Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalkaan hogaaminaysay, ayaa sheegay in ciidamada sababta deeganadaasi ay u tageen ay tahay sidii ay uga raadin lahaayeen Shabaab la sheegay deeganadaasi inay ku dhuumaleystaan.
Inkastoo aysan jirin dadka howlgalka lagu soo qabtay oo Saxaafadda loo soo bandhigay, ayaa Saraakiisha ciidamada Jabuuti waxa ay sheegen inay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ammaanka lagu xaqiijinaayo.
Deeganada hoostagga Degmada Jalalaqsi, waxaa xilliyada qaar weeraro qorsheysan ka soo qaado xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Jabuuti ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, ayaa Gobolka Hiiraan waxaa looga yaqaanaa Hiil Walaal, waxaana ay kasbadeen Bulshada reer Hiiraan.
Daawo Sawirada: Ciidamada Jabuuti oo howlgalo ka sameeyay duleedka Degmada Jalalaqsi
Ciidamada Jabuuti ee howlgalka Amisom qaybta ka ah, ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay waxa ay ka sameeyeen deegaano hoostagga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.