Boqolaal ka mid ah shacabka reer Saakow, ayaa isugu soo baxay goobtii lagu soo bandhigay Yaxaaskaasi. Saakow waxay ka mid tahay Magaalooyinka uu ka arrimiyo Ururka Al Shabaab.
Askari ka tirsan Ururka Al Shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Boorow, ayaa shan xabadood ku dhuftay Yaxaaskaasi. Yaxaaskan waxaa lagu sheegay mid cadow ahaa.
Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa tebisay in Yaxaasku uu dhibaato ku haayay dadka iyo xoolahaba, isla-markaana uu wada cuni jiray.
Waa Yaxaaskii labaad oo muddo bil ah ay dilaan Ururka Al Shabaab. Yaxaaskan kii ka horeeyay waxay ku dileen Deegaanka Awdheegle Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 











Shabaab oo Degmada Saakow ku dilay Yaxaas lagu sheegay inuu cadow ahaa (Daawo Sawirada)
Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe uu ku dilay Yaxaas wayn, kaasoo sida la sheegay cuni jiray dadka iyo xoolahaba.