
Ciidamada Marineska Maraykanka oo qabtay doon 3aad oo waday hub ka yimid wadanka Iran (SAWIRRO)
Qoraal oo ay baahiyeen Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Bahrain ee Manama ayaa lagu sheegay in Markabka Ilaaladda xeebaha Maraykanka ee USS Sirocco uu ilaalo ku hayey Doonidaasi la qabtay.
Mariniska Maraykanka ayaa baaritaan kadib ka helay doonidaa shixnad hub oo ka koobnaa 1,500 Qoriga AK-47, 200 Gantaalladda Baasuukaha iyo Qoryaha boobayaasha oo dhumucdoodu dhan tahay 21.50 caliber Machine Guns.
Doonida la qabtay ma lahayn wax Aqoonsi ah, waxaana loo aqoonsaday Dooni aan dal lahayn.
Doonida ayaa laga shaki qabaa inay hubka u waday Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dagaalkan kula jira dowlada wadanka Yemen.
Hubka lagu qabtay Doonidaasi ayaa noqonayso tii 3aad oo ay Ciiddanka Caalamiga ku qabtaan Badda Carbeed, iyadoo labadii doonyood ee ka horeeyey oo Iiraan ka soo ambabaxay ay shixnad hub u wadeen falaagada xuutiyiinta ah ee Yemen inkastoo markii hore la sheegay in hubkaas uu ku soo jeeday Somalia.
Ciidamada Marineska Maraykanka oo qabtay doon 3aad oo waday hub ka yimid wadanka Iran (SAWIRRO)
Taliyeyaasha Ciidanka Badda Maraykanka ayaa sheegay inay Badda Arabian Sea ku qabteen doonidii saddexaad ee hub sharci-darro ah waday, kana soo shiraacatay Xeebaha dalka Iiraan.