
Ninkii Baasaboorada bugta ah u sameen jiray Daacish-ta Yurub oo Talyaaniga lagu qabtay + Sawirro
Baaritaano fara badan ka dib Jamal Eddine Ouali ayaa waxaa lagu helay dambiga ah in uu sameeyay Baasabooradii bugta ahaa ee ay ku safrayeen ragii isku qarxiyay magaalooyinka Paris iyo Brussels ee wadamada Faransiiska iyo Belguim-ka .
Jamal Eddine Ouali oo dhalasho dalka Beljemka ah heeysta ayaa waxa uu u baxsaday dalka Talyaaniga ka dib markii uu ogaaday in la fahmay laguna daba jiro . Ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga ayaa ninkaan ku soo qabtay magaalada Salerno ee koonfurta Italia .
Ninkaan oo ku taqsuusay sameeynta Baasaboorada bugta ah ayaa waxa uu caawin jiray dagaalyahanada kooxda Daacish kuwooda dib ugu soo laabto dalalkooda kaas oo ka badali jiray magaca iyo dhalashada Baasabooradooda , wuxuuna gudaha dalka Giriiga ugu diri jiray Post ahaan Baasabooro iyo magacyo bug ah ka dibna waxaa si fudud ugu soo safri jiray dagaalamaasha kooxda Daacish kuwooda dib uga soo laabta wadamada Siiriya iyo Ciraaq .





0 


Ninkii Baasaboorada bugta ah u sameen jiray Daacish-ta Yurub oo Talyaaniga lagu qabtay + Sawirro
Ciidamada booliiska dalka Talyaaniga ayaa nolasha ku soo qabtay ninkii Baasaboorada bugta ah ama Faalsaha ah u sameen jiray xoogaga Daacish kaas oo lagu magacaabo Jamal Eddine Ouali waana 40 sano jir u dhashay dalka Aljeeriya.