Federaalkii loo dhaartay 4-sano kahor maanta maxay Soomaalidu ka macaashtay?!! + Video

0
Tuesday April 05, 2016 - 11:31:07 in Maqaallo by
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Federaalkii loo dhaartay 4-sano kahor maanta maxay Soomaalidu ka macaashtay?!! + Video

    275-Xildhibaan ee saxiixay in dalka lagu maamulo nidaamka Federaalka ah ee aan laga fiirsan oo beesha caalamka ee mashruuca ka wata Soomaaliyana ogolaadeen afar sano kaddib maanta waxay la tacaalayaan sidii maamul goboleedyada looga dhaadhicin lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

275-Xildhibaan ee saxiixay in dalka lagu maamulo nidaamka Federaalka ah ee aan laga fiirsan oo beesha caalamka ee mashruuca ka wata Soomaaliyana ogolaadeen afar sano kaddib maanta waxay la tacaalayaan sidii maamul goboleedyada looga dhaadhicin lahaa ismaamulka Federaaliga ah.

Maalmaha, sanadaha iyo saacadaha adduunka wareega wixii ay fannaaniinta iyo af maalka Soomaaliyeed sheegaan mar uun baa la arkaa, oo waa tii ay horay u yiraahdeen "Umadyahay qabiilkiyo qaranimadu waa laba aan is qaadi karinoo weligood is qabaneyn”.

Dulucda murtidaan qiimaha xambaarsan runtii maanta ayay fasir cad u tahay, bacdamaa dalkii la kala googooyay isla markaana lagu mashquulay Puntland ayaa diidan heshiis, Jubaland ayaa kalsoonidii kala noqotay Dowladda, C/Kariim Guuleed dadkiisa Galmudug ma ogola iwm.

Sida muuqata nidaamka Federaalka ee caalamka ka hirgalay waa ka duwan yahay kan Soomaaliya ka jira oo si toos ah ugu muuqda ismaamul qabali ah oo dalka u horseedaya dagaalka xuduudaha, khilaafka siyaasiyiinta iyo madaxda Dowladda dhexe iyo kan gobolada dalka mana muuqato in sanadka 2016-ka doorashada la qorsheeyay ay dhaceyso.

Mashruuca Federaalka Soomaaliya weli fari kama qodna, waxaana taasi daliil u ah qodobadii dhowaan ka soo baxay heshiiska Dowladda iyo maamulka Puntland, waxayna su’aashu tahay "Puntland ma waxaa wakiishay maamul goboleedyada dalka?”.

Su’aashaan waxaad ka arki kartaa qodobada heshiiskii labada dhinac ay ku saxiixeen Garowe, haddiiba ay dhacdo in Dowladdu qaadato heshiiskaasi maxaa la gudboon maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira oo Puntland la midka ah?.

Jawaabaha iyo sida xaalku noqdo waxaan sugeynaa afarta bilood ee ka dhiman bilaha ka harsan wakhtiga Dowladda Federaalka, haddii aanu dalka yeelan hal dowlad oo min Raaskambooni ilaa iyo Raascaseyr ka talisana aan laga bixi doonin walaahowga siyaasadeed ee hareeyay nidaamka dowliga ah ee laga filayo inuu dalka hanto.

Tifaftiraha Somaliweyn

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip