
Warbixin: Edinson Cavani, Gonzalo Higuain, Hal Daafac Iyo Hal Khad Dhexe, Wax Badan Ka Ogow Liiska Dukaameysiga Maclain Antonio Conte Uu La Imaan Doono Kooxda Chelsea
Inkastoo ay jirto dhibaato dhanka suuqa ah oo qabsata macalimiinta soo mara Chelsea hadana ninkaan ayaa u baahan saxiixyo dhowr ah waxayna shabakada Daily Mail sheegtay in liiskiisa dukeymeysiga uu dheer yahay, hadaba waxaan hal hal u soo qaadaneynaa liiska dukaameysiga.
-
Radja Nainggolan xidiga Roma ayaa ah khad dhexe oo aad u fururan, kubad raacasho leh sidoo kalena leh hal abuur, xidigaan ayaa leh awood uu hore ugu dhaqaaqo wuxuuna sameyn karaa caawinaad, gool dhalin iyo fursad abuuris.
-
Edinson Cavani iyo Gonzalo Higuain labada nin ayaa ku jira liiska macalinkaan isagoo u arka badalka ugu haboon hadii uu Diego Costa dib ugu laabto kooxdiisi hore ee Atletico Madrid dhamadka xili ciyaareedkaan taasoo aad ugu muuqata mid suurogal ah laakin dhibka ay saxiixa xidigahaan kala kulmi karaan ayaa ah iney ugu yaraan hal sano kasoo maqnaan doonaan Champions league.
-
Romelu Lukaku, Ciyaariyahankii ay Chelsea kaga iibisay Everton lacag dhameyd £28 milyan oo pound sanadii 2014 ayaa haatan ah xidig ay aad u dooneyso Blues, waxay ku baadi goobi doonaan lacago ka badan tii ay hore ugu iibiyeen.
-
Antonio Rudiger, Daafacaan amaahda ku jooga Roma laakin ka tirsan kooxda Stuttgart ayaa ka baxsaday Chelsea xagaagii dhawaa wuxuuna markale kooxda Roma ku soo bandhigayaa qaab ciyaareed indho qabad leh isagoo xulka Germany u noqday ninka y buuxinaya booskii uu baneeyay Jerome Boeteng oo dhaawac ku maqan
-
.
-
Juan Cuadrado, xidigaan ayaa dib looga soo celin doonaa amaahda uu ku joogo Juventus, mid ka mid ah sababihii uu macalinkaan uga tagay Juve ayaa aheyd ineysan kala soo wareegin xidigaan kooxda Fiorentina ka hor inta uusan u dhaqaaqin Chelsea walina aad ayuu u qiimeeyaa.
-
Shaqaalaha tababar, jirdhis iyo caafimaad ee uu keensan doono macalinkaan waxaa ugu horeeyay walaalkiisa Gianluca waxaana wehlin doona Angelo Alessio, Massimo Carrera, Paolo Bertelli iyo Mauro Sandreani.’
Warbixin: Edinson Cavani, Gonzalo Higuain, Hal Daafac Iyo Hal Khad Dhexe, Wax Badan Ka Ogow Liiska Dukaameysiga Maclain Antonio Conte Uu La Imaan Doono Kooxda Chelsea
Antonio Conte ayaa ugu danbeyn loo magacaabay macalinka Chelsea isagoo saxiixay heshiis sadex xili ciyaareed ah uu wadar ahaan ku qaadan doono £20 milyan oo pound, heshiiskiisa waxaa ku jira abaalmarino loo balan qaaday haduu kooxda gaarsiiyo h