Gorfeynta "Godob iyo Gallad" ee uu qorayXuseen M.Cabdulle (Wadaad)

1
Friday April 23, 2021 - 12:43:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gorfeynta "Godob iyo Gallad" ee uu qorayXuseen M.Cabdulle (Wadaad)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Godob iyo Galladwaaqiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo ee qarnigii la Soo dhaafay

    .Hase yeesheein ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro,maadaama si fudud loogu aqoonsakaro astaamo dhowrah.

    Waxaa ka mid ah laf guriga buuggani uu ku qoran yahay,ayna ku hadlaan dadka uu ku saabsan yahay.

Afka buuggu waa mid hodon ah oo ku dhisan waxyaal laha sifada u ah af Soomaaliga.

    Waxaa ka mid ah maansada iyo maahmaah-aha. "Godob iyo Gallad”waxaan ka bartay:

Xalaal iyo xoog

Suu ku xero galo

Midna kuma xuma!

Meel xabbado badan

Oo rag ku xarbiyey

Ooy xinjiri taal

Xayaad ololaay.

"Godob iyo Gallad”waa qaamuus oo kale oo laga baran karo maahmaah-aha xikmadda qotata dheer leh ee abkii horelaga dhaxlay.

    Waxaa ka mid ah:

Adduunyada hawli kama dhammaato.

Allow,eexo hanooga tegin,aqoondarro iyo ogaalxumana hanagu cadaabin.

Aroos laguma naraago,lagamana raago.

Aqoon la’aaneey,dabkaa ba’.

Baroortu orgig ay ka weyn tahay.

Booddo qoyaan kaa lagu qabtaa.

Carrab iyo ilkana waa is qaniinaan.

Damiin far waaweynaa wax loogu dhigaa.

Degdegsiinyo door ma dhasho.

Dhibbadanaa dadaad sugeyso oon soo socon iyo martiaad soortay oo aan kaa socon.

    Fallaartii cirka loo ganay cid walbow filo.

Gari laba nin kama wada qosliso.

Geed walba in gubtaa hoos taal.

Geela waxaa leh ciddii uu mooradeeda ku xeroodo.

Geeri maqar soonto.

Geeriyi waxay kufiican tahay geel jire iyo nin aadan garanaynin.

God sireed ha qodin,haddaad qoddana ha dheeraynin, ku dhici doontidaa ma ogide.

Is ma hurtooy,hays hallayn.

Ka daroo dibi dhal.

Kor waayeel waa wada indho.

La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.

Laba kala bariday kala war la’.

Magac lagaah miskiin maaha.

Ma gefe waa aIlaah.

Masugto meher ma leh/ninkeeduna markhaati ma galo/.

Miskiin ayaa misko la koro leh.

Mukulaal mininkeeda joogto miciyo libaax bay leedahay.

Nin la tumaa talo jirtaa.

Nin xil qaada yeed qaad.

Nimaan cabsan waa loo cabsadaa.

Oday oday loo waayay waa oday la’aan.

Qori iyo qaaciis waa laysla tuuraa.

Sabraa sed hela.

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.

Talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola.

Waa adduunyo nin walbaa tiisaa dabartay.

War jiraaba cakaaruu imaan.

Wareer cawo waa loo waa bariistaa.

Xaalku waa bude-qabe iyo biyo-qabe.

Xoorkii lagu dhamay xagaag iyo xasuusbaa geela lagu xero geeyaa.

Inkastoon ku hawlanah ayururinta iyo baaritaanka maahmaahaha Soomaaliyeed muddo konton sano ah in ka badan,haddana qaar ka mid ah kuwii aan kulakulmay"Godob iyo Gallad”weligay iyo waaqaymanaan arag.

Waxaan si gaar ah ula dhacay waxa afka qalaad lagu yiraahdo IDEOPHONE (jaf,jug,shib ku wad) oo ay weheliyaan falal ka kala ah dhihi,oran,lahaan iyo siin ee buuggani ay ka buuxaan:

dhulka BALAQ bay ku tiri

albaabkii BIIB buu kala haa

afka BULBUL buu ka siiyey

miiska BUUG-BUUG buu ka siiyey

DAF buu soo yiri

qosol yar intuu DHAG-DHAG ka siisay

qolkii DALAQ bay tiri

waxayna DIG soo siisay Xaaji Axmed

albaabkii FAK baa la siiyey

FATAQ baa lagu siiyey fatuuraddii

FIIQ bay tiri fatuuraddii

FUD buu ka sooyiri

GADDOON buu ka yiri gurigii

burriskiina miiska GAW-GAW buu kasiiyey

dhulka HABAQ bay ku tiri

qolka HAW buu ka soo yiri

indhihiisa ilmo ayaa ka HIBITIQ lahaay

in tuuJAF ka yiri

dhegse JALAQ u masiinin warka gebertiisa

tusbaxana JALAW-JALAW buu ka siiyey

afka JUG buu isku dhahay

albaabkii JUGJUG buu ku soo siiyey

rabtay fadhayay uu JUS ka soo yiri

JUUQ baa la yiri

JUUQ iyo JAAQ midna malaha

KUB hayga soo siin

indhaha KULUC ayuu ku siisay aabbaheed

indhaha QAC buu kusiiyey

SHIB dheh

Indhihiisu ilmo baaka TIBIQlahayd

XAF bay siisay

Afguriga ay ku hadlaan jileyaasha buuggu waa mid Banaadiri ah,gaar ahaan,nooca ugaarka ah Muqdisho.Tusaalooyin dhowr ah aan ka bixiyo:

​igaar

​unuka

​minan

​beeso

​mug

​seddax

​maahan

​haya benaan kicihee

​ma imaahaayo

​waan isla socod siiheynaa

​hadhow aan casheeyhaahe

​xaaloo xiray?

​wixii aad jirisiin ma weysiin

​waxaw sheegto waa sii haynaahe

​xaalkaada sow yahay?

​Xaan hee yeelnaa hadda?

"Godob iyo Gallad”dulucdeeda haddii la soo koobo waatan:labawiil oo midka midahi uu reer magaal yahay,midka kalana uu miyi ka yimid oo intii la xirayay aa lagu eedeeyey dembi aanay gelin oo ah  inay dileen gabaray isku deyeen inay kufsadaan.

   Wiilka reer magaalka aha abbihiis aadbuu umurugsanaa,mar hadduu garan waayay wuxuuu qaban kari lahaa wiilkiisa. Tan iyo maalintii wiilkiisii la xiray aabbihiis waxaa ku dhacay belooyin kale oo farabbadan oo uu kuu calool gubyooday: gurigiisii waa la dhacay, afadiisii waa ay ka taktay,shaqadiisiina waa ayka luntay. Haseyee shee gargaarkii uu ka helay laba qof oo hufanay uu dib u soo noolaaday.

    W iilkiisii waa la sii daayay,marwadiisii waaay soo noqotay,shaqo ka wanaagsan tii laga eryayba ayuu helay.

​"GodobiyoGallad” waxyaallobandanooaanlasookoobikarinayaankafaa’iideystay,aqoontauuqoruhuuleeyahaynidaamkacaddaaladdusiduuahaawaqtigiiSoomaaliyauumaamuulayayMaxamedSiyaadBarreaadbaanuladhacay.

​Haddiiwaxlagataataabtanaiimahabuugguuuleeyahay,tiradoodumabadna.Markauguhorreysa,anigahaddaanahayakhristekuhanaqaadaysuugaantaRuushka,gaarahaanqisooyinkiiayqoreenLeoTolsto,FiyodorDostoyevskiiyoAntonJekovayaawaxaan"GodobiyoGallad”kawaayayjileyaalaansahlanaynoodabiicaddooduaymideysoastaamowanwanaagsan,kuwodhexdhexaadiahiyokuwaaanlagufaanikarinba. Dadkauukahadlayanaqoraagulabanoocbayukalabaxaan:kuwawadaqummaniyokuwawadaqalloocanba.Ilamaaha indadkacaynkaasookala ahi aykubadanyihiinSoomaalida.

​Taawaxaawelibausiidheerin "GodobiyoGallad”aanaykuyarayngefafxarfo–qoraalahoodhibayaishaakhristahakalagaranogeraysisax ah udaabacaniyomiddadbanba.​Inkastooaysidaasitahay,haddanaaadbaanugahelayXuseenM.Cabdulle(Wadaad)buuggiisa.Kaddibmarkiiaanakhristayboggiiugudambeeyey"GodobiyoGallad”siuumadlunikujirtobaanisuiri: "Ninyohow,waaaykuudhammaataybooqashadiila-yaabkalahaydeeaadkujoogtayMuqdishoaadanhoreuogayn.”

GeorgiKapchits

Moosko

18.04.2021



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip