Maraykanka oo shaaciyay inay duqeyn ku dileen Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab.

0
Tuesday April 05, 2016 - 11:48:58 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo shaaciyay inay duqeyn ku dileen Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab.

    Peter Cook Xoghayaha Warfaafinta ee Gaashaandhigga Maraykanka , ayaa xaqiijiyey inay Khamiistii hore duqeyn ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ahaa Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Al-Shabaab, lana sheegay inuu madax u ahaa Amniyaadka iyo Sirdoonka Al-Shabaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Peter Cook Xoghayaha Warfaafinta ee Gaashaandhigga Maraykanka , ayaa xaqiijiyey inay Khamiistii hore duqeyn ku dileen Xasan Cali Dhoore oo ahaa Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Al-Shabaab, lana sheegay inuu madax u ahaa Amniyaadka iyo Sirdoonka Al-Shabaab.
Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ayaacadaysay in Xasan Cali Dhoore oo ahaa Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaabka Isbahaysiga la ah Al-Qaacida lagu dilay duqeyn ay Milliteriga Maraykanka ka geysteen Soomaaliya bishii March 31-dii.

Gaashaandhiga Maraykanka ayaa ku eedeeyay Xasan Cali Dhoore inuu qorsheeyey weeraro sababay dhimashadda ugu yaraan 3 Muwaadiniin Maraykan ahaa,sida lagu sheegay warka ka soo baxay Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka.

Duqeynta Droneska Maraykanka ku dileen Sarkaalkaasi ayaa yimid wax ka yar hal bil, markii ay Diyaaradaha Droneska iyo kuwa Dagaalka ee Maraykanka duqeeyeen Xero Tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka Degmadda Buulo-burde.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip