Wararka waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Diheeye uu soo gaaray dhaawac, halka ay dhinteen labo ka mid ah Ilaaladiisa oo gaariga la socday.
Dhaawaca Xildhibaanka ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo.
Raggii hubaysnaa ee falka dilka ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo durba ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay soo gaareen goobta falka uu ka dhacay.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay, iyadoo maalmahan si joogto ah ay udhacayaan dilalka loo geysanayo xubnaha Dowladda ka tirsan.
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federalka Somaliya ayaa wada dadaalo kala duwan oo ammaanka lagu xaqiijinaay



0 



Xildhibaan lagu dhaawacay Muqdisho iyo qaar ka tirsan Ilaaladiisa oo la dilay
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw halkaasi waxa ay ku dhaawaceen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.