.

LABO WIIIL OO WALAALO SOOMAALIBRITISH AHAA OO LAGU DILAY SUURIYA

Labo wiil oo walaalo ahaa ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay gudaha Suuriya, iyagoo ka bar bar dagaalamayay Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS.

Labada wiil oo Soomaali British ahaa ayaa ku biiray Kooxda IS bishii November ee sanadkii 2014.

Khaliif Shariif oo 21 jir ahaa iyo Abdulrahman Shariif oo 18 jir ahaa ayaa ka tagay magaalada Manchester oo ay degenaayeen, iyagoo u socdaalay sanadkii 2014 dalka ay dagaalada la dageen ee Suuriya.

Waalidiinta labada wiil ee walaalaha ah Abdullahi oo 50 jir ah iyo Fatuma oo 48 jir ah ayaa labadana lagu wargeliyay geerida wiilashooda, markii ay la soo xiriireen koox ka tirsan ISMohamed Shafiq oo ah Madaxa Urur Islaami fadhigiisa yahay Manchester ayaa sheegay in kooxda IS ay xaqiijisay Abdulrahman in la dilay, balse waxaa wali la’ yahay meydka walaalkiis ka weyn Khaliif.

CIIDAMADA ITOOBIYA IYO XOOGAGGA ALSHABAAB OO SHALAY KU DAGAALLAMAY DULLEEDKA AADAN YABAAL

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa wararka ka imaa naya waxay sheegayaan inuu barqadii shalay uu ka dhacay dulleedka degmadaas dag aal u dhexeeya ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogagga Alshabaab ee gacanta ku haya Aadan Yabaal.

Wararka, ayaa intaas ku daraya in dagaalkan uu yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay waddada u galeen gaadiid kolonyo ahaa oo ay ciidamadan wateen, ku waasoo deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan kazoo ambabaxay daraad.

Sidoo kale, Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay inay maqlayeen Hugunka noocyada kala duwan ee Hhubka oo ay dhinacyadu Dagaalkooda u isticmaalayeen, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalkaan.

Deegaanno ku yaalla Gobollada Shabeellada Dhexe oo ay ka mid tahay Aadan Yabaal ayaa waxaa tan iyo shalay ka jiray dhaqaaq ciidan, iyadoo dadka deegaankuna ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda.

Alshabaab oo dagaalkan ka hadashay ayaa sheegtay in xoogagoodu ay gubeen laba ka mid ah Gaadiidkii dagaal ee ay wateen ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan, inkastoo aysan jirin ilo wareedyo ka madaxbannaan oo hadalka Shabaab xaqiijinaya.

Dhanka kale, Ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay deegaanka Moqokori oo qiya astii 36km u jira Degmada Aadan Yabaal, ayaa waxay tan iyo daraad wadeen Dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay culeys ku saarayaan xoogag ka tirsan Alshabaab oo degmadaas maamula.

Ugu dambeyn, Wararka ayaa sheegaya in saraakiishii Alshabaab ay degmadaas ka baxeen, inkastoo Alshabaab aysan ka hadlin Arrintaan, waxaase weli ku sugan gu daha Degmadaas xoogag ka tirsan Alshabaab.

DIYAARADO NOOCA RAKAABKA QAADA AH OO ISKULA DHACAY CAASIMADA INDONESIA

Wararka ka imaanaya caasimada dalka Indonesia ee Jakarta ayaa sheegaya in laba diyaaradood ay iskula dhaceen garoonka diyaaradaha.

Labada diyaaradood ayaa isku dhacay ayadoo midna ay kacaysay midna dagay say.

Hawl wadeenada garoonka magaalada Jakarta ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo shilkaasi ka dhashay hase ahaatee waxaa jira bur bur labada diyaaradood soo gaaray.

Garoomada dalka Indonesia waxaa loo aqoonsayahay kuwa ugu qatarta badan dunnida sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee bad baaadada hawada.

DAADAD KU ROGMADAY XAAFADO JIGJIGA KA TIRSAN OO SABABAY DHIMASHADA IYO DHAAWACA DAD BADAN

Ugu yaraan 20ruux ayaa dhintay, in ku dhow 100 ruux oo kalena way ku Dhaaw acmeen, kaddib markii ay Daadad xooggan ku fataheen Qaybo ka mid ah magaalada Jigjiga ee xarunta dowladdeegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Khasaarahaan nafeed, ayaa yimid kaddib markii xilli Habeen ah uu Magaalada ku Fatahay Doox weyn oo dhexmara Jigjiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ismamul ka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dhaawacyada 100ka qof ku dhow ee la dhigay isbitaallada Magaalada Jigjiga, ayaa waxay isugu jiraan Dadweynihii deggenaa hareeraha Dooxa fatahaadaan same yay iyo Ciidamadii badbaadinayay, sida ay mas’uuliyiinta DDS dalka Itoobiya ay u shee geen Warbaahinta.

Wasiirka ka hortagga musiibooyinka iyo u diyaargarawga dowladdeegaanka Soo maalida ee Dalka Itoobiya, Maxamed Daahir Ismaaciil oo la hadlay VOA, ayaa sheegay inay jiraan Dad siddeed qof ah oo weli la la’ yahay nolol iyo geeri.

"Koley, dhibaatadaan waxaa sababay roobab habeen hore ka da’ay meel waqooyigalbeed kaga beegan Jigjiga, waxaana gudaha degmada xilli 2:00 habeennimo ah oo ay dadku hurdayeen dhexfaqleeyay daadad xooggan oo khasaare fara badan ge ystay,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Daahir.

Sidoo kale, mar uu khasaaraha ka hadlay ayuu sheegay inay maydadka 15qof heleen oo ay aaseen, daadadkuna ay burburiyeen dhismayaasha qaarkood, halka kuwo kalena ay ka badbaadeen. Wax sababay dhibaatadanna ay ahaayeen Daadadkaan ku rogmaday Magaalada.

"Ciidamada Liyuu Booliska, ayaa shacabka u gurmaday markii daadku ay qaybo ka mid ah Jigjiga ku fataheen, waxaana la badbaadiyay 1220qoys, waxaa sidoo kalena dhaawacmay 100qof dad ku dhow, kuwaasoo ay qaarkood ciidamadii badbaada waday ahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka musiibooyinka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in shacabka ku dhaawacmay daadadkaan ay Tiradoodu ahayd 84qof, laakiinse ruux ka mid ah uu Isbitaalka ku geeriyooday, halka 83-kii kalena la badbaadiyay, wuxuuna intaas ku daray in 14 askari oo ciidamadii badbaada waday ay iyana dhaawacmeen.

GOLAHA GUURTIDA JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE UK OO SOO MAGACAABAY GUDDI CUSUB

Munaasabad balaaran oo lagusoo bandhigayey guddi cusub oo ay yeelanayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska ayaa lagu qabtay magaalada London.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen golaha guurtida Jaaliyadda Soom aaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo la sheegay inay soo dhisi doonaan golle Jaaliyadeed oo ay yeeshaan qurba joogta Soom aaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska.

Ugu horayn waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha golaha guurtida Jaali yadda soomaaliyeed Ee Uk Dr Maxamed Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inay ku howl anaayeen in muddo ah sidii ay usoo xuli lahaayeen guddi matasha guud ahaan Jaali yadda Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska, haatana ay guddigan cusub kala shaqayn doonaan sidii loosoo dhisi lahaa jaaliyad balaaran oo ka jawaabta baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee dalkan kunool.

Xubno ka mida guddiga cusub ee ay soo dhiseen golaha guurtida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uk ayaa iyaa dhankooda ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan iyagoo balan qaaday in mudada loo qabtay ay kusoo dhisi doonaan jaal iyad dhamaystiran oo wada matasha bulshada Soomalaiyeed ee ku nool dalkan ingri iska .

Ugu danbayntii xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa masuuliyiinta ka qayb galay munaasabdan ayaa ugu ba aqay inay midoobaan guud ahaan jaaliyadaha Soomaalida ee ka jira magaalooyinka ka la duwan ee dalka Ingriiska .

Iskusoo wada duuboo golahan cusub ee jaaliyadda Soomaalida ee dalka Ingriis ka ayaa loo qabtay muddo sannad ah inay kusoo dhisaan jaaliyadda Soomaaliyeed oo salbalaaran taasi oo ka shaqaysa danaha bulshada Soomaaliyeed ee degan UK.

WARAR SHEEGAAYA IN FAARAX SHEEKH C/QAADIR UU KA TANAASULAY MADAXTINIMADA MAAMULKA HIIRAAN & SHABELLAHA DHEXE

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed uu ka tanaasulay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soma liya, sidoo kalana saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxam uud, ayaa billihii ugu dambeeyay xusulduub ugu jiray, sidii uu u noqon lahaa Madaxwe ynaha Maamulka Goboladaasi.

Ka dib muddo billo ah oo ay cakirneyd sidii lagu soo dhisi lahaa Maamulka loo wado in loo dhiso Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan, ayaa waxaa la leeyahay wax ay keentay inuu Faarax Sheekh C/qaadir ka tanaasulo damaciisii.

Ilo wareedyo, ayaa Dhacdo.com u sheegay Faarax Sheekh C/qaadir in uu gacan ka taagay xilkaasi, islamarkaana uu Madaxweynaha Somaliya ku wargeliyay inuu ka tanaasulay yoolkiisii ku aadanaa Goboladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu hadda qorsheynayaa in Gudoomiyaha Jaamacadda Simad, Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) uu ku bedelo booska Faarax Sheekh C/qaadir. Daahir Carab waa nin ku dhow Hogaamiyaha Wadan ka.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo baxo doorashada mad axtinimada ee sanadkan lagu wado inay dalka ka qabsoomto, ayaa waxaa Faarax She ekh lagu soo dari doonnaa Golaha Wasiirada.

Faarax wuxuu dadaal u geli doonnaa sidii uu markale uu Madaxweyne Xasan ugu soo bixi lahaa doorashada dalka, iyadoo la xusuusan yahay in Faarax uu yahay nin kii Xasan Sheekh ka caawiyay inuu ku guuleysto tartankii doorashada madaxtinimada dalka ee September 10, 2012 ka dhacday Magaalada Muqdisho.

xigasho Dhacdo.com

DUULIYE LAGU QABTAY DALKA SUURIYA, MARKII LA SOO RIDAY DIYAARADDII UU LA SOCDAY …

Xoogaga Jabhadda Al Nusra ee ka dagaalama dalka Suuriya, ayaa waxay Tala adadii nolosha ku qabteen duuliye, ka gadaal markii ay gantaal ku soo rideen diyaa raddii uu kaxeynaayay. Gantaal laga tuuray Magaalada Aleppo, ayaa waxaa lagu soo riday diyaaradan oo aan nooceeda weli la shaacin, waxayna ku burburtay Deeg aanka Talat alIss oo dhaca Koonfurta Aleppo.Colonel Khaled Saeed oo ah kabtankii duuliyaha ka ahaa diyaaradaasi, ayaa isagoo nool waxaa gacanta ku dhigay dagaaly ahanada Jabhadda Al Nusra. Al Nusra waxay tabacsan tahay Ururka Al Qaacidda.

Warbaahinta Suuriya, ayaa waxay tebisay in dagaalyahanada Al Nusra ay Col onel Khaled Saeed ula dhaqaaqeen goob aan la garanayn, balse waxaa loo male ynayaa in loo wado Xarunteeda ugu wayn ee dalkaasi ku leedahay.

Waxaa la isweydiinayaa waxa ay Al Nusra ka yeeli doonto duuliyaha taabacsan Xukuumadda Bashar alAssad, waxaana macquul ah in ay maxaabiis ku bedelato amaba ay si xun u disho.

Ururka Daacish, ayaa sanadkii hore nolosha ku gubay duuliye u dhashay dalka Jordan, ka dib markii ay soo rideen diyaarad miig ahayd oo duqayn ka waday dalka Suuriya.

Daacish iyo Al Nusra qayb kama ahan xabad joojinta ka dhaqan gashay dalk aasi. Xabad joojintan waxay u dhaxeysaa Dowladda Suuriya iyo mucaaradka qunyar socodka loo arko, iyadoo Al Nusra iyo Daacishba loo arko ururo argagaxiso, oo aan wada hadal lala geli karin.

C/WELI GAAS "4.5 WAXAAN U QAADANAY TALADA OO KU SOO URUURTAY SADDEX ARRIMOOD MID DOORO”

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay baahida keentay in Puntland, ay aqbasho in doorashada dalka ka dhaceysa lagu saleeyo hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Madaxweynaha oo Talaadadii khudbad toos ahayd shacabka reer Puntland uga jeediyay Puntlandtv, ayaa wuxuu sheegay in qaadashadooda 4.5 ay ka dambeysay, markii ay xaajadu ku soo uruurtay saddex arrimood mid dooro.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay saddexaasi qodob, ayuu yiri "Waxaan rabaa in aan idinla wadaago inay Puntland saddex arrimood mid uun doorato in ay taladu ku soo uruurtay. (1) In aan Somaliya ka go’no, taasina waxay ka hor imaaneysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland, wax maslaxad Puntland iyo mid Somaliyeed ay ku jirtana maaha, kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dowladnimadii iyo jirit aankii Somaliya.”

"(2) In afarta sano ee soo socoto aan ka harno geedisocodka doorashooyinka Somaliya, masiirka Puntlandna ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn. Sidoo kale arr intani waxay abuuri kartay jahawareer iyo walaahoo siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo Somaliya dhexdeedaba. Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirno waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay inay wiiqanto midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland.”

"(3) In aan galno heshiis u khalma Puntland, kuna qotoma miisaankeeda siyaas adeed iyo doorkii ay ku laheyd hogaaminta Somaliya.”

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Puntland ay qadatay qod obka 3aad, ka gadaal markii isaga iyo guddigii uu arrintaasi u xil saaray ay isla garteen qaadashada qodobkaasi.

"Aniga iyo guddigii aan arrintan u xil saaray waxaan qaadanay oo aan isla garanay in maslaxadda Puntland iyo Somaliyaba ay ku jirto inaan qaadano qodobka 3-aad.” Ayuu yiri C/weli Maxamed Cali.

Khudbadda Madaxweyne Gaas oo ahayd mid dheer, ayaa waxaa kaaga bax aaya in uu jiray cadaadis wayn oo Puntland kaga yimid dhinaca Beesha Caalamka. Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay Beesha Caalamku taageertay in doorashooyinka lagu saleeyo 4.5.

MID KA MID AH DOWLADIHII LIIBIYA OO IS CASISHAY

Dowladda isugu yeerta Badbaadada Qaran ee Liibiya ee uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa waxa ay xilka uga degtay Golaha Madaxt ooyada ee ay baritaarto Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa waxaa loogaga dhawaaqay bayaan lagu daabacay barta inter netka ee Wasaaradda Cadaaladda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in golaha wasiiradu ay xilka ka degayaan "iyagoo dhowraya danaha sare ee dalka kana hortegaya in dhiig uu daato.”

Dowladdan oo aanay weligeed aqoonsan bulshada caalamka, ayaa waxa ay awoodda haysay tan iyo 2014kii, kaddib markii maleeshiyaad iska soo horjeeda ay ku dagaalameen gudaha magaalada Tripoli arrintaa oo ku khasabtay in mas’uuliyiintii la doortay ay u baxsadaan dhankaa iyo Bariga.

Mas’uuliyiinta cusub ee Liibiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay u guureen caas imadda si ay isugu dayaan in ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka, wixii markaa ka dambee yayna waxa ay ka howlgalayeen saldhig badda ku yaal.

 

NATIONLINK TELCOME

OGEYSIIS

 

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid- ka)

A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal

10 daqiiqo wadamada

  • USA.
  • CANADA
  • CHINA.
  • INDIA.
  • AUSTRALIA.
  • BANGLADESH.
  • MALAYSIA.
  • PAKISTAN.
  • SOUTH AFRICA
  • SWEDEN

 

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip