Xilli shalay ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay fashiliyeen gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed, ayaa Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya waxa ay soo saartay digniin.
Digniintaan ka soo baxday Wasaarada Amniga Somaliya ayaa waxa ay ku wajahan tahay shacabka Somaliyed, waxaana looga digay Bulshada Qaraxyo Shabaab ay qorsheynayaan inay ka geystaan Magaalada Muqdisho, iyadoo Bulshada la faray inay hubiyaan gaadiidkooda, goobahooda ganacsiga iyo Guryahooda.
Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri, ayaa sheegay in laga doonaayo Bulshada Somaliyed inay is hubiyaan, islamarkaana ay ka feejignaadaan qaraxyada ay qorsheynayaan Shabaabka inay ka geystaan Muqdisho.
"Muwaadiniinta Somaliyeed waxan uga digeynaa qataraha argagixisadu maleegayaan, waxan leenahay dib u hubiyo Mehradahiina Ganacsi, Goobaha Baabuurta lagu Farsameeyo ama lagu Xareysto si gaar ah milkiilayaasha Garaashyada iska leh, waxaan heynaa xogta gaadiid la rabo in qaraxyo lagu geysto.” Ayuu hadalkiisa raaciyay C.kaamil Macalin.
Muddooyinkaan dambe waxaa sii kordhaayay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo dilal qorsheysan oo inta badan loo geystay xubno ka tirsan Nabad Suggida ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho.
Tan iyo wixii ka dambeeyay, markii Dowladda Somaliya ay sheegtay in la dilay Madaxii Amniyaadka Al Shabaab Xasan Cali Dhoore, waxaa Magaalada ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay ilaa 6 xubnood oo Nabad Suggida ka tirsan.
Ciidamada ammaanka Somaliya ayaa ku guda jira ka hortagga weerarada iyo Qaraxyada ay qorsheynayaan Shabaab inay ka geystaan Magaalada Muqdisho.
XIGASHO;-DHACDO.COM
Wasaarada Amniga oo digniin u dirtay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho
Xilli shalay ciidamada Nabad Suggida Somaliya ay fashiliyeen gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed, ayaa Wasaarada Amniga Dowladda Federalka Somaliya waxa ay soo saartay digniin.