Amisom iyo ciidanka Dowladda oo saaka la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

0
Tuesday April 05, 2016 - 11:28:32 in Wararka by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom iyo ciidanka Dowladda oo saaka la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

    Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya oo iskaashanaya saaka howlgal ay kula wareegeen gacan ku haynta Deegaano hoostagga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya oo iskaashanaya saaka howlgal ay kula wareegeen gacan ku haynta Deegaano hoostagga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa waxa ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Ula jaraf oo ka mid ah deeganada hoostagga Degmada Ceelbuur, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in si nabadgelyo ah ciidanka ay kula wareegeen.

Ciidamadii ka tirsanaa Ururka Shabaab ee deegaanka ku sugnaa ayaa isaga baxay, halkaasi kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqa ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku doonayeen inay ku weerareen deegaankaasi.

Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelbuur ayaa xaqiijiyay in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin deegaanka Ulajaraf ayna ka wadaan howlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Ciidamada Itoobiya oo howlgalka Amisom qaybta ka ah ayaa waday muddooyinkii dambe dhaqdhaaqyo ay ku doonayen inay ku gaaraan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Shabaab ilaa hada kama aysan hadlin la wareegitaanka ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta Deegaankan.

Ciidamada ayaa inta badan deeganada ay la wareegaan dib uga soo noqdo, kadib marka ay ka sameeyaan Baaritaano ay Shabaabka ku raadinayaan, taasina waxa ay sii curyaaminaysa qorshaha howlgalka ciidamada, maadaama deeganada yar yar ee Shabaabka ay ka qabsadaan dib ay uga soo baxaan ciidanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip