Dad Soomaali ah oo Kuwaxyeeloobay Buundadii Dhawaan Duntay ee Dalkaasi India

0
Tuesday April 05, 2016 - 13:24:42 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Soomaali ah oo Kuwaxyeeloobay Buundadii Dhawaan Duntay ee Dalkaasi India

    Soomaali ah ayaa sida la sheegay ku waxyeeloobay buudo dhawaan duntaymagaaladaKolkata ee dalkaasi India.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaali ah ayaa sida la sheegay ku waxyeeloobay buudo dhawaan duntaymagaaladaKolkata ee dalkaasi India.
Tirada dadka ku dhintay musiibadaasiayaa lagu soo waramay in ay gaartay ilaa 23 ruux, waxaana wali laga cabsi qabaa in ay sii badato sida ay saraakiisha India ay warbaahinta u sheegeen.Buundadaas ayaa duntay Khamiistii aanu soo dhaafnay.

Buundadii dhawaan duntay ee magaalada Kolkata, India

Booliska India ayaa sheegay in dadkii halkaa ku dhaawacmay qaarkood weli lagu dabiibayo isbitaalo kuyaala magaaladaasi Kolkata ee dalka India. Dhanka kale, dawladda India ayaa sheegtay in la billaabay baaritaanno ka dhan ah shirkadda dhismaha ee ku howlaneyd dhistaanka buundadaasi oo duntay xili uu wali dhise ku socday.

Shirkadda IVRCL oo laga leeyahay isla dalka India ayaa dhiseysay 2km oo buundadaasi ah, waxaana qandaraaskaasi la galiyay hakad inta ay baaritaannadu socdaan.

Booliska ayaa baaraya habka loo adeegsaday dhismaha buundada iyo tayada qalabkii dhismahaasi buundada galay.

Burburka dhismeyaasha ayaa aad ugu badan wadanka India, waxaana loo aaneeyaa dadka wax dhisa oo isticmaala qalab aan tayo wanaagsan lahayn.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip