Madaxweynaha: "Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay naftooda u hureen dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya''

0
Tuesday April 05, 2016 - 10:01:43 in Wararka by
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay naftooda u hureen dib u dhiska iyo nabadda Soomaaliya''

    Muqdisho, April 4, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray madaxda iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, munaasabadda sannadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, April 4, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray madaxda iyo hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, munaasabadda sannadguuradii 5-aad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta televishanka qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

"Muddo aad u gaaban oo shan sanno ah ayaa televishanka qaranka markii dib loo hawlgeliyey waxaa uu qabtey hawlo badan. Horumarka SNTV waa mid muuqda, waxaana taa uga mahad celinayaa madaxda, shaqaalaha iyo weriyeyaasha SNTV oo dhab ahaantii muujiyey dadaal dheeri ah iyo waddaninimo’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weriyeyaasha Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin kuwa SNTV ay xaalado adag ku soo shaqeynayeen, isla markaana ay naftooda halis u geliyeen nabadda iyo horumarka dalka.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen weriyeyaashii idaacadda qaranka iyo kuwa idaacadaha maxalliga ee naftooda ku waayey intii ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo. Waxan Ilaahay uga baryayaa naxariistii inuu janno ka waraabiyo. Ujeeddada argagixisada waxaa weeyaan inay aamusiiyaan shacabka, taasina waxaa si geesinimo leh u diiday weriyeyaasha’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in qiimaha weriyaha Soomaaliga uu ku fadhiyo aaney jirin wax loo dhigo, ayna waddanka ku leeyihiin abaal aad u weyn, cid walbana ay ka marqaati kacayso waxqabadkooda san.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaan u jeediyay qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, sida Raadiyaha. SNTV, wakaaladda wararka SONNA, wax soo saarka barnaamijyada iyo kuwa kaleba horumarka ay gaareen dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta , Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka warbixiyey horumarka la gaarey iyo qorshaha mustaqbalka ee wasaaradda.

Televishanka qaranka ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysey la aasaasay sannadkii 1983-kii, hase yeeshee waxaa hawlihiisa ay joogsadeen 1991-kii. Waxaa uu Tv-ga dib u hawlgaley sannadkii 2011, kadib dadaal ay sameeyeen wasaaradda warfaafinta iyo shaqaalaheeda.

-----------DHAMMAAD------------


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

MyStream 0.mov.Still020
MyStream 0.mov.Still013
MyStream 0.mov.Still009
MyStream 0.mov.Still006
12966030 1187738071266575 826431773 n
12966640 1187738154599900 604133752 n
12920927 1187738137933235 2035352304 n
12966303 1187738004599915 358068171 n
12968563 1187738044599911 1195616213 n
facebooktwitter
 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip