
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA ABRIILE 2016-KA
Madaxweynuhu wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.
Sidoo kale qabyoqoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacab ka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soom aaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soo maaliya.
KHILAAFKII XISBIGA UCID OO XOOGEYSTAY IYO FAYSAL OO SHEEGAY IN KU XIGEENKIISA UU XILKII KA QAADAY
Khilaafkii Xisbiga UCID soo dhexgalay, ayaa cirka isku sii shareeray, waxaanay u Qaybsame en garabyo kala taageersan musharaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabbe, ayaa sheegay inuu xilkii uu Xisbiga ka hayay ka qaaday guddoomiye ku xigeenkiisa, Cali Gurey isagoo xilkaasna u magacabay Maxamed Cali Muuse (Maxamed Jiir).
Sidoo kale, wuxuu guddoomiyuhu xilkii ka qaady Xoghayihii Xuquuqul insaanka Xuseen Xasan Badmaax, Siciid Aamin Guddomiyihii Qaarada Yurub, C/qaadir Cukaash, Xiriiriyaha Saxaafadda UK.
Xubnahan uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe xilka ka qaaday ayaa timid kadib markii ay la safteen musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo si weyn isku hayaan Faysal Cali Waraabe.
Balse, xil ka qaadistaasi uu gudomiye Faysal ku sameeyey ku xigeenkiisa Cali Gurey waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay musharxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in gole oo dhan yahay lagu doortay Cali gurey, balse aanu isagu magacaabin.
"Faysal Cali Waraabe ma eryi karo guddoomiye kuxigeen Shir Gole Dhexe lagu doortay, isag ana dhowaan xilka laga qaadi doonnaa oo maxkamada la tiigsan doonaa, xisbiga UCID waxa la doo nayaa in loo sadqeeyo xisbiga kulmiye oo Muuse Biixi dabada ka waddo”ayuu yidhi Jamaaal Cali Xuseen oo qoraal ka soo saaray xilka ka qaadista guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Cali Gurey.
Isagoo intaas ku daray. "Waxaan ku wargelinayaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID, iyo dhamaan inta nabadda jecel, inta Dimuqraadiyadda jecel, iyo inta cadaalada jecel in la doonayo in UCID si waali ah loo jaahwareeriyo oo la burburiyo, iyadoo la Adeegsanayo Faysal Cali Waraabe. Waxaad ogaataan Faysal xisbigga shakhsi buu ka yahay, waxaanu u biyeystay in uu dabadda geliyo xisbigga Kulmiye.
Waraaqahaas & hadalladaas uu Faysal sida Jahwareerka ah u soo qorayo ee uu u soo bandhigaayo Warbaahinta waxaa looga soo laqimay Xafiiska Xisbiga Kulmiye. Waraaqahaasi iyo ereyadaasi uu ku leeyahay cid baan eryay iyo cid baan magacaabay kulligoodba waxay baalmarsan yihiin Shuruucdda Xisbiga UCID, Awood u ogolna ma jirto. Wixiisu waa naf la caarid, cay, aflagaado, iyo xil ka qaadis.”
Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee UCID, Cali Gurey ayaa sheegay in aanu jirin awood uu Inj. Faysal Cali Waraabe xilka igaga qaadi karo, balse ay ku kala bixi karaan oo xaga sharciga.
Cali Gurey ayaa xusay in xisbiga UCID la doonayo in laga dhigo xisbi muxaafad ah, isla mark aana dad kale ka dambeeyaan inuu burburo, waxaanu baaq u direy dadka ka naxaya xisbiga inay badbaadiyaan.
"Aniga hadii uu jiroba xil uu ii magacaabay wuu iga qaadi karaa raalina waan ku ahay balse waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go'aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha in uu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo golaha dhexe waa sax waana u hogaasami doonaa,” ayuu ku dooday gudoomiye ku xigeenka 3aad UCID Cali Gurey.
Waxaanu intaas ku daray "Faysal xalka dhibaatada UCID qayb kama noqon karo waayo isaga ayaaba dhibaatada lafteeda ah dhibaato kaloo UCID haysta oo isaga aan ahaynina ma jirto. Markaa dagaalka siyaasiga ah ee UCID waa in UCID la waayo iyo in Faysal la waayo wax ka dhexeeya oo kale anigu ma garanayo. Markaa aan sugno dhamaadka. Hadii ay ta xunba noqoto oo UCID la waayo anigu waxaan noqon doonaa qofka ugu khasaaraha yar waayo dan shakhsi ah oon waayayaa ma jir to balse waxan la qaybsan doona khasaaraha UCID intii xisbiga ah oo dhan. Kuwii iiga badsaday UCID hawlihiisa ee 14ka sanadood ku xoog iyo xiniinyo beelayna waan ka tacsiyayn doonaa. Kolkaa xil waxba ma sheegayo eh waxan bahwaynta UCID ugu baaqayaa inay u midoobaan badbaadinta xisbigooda qaaliga ah si ay u gaadhi karaan higsigoodii UCIDna ugu simaan in uu noqdo xisbul xaak im.”
Laakiin, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu ku dooday inuu isagu markii horaba ka dhigay gudoomiye ku xigeen, isla markaana uu awood u leeyahay inuu eryo.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa xusay in ku xigeenkiisa Cali Gurey uu la kala saftay la ba musharax oo xisbiga KULMIYE ka dhex tartamayey kuwaas oo kala ahaa wasiirkii hore arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yooonis iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi, balse markii uu Muuse Biixi soo baxay uu bilaabay inuu aflagaadeeyo Muuse biixi.
"Cali Gurey markuu Maxamed Biixi uu haray ee uu Muuse Biixi soo baxay ayuu bilaabay cay iyo xagxagasho, waxaanu isagoo magaca xisbiga huwan xilli walba caayey musharaxii kale Muuse Biixi, marka may ahayn in laba nin oo ilmaadeeradi ah u kala hiiliyo, haddii uu hanyeeshay Muuse waxay ahayd inuu isaguna han yeesho, Cali Gurey xisbiga hal qof muu keenin oo deegaankiisa ah” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba ha ahaatee, labadda garab ee loo kala jabay ayaa adag tahay sidii la iskugu keeni lahaa, waxaanu guddoomiyaha Xisbiga ku dooday in Shuruucda Xisbiga lagu kala baxayo, halka garabka Jamaal Cali Xuseena ku doodayaan inay maxkamad la tiigsanayaan Faysal.
XARUNTA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA EE MUQDISHO OO LAGU WEERARAY MADAAFIIC KHASAARE SABABAY
Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen tiro Hoobiyeyaal ah oo shalay lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kuwaasoo ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigleey iyo Hawlwadaag.
Hoobiyeyaashaan, ayaa waxay qaarkood ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aan la sheegin khasaare ay ka sababeen, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, balse waxaa horay weeraro noocan oo kale ah horay u sheegan jirtay Alshabaab.
Sidoo kale, labada ruux ee ku dhaawacmay duqeyntan ayaa la sheegay inay ahaayeen rayid ku noolaa Xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigley iyo Hawlwadaag oo ay tiro ka mid ah hoobi yeyaashan ku dhaceen.
Dadka ku nool xaafadaha ay madaafiicdan ku dhaceen ayaa argagax xoog leh ka muujiyay duqeynta, iyagoo sheegay in laba ruux oo shacab ay dhaawacyo kasoo gaareen, balse lama sheegin cid ku dhimatay.
Bilihii aynu kasoo gudubnay, ayaa waxaa Duqeymo noocan oo kale lagu Weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Weerarradii hore ay dhacayeen xilli uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Somalia, laakiinse duqeynta shalay ayaa lagu soo beegay xilli uu ku sugan yahay Mu qdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalai ayaan weli ka hadlin Madaafiicdan shalay lagu we eraray Madaxtooyada Somalia iyo khasaaraha ay sababeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegay aan in hoobiyeyaashan ay u muuqaal ekaayeen kuwo laga soo tuurayay xaafado ka tirsan Muqdisho.
Ugu dambeyn, Duqeyntan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli daraad Muqdisho lagu dilay af ar qof oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, kuwaasoo lagu kala dilay degm ooyinka Boondheere iyo Wadajir, kooxihii dilalkan geystayna ay baxsadeen.
DHAQAALE AY DOWLADDA SOMALIYA UGU YABOOHDAY ABAARAHA SOMALILAND OO LA GAARSIIYAY HARGEYSA
Xukuumadda Somalia ayaa shalay Hal Milyan oo doollar ugu yaboohday Somaliland, si loogu caawiyo shacabka ay saameynta xooggan ku yeesheen Abaaraha ka taagan gobollada ka tirsan Somaliland.
Deeqdan lacageed ayaa la gaarsiiyay isla shalay Magaalada Hargeysa, Waxaana Garoonka diyaaradaha ee Cigaal xubno ka tisran Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo bogaadiyay deeqdaan ay ku yaboohday DFS.
Sidoo kale, Dhaqaalahan loogu yaboohay Abaaraha Somaliland ayaa la sheegay in laga soo ururiyay Mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Somalia, iyadoo tani ay noqonayso midii ugu horr eysay oo xukuumadda federaalka Somalia ay u dirto Somaliland, tan iyo markii ay abaaruhu dillaa ceen.
RW ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo Garoonka Mu qdisho kula kulmay xubnaha guddiga gurmadha Abaaraha Somalia oo wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay ka mid ahaayeen, ayaa sheegay in dhaqaalahaan oo horudhac ah uu kaalin weyn ka qaadan do ono yareynta baaxada leh ee abaaraha ka taagan Gobollo ka tirsan kuwa Somaliland.
"Waa lacag hordhac ah oo aanu ugu talogalnay in aan gaarsiino shacabka ay ku yeesheen saameynta abaaraha ku dhuftay deegaanno ka tirsan Somaliland, oo ay ka jiraan biyo yari iyo Cunno la’aan. Waxaana dhaqaalahaan iska soo ururiyay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Carte.
Carte ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay tahay mid ALLE ay ugu dhawaanayaan, isla markaana lagu badbaadinayo dadka ay biyo la’aanta iyo cunno la’aantu isku biirsadeen.
Dhanka kale, Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland, Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed oo soo dhaweynta Guddiga dhaqaalahaan deeqda ah waday hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabadan ay ka maragkacayso in dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ay ka damqadeen saameynta abaaraha Somaliland.
SHIR DIB U HESHIISIIN OO SHALAY KA FURMAY MAGAALADA BELEDWEYN
Shir dib u heshiisiin oo ay ka qeyb galayaan beelaha Gobolka Hiiraan ayaa shalay ka furmay magaalada Beledweyn, iyadoo shirkan uu bilowday, xilli lagu wado in dhowaan magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamul u sameynta Labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Waxaa shirka ka soo qeyb galay qaar ka tirsan duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, Xild hib ano ka tirsan Baarlamaanka, Culumaa’udiin, odayaal dhaqameed, ururada haweenka iyo dhalinya rada.
Ugaas Xassan Ugaas Khaalif oo si rasmi ah uu furay shirka dib u heshisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid lagu nabadeynayo beelaha dega gobolka isla markana loo gudbi doono nabadeynta beelaha Somaliyeed ee dega gobollada dalka, isagoo ka dalba day dadka reer Hiiraan in ay ka qeyb qaatan shirka dib u heshisiinta ee shalay ka furmay magaalada Beledweyn.
Afhayeenka shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Gobolka Hiiraan Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeed ayaa sheegay in shirkan uusan aheyn mid qabiil gaar ah u furmay, balse loo furay dhamaan beelaha dega gobolka Hiiraan, waxaana uu xusay in loo bahan yahay in laga wa da qeyb qaato shirka.
Xildhibaanad Samiiro Xasan Cabdulle oo ka qeyb gashay furitaanka shirka dib u heshiisiinka ayaa ku dhaliishay Madaxda dowladda inay iska dhega tireen rabitaanka bulshadka ku dhaqan gob olka Hiiraan, iyadoo wax lagu faraxo ku tilmaamay in shalay magalaada Beledweyn lagu daah furo shir dib u heshisiin oo ay ka qeyb galayaan beelaha dega gobolka.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka ee ka qeyb galay furitaanka shirka ayaa sheegay in ka Xildhibaano ahaan ay tageersan yihiin shirka uu fur ay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isla markaana ay garab taagan yihiin.
Ugaas Xasan Ugaas khaalif Ugaas Rooble ayaa loo doortay Guddoomiyaha Shirgudoonka shirka dib u heshisiinta beelaha dega gobolka Hiiraan, halka Guddoomiye kuxigeenka loo doortay Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage, sidoo kale Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec ay aa loo doortay Afhayeenka shirka dib u heshisiinta reer Hiiraan.
Shirkan dib u heshiisiinta ee ka furmay magaalada Beledweyn ayaa ku soo beegmaya, xilli wali uu khilaaf ka jiro shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo ay gogoshiisa taalo magaalada Jowhar, waxaana illaa todobo oday dhaqameed ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay sheegeen inay ka qeyb galayaan shirka, halka saddex oday dhaqameed ee uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay diideen shirka.
MADAXWEYNE XASAN OO MUQDISHO KULA KULMAY WAFDI KA SOCDA DALKA MASAR.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Masar Masar una qaabilsan Arimaha Afrika Maxamed Idris.
Mahad celin ka dib waxaa la sheegay in kulankaas uu ahaa mid Soomaaliya iyo Masar ay kaga wada hadlayeen in ay iska kaashadaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, amniga iyo Arimaha Bulshada.
Idris Kaaliyaha W/Arimaha Dibedda Masar ee arrimaha Afrika ayaa sheegay in Masar ay diy aar u tahay in Soomaaliya ay ka caawiyaan sidii ay u soo kaban laheyd..
BOQOR C/LLAAHI GEEDDI SHADOOR OO SHALAY LAGU CALEEMA SAARAY MUQDISHO ..
Munaasabad lagu caleema saarayay Boqorka Labada bahood iyo marooyinka Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa ka soo jeeda qoys hogaan dhaqameed ah, waxaana cal eema saarkiisa aad looga soo dhoweeyay meelo kala duwan.
Munaasabadda caleema saarka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin iyo haween, waxaana dhamaan ay dhamaantood sheegay in boqorka lab ada bahood iyo marooyinka uu ahaa mid horay u soo jiray illaa 11 fac.
Sidoo kale xubnihii ka hadlay munaasabada ayaa ayaa kula dar daarmay Boqorka inuu daac adnimo, dulqaad iyo hufnaan ugu adeego dadka boqraday iyo shacabka Soomaaliyeed.
Intii ay socotay munaasabada ayaa lagu soo bandhigay taariikhda hogaan dhaqameed ee Boq orkan, iyadoo ka soo bilaw awoowgii iyo aabihii ay doorar kala duwan ka soo qaateen nabadeynta, halgankii gobonimo doonka iyo isu keenida umadda Soomaaliyeed.
Boqorka ayaa la dhaariyay, waxaana uu balan qaaday inuu ka shaqeynayo midnimada iyo isu keenida shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay xilka weyn ee la saaray, isagoo alle ka baryay inuu u fududeeyo.
Ugu dambeyn waxaa hambalyo u soo diray boqorka Boqor Burhaan, malaaqyada Digil iyo Mir ifle iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed oo u rajeeyay boqorka inuu Alle kula garab galo xilka loo igmaday.
HAWLGALO QORSHEYSAN OO LAGA SAMEEYAY MAGAALADA MUQDISHO, LAGUNA SOO QABTAY RAG HUBEYSAN
Hawlgalo qorsheysan, ayay shalay Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ka sameey een qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qab qabtay rag lala xiriiri naayo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
24kii saac ee la soo dhaafay dilal qorsheysan oo ka kala dhacay Degmooyinka Wadajir, Xamar Weyne iyo Boondheere, ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan shan ka mid ah Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida. Dilalkan qorsheysan waxaa fuliyay niman watay hub iyo gaadiidba.
Ciidanka Nabad Suggida waxay saacadihii ugu dambeeyay ay hawlgalo ka sameeyeen Degm ooyinka Yaaqshiid, Hodan, Wadajir iyo Kaxda, waxayna ku soo qab qabteen nimanka lala xiriirinaayo dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay hawlgalada laga sameeyay Degmooyinkaasi iyo ragga lagu soo qab qabtay.
"Ciidamada barro cayiman oo ku kala yaala Degmmoyinka Kaxda, Wadajir, Hodan iyo Yaa qshiid ayay hawlgalo ka sameeyeen ka dib markii la helay xogta dabley hubeysan oo aan la garan ayn halka ay ka tirsan yihiin.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka, ayaa wuxuu cadeeyay in dableydaasi lala soo qabtay hub iyo gawaarida sida uu sheegay lagu daba joogay, iyadoo uu ka dhawaajiyay in lagu soo xiray Xabsiga Godka Jilacow, oo ku yaala Degmada Boondheere Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
"Waxaa lala soo qabtay hub iyo gaadiid lagu raad joogay, hadda Godka Jilacow ayaa lagu ha yaa, baaris ayaana ku socota. Waxaana looga shakisan yahay dilalka qorsheysan ee saacadihii u dambeeyay ka dhacay Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri C/kaamil oo la hadlay Wakaaladda Wararka Somaliyeed (SONNA).
Xigasho.dhacdo.com
HOGAAMIYAASHA SOOMAALIDA EE GOBOLKA WOQOOYI BARI KENYA OO SHEEGAY IN AY U MIDOOBAYAAN DAGAALKA ALSHABAAB.
Hogaamiyaasha sar sare ee laga soo doorto gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa muu jiyey sida ay uga goantahay in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro xarakada Alshabaab.
Dhamaan hogaamiyayaasha ayaa sheegay in falalka Alshabaab ay geestaan in aysan ka turj umeynin diinta islaamka, iyagoo sheegay in diinta islaamka ay tahay diin nabdeed.
Hogamiyaashaan ayaa daraad ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegatay xiligii Alshabaab ay laayeen arday gaareysay 147 arday oo ka mid ahaa ardayda jam acada Garissa.
Madaxdaan soomaalida ayaa sheegay in soomaaliya oo noqota dal nabdoon ay la mid tahay Kenya oo nabdoon .
Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya heysta Aadan Bare Ducaale, gudoomiyaha degmada Garissa ee gobolka waqooyi Bari Kenya Nadiif Jaamac, Barre Shiil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo safiirka soomaaliya ee Kenya u fadhiya Jamaal Xasan ayaa dhamaan muujiyey sida ay u daneenayaan in Alshabaab waqti uun laga adkaado.
DAGAALYAHANO SOMALI KU BIIRTAY KOOXDA DAACISHTA KA DAGAALANTA DALKA LIBYA.
Ilowareed Maxali ah ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee Alwasad ee dalka Libya inay magaalladda Sirta ee Bariga Libya soo gaareen Dagaalyahanno cusub oo ka tirsan Kooxda Daacish.
Ilaa 20 dagaalyahan oo u kaal dhalatay dalalka Somalia, Tunisia iyo Algeria ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee Jimcihii la soo gaareen soo gaareen magaalladda Sirta, iyagoo la socday Gaadiidka Toyoto Pick Upka.
Dagaalyahanadaasi oo watay Hub iyo Halkudhegyadda Daacish ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Degmadda Sabratha, oo ay ka soo gudbeen Degmooyinka Abu Najaym, Zamzam iyo Jaref waa sida lagu qoray Alwasad.com
Kooxda Daacish waxay kudhawaad hal sanno maamulaysay Degmadda Sirte, waxayna isku ballaariyeen Bin Jawaad ilaa Bariga, iyagoo ka asaasay Imaarad Islaami ah, waxay soo rogeen Sharciyo Adag, waxay bedeleen Nidaamka Waxbarashadda ee Dugsiyadda halkaasi ku yaalla iyo Fasaxa dabayaaqadda Toddobaadkiiba. Dhinaca kale, Kooxda Daacish ee Libya waxay toogasho ku dileen labo walaalo oo ka tirsan Qoyska Bin Nayl Madani, kadib, markii lagu soo oogay inay taageereen Salafistayaasha.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SheekoTaxane ah}
Q/69aad
Raxmo abbaayo macaanto waxaa I deeqay suuradaada aad ka u quruxda badan,waxaad dhex hu ruddaa beerta raa xada ee qalbigeyga , qalanjo raxmo gacaliso waxaan farya ra da kuu gelin doonaa kaatunkii jaceylka ogoowse adduunya du inay tahay jid dheer oo meel uu ku dhammaado aan an laheyn.
Midda kale Raxmo abbaayo macaanto jaceylku wuxuu la mid yahay sida hawada macaan ee hab eenka xilligiisa da mbe ee saamuleylka loo yaqaano soo dhacda balshar kuna uu ku raaxeysto, kuna seexdo ubaxyaduna waxaay u muuq daan kuwa qurux badan samandana waxaa ku xar dhan xidd igo aad u bilicsan oo indhaha insaanka aad u soo jiita mar marka qaarkoodna waxaan niyadda iska iraah daa firaash ey ku seexato gabadha Raxmo ah iyo shaalk Xariirta ah oo ey huwato ayaa kaa Nasiib badan ee allow yaa kaa dhigo iy aga, marmarka qaarkoodna waxaan is we ydiiyaa salaama ha salaanta ugu farxadda badan ee aan kugu salaami lahaa qalanj adaan jeclaayeey iyo qoraalka ugu habboon ee aan ku ugu qaabili lahaa inta aan iga maq an tahayna waxaan isku maaweeliyaa daawashada uba xyada quruxda badan ee ilqa badka leh ee ka baxa ruun kaeenna dhexdiisa si aan waqt iga qaaliga ah aan ugu ga absado waxaanase jeclaan lahaa wixii aan dhambaal kuugu soo qori lahaa in aan afka kaa iraahdo
Raxmo Abbaayo Macaan Jaceylka aan kuu qabo Awg iis waxaad ka dhex muuqataa qalbigeyga iyo indhaheyga baxad soorahooda, waxaana jira xikmad soomaaliyeed oo dhaheyso {shaqsiga cad ownimo abuura miraha qasaaraha ayuu goos taa} ee ha abuurin miraha cadowtinnimada si aadan u gu gur an miraha qasaaraha .
Midda kale Gacaliso Raxmo abbaayo macaan ilaaheey ha inaga dhigo kuwo xusuusta qalbiga Is ku haaya { insha alla ah} oo aan is iloobin balse isu soo hilooba, hana igu no qon sida xikmadii soomaaliyeed ee oraneysay {Dumarku wey Ilo owsho dhaw yihiin }.
Haddana xabiibi Geeraarkaan aadka u macaan igula Raaxeeyso qalbigaada iyo dhegahaaguba xusuustooda ku keydi Gacaliso Macaanto waana kan Geeraarkii:
GEERAAR:
Ø Dahab la moodyeey, da’ yar in aad tahay dadkaan u
Ø sheegaa
Ø Dhaliil looma baahnee dheemman luul in aad tahay dha btii waan ogsoonahay
Ø Damqashada jirkeeygana mabadeyn karaayoo tii naf deydi deeqdaay haddaad dugeyga joogine,
Ø Waxaan daliishadaa tii aan dugsanayeey in aad daacad ii tahay daqiiqadaha sekenkastana uu ku dego dareenkeey
Ø Waxaad tahay gacaladeey mida gabdhaha
Ø gayaankeed guur laga damaaciyo gogol lala wadaagoo guri loo yagleelaa kow waxaad ka tahay raga teey u guux een anna aan gardaadsaday cishigeyna gaamuray ayaan ha guuleyso leeyahay
Ø Caaqiada jaceylkana waxa ay ku garameen hadii gay aan la soo xulan oo guur laga damaacshaa gacalooy in aad tahay garta tey ku qaateen anna aan guulle ka bar iyoon guur inaan wadaagnaa guryo samo ku waarnaa Ogoo beey gacaliso ruux haddaan gacloonayo oonba garab ku siin la
Ø haa guushiisa guurkaa adigaan guddonsday inaan garab ku siiyee ha guuleysto caanshaqa
Ø Macaankii nafteeydaay muuqaalkaaga wacabaa maqs uud iga dhigaayoo macaaneey ha murugoon kuuma quuro meel xune mininkeena waa mide alla mahadi wee yaan in guur laga mqsuud yahay mininkeen la keena aad adigan marwadiisa noqotoo anna aan muhuraanka aabaha midigtaada taagnaa mowle iga yeelaa .
Ø Qalbi kasta waxaa ugu qaalisan inuu ku qancaa qofkii uu jeclaad,kama go’do xusuustiis qaaliga ku ahedee, qiim etnta xiisaha xilliyadii la soo maray baa qalbigya dooda ku xardhanoo kama go’o xiskoodoo xarigii xun waa go’i kii xalaala wuu hari xiisihii wanaagsan xaakin wuu ba guuleyn xaask qoys abuurmayna guushiisu waa gogol iyo duco gu weyne ku gardaadshay gurigaa ubadna waa alle xagii ducan ma duugowdo
Ø Saaxibeey I maqaloo aan kula dardaarmee saacadah aan laga bilaabo in aad sadrigeyga ku weyn tahay sadk eygii jaceylka ayaad tahay ogoowna owrkiida bar la; aan baxana in dugaagu cuno walaaleey , dheemantaan jecla ayey aadanaha dhammaantis adigaan kaa ishaartay aqdar indhah u roon iyo aleel la daawadaad tahay
Ø Asraar kuuma quuroo ceen ubax leh baad tahay,
Ø Abxadkii qalbigeeygaay amart kuuma quuroo amiiradii nafteeydaay ayaad thay
Ø Adigaan ku sugayaa aflaxaad iyo waxaan doonayaa aqal iyo aroos iyo aayo wacan alle ha ina siiyee
Raxmooy walaaleey saacado badan markii ruwaay adala daawaday dabadeed waxaa soo dhammaaday Riwaayadii habeenkaa la daawanaayey Bushra iyo C/qa adir waxaa ey iskala soo baxeen gudihii tiyaatarka wax ayna iskula soo daadageen sallaankiiuu lahaa tiyaatartka , daqiiqado ka dibna waxay soo hor joogsadeen shine mo macallin jaamac, kaftan yar ka dib waxaa loo dhaqaaqay degma da shingaani si gabadha bushra ah loo geeyo xa afadee da, saacado markii ay waaddada lagu sii jiray ka dib Bushra waxaa la geeyey xaafadeediika dibna inta la is soo macalsalaameeyey ayaa goobtii lagu soo kala teg ay.
Raxmo iyo C/qaadir waxaay soo abbaareen goobtii gaariga howlwadaag laga soo raacayey waxaayna ka soo raaceen gaari markii ay daqiiqado saarnaayeen ga arigii ka dib ayay gaarigii kaga dageen isgoyska xaaf adda h/wadaag wax yar ka dibna gurigii raxmo ayaa wa da fariistay qolkii fadhiga daqiiqado ka dibna gabadhii Raxma aheyd waxaa ay talaajad ama firintjeer ay ka soo bixisay falaas ay ku jiraan sharaab qaboow ah aad na u macaan iyo dhadhanba leh labo galas kolkii cabbit aankii la cabbay oo kaftan dheer la galay ka dib has aawe goos goos ahna la isku tebiyey raxmo waxaay soo dhaweysay lamaanaheedii C/qaadir ahaa waxaayna ga ar bus ah ka saartay isgoywski h/wadaag iyagoo isku haat inaya lammaanayaashaas is jeclaa ee C/qaadir iyo Raxmo ayuu gaarigii dhaqaaqay C/qaadir markuu in cab baar ah saarnaa gaariga ayuu gaarigu ugu degay me eshii taagedka u aheyd wuxuuna cagta saaray {halo osigii} gurigiisa geynayey daqiiqado ka dibna …..
W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab}
Tel:- 0618455506
NATIONLINK TELCOME OGEYSIIS QIIMO DHIMIS BALAARAN BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK
waxay maca amiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah
Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18
/ 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah
( prepaid- ka) A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo
$1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal 10 daqiiqo wadamada · USA. · CANADA · CHINA. · INDIA. · AUSTRALIA. · BANGLADESH. · MALAYSIA. · PAKISTAN. · SOUTH AFRICA · SWEDEN NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC
100/222/333
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA ABRIILE 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO PUNTLAND KU BOGAADIYAY OGGOLAANSHAHA QAABKA DOORASHO EE 2016KA Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu bogaadinayaa dadaalka dheer ee Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadd