Amisom oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiil Shabaab ah oo ay sheegeen inay dileen

0
Tuesday April 05, 2016 - 11:11:45 in Wararka by
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiil Shabaab ah oo ay sheegeen inay dileen

    Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Amisom maanta oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay magacyada 7 Sarkaal oo Amisom ay sheegtay in lagu dilay howlgalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Amisom maanta oo Talaado ah, ayaa lagu shaaciyay magacyada 7 Sarkaal oo Amisom ay sheegtay in lagu dilay howlgalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraalka Amisom ay soo saartay ayaa lagu sheegay 7 Sarkaal oo muhiim u ahaa Shabaab, Amisom inay dishay muddo Isbuuc gudahooda ah, kadib howlgalo kala duwan oo dhacay.

Saraakiisha ay Amisom waxa ay sheegeen in ay dileen Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Shabaab ee Deegaanka Janaale, Aaden Baale oo Shabaab masuul uga ahaa deegaanka Leego, Sheikh Mohamed Ali oo Saraakiisha Janaale ka mid ahaa, Mohamed Abriba oo Garsoore Jannaale ka ahaa , Hassan Ali Dhore, madaxii amniyaadka Shabaab, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

Amisom ayaa sheegtay howlgalo muddo Isbuuc gudihiisa dhacay in lagu kala dilay Saraakiishaan ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab.

Amisom waxaa ay sidoo kale sheegeysaa in ay socdaan dadaalo Janaale loogu furayo waddooyin islamarkaana lagu nadiifinayo miinooyinka.

Hadalkaan ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay Shabaab ay la kulmayeen duqeymo kala duwan oo kaga imaanaya Diyaaradaha Mareykanka iyo ciidamada Amisoom




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip