HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-MAY 2021

0
Monday May 24, 2021 - 09:42:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-MAY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirka doorashooyinka oo galay maalin tiisii labaad

Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorash ooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalin tiisii 2aad, kadib markii uu Dorraad si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billa abmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu sa arayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan door ashooyin ka dalka, si xal waara looga gaaro.

Sidoo kale waxaa shirkani lagu dhammey stirayaa heshiiskii 17 September, kaas oo sa ldhig u ah doorashooyinka sanad kan ka dhac aya gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu soo qa ban-qaabisay shirweynahan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay in is fah am buuxa looga gaari doono arrimaha doorasho oyinka.

"Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muh iimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoo nayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fud udaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaa sul, is qancin walaaltinimo, ahmiya dda 1aa dna la siinayo badbaadada shacab ka Sooma aliyeed iyo dalka uu aado doora sho leysla oggol yahay oo dhaqso ku qabso onto,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Max amed Ibraahim Macalimu.

Dhinaca kale waxaa Habeen hore Muqdisho ka dh acay kulamo siyaasadeed oo dhammaanto od looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, ga ar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah.

Kulanka 1aad ayaa wuxuu dhex-maray hog gaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubba land iyo Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyada oo diirada lagu saaray tabasha da xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah, gaar ah aan dhismaha guddi ga doorashada.

Waxa kale oo Habeen hore Caasimada ka dhacay kulan dhex-maray madaxweynaha K/ Galbeed iyo qaar kamid ah musharraxiin ta mucaarad ka, sida Sh.Shariif Sh/ Axmed, C/raxmaan Ca bdishakuur iyo Dhuxu low, waxayna ka wada-hadleen doorashada.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is jiid-jiidka doorashooy inka, waxaase haatan rajo weyn laga qabaa shirka ka socda Afisyoone oo la filayo in go’aan ka ma dambeys ah looga gaaro, sida looga gu dbi karo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

DF oo shaacisay xilliga lasoo xirayo shirka doorashada

Wasiirka wasaaradda amniga xukuumad da Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaa ciyey xiliga lagu wado in lasoo afmeero shirka qaran ee wada-tashiga doorashoo yinka da lka. Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay isku hor fadhiyaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lagu daahi doonin, maadama is-faham hor u dhac ah laga gaaray qoddobo xasaasi ah oo ay ka dhaqaaqi waayeen shirarkii hore.

Waxa uu xusay in shirka wada-hadalada doorashada lasoo xiri doono maalinta berri oo ku beegan 24-ka bisha May, isagoona hoosta ka xariiqay inay suurta-gal tahay in maalin iyo labo ay ku darsanto mudadaas, taasi oo ka dhigaysa in shirka uu soo afmeeri doono Isniinta ilaa Arbacada inta u dhax eysa.

"Waxyaabaha qaar waa laga wada-hadlay, bilow wanaagsan ayuu ku furmay. Rajada wa xay tahay inaan aad loogu daahi doonin shir ka, ilaa Isniinta uu soo dhamaan doono, laa kiin waa dhici karaa in maalin iyo labo ku da rsanto,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha la ga wada-hadalayo hore la iskula meel dhigay, iyadoo xiligan la isla meel dhigayo arrimaha tif aftirka u baahan, isaga oo meesha ka saaray in wax dhibaato ama carqalad ah ay ka taagan tahay arrimaha amniga.

Shirka doorashada ee ka socda Muqdisho ayaa ka gedisan kuwii hore, waxaana ka maq an madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday oo qaar kamid ah madax goboleedyadu ay ku eedeyen fashilka shirarkii hore, waxana sa reysa rejada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada ee mudada badan soo jiitamay

Xasan Sheekh oo qoraal ka soo saaray shirka Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray war-saxa afadeed uu ku soo dhaweeyey, isla markaana ku bogaadinayo hanaanka uu ku socdo shirka golaha wadatashiga Qaran oo maalin ka hor Muqdisho uga furmay ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Mu qdisho.

"Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wan aag ku saley san uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsa daan. Waxaan saa mileyda siya asa dda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sa axiibada Soomaaliya ugu baa qayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, ayuu Xasan Sheekh ku yiri war-saxa afadeedkiisa.Waxa uu sheegay in dowladnim ada Soomaaliya ay Shalay ku jirto xaalad hal is ah oo u baahan in loo wada istaago, lagana badbaadiyo burbur hor leh.

"Dhammaanshaha muddo-xileedka sharc iga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee DF wa xa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimade ena,” ayuu yiri

Hoos ka Akhriso war-Saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhameystiran

Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qar an ee doorashooyinka ee Muqdisho ka furm ay aniga oo u rajeynaya gu ul iyo in ay ka soo ba xaan natiijooyin wax ku ool ah.Sooyaalka siyaas adda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadk eennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siy aasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro ma amulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dal keena iyo wax la qeybsiga dunida asaagge ena ah.

Dowladnimadeennu waxay Shalay ku jir taa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada is taago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dha mmaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Feder aalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowlad nimadeena.

Qatarta Shalay dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku ha yay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa ke eni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dal ka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka de yn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo so cday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiri irka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha duni da aan la leenahay oo dadaal badan lagu bix iyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira ha ddii ay daba dheeraato marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ay a a waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagel inaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay han naanka maamulkee da si loo wada aqbalo

natiijada ka soo baxda.


Dowladda Soomaaliya & AMISOM oo ka wada hadlay amniga doorashada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jan.Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kul may Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay weh liyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka Ami som.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ma su uliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Door ashooyinka iyo sida amniga doorashooyi nka loo sugi lahaa.

Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa balan qaaday in laam aha Amniga Soomaaliya ay kala Shaqeyn doo naan sugida howlaha amniga doorashada So omaal iya.Kulankaan looga hadlayay amniga doorasha da Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli W/Amniga Soomaaliya uu sha aciy ay in Hay’ adaha Amniga ay diyaariy een qorshaha sugida Amniga doorashada.

Midowga Afrika oo ka hadlay go’aankii DF Soomaaliya iyo is-casilaadii John Mahama

Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku ndiiday ergeygii uu ururkaasi usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, ahna madaxweynihii hore ee Gha na John Mahama.

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay go’aanka Soomaaliya oo sababay inuu is-casilo ergeygaasi, kadib markii markii ay ku gacan seertay dowladda.

"Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dra mani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale ururka ayaa ka dalbaday guddoomi yaha Midowga Afrika inuu sii wado dadaalka iyo wada-hadalka uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka haatan jira.

"Waxaan ku boorrinaynaa guddoomiyaha Gud diga Midowga Afrika inuu sii wado wadahada lka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Gola ha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siy aasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC),” ayaa markale lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ururka Midowga Afrika.

Go’aanka uu qaatay John Mahama oo iska casilay ergeynimadiisii ayaa yimid kadib markii ay dowladda federaalka kasoo horjeesatay magacaabistiisa, waxana ay sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo So omaaliya ay kala dhaxeyso xiisad siya asadeed.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa si doo kale horey warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul was aare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergey.

DF oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaa day xarun ay leedahay hay’ada Qatar

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israel la beegsadeen xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ay ku leedahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Weerarkan oo dhacay Isniintii 17-kii May, intii ay socdeen weeraraddii Israel ee Gaza, ayaa lagu dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah, ayada oo 10 kale lagu dhaawacay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arri maha Dibadda Soomaaliyaa ayaa lagu yiri "Xu kuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israel ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee Marinka Gaza Shalayni madii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay ge eri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba gal absan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhi smaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeeg yo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba.”Qoraalka ayaa intaas ku daray "Falkani waa talaabo aan mar marsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyam ka aadanaha ayaa lagu yiri.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa sidoo kale horey u cambaareysay weerarkan ayada oo sheegtay in beegsiga hay’adaha gar gaarka bani’aadannimo iyo warbaahinta ay yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerar ka caalamiga ah iyo dhaqanka iyo qiyamka bani’aadannimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadey say mowqifkeeda ku aadan damaca Israel ay ku boobeyso dhulka Falastiiniyiinta, waxayna cod dheer ku sheegtay in reer Falastiin ay mu dan yihiin garab istaag dhab ah oo ay ka hel aan walaalahooda Carbeed.Todobaadyadii la so dhaafay waxaa cirka isku shareeray isku dhacyada ciidamada Yahu udda iyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qaza iyo Qudus, waxaana dhintay bo qolaal qof oo isugu jiray Falastiiniyiin iyo Yah uud, inkastoo khasaaraha ugu badan uu gaa ray shacabka Falastiin, sidoo kale ciidamada Israel waxay dhulka dhigeen dhismayaal waa weyn oo ku yaallay Qaza iyo Qudus.

Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta oo ay ugu horeyso Xamas ayaa dhankooda gantaalo ku tuuray magaalooyinka muhiimka ah ee Isr aa’iil, waxayna u geysteen khasaare xoog leh, kadib markii gantaallada qaar ay ka gudbeen difaacyadii ciidamada Israa’iil.

Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay go’aan kasoo baxay DF

Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay tallaabo ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, oo ay ku shaaci say liis 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay, ku waasi oo ay ku jireen

jaamacado ku yaala gudaha Somaliland.

Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomalil and oo kulan ku yeeshay M/Hargeysa ayaa si ad ag uga hadlay arrintaas oo ay sheegen inay san jirin wax ka khuseeya wasaaradda waxbar ashada Soomaaliya jaamacadaha Somaliland.

Saleebaan Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Guddiga Tacsliinta Sare ee Soomaliland ayaa sheegay in Shan Jaamacadood oo ku yaal de gaannada Somaliland ay dowladda Sooma aliya ku dartay Jaamacadaha ay aqoonsan ta hay.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan Soo maaliya qiimeyn ku sameyn karin jaamacado ku yaala Somaliland, islamarkaana ay xukuu mada Somaliland la xisaabtameyso jaamaca dahee oo cid kale u daba fadhiisaneyn.

Waxa uu tallaabadaas ku macneeyay in had alka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu lamid yahay midkii hadalkii ahaa in Hawa da ay xukunto dowladda Soomaaliya.

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wa saaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacl iinta ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsan tahay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa la gu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah ku wa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

"Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo bu uxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaa macad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jaamacadaha ay wasaaradu soo bandhigt ay ayaa waxaa ka dhex muuqday jaamacada ha Camuud iyo Eelo oo ku yaala Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama ee caasima da gobolka Awdal.


Dowladda Soomaaliya oo Wafdi & Ciid amo u dirtay Beled-Xaawo

Wafdi Uu Hogaaminaayo Taliye Xi geenka Ciidanka Dhulka Ee Xoogga Dalka Ge neral Xuseen Xoosh Cali Ayaa Gaaray Deg mada Baladxaawo Ee Gobol ka Gedo Taliyaha Ayaa Wax aa Ku Wehliyay Safarkaan Taliyaha Ciidamada Gorgor Gashaanle Dayax Cabdi Ca bdulle Iyo Sarakiil Kale

Taliyaha Iyo Wafdigiisa Ayaa Waxaa Kusoo Dhaweeyay Degmada Balad xaawo Abaanduulaha Guutada 10Aad Gasha anle Dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax Ta liyaha Hay,ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Gedo Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Nisa Gobolka Gedo Iyo Sarakiil Kale Ayagoona Dhamaantood Kasoo Ambaba xay Degmada Dolow Somalia Oo Dhawaana haanba Ay Kusugnayeen Sarakiishaan

Wafdigaan Uu Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Hogaaminaayo Ayaa Baladxaawo Kus gnaan Doonaa Maalmaha Soo Aadan

Degmada Baladxaawo Ayaa Waxaa Kusu gan Ciidamada Qalabka Sida Sida Military-ga Gaar Ahaan Guutada 10Aad Guutada Ciida mada Kumaandoosta Gorgor Ururka 2Aad Cii damada Police-ka Iyo Kuwa Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Somalia Oo Dhamaantood Si Wada Jir Ah Oogawada Hawlgala Degm ada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo

Qoorqoor Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye "Qoorqoor” iyo wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Cabdirisaaq Maxa med Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjira ha Dowlada Talyaaniga Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga wada hadlay howlaha horumarineed ee Dowladda Talyaaniga ka wado deegaanada Galmudug.

danjiraha ayaa u xaqiijiyay in Dowladda talyaa niga sii xoojin doonto teegerada shacabka iyo dowladda Galmudug.

dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay garab istaaga Dowlad da Talyaaniga iyo maalgelinta mashaariicda horimarineed.

Sacuudi oo go’aan rasmi ah kasoo saartay Xajka sanadkan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadashay xajka sanadkaan iyo qaabka uu noqon doono, iya doo soo rogtay amaro hor leh oo ku saabsan xajka sanadkaan 2021.

Dowladda Sacuudiga ayaa ugu horeyn she egtay in sanadkaan xajka loo ogolaan doono illaa 60,000 oo qof oo 10 kun oo kamid ah ay ka xajin doonaan gudaha Sacuudiga, halka 50-ka kun ee kale ay ka imaan doonaan wad amada Adduunka.

Dowladda Sacuudiga weli ma aysan cadde yn sida dowladaha Caalamka loogu qeybinayo tirada 50-ka kun ee la ogolaaday inay banana ka kasoo xajiyaan, balse waxay dowladda Sac uudiga sheegtay in arrintan ay wada-hadal ka yeelanayaan Wasaaradaha Xajka iyo Caafim aadka ee Sacuudiga iyo wadamada loo ogol aan doono in laga soo xajiyo.

Dadka doonaya inay xajiyaan sanadkaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaa lka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iy adoo si gaar ah loo ansixiyey illaa 4 nooc oo talaalka COVID19 ah oo ay aqoonsan tahay Sacuudiga iyo Hey’adda Caafimaadka Addu unka ee WHO.

Qofka doonayo inuu sanadkaan soo guto waajibaadka xajka ayaa sidoo kala waxaa la ga rabaa inuu qaato labada qeybood ee talaal ka, sidoo kalana uu la yimaado baaritaan muu jinayo inuusan qabin cudurkaan, mana la aqba li doono haddii uu baaritaankiisa kasoo ware ego wax ka badan 70 saac ka hor inta uusan sacuudiga Imaan, waxaana xusid mudan in karantiil 3 maalin ah la gelin doono marka uu qofka yimaado Sacuudiga.

Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa shee gtay in dadka loo ogol yahay xajka sanadkaan ay da’dooda u dhaxeyn doonto 15-60 sano jir, waxaana taas sabab looga dhigay in dadka ka weyn 60 jir ay u nugul yihiin qaadista iyo hali sta cudurka Corona Virus.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sac uudiga ayaa sheegtay inay diyaarisay qaabab loo xajinayo si looga fogaado halista cudurka Covid19, waxaana dadka la dajin doonaa Hot eelo si gaar ah looga diyaariyey iyo gawaari gaar ah oo u daabuli doono Carafo, Musdalifa iyo Mina.

Sanadkii 2020, boqortooyada aaa si weyn hoos ugu dhigtay tirada xujaajta loo oggol ya hay inay xajka tagaan, waxaana sanadkii hore la ogolaaday illaa 1,000 muwaaddin oo Sacuu di ah iyo dadka deggan boqortooyada.

Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray dad uu kujiro Wariye

Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledw eyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Shalay ay Xabsiga dhigeen Saddex ruux oo mid ka mid ah yahay Wariye ka howlgalla Radio Hiraanw eyn.

Saddexda Ruux ee la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin, Wariye Xasan Maxamed Goosaar oo ka mid ah howlwadeenadda Radio Hiir aanweyn, halka labada kalana ay yihiin dhal inyaro maalmihi u dambeyay wadday Shirar looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo lagu kala Magacaabo Dr Guure Ca bdi & Cabdiraxmaan dhegaweyne. Wararka la helayo ayaa sheegaya in sababaha dhaliny aradaan loo xiray ay tahay kadib markii laamaha Amniga ay ka warheleen inay wad een abaabul ku aadan banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxana lagu xiray Saldhiga Booliska Beledweyne.

Tan iyo markii Magaalada Jowhar ee Caasi madda Hir-Shabeelle lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay Cali Guudlaawe ayaa waxaa jiray diidmo ay ka muujinayeen qaar kamid ah bulshada Beledweyne, kuwaas oo qaarkood la xiray.

Al-Shabaab oo weerar jid gal ah ku qaad ay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo da gaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Ma ndheera ee dalka Kenya ku dhex maray xubno ka tirsan kuwa Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Kenya ayaa sheegayo inuu ka dha shay khasaaro xoog leh.

Maleeshiyo kamid ah kuwa Al-Shabaab ay aa kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa deegaana da Taagaabo iyo Baanisa ee gobalka Man dheere ku qaaday weerar jid gal ah oo ku bil owday qaraxyo.

Hubka ay is dhaafsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa waxaa si weyn looga maqlayey deegaanada u dhow dhow halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana sidoo kale la maqlayey dhawaq loo maleenayo inuu yahay qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsatay kolonya da jidka loo galay.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera kooxda Al-Shabaab ayaa lagu shee gay in weerarkaas ay fulisay Al-Shabaab isla markaasna lagu dilay 13 isugu jirta saraakiil iyo Askar Kenya ah, sidoo kalana laga gubay gaari ay lahaayeen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga dhinteen Saddex Sarkaal saddex kale na ay uga dhaawacmeen.

Gaadiidka ay wateyn ciidamada Kenya ee jidka loo galay ayaa waxay usoo socdeyn xu duuda Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay rabeyn inay ka sameeyaan howlgalo lagu bee gsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab.


Qaar ka mid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho oo la kala bedelay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa markale isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliska booliska degmooyinka gobolka Bana adir.

SIdoo kale Taliye Xijaar ayaa u magacaab ay taliye ku xigeenka qaybta guud ee gobolka Banaadir Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, kadib markii uu dhowaan geeriy ooday taliye ku xigeenkii hore Kornel Waa weyne.

Taliyaasha saldhigyada gobolka Banaadir ee isbedelka lagu sameeyay ayaa waxaa kam id ah Farxaan Maxamed oo laga dhigey taliya ha Boondheere waxaana lagu badalay Kabtan ismaacil Sacid.

Yaxye Maxamed Ibrahim oo Loo yaqaano (Yaxye Casuuro) ayaa loo magacaabay Taliy aha Saldhiga Boliiska Degmada Dayniile.

Gaashaanle Macalin Aadan ayaa Loo Maga caabay Taliyaha Boliiska Degmada Dharken ley ee Gobalka Banaadir, waxaana Laga qaa day Saldhiga Degmada C/casiis. Axmed Boot aan waxaa loo magacaabay Saldhiga Wada jir,Ismaaciil Siciid Jaamac waxaa laga dhigey Saldhiga Waaberi, Xasan Cabdulle Bashiir Sal dhiga C/casiis.Zakeriye C/hi waxaa loo magic aabay Saldhiga Hodan, Abuukar Sh.Aadan la ga dhigey Taliye Ku xigeenka Kaxda. sidoo kal e Cumar Axmed ayaa noqday Taliye Ku xige enka degmada Boondheere.

Weerarro ka dhacay magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ur urka Al-Shabaab ayaa waxaa ay Habeen hore wee raro kala duwan oo khasaaro geystay ka fuli yeen Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Weerarka 2aad ayaa ka dhacay M/Muqdisho gaar ahaan degmada Kaxda kadib markii wee rar bambaano lagu qaaday saldhiga Booliska degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheege en in weerarka bambaano kadib uu dhacay da gaal dhex-maray kooxihii weerarka soo qaad ay iyo Ciidamada Booliska saldhiga degmada Kaxda oo iska caabiyay, sidoo kale uu jiro kha saaro dhaawac ah oo ka dhashay.

Dhinaca kale Bam Gacmeed ayaa lagu we eraray isgoyska Boqoleyda oo ka mida Xaafa da Bardaale ee Magaalada Baybadho, halka as oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ku wa Maamulka Koonfur Galbeed. Wararka weerarkaas laga helayo ayaa wa xaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciida mada Bamka lagu weeraray ay ku geeriyoode en laba ruux halka 5 ruux ay ku dhaawacmen, kuwaas oo dhamaantood ah dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gar aya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobol ka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Boolis ka Magaalada ay Shalay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas.

CC Shakuur oo la kulmay saddex madaxwe yne goboleed + Ujeedka

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey hoggaamiye xisbiga Wadajir iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo xalay ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muq disho.

Kulanka oo uu albaabada u xirnaa ayaa ka qabsoomay Hotelka Peace, wuxuuna u dhexe eyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah MUSHARRAX madaxweyne iyo mad axda maamul goboleedyada Galmudug, Punt land iyo sidoo kale Koonfur Galbeed.

Intii uu socday kulankan gaarka ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kul ankan uu qaban qaabadiisa lahaa madaxwe ynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isla-markaana uu ujeedkiisu ahaa sidii uu taageero uga heli lahaa madax goboleedy ada musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale kulankan ayaa muujinaya inuu bilowday ololaha doorashada madaxweynaha iyosameynta isbaheysiyo gaar ah oo lagu waj ahayo tartanka culus ee doorashada sanad kan.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan da daal xoogan muujinayo, maadaama la guda- galayo doorashooyinka 2021-ka, iyaga oo kala jiidanaya hoggaamiyeyaasha maamul gobolee dyada oo ku wada sugan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur War same iyo qaar ka mid ah madax goboleedya da ayaa sidoo kale daba socda kulamo gaar gaar ah oo saacadihii ugu dambeeyey ka dha cay caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo doorashada 2021-ka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa galeyso doora sho isugu jirto tan baarlamaanka iyo tan ma daxweynaha, kadib marka uu soo dhammaa do shirka wada-tashiga qaran ee haatan ka so cda Teendhada Afisyooni, kaas oo go’aan ras mi ah looga gaarayo muranka doorashada.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Rabshado cusub oo dhex-maray Boolis ka Israa’iil & Shacab falastiiniyiin ah

Ku dhowaad 50 qof oo ka mid ah Yuhuud da lagu degaameeyay bariga magaalada bar akaysan ee Quddus ayaa gudaha u galay Shalay Masjidka Al-Aqasa xilli ay halkaasi ku cibeedeysanayeen muslimiinta reer Falastiin. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in booliska Israa’iil ay goor hore oo Shalay ah weerareen Falastiiniyiin salaadda subax ku tukanaysay masaajidka, iyagoo si xad dhaaf ah u garaacay dadkii cibaadeysa nayay, si ay fursad u sii yaan rabshad wad ayaal Yuhuud ah.

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay we erar ka iyo rabshadaha ay Israa’Iiliyiintu ka ge ysteen masjidka barakays an ee Quddus, wa xanay Ankara sheegtay inay Yuhuuddu ka xun tahay damaashaadka iyo guulaha ay gaareen dadka reer Falastiin.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo xabad joojin jilicsan ay kajirto magaalada go’doonsan ee Gaza, ka dib 11 duqeymo ah oo ay hal kaasi ka wadday Israa’iil

Ma is-bedeshay siyaasaddii Joe Biden ee ku wajahneyd Israel kadib dagaalkii Gaza?

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay aa sheegay inaysan wax isbeddel ah ku iman ballan-qaadkiisa ku aadan amniga Israel, hase yeeshee waxa uu ku adkeystay in xal laba-dal ah, oo uu ku jiro dal ay Falas tiin leedahay uu yahay "jawa abta kaliya” ee dagaa lkan.

Biden ayaa ka hadlay Aqal ka Cad kadib markii heshiis xabad-joojin ah ay gaareen Xa mas iyo Israel, kaasi oo ka dambeeyey 11 ma almood oo ah dagaal ay ku dhinteen in ka ba dan 200 oo qof, oo badankood ahaa shacab Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Gaza.

Biden ayaa hoos u dhigay fikradaha la xiri ira in dagaalkii Gaza uu khilaaf ka dhex-abu uray Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii toban eeyo ka mid ah ay Biden ku khilaafeen wax ay ugu yeereen "diblomasiyad jilicsan” oo ka dhan ah Israel oo ay xulufo yihiin, kadib markii uu si shaacsan u dalbaday xabad-joojin.

"Xisbigeyga weli wuxuu taageeraa Israel,” ayuu yiri Biden. "Aan kala caddeeyo arrintaas, illaa gobolka uu si cad u garowsado xaqa ay Israel u leedahay inay u jirto dal madxa-ban aan oo Yahuud ah, nabad ma jiri doonto,” ayuu ku daray.

Xabad-joojinta Gaza ayaa waxaa ka shaqee yey Masar kadib markii Mareykanka ay ku ca daadiyeen Israel inay qaboojiso ololaheeda Gaza.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibed da Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wa daa inuu toddobaadkan booqdo gobolka "si uu uga xaajoodo dadaalla da dib usoo kabashada iyo wada-shaqeyn ku aadan mustaqbal u wa da wanaagsan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyi inta.” AP + VOA



 

MA TAQAANAA DALKA WELI DADKA MADOW LOOGU YEERO ADDOON?


Qoraalka sawirka,

REEM KHOUGLI IYO ISSAM ABDULRAHEEM

Waraaqehena taxana ah ee ay qoreen weriyaasha Afrikaanka ah, waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa qormada Zeinab Moham med Salih oo ku saabsan midab takoorka ay la kulmaan dadka madow ee Sudan.

Digniin: Qormadan waxaa ku jira erayo la dhibsan karo

Iyadoo ay dunida ka socdaan dibadb axyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Flo yd hase yeeshee Suudan waxay u muuq ataa iney ku taallo duni kale.

Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee #BlackLivesMatter, Suudaan aad loogama hadal hayn; badalkii ta asna waxay ku mashquulsanaayeen arrin barahooda bulshada qabs atay oo ku saabsanyd midab takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow. Issam ayaa waxa uu guursaday Reem Khougli, oo ah gabadh Carab ah waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraalkan.

"Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon," nin ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sidaasi qoray kaddib markii uu arkay sawirka lammaanaha.

TEBINTII TOOSKA AHAYD EE FACEBOOK EE TODDOBO BAXOODI

Tobanaan falcelino oo la mid ah kuwaasi ayaa qabsaday barta Fac eebook ee ay bulshada ku wada xiriirto, layaab malahan sababtoo dad ka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrik aanimada. Erayga "addoon" waxaa lagu qeexaa dadka madow.

Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqad da Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koon furta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq.

Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga

"addoon"Qoraalka sawirka, Qarnigii 19-naad Suudan waxay ka mid ahayd goobihii ugu ugu darnaa ee ka jiray ganacsiga addoomada

DADKA MADOW EE YAR

Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd mid abtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini'aadan iyo daan yeer.

Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gum eysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba'an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nub ian-ka.

Dhammaan saraakisha sar sare ee milatariga waxaa hay sta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga.

Ganacsiyadii addoonsiga ee Suudaan

Midabtakoorka Suudaan waxaa uu la bilwoday aasaaskii khartuum ee 1821-kii, xiligaas oo ay magaalada ahayd suuqa kala iibsiga addoomada.

Qoraalka sawirka,

Al-Zubair Pasha Rahma was a powerful slave trader

Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtir aamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada.

Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go'a ankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Ma hdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaay een agagaarka webiga Niil.

 

BBC

The superiority complex of many Arabs lies at the heart of some of the worst con flicts in Sudan"

Zeinab Mohammed Salih Sudanese journalist Laba cilmi baarayaal oo reer Suudan oo lagu kala magacaabo

Sul imen Baldo iyo Ushari Mahoumd ayaa 1987-dii shaaca ka qaaday cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah kooxaha waqooyiga suudaan oo adoonsanaya dadka madow ee koonfurta. Waxay shegeen in kooxahaasi ay hubeynayeen milatariga Sadiq al-Mahdi.

Qoraalka sawirka,Sadiq al-Mahdi

Addoonsigii qarnigii 21-aad ee Suudan

Tan iyo xornimadii Suudaan, waxaa dalkaasi hareeyay dagaallo ay horseedeen aragtiyadii xubna ka tirsan Carabta Suudaan oo isku arkayay iney ka wanaagsan yihiin dadka madow.

Weerarrada gumeysiga koonfurta ee la soo werinayay ayaa socday tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee 2005-tii.

Haweenkii iyo caruurtii ee ay afduubteen kooxihii Carabta si ay ugu shaqeeyaan ayaanan weli xornimadoodii helin oo aan dib u arakin qoysaskoodii.

Dhanka kale tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Darfur horraantii 2000 maleeshiyadii Carabta Janjaweed ee taabacsanayd dowladda ayaa lagu soo eedeyay iney dil iyo kufsi u geysteen dadka madow.

Qoraalka sawirka,

MASS ATROCITIES HAVE BEEN CARRIED OUT IN DARFUR

Isbadalkii 2019-kii ayaa waxaa lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Cumar Xasan Al-ba shiir hase yeeshee ilaa haatan ma cadda hab wax looga qabanayo mid ab-takoorka ka jira dalka Suudaan

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip