HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR EE ARBACO 12-KA MAY-2021

0
Wednesday May 12, 2021 - 09:24:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR EE ARBACO 12-KA MAY-2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 

FARMAAJO OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY UGANDA

Description: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/05/185296282_4018146128269835_135564147653944968_n.jpeg Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdi uu hogaa minayey ayaa Shalayeyd gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Wafdiga ma daxweynaha ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay gar oon ka diyaaradaha ee Kampala, wuxuuna qeyb ka yahay madaxda lagu marti-qaaday Munaasabadda Caleema-saa rka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Ug anda Mudane Yoweri Museveni.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay caa simada Kampala ee dalka Uganda waxa uu ku lamo duceedyo la qaadan doona madaxda ka qeyb-galeysa caleema-saarka, sida uu sheegay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Kampala waxa uu madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaad ay kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaaliy eed ee Uganda iyo ardeyda wax ka barata dalk aas.

Madaxweynaha ayaa waxa safarkaan ku wehl inaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hor umarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Ca bdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ah ayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu ya hay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalka as, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiya ha mucaaradka Bobi Wine.

Si kastaba, madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sa nadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sa nadkan uu ka helay 58.64%.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY GO’A ANKA KENYA EE DUULIMAADYADA

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay aa ka jawaabtay go’aanka Kenya ku joojisay duu limaadyada tegi jiray iyo kuwa kasoo bixi jiray dalkaasi Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa shee gay in Kenya aysan jirin qoraal ra smi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaal iya balse kaliya ay arkeen qoraalka kasoo baxay ee Shalay la baahiyay.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in wax lal yaabo ay tahay warka kasoo baxay dowladda Kenya maadaama Sadeex Cisho ka hor dowladda Soomaaliya ay shaacisay in la soo celiyay xiriirkii Kenya si lab ada dal si dadka deriska ah noloshooda ay caa di u soo noqoto.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay wado wadata shiyo kala duwan, isla markaana ay soo saari do onto go’aan u qalma tallaabada ay qaaday dowl adda Kenya.

Go’aanka ay dowladda Kenya u joojisay duuli maadyadii Soomaaliya ayaa u muuqda mid dib u soo celinaya khilaafkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana uu ku soo aaday xilli Maalin ka hor dowladda So omaaliha ay shaacisay in uusan waxba iska bed elin Go’aankii lagu joojiyay in dalka la keeno khaadka Kenya.

ROOBLE OO DIB UGU SOO LAABTAY MUQDISHO

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhawe eyey wasiirka Cadaalad da ee XFS Cabdu lqaadir Maxamed Nuur iyo xog-hayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda la socotay ayaa dalka Sacuudiga u tagay inay soo cumr eystaan.

XASAN SHEEKH OO WAR KASOO SAARAY KULAN UU LA QAATAY SAFIIRKA JABUUTI

Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa Shalay hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud.

Safiirka iyo Madaxwey naha ayaa ka wa daha dlay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka soo jireena ah ee la bada dal, waxuuna Xasan Sheekh Danjire Aadan uga mahadceliyey booqa shad aas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggiisa Twi tter-ka ku soo qoray, "Sharaf ayey ii ahayd in uu Shalay i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aad an Xasan Aadan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dowl adda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya. "Waxaan uga mahad cel iyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhis ka Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yah ay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay walaalahood Soomaaliya, isagoo xusay in weli giis uusan isbedeli doonin.

Intaas waxa uu raaciyey in aysan Jabuuti la mid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya sa axiib la ah. Waxa uu sheegay inay Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya, garab istaagay wa qtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. "Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli ad ag” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa.

Booqashadaan waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay u gu yaraan laba jeer ku eedeysay dowladda Jabu uti inay xagal-daacineyso Soomaaliya.

Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Far maajo ayaa horay loogu eedeeyey inay lumine yso Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed aysan u aaminsaneyn dal kaliya deris la ah,balse u arka walaal u soo hiiliyey, xilliyadii adkaa ee Qaran-jabku ku dhacay umadda Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE AXMED MADOOBE OO KA HADLAY TARTAN AQOONEED UU QABTAY TELEFISHINKA DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ju bbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa hambalyo u diray ta rtamayaasha degmada Kismaa yo oo ku guuleysatay tartan Aq ooneedka Telefshinka Qaranka.

"Waxaan hambalyo u dirayaa guulaystayaa sha tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan ee Tel efishinka Qaranka, waxaana mar kale si weyn u gu guulaystay tartamayaasha Degmada Kism aayo.

Kaliyah caan kuma aha ree Kismaayo ciyaa raha kubada cagta sidoo kale dhinaca Aqoonta heerarkeeda kala duwana sanadahii lasoo dhaa fay guulo la taaban karo ayay ka gaareen ani goo mar kale ugu Hambalyaynaya guulahaas ay u soo hanteen guud ahaan Shacabka Jubaland.

Sidoo kale waxaan u mahad celinayaa tartam ayaasha kale ee ka qeybgalay iyo Telefishinka Qaranka oo soo qaban qaabiyay tartankan”.

HOOYO SOOMAALIYEED OO 35 KUN OO DOOLLAR AY KA GUBATAY

Siraad Jaamac Xeyd oo ka mid ah ganacsata da magaalada Burco ayaa la tacaalaysa xaalad dhaqaale oo aad u adag ka dib markii ay ka gu batay lacag dhan 35 kun oo dollar oo dhulka ay ku aastay.

Siraad ayaa sheegtay in lacagta ay godkaas u gu jirtay muddo 9 bilood ah, markii ay damac day in ay la soo baxdana ay aragtay iyadoo gub atay.

"God yar ayaan guriga ka qoday waxaana ku ridi jiray lacagaha oo ay ku lacago badan oo aan qaar ka soo Dahabshil iyo dad kale, muddo ba dan ayey halkaas ku jirtay ugu yaraan sagaal bil ood. Kaloorad ayaan inta qufulay oo aan laba ba cood hoosta ka geliyay ayaan ciid ku rogay." Ayey tiri Siraad.

Siraad oo ka hadlaysa sidii ay ku ogaatay in lacagteedii ay gubay ayaa tiri " daraad ayaan is iri bal shan boqol carruur u soo bixi , markaan shantii boqol sidaas u fiiriyay ayey inay yar oo aan dhalay waxay igu tiri hooyo meesha wax ay aa ka guuxaya, ka dib waxaan aragnay lacagtii oo isku xiran oo qayb ama dhinac ka gubatay, lacag walbana kala bar ayaa maqnaa ."

Siraad ayaa sidoo kale sheegtay inaysan ho ray u fahansanayn dhibaatada ka dhalan kartay ama khasaaraha ka soo gaari karay godka ay la cagta ku ridatay waxayna sheegay inay tan ah ayd markii ugu horreysay ee ay lacag ku aami nto god ay gacanteeda ku qoday.

Dhanka kale Siraad oo ka jawaabaysa waxa ku kalifay inay god lacagteeda ku aaminto iyada oo awoodo inay bangiyada dhigato ayaa waxay tiri,"Ilaahay qadartiis, waxaa igu kalifay oo aan ku fakaray gurigaaga wax kuu yaala amay

Dhaan ta lacag aad bangiga gaysid."

CIIDAMADA DF AY GAYSAY GEDO OO QABSADAY DEEGAANO

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa she egtayin ay deegaano dhaca duleedka degma da Garbahaaray ee gobolka Gedo kale wareeg een dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib howlg alo ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen gob olka Gedo.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanada Doofaareey, Kooradheer, Bo oco, Qalwo, Bakaaro iyo Far geeleey oo dhammaantood hoostaga degmada Garbaha aray ee gobolka Gedo.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Garba haareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxa med Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaan nada ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga tageen Al-Shabaab kadib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yihiin.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkoodu ahaa "ka hortaga weerarada ay bisha Ramad aan geystaan Al-Shabaab iyo in ay dadka Shac abka ah ka qaadaan Xoolo Nool, iyaga oo ku sheegaya in ay tahay Zakawaad” sida uu u she egay warbaahinta dowladda.

Ciidamadda ay dowladda Faderaalka Soo maaliya gaysay gobolka Gedo, ayaa howlgallo si daan oo kale ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, inkastoo Al Shabaab ay dib ula wareegeen mar kii ay dib uga bexeen ciidanka amaanka Soom aaliya. Xigasho: Mustaqbal Radio

SHABAAB OO KU DHOWAAQDAY IN BERRI AY CIID TAHAY OO BISHA ‘LAGA ARKAY’ DHOWR GOBOL

War ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu icla amiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta oo araco ah koo waad ee Ciidul Fidriga, isla marka ana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Sha waal

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soo nfur oo dhalatay.

Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Ja lalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha

ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasoom an oo hoos taga degma da Buulo-Burte ee isla go bolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, si da lagu sheegay qoraalka kooxda.Sidoo kale dul eedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka de=egaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobol ka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab.

Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-Shabaab waxay iclaamiyeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawa al, isla maraakan ay tahay Ciid. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhank eeda Xalay xaqiijisay in Arbacada berri ay ta hay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maa daama Shalayta la waayey bilashada bisha Soon fur ee Shawaal. Guddiga aragtida day axa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii Shalay lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soo nfur.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa Xalay sha acisay in maalinta maanta  ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

DF SOOMAALIYA OO GO’AAN KASOO SAARTAY MAALINTA CIIDDA

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Aw qaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa

Shalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Arbacada  Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culu maa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa Afurkii Xalay ku sugnaa Wasa aradda Warfaafinta, si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal ee Soonfur, balse markii la waayey waxay wasaaraddu go’aamisay in Arbacada maanta ah la buuxiyo 30-ka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Isla amka ay ku dhawaaqeen in maanta aysan Ciid aheyn.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhan keeda Xalay xaqiijisay in Arbacada arbacadu ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maa daama Shalayta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la same eyey Talaadadii Shalay lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa Xalay shaa cisay in maalinta arbacada  ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.

Dhanka kale war ka soo baxay ururka Al-Sha baab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ay aa lagu iclaamiyey in Arbacada maanta ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla mark aana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

WAFDI BAYDHABO GAARAY & LAFTAGAREEN OO LA KULMAY

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonf ur Galbeed ayaa Shalay Aqalka Madaxtooy adda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Waf idi ay hogaamineysey Kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Uqa abilsan Arimaha Soomaaliya. Wafdiga waxaa sisoo kale qeyb ka ahaa Wakiilada midowga yurub, midowga Afrika iyo Dibluma asiyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kawada hadl een Xo ojinta joogteynta xiriirka Wadashaqeyn eed ee ko onfur Galbeed iyo, xaqiijinta shirka lo oga balan san yahay 20 bishan inuu ka dha co Caasimada Dalka ee Moqdisho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Mxamed laftagar een ayaa uga mahad celiyay wafdiga booqash ada ay ugu yimaadeen.

PUNTLAND OO KU DHAWAAQDAY INAY JOOJISAY DADKA KA IMAANAYA HINDIYA

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo Shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ka jirta wadanka hindia ee xanuunka Covid19, waxaana uu sheegay in wadankaas uu ka jiro sida WHO cadaysay nooc cusub oo caabuqa ah kaas oo ka halis badan noocyadii kale ee Soomaliya ka jiray.

"Haddaba anaga oo ilaalinayna badqabka mu waadiniintayada waxaan joojinay dadka ka im aanaya wadankaas waxaana ka co dsanay naa inay sii joogaan inta xaaladu is bad alayso. Hadii ay dhacdo in qof uu yimaadaana waxaan diyaar inay inaan galino labo todobaad oo kara ntiil ah si loo hubiyo inuu caafimaad qa bo mee sha uu doono ha soo maro ayuu yiri” Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula taliyay dawl ada dhexe iyo maamulada kale ee dalka ka jira inay go’aan kaan oo kale qaataan si looga bad baado in dad xanunka qaba ay dalka yimaadn.

Wasiirka wasaaradda ayaa sidoo kale bulsh ada la wadaagay in bishan dhamadkeeda la bil aabi doono wajiga labaad ee talaalka Covid19, kan labaad ayaa waxaa la siin doonaa dadkii ho ray uqaatay kii koowaad, halka dadka aan kii ho re qaadana loo sheegayo in wali talaalku diyaar ku yahay xarumaha caafimaadka ee degmada ama gobolka aad joogtid, waxaan sidoo kale dad weynaha uu xasuusiyay in talaalku uu yaray nayo fiditaanka xanuunka.

MAAMULKA GOBOLKA MUDUG OO SOO SAAR AY GO’AANO LA XIRIIRA MAALMAHA CIIDA

Guddoomiya Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shalay Shir Gudoomiyay Shirka Amniga Gobalka Mu dug. Shirka oo isbuucle ah ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mud ug, Taliyaha Ciidanka Dar aawishta Gobolada Mud ug iyo Cayn iyo Gudo om iyaha Maxkama da Racfa anka Ee Gobalka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdilad iif Muuse Nuur ayaa faray Bul shada Gaalkacyo inay Goobaha Salaada Ciida lagu dukanayo u soo qataan Saliga Salaada iyo waxyaabo kale oo looga hortagayo COVID-19.

Waxaa uu hadalkiisa intaas ku daray in laamaha Amniga Gobolka Mudug ay dar dar v3lin doonaan howlaha sugida Amniga, isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Ciidamada.

QORAALKA DOWLADDA FEDERAALKA KU DALBANEYSO IN LAGA LAABTO ERGEYGA MIDOWGA AFRIKA

Wasaaradda Arrimaha Dibbada oo xaqiijisay in Farmaajo uu ka dalbaday dhexdhexaadin Madaxweynaha Congo Kowda May baarlaman ka Soomaaliyeed waxuu dib ula laabtay qararkii muddo kor dhi nta, asigoo dib ugu laabtay he hsiiskii 17-da SeptemberAya doo dowlada Soomaalia ay soo dhaweyn eyso dadaadala ay AU wado si loo xal iyo is mari waaga siyaasadeed, haddan ma jirto daaqad u furan ergeyga la soo magacaabay ee uu wax ka qaban karo, iyadoo dib loogu laabtay mabaadidi 20-ka bisha May.

Waxaan walaac weyn ka qabaa in ergeyga la soo magacaabay uu sii jah wareerin doono ge edi socodka wada hadalada, waxuuna sii kordh in doona kala qeybsanaanta geedi socodka.

Dowladda Soomaaliyeed waxey ku wargel ineysaa Midowga Afrika in ay dib ula laabato erg eyga ay u soo magacawday Soomaaliya.

DALALKA KU BAHOOBAY BARIGA AFRIKA OO KA HAD LAY CODSIGA SOOMAALIYA EE KU BIIRIDDA URURKA EAC.

Xoghayaha cusub ee Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika Dr Peter Mathuki ayaa ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka.

Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlihii ho rdha ca ahaa ee diyaarinta dalka ee ku biirida ururka ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika.

"Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taa gan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal do onaya in uu kusoo biiro ururka”

Wuxuu intaas ku daray in arrinta ay kaa cad daan marka uu bilowdo ka hadalka codsiga So omaaliya ee ku biiridda ururka EAC.

"Waana bilaabnay alrrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la ga ari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka ku soo biiridda dalkaas” Waddamada ku buhoo bay ururka Bariga Afrika ee EAC waxaa kamid ah Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanz ania.

KORORKA TIRADA DADKA SHIINAHA OO SII YARAANEYSA

Qoraal ka soo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in kororka dadka dalkaas uu si aad ah hoos ugu dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda ayaa sheegtay in ay yaraadeen lamaanayaasha carruurta dhala.

Culeyska haysta dowladda ayaa ah in bu lshada dalkaasi sii gaboobeyso sidoo kalena ay sii yaraanayso tirada dadka shaqeeya.

Dadka Shiinaha waxaa tobankii sano ee tegay ku kordhay kaliya 72 milyan oo qof, ayaga oo gaaray 1.41 bilyan oo qof, sida uu sheegay Xafi iska Tirakoobka Qaranka.

Xafiiska ayaa intaas ku daray in cel-celisa ko rorka dadka uu sanadkiiba ahaa 0.53%, tobankii sano ee tegay ee ku idlaaday 2020, taasi oo ka hooseysa 10-kii sano ee ka horeey ey ee 2000 illaa 2010. Hoggaamiyayaasha Shiinaha ayaa 1980-kii dhaqan-geliyey xadeyn lagu samey nayey tirada ilmaha ay dhali karaan lamaanaha, si loo xaka meeyo kororka dadka, hase yeeshee waxayim inka ka walaacsan yihiin inay sii yar aanayaan dadka ku jira da’da shaqada, taasi oo dhaawace ys a in la abuuro dhaqaale baraara.

Inkasta oo 2016-kii ay dowladda dabcisay si ya asadda xadeynta ilmaha, haddana lamaana ha ayaa iskood u doorta inaysan caruur yeelan sababo la xiriira qarashka nolosha oo sarreeya, guryaha oo ciriiri ah, iyo takoor dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo hooyooyinka.

Celiska ilmaha ay dhalaan haweenka Shiina ha ayaa ah 1.6 canug haweeneydiiba, taasi oo aad uga yar celi-celiska loo baahan yahay ee ah 2.1, si loo helo dad da’yar oo beddela kuwa ga booba ee shaqada ka fariisanaya ama dhiman aya, si bulshada usii jirto, loona helo dad shaqee ya oo dhaqaalaha dalka kobciya.

DIBADBAX KA DHAN AH YUHUUDA OO KA DHACAY TURKIGA

Kumanaan qof ayaa waxay Dibadbaxyo balla aran ka dhigeen agagaarka Dhismaha Safaarad da Yuhuudda ku leedahay caasimadda Turkiga ee Ankara iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Ista nbul.

Dibadbaxyaasha waxay wateen Calanka Fal astiin iyo Boorar ku qornaa Erayo lagu taageera yey Qaddiyada Reer Falastiin.

Waxay kaloo ku dhawaaqayeen hadalo ay ku cambaaraynayeen Yuhuudda iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madax Carbeed, oo ay ka wada hadleen Tacadiyada ay Yuhuud da ka wadaan Masjidka Al-Aqsa ee magaa lladda Quddus.

Erdogan Madaxda uu Xalay la hadlay waxay kala yihiin:

Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla Bin Xu seen, Amiirka Kuweyt,Sheekh Nawaat Al-Sxked Al-sabaax, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo Hoggaam iyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Ismaaciil Haniyah.

CIIDDANKA ISRAEL OO LA SHEEGAY INAY ISAGA BAXEEN MASJIDKA AL-AQSA

Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Qud dus, kadib, maalmo ay rabshado socdeen, lag una dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Kooxaha Hubeysan ee Falastiin ay wa qti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Ma sjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jar aax ee Bariga magaalladda Quddus.

Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaana dda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAM AAS.

Ilaa 15 Dagaalame ayaa la sheegay inay ku shahiideen Duqeyntaasi. Warbahinta Reer Fal astiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qa adeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliye en Waaberigii hore ee Shalayto oo Talaado ah.

DOWLADDA SACUUDIGA OO KU DHAWAAQDAY IN BERRI AY SOON TAHAY.

Sucuudi Careebiya oo ku dhawaaqday in ay weysay Bishii soon-fur isla markaasna berri la dhammaystirayo 30-ka Ramadaan, khamiistana la iidi Doono.

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankaan uu yimid ka dib markii ay sameeyeen dadaallo ku aadan raadinta bisha.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in aysan jirin astaamo muujinaayo meel ka mid ah Sacuudiga la arkay bisha.

CIIDAMADA AMISOM OO WAQTI KORDHIN LOO SAMEYNAYO.

Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waqtiga loo dheereynayaa marka la gaaro 31-ka December 2021 waxaana looga dhigayaa in ay Dalka sii joogayaan ilaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaado qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa kasoo baxay kulan Talaad adii ay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Guddiga ammaanka iyo nab adgalyada sida lagu cadeeyay bayaan kasoo baxay fadhigooda kadib.

Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka la ga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afr ika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waq ti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaan ka ah ee Dalal kala duwan.

15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midow ga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethi opia, Egypt and Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Moz ambique & Senegal.

Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gu dbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoo bay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afri ka ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

Ciidamada AMISOM Sanad weliba waxaa loo kordhiyaa waqtiga, ujeedka ay Soomaaliya u joogaan waa ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Dalka, la shaqeynta Ciidamada qaranka & la da gaalanka Al-Shabaab sida ku xusan diiwaan qorsheydka AU & UN-ka.

TOM CRUISE: JILAAGAN CAANKA AH OO ARRIN AAN CADI AHAYN DARTEED U DIIDAY SEDDAX ABAALMRIN

Jilaaga caanka ee Hollywood, Tom Cruise, ayaa dib u soo celiyey seddexdiisa abaal marin ee dahabka ahaa. Arrintaa waxay ku sheegay in uu kaga soo horjeedo sida duwanaansho la'aanta ay uga dhex muuqato abaalmarinta sanadlaha ah ee Hollywood.Waa xiddiggii ugu dambeeyay ee ku biira kooxaha badan ee dhaleeceya abaal marinta.

Warbaahinta NBC, oo munaasabaddan abaalm arinta baahineysay tan iyo 1996-kii, soo werinaysay ay aa sheegtay inaysan sii deyn doonin xafladda sann adka soo socda.

NBC waxay sheegtay inay doonayso in ay aragto in "dib u habeyn la taaban karo lagu sameeyo" qaban qaabiyeyaasha, Hollywood ee qeybta warbaahinta caalamiga ah.

Abaalmarinta The Golden Globes, waxay kaa linta labaad kaga jirtaa abaalmarinta aflaanta wax ayna ku xigtaa Oscars, marka la eego astaanta guud.

Talaadadii, qoraal ka soo baxay Ururka Saxaa fadda u qaabilsan Hollywood ee HFPA ayaa lagu sheegay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan wax uga badelayaan hannaankii ay ku shaqayn jireen.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay ka go'antahay "in si degdeg ah looga meel gaaro isbadelladaas la shaaciyay".

Qorshaha ah in xubnaha HFPA la ballaariyo oo kala duwanaansho la'aanta ka dhex jirta xal laga gaaro, waxaa soo dhoweeyay dadka ugu caansan Hollywood.

Kala duwanaanta, sinaanta iyo ka mid noqosha da tababarka, ayaa la siin doonaa dhammaan xub naha, iyo sidoo kale tababaro ku saabsan wacyi gelinta faraxumeynta dhanka galmada.

Xubnaha qaar ayaana laga horjoogsan doonaa inay aqbalaan waxyaabaha xayeysiinta ah ee ka socda istuudiyaha filimada iyo TV-ga.

Jawaabtu siday ahayd?

Scarlett Johansson, oo loo magacaabay shan jeer abaalmarinta Golden Globes, ayaa ku boor isay dadka kale ee ka tirsan shirkadaha filimada in ay qaadacaan ururkan haddii aysan isbedello weyn ku sameynin sida ay u shaqeeyaan iyo xubnaha ka tirsan.

Haweeneyda oo 36 sano jir ah ayaa xustay in ay horay ula kulantay "su'aalo galmo iyo hadallo ka soo yeeray xubno ka tirsan HFPA oo lala xiriiriyay falal anshax xumo ah".

Arimaha ugu muhiimsan waxay umuuqdaan in hirgalinta isbadalada aysan aheyn kuwa la meelm arinayo.

Waxaa jiro ururo weli sii wadi doona inay qaad acaan Golden Globes iyo dhacdooyinka kale ee HFPA, illaa iyo inta dib-u-habeyn rasmi ah ay dha qan gelinayaan.Warbixin ay soo saartay Isniintii, NBC waxay ku tiri: "Isbedelka baaxadan leh wuxuu qaadana yaa wakhti iyo shaqo, waxaana si xoogan u dar eemeynaa in HFPA ay u baahan tahay waqti ay ku sameyso si sax ah. Sidoo kale, NBC ma sii deyn doonto munaasabadda 2022 ee Golden Globes.

"Haddii aan u malayno in ururku uu fulinayo qor shihiisa, waxaan ku rajo weynnahay in aan awood u yeelan doonno in aan soo bandhigno barnaamij ka abaalmarinta bisha Janaayo 2023."

Go'aanka TV-ga ayaa sidoo kale daba socda hoos u dhac aad u weyn oo ku yimid tirada dadka daawada 'Golden Globes'. Taasi waa isbeddel lagu muujiyo abaalmarinta filimka guud ahaan, gaar ahaan inta uu jiro covid-19.

Sam Asi, oo ka tirsan BBC Cabai, xubinna ka ah HFPA ayaa raadiyaha BBC4 u sheegay inay arr intan tahay wax lala yaabo, maadama ay Hollyw ood ogayd in ururka xubnihiisa aysan ka mid ahayn dad madow. Wuxuu sidoo kale sheegay in kiiskan uu taagnaa muddo 20 sano ah.

Wuxuu tilmaamay in dadka xayaysiimaha ay si gaar ah ugu sheegeen in ay ogyihiin inay meesha ka maqan tahay kala duwanaanshaha dadka.

Wuxuuna qiray inuu joogay Hollywood mudo 15 sano ah, laakiin uusan waligood la kulmin nin ma dow oo wax xayaysiinaya.

XIGASHO:BBC

SHEEKH AXMAD GUMI: WADAADKA CAANKA AH EE WADAXAAJOODKA MADAX-FURASHADA LA GALA BURCADDA NIGERIA

Waxaa soo ifbaxay wadaad caan ah oo Muslim ah oo si iskiis ah isugu xilqaamay inuu u kala dabqaado kooxaha wax afdubta ee madax-furashada qaata ee waqooyiga Nigeria.

Muddooyiinkii u dambeeyay waqooyiga Nige ria waxaa lagu afduubay 800 oo arday ah.

Sheekh Axmad Gumi, oo ahaa kabtankii hore ee ciidamada Nigeria, ayaa ku lug lahaa illaa 27 ardey oo arbacadii la siidaayay kuwaas oo bishii Maarso la ga afduubtay deegaanka kolaj ku yaalla gobolka Kaduna.

Waalidiintii carruurta la soo daayay, waxay booqa sho mahadcelin ah ugu tageen, wuxuuna u ballanqa aday in la soo dayn doono oo aan la dili doonin 16 arday oo kale oo bishi April laga afduubtay jaamaca dda Greenfield ee gobolka Kaduna.

Burcaddii ardaydaasi afduubatay waxay horey u dil en 5 ka mid ah ardaydaasi halka mid kalena ay sii da ayen ka dib marki la bixiyay lacag madax-furasho ah .

Burcadda ayaa ku hanjabtay in ay dili doonaan ardayda kale ee ay afduubka u haystaan haddii aan la bixin madaxfurasho ilaa arbacada, balse sheekha ayaa sheegay in uu arrintan kala hadlay.

' Afduubka waa waa xumaan aan wayneyn'

Gumi ayaa markii ugu horeysay soo caanbaxay bishii Febraayo, ka dib markii uu safar loogu magac daray socdaalka nabada uu ku aaday meel ay koox burcad ah ku dhuumaaleysanaysay oo ah dhulka howdka ee ku yaal gobolka Zamfara.

Tan iyo xilligaas, wuxuu booqashooyin kale oo tan la mid ah ku tagay gobollada Katsina, Kaduna iyo Ni ger, isagoo ku dhiirrigelinaya burcadda inay joojiyaan weerarrada ay geysanayaan.

Inkasta oo uu ku jiro doorkiisa dhexdhexaadinta, waxaa muran dhaliyay in uu u ololeeyay in "cafiska" lo fidiyo kooxaha dambiilayaasha ah ee mas'uulka ka ah mowjadihii afduubyada ee dhowaan ka dhacay waq ooyiga Nigeria. "Haddii waddanku uu cafin karo kuwa afgambiga soo maleegay oo galay dambi khiyaano qaran xilligii maamulkii militariga, burcaddu waxay si doo kale ku raaxeysan karaan cafis la mid ah, xitaa si ka wanaagsan xukunka dimoqraadiga ah," ayuu yiri.

Munaasabad kale, wuxuu ka yiri: "Afduubka carruurta iskuulka, waa xumaan yar, sababtoo ah aakhirka, waad gorgortami karta an haddana burcadu aad ayey uga taxadara an nolosha bina'aada mka, Kahor hadafka bu rcadu wuxuu ahaa in ay galaan magaalo dadka na ay laayaan."

Aragtida noocan oo kale ah ee ku saabsan burcad afduubka u geysatay boqolaal rayid ah, qaarna ayba dileen - dad badan ayaa u arka inuu naxariis u muuji nayo dembilayaasha, taas oo sii kicineysa carada iyo kala qeybsanaanta xagga diinta, gobolada iyo qowmi yadaha dalkaasi.

Bishii Febraayo, muuqaal si wayn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Gumi oo jeedinaya hadallo uu ku sheegay in askarta aan Muslimka aha yn ee reer Nigeria ay masuul ka ahaayeen amni-da rrada.

Waxaa canbaareeyay ururka saamaynta badan leh ee masiixiyiinta ee loo garanayo (CAN), taasi oo sii xoojisay xiisadaha dhanka diinta ah iyo kuwa qo wmiyadaha ee muddada dheer soo taagnaa, halka ciidanka ay dhankooda sheegeen inuu "si ula kac ah u doonayay inuu liido ciidamada Nigeria uuna muu qaal xun ka bixiyay."

Gumi wuxuu sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fahmay, fariintiisa dhabta ahna si khaldan loo fasiray.

Dedaallada dhexdhexaadinta ee Gumi ayaa sidoo kale ka dhigtay inuu bartilmaameed u noqdo kooxda xagjirka ah ee Boko Haram, oo hoggaamiyahooda Abubakar Shekau uu soo saaray farriimo uu ugu han jabayo wadaadka. Wuxuu sidoo kale dhalleeceeyay sida "xun" ee dhibaatada ammaanka uu u maareeyay madaxweyne Muhammadu Buhari, taas oo iyana dhalisay jawaab celin ka timaadda maamulka, siyaas iyiinta ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, iyo kooxaha diinta. Sheekha wuxuu sidoo kale beeni yay inuu ka tir san yahay ururo siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, 2019 waxaa lagu shabadeeyay inuu xubin ka yahay xisbiga mucaaradka ah ee PDP, ka dib markii uu soo baxay isaga oo la sawiran Atiku Abubakar, oo xiligaa ahaa musharaxii madaxwayanim ada xisbiga PDP.

MACLUUMAAD MUHIIM AH OO KU SAABSAN SHEEKH AXMAD GUMI

•Waxaa uu sannadkii 1960 ku dhashay gobolka Kano

•Waa wiilka ugu wayn ee alle ha u naxariistee Sheikh Abubakar Mahmud Gumi, oo ahaa wadaad caan ah oo qaadi ka ahaa maxkamada racfaanka ee shareecada Islaamka ee waqooyiga Nigeria.

•Waxaa uu bartay caafimaadka wuxuuna ku biiray militariga Nigeria isaga oo ahaa sargaal dhanka caafimaadka u qaabilsan.

•Waxaa uu ciidamada ka gaaray darajada kabtan ka hor inta uusan shaqada ka fariisan, waxaa uuna u wareegay magaalada Makah oo uu ka so bartay Usuulul Fiqiga Islaamka.

•Waxaa uu imika Mufti ka yahay oo uu maamulaa masaajidka Sultan Bello ee Kaduna

•Waxaa sheekha u joogta 7 carruur ah.

Tan iyo bilowgii sannadkan, Sheekh Gumi wuxuu la kulmay dhowr hoggaamiye burcad ah si "uu uga waaniyo xagjirnimadooda".

Bishii Febraayo wuxuu la kulmay hoggaamiyaha koox burcad ah oo afduubtay 42 qof, oo ay ku jiraan arday. Muddo yar ka dib waxaa la siidaayay dadka afd uubka loo haystay.

Ka dib afduubkii illaa 20 arday oo ka tirsan Jaama cadda Greenfield ee gobolka Kaduna, bishii Abriil, Gumi ayaa lagu sheegay inuu ku boorriyey Bangiga Dhexe ee Nigeria in kooxda afduubka gaystay la siiyo madax furashada ay dalbadeen oo gaareysa $260, 000 iyo 10 ah mootooyin nooca Honda. Lacagtaa si madax-furashada ah wali lama bixin, waxayna burc adda wali gacanta ku haysaa ardeydii ay afduubteen. Gumi ayaa is difaacay isaga oo shee gay: "ma ahi qofkii ugu horreeyay ee la wada xaaj ooda burcadda, mana booqan burcadan aniga oo aysan ila soconin

saraakiisha dowladda."

XIGASHO:BBC

FADLIGA IIDUL FIDRIGA (IID MUBAARAK ) {QOLKA WALAAHA IS JACEL ILLAHAY DARTIIS IYO KHERKA|}

Ciid Mubaarak guud ahaan aqristayaasha qiimaha iyo qadarinta naga mudanaw waxaan Shalay qormadan kaga hadli doonaa iida idul fidriga iyo waxyaalaha la xidhiidha

Ummad kasta waxay leedahay ciido iyo munaasabado dabaaldegyo ay weeneeyaan. Sidaa darteed ayaa wuxuu Illaah (sw) ummadda Islaamka u gu galladeystay labo ciidood oo kala ah Ciiddul-fidri-ga (Ciidda soonfur eed), iyo ciiddul-Adxa, muslimiintana meel walba ay joogaan way ciidaan oo ay u dabaal degaan labadaas ciidood.

WAA MAXAY XIKMADA LAGA LEEYAHAY CIIDAHA

Xikmadda iyo ula jeedada ay Muslimiinta ay isugu imaanayaan Salaad da labadaas ciidood ayaa ah inay ku kulmaan farxad sidoo kale si ay isu bartaan oo ay isu xiriiriyaan, sidoo kale qaarkood qaarka kale ugu bogaad iyo munaasabadda ciidda si ay isu jeclaadaan oo ay u midoobaan.

Rabbi (sw) wuxuu maalmaha Ciidul-fidriga iyo Ciidul-adxa ummadda Muslimiinta u jideeyay cibaadooyin sida gudashada Salaadaha labada

 

ciidood. Goorta iyo waqtiga la jideeyay labadaas salaadood waxay ahayd Sannadkii koowaad ee

hijriga, waana Sunno lagu adkeeyay qof ka stoo muslim ah rag iyo dumar kuu doono ha noqdko qofkaas. Salaadaha Ciidda ma laha aadaan iyo aqi mitaan toona. Ibn Qa yim Allaha u naxariistee wuxuu yiri ” Rasuulka (scw) markuu yimaado Mus allaha lagu tukado wuxuu geli jiray Salaadda aadaan iyo aqimid la’aan toona”. Cabdillaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee isagana wuxuu yiri ” Ma ahayn Rasuulku (scw) kii adima ama aqima maalmaha ciiddul-fidr iga iyo ciidul-adxa.

Rasuulka (scw) markuu Salaadda u soo baxayo wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kan ugu qurxoon, wuxuuna cuni jiray xabado timir ah. Anas Binu Maalik (rc) wuxuu yiri, Rasuulku (sw) uma kallihi jirin Salaadda Ciidul-fidri-ga ilaa uu ka cuno xabado

timir ah, wuxuuna u cuni jiray si tiro is dhaaf ah.

Rasuulku (scw) wuu soo qubeysan jiray, waxauuna xiran jiray dharkiisa kan ugu qurxoon waa marka uu soo aadayo Salaadaha Ciidaha, iyadoo uu u soo lugeyn jiray fagaaraha Salaadda lagu oogayo. Markuu fagaaraha Salaadda yimaadana wuxuu tukin jiray Muslimiinta.

Waxaa wanaagsan inay Muslimiinta ku ogaan Salaadaha Ciidaha me elo fagaaro ah, sidaasna ayuu Suubana Rasuulka (scw) sameen jiray. Sid aa darteed waxaa habboon in ay muslimiinta qaataan Sunnada Rasuulka (scw), iska daaba waaba amar uu Rasuulku nagu amray inaan soo xira nno maalintaas dharkeena kan ugu qurxoon, sidoo kalena aan isa soo ca rfino oo aan soo marsano barafuunno udgoon, sidaasna waxaan ka fahmi karnaa Xaddiiskii uu werinayay Al-Xasan Al-Sabdhi in uu Rasuulka (scw) amray muslimiinta inay xirtaan dharkooda ugu qurxoon, isla mar ahaanta ana ay isu soo carfiyaan.

Dadka laga doonayo inay la yimaadaan Salaadaha Ciidaha waa dham maan rag iyo dumar, ilmaha yar yar, dadkaas ha ahaadeen musaafiriin iyo ha ahaadeen kuwa guryahooda jooga. Dhammaan dadkaasi waa laga do onayaa inay la yimaadaan, xitaa wuxuu Rasuulka (scw) dumarka aan daa hirka ahayn (caadada ku jira) inay yimaadaan goobaha salaadda Ciidda, si ay u dhageystaan wacdiga iyo kheyraatka goobta ciidda ka baxaysa, dhinaca kalena ay farxaddooda la qaataan muslimiinta.

Salaadda Ciidda waa labo rakcadood, rakcada hore waxaa la takbiirsa nayaa (oranayaa Allahu Akbar) 7 jeer, rakcada danbena 5 jeer iyadoo tak biir kastana gacmaha kor ahaan loo koryeelayo, akhriska qur'aankana (qi raa'adana) waxaa la aqrinayaa takbiirtaas gadhaashood sida faataxada iyo wixii kale oo qur'aan ah. Rasuulku (scw) wuxuu salaadda kadib u ista agi jiray khudbad isagoo wacdin jiray muslimiinta. Marka hore wuxuu Ras uulka (scw) ku bilaabi jiray khudbada ku mahadinta Alle (sw) iyo ammaan tiisa, iyagoo musliintana ay fadhiyaan oo ay dhageysanayaan khudbada Nebiga.

Cayaarta bannaan, madaddaalada iyo damaashaadka hufan, anaashiid ka iyo heesaha wanaagsan (anaashiidka) ayaa waxay ka mid yihiin calaa madaha uu Islaamka ku sharciyeey maalmaha Ciidaha, si ay nafta ay ugu raaxeysato waxyaalahaas aan xusnay.

Caa’isha Allaha ka raalli noqdee, ayaa maalin iyada oo ay u haysayaan labo jaariyadood (gabdhood) ayaa waxaa u soo galay Abii-Bakar (rc) mar kii uu arkay inay labadii gabdhood ay heesayeen, wuu ka carooday wuxuu na arrinkaa ku canaantay gabadhiisa Caa’isha. Rasuulka (scw) oo aan markaa meesha ka fogeyn ayaa maqlay hadalkii Abii-Bakar, markaasuu ku yiri ”Faraha ka qaad”, wuxuuna Rasuulka (scw) Abii-Bakar u sheegay in ummad kasto ay leedahay ciido u gaar ah, Shalayna ay tahay ciid deenna. In kastoo aan ognahay arrinkaa, haddana waxaa lagama maar maan ah in ay noo kala caddaato cayaarta iyo damaashaadka uu Islaam ku sharciyeey maalmahaas iyo tan uusan sharciyeen. Meelo badan oo ka mid ah dunida Islaamka waxa ay sameenayaan waa wax aan Islaamka as al ku lahayn sida qabashada caweysyada lagu soo bandhigo fidnada iyo sharka, riwaayadaha ay jilayaan dumarka qaaqaawan, heesaha aan ba nnaanayn iwm. Waxaan shakki ku jirin in arrimahaas oo dhan ay ka mid yi hiin waxyaabihii uu Islaamka diiday. Gunaanadka hadalkayga waxaan Um madda Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed leeyahay ku ciida meel walba aad joogtaan ciid wanaagsan, Illaahna ha inaga aqbalo guda shada

Zakada Fidriga waxaa lagala jeedaa zakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu dambeeya ee bishan barakaysan ee ramadaan ama maal inta koowaad ee bisha xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kalo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga. labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin sharciga oo sidaa u qeexay.

Waxaa hadaba sidaa loo magacaabay iyadiiyoo ay tahay quud si sad aqa ah loo bixinayo, tan oo lagala jeedo in ajar iyo mushqaayad lagaga helo xaga rabi iyo dhamaystir ku jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in zako loogu magaacaabay maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xa ga rabi dahirnaan. Sida qoran wax wayn bay ka tari doontaa bxiyaha sada qadaa hadii uu waqtigeedii ku bixiyo islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lah ayd ee mudnayd. XIGASHO: FACEBOOK XUSEEN XASAN IBRAAHIN.

MAAMULKA IYO HOWLADEENNADA WARGEYSKAN OO HABLAYADA CIIDUL FIDRIGA U DIRAYA MACAAMIISHIISA IYO UMMADAHA MUSLIMIINTA.

Maamulka iyo howladeennada Wargeyska M.Times Daily News Paper waxaa uu ugu Hab layeynayaan Maalinta Farxadda leh ee inagu soo fool leh hadduu rabbi idmo ee Berrito ah oo ummadaha muslimiinta dhammaan ay u tahay ci idul fidriga waxaan leenahay CIID-MUBAARAK

Maamulka iyo Howladeena ayaa idin leh ha ddaad tihiin Dhammaan Macaamisheena qeyba hooda kala duwan iyo Akhristayaasheena ku tax an Akhriska wargeyskaani ee walayaalayaashee nna Qiimaha lahoow inaga guddooma Hambal yada Maalinta Ciidul Fidrikaga ee ku Aaddan Berito oo Khamiis 13-May 2021-ka waxaana idin leenahay inagula Ciiddan Faraxad iyo Nabad Alle hanaga dhigo kuwii hela kheyrikiisa iyo nimcadiisa.Walalaayalaan Maadaam aan gudanay Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan Abaalkiisanaaan Alle ka Rajeyneyno inuu na Waafajiyo haddaanu nahay ummad Muslimiin ah.Haddaanu nahay maamulka wageyskaani aan kuwada duceynaynaa inaan ku gaarno Bishaan Bisheeda Samo iyo Qeyr badan Insha Allaah Waxaan leenahay Macaamiisheena Meel kasta oo ay ku sugan yihiin inagula ciida hadduu Rabbi Idmo Ciidul Fidrigai nagu soo fool leh.

Waxana alle inooga wada Rajeynayaa inaan sanadkaan kiisa kale aan ku wada gaar no Nab ad iyo Baraare uu Allena Waafajiyo Dhamman teen kheyrkiisa waxanaa idin leen ahay

CIID WANAAGSAN { MUBAARAK} {KULLU CAAM WA ANTM BIL KHEYR

Aamiin Aamiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip