HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR EE MAANTA OO AH Talaado 27KA ABRIL 2021KA
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay Xabad joojin iyo Shir Deg-deg ah
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, waxaana uu ku baaqay shir degdeg ah oo la iskugu yimaado loogana hadlo arrimaha ammaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalk an jeediyey kadib markii uu la kulmay xubno ka tirsan bulshada rayidka, waxaana uu sheegay
inuu ka xunyahay dhibkii ka dhac ay magaalada Muqd isho 24-kii saac ee u damb aysay.
Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybg alaan waxgaradka Muqdi sho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaa ladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.
"Waxaan farayaa ciidanka sugidda amniga muw aadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka arg agixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.”ayuu yiri Rooble.
Baaqa Rooble ayaa imanaya ayada oo weli magaalada ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay Dorraad ku dagaalameen ciidam ada dowladda iyo kuwa qaar ka mid ah musha raxiinta madaxweyne.
Banaanbax loogaga soo horjeedo Farmajo oo Xalay ka bilowday Mogadishu
Banaanbaxyo looga horjeedo muddo korors iga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Mah ammed Abdulahi Farmajo ayaa Xalay ka bilo wday aaga Mirinaayada ee degmada Cabdicas iis isagoo ku fidey qeybo ka mid ah degmada Kaaraan.
Banaanbaxa oo bilowday afurka kadib ayaa socday muddo saacado ah waxana dadka dib ed-baxaya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku cabirayaan shacuurtooda ku aadan diidmada muddo kororsiga.
Waxaa dadweynaha dibada baxaya socod ka soo bilaabeen Isgoyska Mirinaayada, iyagoo sii maray Isgoyska Sanca, Jardiinka illaa Siinaay.
"Farmaajo ha dhaco, mudo kororsi dooni meyno, Farmaajo dooni meyno Kaligi-taliye dooni meyno” ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawa aqayeen dadka banaanaxa dhigayay waxana ay wateen boorar iyo sawiro.
Magaalada Mogadishu oo weli ay ka jirto cabsi la xiriirta in dagaal uu markale ka qarxo iyadoo dad badana ay ka barakaceen magaalada.
Somaaliya oo heshiis la saxiixatay Midowga Afrika
Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa maga alada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowl adda Sooma aliya ay uga mid noq one yso Wadama da Afrika ee awoodda u leh yareynta Khata raha musiiboo yinka (Afri can Risk Capacity). Heshiiska an waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriiye .
Soomaaliya ayaa noqoneysa waddankii 35-aad ee qeyb ka noqda , waana dalkii u horeeyey ee sannadkaan 2021ka kusoo biiray (ARC)
Dowladda Soomaaliya & Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbaras hada iyo Shaqo Abuurka ah.
Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxb arashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasi irka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka So omaaliya.
Siihayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaq aalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaa nay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu shee gay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado isagu jira shaqo abuur iyo Waxbara sho, taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baa han yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliy eed.
Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuu kar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinay so Midowga Yurub.
Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Maal gashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgel inaysa madhruuca ee Midowga Yurub. Mshruu can oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada.
Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay keydka qaraxyada ee Al-Shabaab
Ciidamada ammaanka ee dowlad gobolee dka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay qeyb ka mid ah Keydka qaraxyada Al-Shabaab, kadib howl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah gobolka Bari ee maam ulkaasi.
Saraakiisha horkaceysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in kadib xog ay ka heleen shacabka ay gacanta kusoo dhigeen qaraxya daasi ku keedsanaa god weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ka qodatay duleedka magaalada Boos aaso, gaar ahaan buuraleyda Galgala. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen qaar ka mid ah miinooyinka ku jiray godkaasi iyaga oo aan geysan wax khasaare ah.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muu jinayo bambaanooyin aad u badan oo ay gacan ta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka iyo sidoo kale walxo kale oo qaraxyada laga sam eeyo.
Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari laga dar eemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.
Muddooyinkii dambe ciidamada amniga Puntland ayaa weerar ku ahaan dagaalyahana da Al-Shabaab iyo kuwa Daacish, iyagoo howl-gallo ka bilaabay dhulka buuraha ee gobolka Bari.
QM oo war kasoo saartay dagaallada MUQDISHO?
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wa xaa looga hadlay dagalladii Habeen hore iyo Dorraad ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Ban aadir, kuwaas oo u dhex eeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasoo horjeedo muddo kororsiga.
Ugu horreyn Qaramada Midoobay ayaa cambia reysay rabshadaha kasoo cusboonaa day magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay walaac xoogan ka muujisay isku dhacyada u dhex eeya ciidamada dowladda iyo kuwa daac adda u ah siyaasiyiinta macaaradka ah.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, wax welib ana ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo deganaan.
"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dha cyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxa an ku boorrin aynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakam ayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri "Rabsha ddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baa qaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaa baan wadahadal degdeg ah,”.
Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli Dorraad xaaladda Mu qdisho ay yare dagan tahay, kadib daga alladii Dorraad iyo Habeen hore ka dhacay gudaha caasimada, iyadoo labada dhinac ay weli isku
horfadhiyaan goobihii lagu dagaala may.
Taliyihii 2aad oo ka mid ah booliska gobolka Banaadir oo ka goostay dowladda
Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga booliska ee deg mada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed uu Shalay ku biiray ciidamada gadoodsan ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dow ladda federaalka ee ku sugan qeybo ka tirsan Muqdisho.
Taliye Faarax oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan ayaa la sheegay inuu ku biiray ciidamo ku sugan aagga Mirinaayo, kuwaas oo Dorraad hal kaas dagaal kula galay ciidamo daacad u ah madxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxam ed Cabdullahi Farmaajo.
Tallaabada uu Shalay qaaday Taliyaha boo liska degmada Yaaqshiid waxay ku soo aad eysaa, iyadoo sidaan oo kale uu Shalay ciidam ada ka gadoodsan mudo kororsiga ugu biiray tal iyihii saldhigga booliska degmada Shibis ee G/Banaadir Farxaan Jaraaye.
Taliye Farxaan Jaraaye ayaa warbaahinta kula hadlay aagga Mirinaayada, waxuuna sheeg ay inuu gartay waxa saxda ah, isla markaana uu ka soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho. Sidoo kalena uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal sokeeye, isaga oo mar kii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxa med Cabdullaahi Farmaajo.
Taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa saraakiisha iyo ciidanka booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, isla markaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa sidaas Shalay garabka dowladda ku baneeyey ilaa laba sarkaal oo laba ka mid ah degmooyin waqooyi ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa booliska Soomaaliya oo hadda saraakiisha ugu sareysa ay daacad u yihiin madaxda waqtigu ka dhamaaday ee qaadatay go’aanka mudo kororsiga ah
Yaa gacanta ku haya goobihii lagu dagaalay ee Muqdisho?
Waxaa Dorraad degen deegaanadii Habeen hore iyo Dorraad ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo ilaalada musharaxiinta qaar oo dhinac ah.
Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marina ayada, Xaafada Tal eex, Isgo yska Dabka iyo qeybo kamid ah de gmada Howl-wadaag, gaar ahaa waddada Maka Al-Mukarama ayaa degen, waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo doonaya inay ogaadaan wixii Dorraad illaa Habeen hore dhacay iyo cidda ku sugan goobihii lagu dagaalam ay . Dhammaan Goobihii ay dagaalada ka dhaceyn ee Marinaayada, Xaa fada Taleex iyo Isgoyska Dabka ayaa waxaa gacanta ku hayo ciidamo daacad ah Xasan Sheekh oo Cabdiraxmaan Cabdishakur Wars ame, Saadaq Joon, iyo kuwa kale oo ka amar qaata saraakiil si toos ah ugu xiran Midowga Musharixiinta.
Dhammaan waddooyinka soo gala goobihii dagaalada dhaceyn ayaa waxaa lagu xiray carro, waxaana difaac kaga jiro ciidamo ku hub eysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.
Ciidamada diidan mudo kordhinta madaxw eyne Farmaajo ayaa Habeen hore muujiyey aw oodooda, waxayna ku guuleysteen inay gubaan afar ka mid ah baabuur oo ay waten Ciidamada Gorgor oo ay tababartay dowla dda Turkiga.
Ciidamada dowlada ee daacada u ah Mad axweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa Habeen hore ka laabtay isgoyska KM4 oo ay dagaa lada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wad dada muhiimka ah ee Maka Al-Mu karrama ku sugan ciidamo taabacsan Mid owga Mus hara xiinta.
Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaaladii dhacay inkastoo ay adag tahay in dhinacyada ay si fudud isku aaminaan maadaama ay Dowladda Soomaaliya ku guul-dareysatay inay fuliso heshiisyadii ay horey ula gashay Midowga Musharixiinta oo ay kamid aheyd inay ogolaat ay in banaanbax ay qabsadan mucaaradka inkastoo markii dambe ay dowladda ka baxday.
Dad badan oo ka barakacay guryahoda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo.
Xildhibaan Fiqi oo jawaab ka bixiyey hadalkii Rooble, lana xiriiriyey dagaalkii 1991-kii
Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay dagaalkii 24-kii saac ee u dambeeyay dhex-maray ciidamo kala taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowla da federaalka iyo ciid amada Musharaxiinta oo garab ka helaya kuwa ka soo hor-jeeda mudo koro rsiga.
Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta kaga fal-cel iyey dagaalladii ka qarxay magaalada Muqdisho, kaasi oo faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaa diniinta, xili ay xiisad taagan tahay.
"Habeen hore fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, ka ma turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo ku wa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo we eraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaami yaal diiday muddo kordhin sharciga hareermar san,” ayuu yiri Fiqi.Axmed Macalin Fiqi ayaa dagaalladdaan la xiriiriyey kuwii 1991-kii, wuxuuna yiri "Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa ma daxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo”.
Waxaa uu ku baaqay in Rooble uu kaalin ka balaaran middii Habeen hore uu ka qaato xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho oo ay isku faro-saareen ciidamo kala taabacsan muc aaridka iyo madaxweynaha waqtigiisa dham aaday.
"Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka bal aaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka du wan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo mag aalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaa soo furimihii Alshabaab laga soo bix iyey!.” " Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Fiqi.
Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo 24-kii saac ee u dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo culus, kaasi oo xoogiisa uu ka bilowday guriga hoggaa miyaha Xisbiga Wad ajir Cabdiraxm aan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla aga gaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.
Xaalada magaalada Muqdisho ayaa u muu qata mid dagan Shalay, inkasta oo ay dh inacy ada is-haya ay wadaan dhaq-dhaqaaq yo, aya da oo aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama lasoo warinayo in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay.
Xigasho:caaasimadda.net
C/C/ Shakuur oo xirtay waddada Cabdi qaasim
Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mu caraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu soo warramayaa inay Shal ay xirteen wadada dheer ee isku xirta isgo ysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa carro ku xiray waddadaasi oo sii marta dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi.
Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu Habeen hore ka dhacay dagaal xoogan.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo hor jeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Say idka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, wa xaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal.
Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana mar kasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qa rxo, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda.
Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo uu hokacayo ra’iisul wasaaraha xil ka sii haya ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo la doon ayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan.
Aqalka Sare oo sharci-darro ka dhigay guddigii Dorraad lagu dhaariyey Villa Somalia
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Sooma aliya Cabdi Xaashi C/hi ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay sharci-darro yihiin
Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, ee Dorraad lagu dhaariyey Villa Somalia, maa daama aan lasoo marsiin, oo aanu soo ansixin Aqalka Sare. Hoos ka aqriso qora alka Cabdi Xaashi Aqalka Sare oo ka digay tallaaboo yin ka ka hor imaanaya Dastuurka Dal ka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Md. Cabdi Xaashi C/hi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahi yay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda 2da Aqal ee Baarlamaanka FS uu ka koobanyahay.
"Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh 2da Aqal ee BFS, hal Aqal kaligiina is kuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in B/Federaalka uu ka kooban ya hay labo gole oo kala ah Gol aha Aqalka Sa re iyo Golaha Shacabka”
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in mud do kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacab ka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dal kana u hor seeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xus ay,
inuu hore soo saaray go’ aan uu ku faahfa ahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara.
Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka
Sida ku cad "Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dast uurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhamm aan tallaa booyinka loo baahan yahay in sha rci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tall aabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:
1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la hor ke eno mid ka mid ah labada aqal ee Baarl am aanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dast uuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarl amaanka Federaalka iyada oo la raa cayo ha braaca dastuuriga ah ee sida faahf aahsan lo ogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.
2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Sooma aliya loo gudbiyo Madaxweynaha JFS si waafaqsan Qod .82aad, Qod.83aad iyo Qod.90aad(f) ee Dast uurka KMG ah; si uu u saxiixo.
3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlam aanka Federaalka uuna saxiixay Madaxw eynaha Ja mhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.82aad, Qod.83aad iyo Qod.85aad ee Dastuurka KMG ah”.
Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meel marin karo Xubnaha Guddiyada Mad axa-ban naan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dag aalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod.112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Gudd igaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobb ada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddig aan.
Haddaba, tallaabooy inka lagu soo mag acaa bay,sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalma rsan yihiin qod obbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen.
Ugu dambeyntii G/Golaha Aqalka Sare ee BFS Md /Cabdi Xaashi C/hi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kas ta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dal ka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraalla da ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.
Urur Goboleedka IGAD oo walaac ka Muuji yay Rabshadaha ka dhacay Muqdisho
Urur goboleedka IGAD ayaa walaac xoogan ka muujiyey dagaaladii ugu dambeeyay ee Cii damada dowladda iyo Ciidamada Millateriga ee taageersan Mucaa radka ku dhexmaray Xaafa do ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada inay is xakameeyaan, isla markaana badnaadiyaan nafta iyo Guryaha dadka rayidka ah.
"IGAD waxay si qoto dheer uga walaa cs an tahay rabshad aha ka socda magaalada Muqdisho waxayna ku boorinaysaa dhama an dhinacyada inay ku dhaqmaan wax wal ba oo xakameyn ah, ayaa lagu yiri” Qoraal ka IGAD.
Sidoo kale IGAD ayaa ugu baaqday ho gg aamiyeyaasha Soomaalida inay ku laabtaan wa da hadalka & sii wadida wada da lagu xalinaayo qalalaasaha doorashada si xal loo gaaro.
Beesha Caalamka ayaa waxaa ay wa daa dadaalkii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxee ya dowladda & mucaaradka, waxaana war ar soo baxaya ay sheegayaan in goobihii la gu dagaalamay langreynaayo Ciidamo ka tirsan AMISOM.
UNHCR oo ka hadashay go’aankii ay Ken ya ku xireysay xeryaha qaxootiga
Masuul sare oo hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa shee gay in dowladda Kenya aysan xiri doonin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Ka kuma laakiin ay dooneyso in xal loo helo.
Filippo Grandi oo booqanayay dalalka DR Congo, Rwanda iyo Burundi, isaga oo kormeeraya dhibaato oyinka xilligan haysta qaxootiga ku sugan go bolka
Bishii la soo dhaafay, Kenya waxay siisay 14 maalmood oo kama-dambeys ah inay ku xiro xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, iyadoo ku anda cooneysa walaac xagga amniga qaranka ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilligaas sheegtay in aanay jirin waddo kale o u furan.
Mr Grandi ayaa u shegay warbaahinta in "wa dahadal aad u wanaagsan ay la yeeshe en dowladda Kenya”.
CC SHAKUUR oo shacabka u digay kadib markii wasiir Beyle uu ka dalbaday lacag
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka ha dlay dhaqaalo xumada soo food-saartay dow ladda waqtigeedu dhamaaday, kadib markii ay dalalka deeqaha bixiya ka goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxm aan Ducaale Beyle ayaa habeen hore shaaciyey in loo baahan yahay in Soomaalidu isku tasha do, maadama ay dalalkii lacagaha badan ku bix in jirey taageerada dowladda ay jarteen, taasi oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay "xeelad cusub oo loogu ga bbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan”.
"Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shac abka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saaca dihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
"Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshu ur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.”
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe, Hantidhowr-ka iyo Xisaabiyaha Qaranka ugu baaqay inay xil iska saaran hantida shacab ka, oo ay u ilaaliyaan.
Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka dee qaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran.
"Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sac uudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagan na hay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.
Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka dee qaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goos tay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.
Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dow lado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa jooj iyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Sooma aliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muran ka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya
Maxaa ka jira inuu billowday wada-hadallo u dhaxeeya dowladda iyo mucaa radka?
Waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho xiisadii dagaal ee u dhaxeysay ciidamada kala taabacsan dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo musharaxiinta mucaaridka, taasi oo bilaabatay Dor raad gelinkii dambe, kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen aaga uu degan yahay madaxweyne X san Sheekh Maxamuud.
Kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dhinacyada is-haya oo dagaal xoo gan uu ma gaalada Muqdisho ku dhex-mar ay 24-kii saac ee u dambeeyay, waxaa ra’I isal wasaaraha uu sheegay inuu waan-wa an iyo wada-hadallo wa do oo uu la leeyah aymucaaradka.
Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, illaa hadda majiro wax wada-hadal toos ah oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka a ma waan-waan ah oo loo gu tagay saraakiisha hogaamineysa ciidanka ka horyimid muddo kor orsiga iyo qaar ka mid ah midowga mushara xiinta oo weerar la gu qaaday hoyga ay ka deg an yihiin magaalada Muqdisho.
Xubno ka tirsan Midowga musharixiinta ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin xiriir dhexmaray mas’uuliyiinta dowladda waqtigooda dhamaaday iyo dhinacyada kala ee ku dag aalamay Muqdisho, taasi oo meesha ka saar eysa sheegashadii Rooble. Wada-hadallada kal iya ee hadda socda ayaa ah kuwa u dhaxe eya musharaxiinta iyo beesha caalamka.
Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in hadalkii ra’iisul wasaaraha uu ku amray cii damada dowladda inay gutaan waajibkooda amni, iyo kii wasiir Xundubey uu ciidamada mu sharaxiinta ugu yeeray maleeshiyo qabiil ay me esha ka saareen in la wada hadlo.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo Habeen hore iska soo duubay muuqaal ayaa sheegay in xii sada taagan uu ku dhameyn doono wada-hadal, islamarkaana uu bilaabay arrintaas, waxaana soo baxaysa inuusan jirin dadaal ku aadan xii sadaan oo ay bilowday dowla dda waqtigeedu dhamaaday.
Arrintaan ayaa sarre u qaadeysa suurta-galn imada in Muqdisho mar kale uu dagaal ka dha co, iyadoo ciidamadu difaacyo iyo dhufeyso ca rro-tuur ay dhigteen goobihii Habeen hore iyo Dorraad dagaalada ka dhaceen, waxaana dadka reer Muqdisho ay qabaan wal-wal weyn iyo dare en ku aaddan amnigooda.
Sheekh Shariif Oo Taageeray Banaanbaxii Looga Soo Horjeeday Farmaajo Ee Dhacay
Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka dhacay waqooyiga Mag aalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Boqolaal dadweyne oo isugu jiray dhalinya ro, Haween, Caruur iyo Oadayaal ayaa afurkii kadib isugu tegay deeg aanka gubadley ee Kaaraan oo ay kasoo dhaqaaqeen, iyagoona aad u careysan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, doorasho diid doonimeyno iyo ha dhaco), isla markaana sitay boorar ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha dalka isaga baxo oo ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii taliye, ayna kasoo horjeedan arrintaas.
Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa socod dheer kusoo baxay Isgoysyada Sanca, afarta Darjiin, Siinaay iyo xararyaae, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in markii ay gaareen xararyaale banaanbaxayaasha halkaas lagu rasaaseeyay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay banaanbixiii xalay ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.
"Waxaan soo dhaweynayaa banaanbaxyada nabadeed ee lagu diidan yahay muddo kororsiga sharci darrada ah ee qaybaha bulshada Gobolka Banaadir ay ka dhigayaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri "Waa tallaabo lagu difaacayo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, waxaana aaminsanahay in dibadbaxyadu yihiin habka ugu wanaagsan ee ay shacabka ku muujin karaan dareenkooda”.
Maalin kahor ayey aheyd markii Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho uu ka dhacay banaanbaxyo looga horjeeday Farmaajo, halkaas oo iska hor imaad kooban ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee mcaaradka kasoo horjeeda Farmaajo.
Prof. Xuseen Warsame oo xog dheeri ah ka bixiyey dhaqaalaha laga jartay DF
Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaa liya, Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladda federaalka ay soo food-saartay dhaqaale yari baahsan, kadib markii laga jartay dhaqaalihii ay ka heli jirtay deeq bixi yayaasha.
"Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sac uudiga iyo Qatar na siiy een ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina De cember iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sag xadda,” ayuu yiri Beyle.
Beyle ayaa sidoo kale dhawaan shee gay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gud aha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.
Haddaba, Maxaa keenay in dhaqaalaha laga jarto dowladda federaalka?
Professor Xuseen Warsame oo dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Calgary ee dalka Canada oo u waramay idaacada VOA-da ayaa sheegay in dhaqaalaha la jartay ay keentay xaalada cakiran ee dalka ka taagan iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda waqtigeedu dhamaaday.
Prof. Xuseen ayaa dhaqaalaha la jartay ku macneeyay "mid gadaal loogu riixayo sidii door asho u qaban lahaayeen madaxda waqtigeedu dhamaaday,” islamarkaana culeys lagu saarayo ka laabashada go’aankii Golaha Shacabka.
"Lacagtii kabta aheyd ee dowladda ayaa ist aagtay, markaa si dowladaha sameysamaya ama kuwa markaas jooga si dabada looga yara riixo (ayaa looga jartay dhaqaalaha), si ay u qab taan doorashada, oo si muuqata ah, marka ay dhamaato ayaa dib loo bilaaba,” ayuu yiri.
idoo kale waxa uu sheegay in lacagta ay jarteen dalalka caalamka ee ay ku taageeri jir een Soomaaliya ay saameyn xoogan ku yeelane yso miisaaniyada dowladda waqtigeedu dhamaa day ee sanaadkaan, "Markii hore haddii ay ku dareen miisaaniyada lacagtaas, dabcan meeshii ay buuxineysay waa banaan tahay”.
Professor-ka ayaa carabka ku adkeeyay in dhaqaalaha la jartay uu soo laabanayo marka ay dalka ka dhacda doorasho oo ay arrintaas aqbalaan madaxda dalka, midaasi oo ilaa hadda aysan jirin ifafaalo muujineysa arrintaas.
Si kastaba, dowladda federaalka ee waqti geedu dhamaaday ayaa wajaheysa culeys dhaq aale oo baahsan, tan iyo markii ay waayeen taageeradii dhaqaale ee beesha caalamka oo balaayiin doollar ku bixin jirtay Soomaaliya.
Barakac ka billowday Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey
Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ka billowday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaas oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto da daallada kasoo cusuboonaday gudaha caasimada.
Shacabka ku dhaqan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay iyo saaka billaabay inay isaga hay aamaan guryahooda, kadib markii ciidamada taa bacsan mucaaradka ay aag ka sameysteen xaa fadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.
Xaafadaha laga qaxay waxaa ka mid ah Tal eex, Siigaale, Shanta Geed iyo xaafadaha ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa billa abay inay u gaaraan xaafada ha kale ee ka caag an dhaq-dhaqaaqyada, sida degmo oyinka Wad ajir, Dharkenley, Kaxda iyo duleedka caa simada.
Inkastoo ay wada-hadallo socdaan ayaa had dane waxaa jira abaabul xoogan oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo haatan isku bira tum anayo.
Muqdisho ayaa xaalad dagaal gashay, kadib markii ay caasimada gudaha u soo galeen ciida mo diidan muddo kororsiga loo sameeyey mada xweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farm aajo), kuwaas oo qabsaday qeybo badan oo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho.
DAGAALKII BADAR {Qeybta-2aad |Qeybteeda 1aad}
Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo gaartay in Maxammed iyo as xaabt iisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay, Dorraad halkaas ayey joogaan. Qureyshna wa xaa iga soo gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay qofkii warkan ii soo sheegay, Dorraad iyaguna halkaas ayey deggan yihiin”. Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay goobihii ay ka la degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku sheegaan cidda ay yihiin. Rasuulku (scw) wuu u sarbeebay oo wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid” oo uu ula jeeday bi yo ayaa nalaga abuuray, ka dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abu ubakr, odeygiina wuxuu lahaa "biyehee? ma biyihii Cira aq?” oo wuxuu u qaatay dhul webi leh sida Ciraaq. Wax aa isku soo dubaridey:
Qeybta labaad
Casarkii markii la gaaray ayuu Rasuulka SCW koox sahan ah u diray ceelkii Badar, waxaana kooxdaas ka mid ahaa Cali binu Abii-dhaalib, Su beyr ibnu Cawaam iyo Sacad binu Abii Waqaas. Markii ay kooxdaasi tageen ceelkii Badar ayey heleen labo wiil oo ciidankii qureysh biyo u dh aaminaya. Labadii wiil ayey soo kexeeyeen, waxa ayna ula yimaaddeen Rasuulka SCW oo tukanaya.
Intii uu Rasuulku SCW tukanayey ayaa labadii wiil su’aalo la weydiiyey oo la yiri "xaggee ka timaaddeen?”, waxa ay yiraahdeen "qureysh ayaan biyo u dhaaminaynay”. Muslimintii qaar ka mid ah, oo weli rajo ka qabay safarkii qureysh, ayaa labadii wiil garaacay. Wiilashii markii ay xanuun sa deen ayey been sheegeen oo dheheen safarkii (qureysh) baan ka nimid”, ka dibna garaacii waa laga daayey.
Rasuulku SCW markii uu salaaddii ka baxay ayuu isaga oo canaanaya ku yiri muslimiintii "markii ay run idiin sheegeen waad disheen, markii ay been idiin sheegeenna waad deyseen. Ilaah baan ku dhaartaye run ayey sheegeen oo qureysh bay ka yimaadeen”.
Rasuulku SCW wuxuu markaas la hadlay labadii wiil oo ku yiri "ka war rama qureysh?”, waxa ay yiraahdeen "duudkaan gadaashiisa ayey jog aan”, Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "meeqa ayey dhan yihiin?”, waxay ay ku jawaabeen "caddadkoodu waa badan yahay”, wuxuu Rasuulku SCW ku celiyey "intee buu dhan yahay caddadkoodu?”, waxa ay yiraahdeen "ma garanayno caddadkooda”. "Intee geel ah ayey qashaan maalintii ” ayuu Rasulku SCW weydiiyey, waxa ay yiraahdeen "maalina 9, maalina 10”. Markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "waxa ay u dhexeeyaan 900 ilaa 1000”.
Rasuulku SCW su’aal kale ayuu weydiiyey oo wuxuu yiri "yaa ku jira odeyaashii qureysh?”, waxa ay ku jawaabeen "waxaa ku jira Cutba binu Rabbiica, Sheyba binu Rabbiica, Abuu Bakhtari binu Hishaam, Xakiim binu Xisaam, Nawfal binu Khuwaylid, Xaarith binu Caamir, Dhuceyma binu Cadiyi, Nadar binu Xaarith, Samca binu-Aswad, Abuu Jahal binu Hishaam” iyo rag kale oo ay magacaabeen. Rasuulku SCW wuxuu mark aas soo qaabilay asxaabtii oo ku yiri "tani waa Makka oo idiin soo tuurtay beerkeeda gobollodiisii”.
Habeenkii markii la gaaray waxaa bilaabatay naxariistii Ilaahay oo wax aa yimid roob, kaas oo dhinicii gaalada aad ugu da’ay oo qooyey, dhul kiina faagay, kuna riday gaaladii caajis iyo in ay goobtii u soo hormari kari waayaan. Dhinicii muslimiintana wuxuu ugu da’ay si naraxiis ah oo wuxuu ka daahiray xumaatadii iyo wiswiskii sheydaanka, wuxuuna adkeeyey qul uubtoodii, lugohoodiina dhulka ayuu ku sugay.
Allena isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
‘‘XUSUUSTA MARKUU (RABBI) IDINKU DABOOLAY HURDO, AAMIN AHAANSHO XAGGIISA KA AHAATAY, IDINKAGANA SOO DAJIYEY SAMADA BIYO SI UU IDINKUGU DAHIRO, OO UU IDINKAGA TAKSIIYO QURUNKA SHAYDAANKA, UGUNA ADKEEYO QULUUBTIINA OO U SUGO GOMADIHIINA”, (Surah:Al-Anfaal – Ayah 11).
Cishihii ka dib ayaa Rasuulku SCW ciidankii soo raray si uu ugu soo hormaro biyihii ceelasha Badar iyo meelihii istiraatijiga ahaa. Markii uu ceelashii afkooda soke marayo ayuu degay. Waxaa markaas istaagay nin la yiraahdo Xubaab binu Mundir oo ahaa nin khibrad u leh xeesha dag aalka, oo yiri "Rasuukii Allow, ma Allaah baa meeshaan ku dejiyey oo mar kaas nooma ahaanin in aan ka hor marno ama ka dib marno mise waa ra’yi iyo xeel dagaal?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri "waa ra’yi iyo xeel dag aal”, markaas ayuu Xubaab yiri "Rasuulkii Allow, meeshaani meel la dego maahane ee socodsii ciidanka ilaa aan ka gaarno ceelasha ugu damb eeya ee dhinacooda (gaalada) xiga oo aan halkaas ka degno, ceelasha kalena xabaalno, darna aan ka dhisanno oo biyo ka buuxinno.
Markii ayuu la dagaallamayno ayeynu biyaha ka cabbaynnaa, iyag una harraad ha ku joogaan”. Rasuulku SCW wuxuu yiri "xaqiiqdii waad ishaartay”, ciidankiina wuu kexeeyey ilaa u ka gaaray ceelashii ugu xigay cadowga oo halkaas la degay. Isla habeenkiiba darkii baa la dhisay, ceelashii kalena waa la duugay.
Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad soo jeediyey oo yiri "Nabigii Allow, maan kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna aan cadowgayaga la kulanno. Haddii Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn, haddii ayse sida kale noqoto, rakuubkaaga ayaad fuuleysaa, waxaadna hale elaysaa raggii naga dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa haray rag aannan annagu jacalkaaga ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen dagaalna, kaama ay hareen, iyaga ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya, kulan jihaadaya”.
Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii Sacad, wuuna u duceeyey dabade edna waabkii ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka dhiseen meel xo ogaa korreysa oo dhinaca woqooyi bari ka xigta goobtii dagaalka waxa ana waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii geed meesha ku yaalley hoostiisa ayuu salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka baryey.
Ka dib wuxuu subixii ku dhex socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna sii sheegay qaar ka mid ah madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi lahaayeen isagoo gacantiisa ku ishaaraya oo leh "halkaani waa goobta heb el la dhig doono berri haddii Alle idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo”. Muslimiintii waxay waabariisteen iyad oo ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo aamin ahaansho. Habeenka asi wuxuu ahaa habeen jimce ah oo bishaa Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga.
Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas ku waabariistey dhinicii kore ee Badar, Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:
”XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN DHINICII U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR), SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD ISKU KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI CAD U HALAAGSANTO, CIDDII NOOLAANA SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE MAQLA OO OG”, (Surah: Al-Anfaal – Aayah 42). Ciidankii qureysheed markuu waabariistay ayuu soo guuray oo soo degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka mid ahayd ayaa soo aaday darkii muslimiinta si ay biyo uga cabaan, markaasaa Rasuulku SCW wux uu asxaabta ku yiri "iska daaya”, biyihii ayey ka cabbeen (nimankii) wax ayna ku laabteen ciidankoodii. Kooxdaas biyaha cabtay goobtii dagaa lka ayaa lagu wada diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane, isaga lama dilin, ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday, markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii Badar iga nabad geliyaan ku dhaartay”.
Osman Bilad Email: osmanbilad@hotmail.com
LA SOCO QORMO KALE
WARGELIN:- Maamulka wargeyskani Wuxuu idiin soo badhi gayaa daruusta Bisha barakeysan ee ramdaan waxaana idinka codasneynaa inaad xafiddaan qoraalada ku yaal wargeyskan oo aadan dhigina meel wasaq ah oo aan ku hab ooneyn alle ha idin xafidee Mahadsanidiin
HALKAAN KA AKRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PEPAR EE MAANTA OO AH Talaado 27KA ABRIL 2021KA
.