Xareed Buraale Seyd oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda Somaliya, ayaa ku waashay qaraxyadii saf mareenka ahaa ee bishii hore gil gilay Degmadaasi. Baardheere waa Degmada ugu wayn Degmooyinka Gobolka Gedo.
Maxamed Cali oo ka mid ah dadka reer Baardheere, ayaa Dhacdo.com kaga waramay dilka uu Xareed Buraale Seyd u gaystay Korneyl C/samad C/laahi Dilaal.
Maxamed, ayaa yiri "Shalay galab ayuu u yimid askar meel joogtay, wuxuu ku yiri hala i siiyo qorigaygii. Waxaa dhacday cabaar ka dib in askari uu ka fara maroojiyo qori AK47 ah, wuuna la cararay. Ciidan kale oo ay iska soo hor baxeen ayuu rasaas ku furay, rasaastii ayuuna ku dhintay Korneyl C/samad C/laahi Dilaal.”
Waxaa uu intaa ku daray "Korneyl Dilaal kama mid ahayn askartii la rasaaseeyay, balse isagoo darbi fadhiya ayay rasaasta ugu timid. Xilligan wada shaqayn lama lahayn Saraakiisha Dowladda ee joogta Magaalada Baardheere . Allaha u naxariisto wuxuu ahaa nin aad qaali u ah oo reer Baardheere ahaa.”
Wararka saakay laga helaayo Degmada Baardheere, ayaa waxay xaqiijinayaan in Saldhiga Booliska Degmadaasi lagu soo xiray askarigaasi.
XIGASHO:- DHACDO.COM



0 



Nin madaxa looga jiro oo Degmada Baardheere ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Dowladdii Kacaanka
Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in lagu dilay Sarkaal Dowladdii Dhexe Somaliya (Kacaanka) ka tirsanaa, laguna magacaabi jiray Korneyl C/samad C/laahi Dilaal.