WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA ABRIILE 2016KA

0
Sunday April 03, 2016 - 09:34:11 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA ABRIILE 2016KA

    MADAXWEYNAHA DALKA KENYA UHURO KENYATTA OO KA QEYB GALAY SANAD GUURADII KOOBAAD EE WEERARKII JAAMACADDA GARRISSA. Madaxda ugu sarsareysa ee dalka Kenya ayaa manta waxaa ay qeyb galeen munaasabadii koobaad ee xuska weerrkii ay Alshabaab ku qaadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA DALKA KENYA UHURO KENYATTA OO KA QEYB GALAY SANAD GUURADII KOOBAAD EE WEERARKII JAAMACADDA GARRISSA. Madaxda ugu sarsareysa ee dalka Kenya ayaa manta waxaa ay qeyb galeen munaasabadii koobaad ee xuska weerrkii ay Alshabaab ku qaadeen jaamacada garisa ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

 

 

Madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa munaasabada loogu dabaal dagayo weerarkii ay rag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen jamacda garissa ka qeyb galay munaasabadaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Waxaa kaloo munaasabada ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, taliyaha ciidanka booliska Kenya General Joseph Boinnet iyo madax kale.

Dhamaan jaamacadaha Kenya ayaa lagu qabtay maanta munaasabado lagu xasuusanayo 147 arday oo ay Alshabaab ku dileen gudaha jamacada garisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Jaamacadaha UoN, Moi, Kenyatta, Mount Kenya, Garissa iyo jaamacda Tangaza University College ayaan arday aysan qaadan wax daraasado ah waxaana badalkeeda ay dhigayeen munaasabo ay ku soo xasuusanayaan weerarkii jaamacada garissa .

Alshabaab ayaa maanta oo kale 2dii bshii april ee sanadkii 2015, xili aroor hore ah waxaa ay weerareen jaamacada garissa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya oo ay ku dileen 147 arday.

ALSHABAAB OO SHEEGAY INAY DILEEN TALIYIHII AMISOM EE DEEGAANKA SHALANBOOD

AlShabaab ayaa sheegtay inay dileen Taliyihii Ciidamada AMISOM ee deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaalo culus oo saacadihii la soo dhaafay dhacay.

Warar lagu baahiyay baraha Internetka ee taageera AlShabaab ayaa lagu sheegay in dagaalo dhacay Jimcihii shalay iyo khamiistii ay ku dileen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda.

Sidoo kale AlShabaab ayaa sheegay in Taliyaha ay la dileen illaa todobo askari, kadib dagaalo ka dhacay wadada isku xirta deegaanka Janaale iyo Buufow.

Ma jirto war ka soo baxay Taliska AMISOM, hase ahaatee waxaa dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo AlShabaab ka dhacayeen agagaarka Janaale.

Ciidamada AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay madaafiic ku garaacayay tuulooyinka u dhow dhow Janaale, waxaana ka barakacay dadkii ku dhaqnaa inta u dhaxeysa Buufow iyo Janaale.

Dhinaca kale waxaa socdo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Ciidamada AMIOM ku doonayaan inay ku qabsadaan deegaanka Janaale, halkaaso kol hore ay isaga baxeen Ciidamada AMISOM, markii la weeraray xero ay lahaayeen.

NIN U DHASHAY TANZANIA OO ALSHABAAB KU DILEEN DEGMADA JILIB

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in nin u dhashay Tanzania oo ka bar bar dagaalamayay AlShabaab lagu dilay meel fagaare ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

Ninka la toogtay ayaa lagu magacaabaa Ciise Jeemis Muwaysiga oo 27 jir, kaasoo sanadkii 2013 ku biiray AlShabaab, waxaa ninkan la sheegay inuu Maxkamad ka hor qirtay inuu u basaasayay Sirdoonka Mareykanka.

Qaadiga maxkamada ayaa sheegay in Ciise uu ku dhashay magaalada Daara Salaam, isla markaana isagoo iska dhigaya muhaajir uu ku soo biiray AlShabaab, isagoo muddo maleegayay shirqoolo ka dhan ah hogaamiyeyaasha AlShabaab.

Fagaaraha lagu fulinayay dilka ninkan ajnabiga ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan oo ka kala yimid xaafadaha degmada Jilib iyo deegaanada ku dhow dhow.

Waa markii u horeysay ee AlShabaab ay meel fagaare ku toogtaan nin ajnabi ah oo ay ku eedeeyeen inuu u basaasayay Sirdoonka Mareykanka, hase ahaatee waxaa horay alShabaab dilal ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay basaas ahaayeen.

MARAYKANKA OO QIRAY IN DUQEYMAHOODA DAD SHACAB AH AY WAX KU NOQDAAN

Madaxweynaha dowladda Maraykanka Brack Obama ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Droneska ah ka fuliyaan wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya uu jiro khasaarooyin dhimasho oo ka soo gaarta dad rayid ah ee aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Maraykanka oo Khudbad ka jeedinayay shir looga hadlayay arrimaha Nucklearka oo ka dhacay Washnigton ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaadanayo masuuliyadda weerarada ay diyaaradahooda ku dileen shacabka.

Isago ka hadlayay Madaxweynaha Maraykanka duqeymahooda ay ka fuliyeen Soomaaliya ayuu carabaabay in kuwoodii ugu dambeeyay ay ku dileen 150 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab ee xiriirka laleh Ururka Al Qaacida.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa la kulmayay dhaleeceenno xoogan oo ku aaadan duqeymaha diyaaradahooda ku waxyeeleeyaan shacabka.

ILLAA AFAR RUUX OO SHALAY SIYAABO KALA DUWAN LOOGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO

Kooxo Hubeysan oo watay gaari ayaa maanta si kala gaar gaar ah illaa afar ruux ugu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka la dilay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugida.

Wararka ayaa sheegaya in maanta barqadii kooxo hubeysan oo gaari wadatay ayaa degmada Wadajir ku dilay labo ruux oo mid uu Sarkaal ahaa, kadib markii la rasaaseeyay gaari ay la socdeen.

Sidoo kale weeraro kale oo noocaan ah ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Boondheere, kaasoo lagu dilay illaa labo ruux kale oo iyana la sheegay inay ahaayeen Saraakiil.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaari la rasaaseeyay uu ceyrsanayay gaari kale oo ay saarnaayeen rag hubeysan, waxaana markii ay u dhowaadeen ku fureen rasaas.

AlShabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarada, isla markaana ay dileen saraakiil ka tirsan Nabadsugida.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan weerarada kala duwan ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Arbacadii ayay aheyd markii rag hubeysan oo gaari watay ay rasaaseeyeen gaari ay la socdeen shaqaale Turkish ah, waxaana weerarkaas lagu dilay labo muwaadin Turkish ah oo ay wehliyeen saddex ruux Soomaali isugu jiray, Turjubaan, nin Ilaalo ah iyo darawal.

SOMALI MARAYKAN BOORSO LACAG DOLLAR KA BUUXO LA RAACI LAHAA DIYAARADA KU SII JEEDAY DUBAI OO LA QABTAY.

Boliska Maraykanka ayaa ka helay Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Maraykanka Kumanaan Dollar oo ku jirtay Shandad, laguna soo duubay baco Balaastik ah.

Boliska waxay sheegeen kharajka ay qabteen inay ahaayeen Kumanaan Dollar oo Kaash ahaa oo isugu jirtay 20Dollar, 50Dollars iyo 100Dollars.

Boliska waxay sheegeen inuu Kharajkaasi watay Nin Somali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame oo shaqaale ka ah Shirkadda Xawaaladda Midwestern moneytransfer company, taasi oo sannadkii hore laga xiray Nidaamka Caalamiga ee Bangiyadda.

Shirkadda waxay haatan lacagaha caddaanka ku gudbiyaan gacanta, oo ma isticmaasho Nidaamka Xawaaladaha iyo Bangiyadda toona.

Boliska waxay sheegeen inuu Kharajkaasi watay Nin Somali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame oo shaqaale ka ah Shirkadda Xawaaladda Midwestern moneytransfer company, taasi oo sannadkii hore laga xiray Nidaamka Caalamiga ee Bangiyadda.

Shirkadda waxay haatan lacagaha caddaanka ku gudbiyaan gacanta, oo ma isticmaasho Nidaamka Xawaaladaha iyo Bangiyadda toona.

Markii Nidaamka Xawaaladaha Somalia laga xiray Somalia, waxay Inta badan Xawaaladaha Soomaalida la xiray Kharajka ku qaadaan si Kaash, kadibnma marka ay tagaan magaalladda Dubai ayey Kharajka u si iqeybiyaan Xawaaladaha lacagaha u dira Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Bangiyadda Maraykanka waxay horey u xireen Kumaan Xisaabaadka Lacagta oo ay lahaayeen dad iyo Ururo loo aqoonsaday inay khatar sare yihiin ama adag tahay in laga kontoroolo Shirkadaha Xawaaladaha, Bangiyadda Shisheeyaha iyo Hay’addo kale oo ah kuwa aan ku dhisnayn inay lacagaha wax ka macaashaan.

SARKAAL KA TIRSANAA ALSHABAAB OO LAGU DILAY WEERAR CIIDAMADA QARANKA IYO AMISOM FULIYEEN

Horjooge sare oo ka tirsanaa AlShabaab, ayaa lagu dilay howlgal si wadajir ah ay xalay ciidamada Midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan Alshabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 argagixisada ka tirsanaa la dilay, kaddib markii duqeyn cirka iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ku teedsan waddada isku xirta Buufow iyo Jannaale.

Tiro kale oo ka tirsanaa alshabaab ayaa la qaarajiyey labadii maalmood ee u dambeysay kaddib markii ay isku dayeen in ay horistaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliyeed ee howlaha horumarinta ah sida dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka ka wada deegaanadaas.

"AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxa ay sii wadi doonaan nadiifinta wadooyinkaan, ayadoo ilaa iyo hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxa ay isku xirtaa Beledulamiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledulamiin iyo Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale halkaas oo ay AlShabaab iska caabin kala horyimaadeen ciidamada” ayuu yiri Brig. General Okiding.

Ciidamada isbaheysanaya (AMISOM iyo SNA) waxa ay wadi doonaan in AlShabaab laga sifeeyo deegaannada ay haystaan ee ku xeeran Jannaale, si dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska AlShabaab.

"AlShabaab isma qarin karaan, waana wadi doonaa in aan u diidno in ay helaan goobo ay ku badbaadaan si dadka looga xoreeyo AlShabaab,” ayuu sii raaciyey.

DOWLADDA JAPAN OO KAALMO LACAGEED UGU DEEQDAY DADKA KU MACLUULSAN SOMALIA IYO DALAL KALE.

Safiirka Dowladda Japan u jooga dalka Ethiopia, Kazuhiro Suzuki ayaa shaaciyey inay Kaalmo lacageed ugu deeqeen dadka ku nool Deegaanadda ay Abaaruhu ka jiraan ee dalalka Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Safiirka oo ka hadlay magaalladda Addis Abeba, waxa uu tilmaamay in 30million oo Dollar loogu deeqay dadka ku gaajaysan qeybo ka mid ah Ethiopia iyo hagaajinta xaalladda Qaxootiga ku nool Deegaanadda Soomaalida Ethiopia iyo Gobalka Gambella.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay Dowladda Japan taageero lacageed oo dhan 19.8 million oo Dollars ugu deeqday dadka ku macluulsan dalalka Somalia, Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Yaboohan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia ka digeen inay dad badan ku le’an doonaan macluusha ka jirta qeybo ka mid ah Puntland iyo Somaliland, haddii aan si degdeg ah loo gaarsiin Gargaar Aadminimo.

MAREYKANKA OO XAQIIJIYAY IN WEERAR DHINACA CIRKA AH UU KA FULIYAY GOBOLKA SHABELLAHA HOOSE

Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon), ayaa waxay sheegtay hawlgal qorsheysan oo si wada jir ah, ay habeenkii Khamiista u fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo Somaliya in lagu qaaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Peter Cook, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in weerarkan uu ka dhacay Deegaanka Toora Toorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka, ayaa wuxuu sheegay weerarkaasi in lala bartilmaameydsaday xubno uu ka mid yahay Xasan Cali Dhoore, laakiin aanu xilligan xaqiijin karin dhimashadiisa, islamarkaana ay wadaan baaritaano ay ku qiimeynayaan.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, ayaa sheegay weerarkaasi in lagu dilay Madaxii Amniyaadka Ururka Al Shabaab, Xasan Cali Dhoore iyo xubno kale.

Mar uu ka hadlaayay Peter Cook ujeedada loo beegsaday Sarkaalkan, ayuu sheegay inuu si toos ah ugu lug lahaa weerarkii abaabulnaa ee 25kii bishii December ee sanadkii 2014ka lagu qaaday Xerada Ciidamada Amisom, ay ku leeyihiin Garoonka Aadan Cadde (Xalane), oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Amisom iyo muwaadin Mareykan ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu Dhoore ka dambeeyay weerarkii 27kii March ee sanadkii 2015ka lagu qaaday Hotelka Maka Al Mukarama oo ku yaala Magaalada Muqdisho, laguna dilay muwaadin Mareykanka u dhashay. Peter Cook, ayaa qoraal ku sheegay in Dhoore uu xilligan qorsheynaayay weerar ka dhan ah muwaadiniinta Mareykanka, ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Weerarkan wuxuu noqonayaa noociisii labaad oo muddo bil gudaheed ah, ay Ciidamada Somaliya iyo Mareykanka kaga fuliyaan Koonfurta Somaliya.

 

 

 

 

HANDIDHOWRAHA”CANSHUURTA LAGA QAADO GURYAHA MUQDISHO WAA XAARAAN”..

 

 

 

 

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hadntidhowraha Guud ee Qaranka oo maanta kulan la qaaday Agaasimeyaasha Xukumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa ka ghadlay Arrimo farabadan.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax,ayaa sheegay in Lacagaha ay qaadaan Maamulka Gobolka Banaadir ee laga qaado Guryaha uu yahay mid aan sharciga waa faqsaneyn sidoo kalena iska hor keenaya shacabka iyo Dowladda.

Maamulka Gobolka Banaadir Warqad ayaan u Qornay oo aan uga dalbaneyno in ay joojiyaan qaadista Canshuuraha laga qaado Guryaha ku yaalla Magaalada Muqdisho’ayuu yiri Dr Nuur.

Maamulka Gobolka Banaadir dhankiisa wali kama jawaabin Eeda loo jeediyay Ee ah in Canshuur Sharci daro ah laga qaado Guryaha Muqdisho.

SUXUFIYIINTA SOOMAALIYEED EE YURUB OO TALO KA BIXIYAY KHILAAFKA KA DHEXJIRA NUSOJ..

Magaalada London, ayaa lagu qabtay kulan ay ka Qaybgaleen bahda Suxufiyiinta Soomaali yeed ee ku kala nool Qaar ka mid ah Waddamada ku yaalla Qaaradda Yurub.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa shaqsiyaad magac ku dhex leh bahda Warbaahinta iyo xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo ujeedka kulankaan lagu sheegay sidii fikrado iyo talooyinba loogu biirin lahaa bahda Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ee uu Muranku ka dhextaagan yahay.

Wariyeyaasha kulankan ka qaybgalay ayaa sheegay inay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka, isla markaana ay doonayaan sidii loo xallin lahaa muranka u dhaxeeya Hoggaanka Ururka Suxufiyi inta Qaranka Soomaaliyeed.

Suxuufiyiintii kulankan goobjoogga ka ahaa ayaa waqti ku bixiyay geliyay sidii fikir iyo talooyin ay ugu heli lahaayeen xallinta khilaafka jira, ay dhinacyadu u wadaagi lahaayeen maamulka ururka.

Intii uu kulankan socday ayaa la isku dhaafsaday fikrado iyo aragtiyo looga gollahaa sidii lagu mideynta lahaa bahda Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxaana laga soo saaray gunaanad kiisii baaq tallooyin ah oo ka kooban shan qodob oo kala ah:

1. In dib u eegis lagu sameeyo sharciga u yaalla Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, si loo helo sharci dhameystiran oo aan mar kale keenin ama khilaaf kale aan sababin ama isku dhaca kale oo soo dhexgala.

2. In Muqdisho lagu qabto kulan ay kawada Qaybgalaan wakiillo metela dhammaan bahda Warbaa hinta dal iyo dibaddiisa.

3. In doorasho cadaalad ah la qabto oo qofka lagu soo dooranayo Aqoontiisa.

4. In Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Doorashaduba ay noqdaan kuwo ka madaxbannaan Dowladda Soomaaliya iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka ka jira.

5. In Xilliga doorashada Ururka dib loo dhigo si loo helo Waqti lagu saxo khilaafka taagan.

Ugu dambeyn, Dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa ah qodobbo ay si Wadajir ah ay u wadagaareen Wariyeyaashii iyo xubnihii kale ee kulanka lagu qabtay Magaalada London ee xarunta Britain goobjoogga ka ahaa.

KULAN LOOGA HADLAYAY MUSUQ MAAMUSAQA OO LAGU QABTAY MUQDISHO …

Kulankaan oo looga hadlayey la dagaallanka musuq maasuqa iyo kor u qaadidda isla xis aabtan oo uu soo qaban qaabiyey xafiiska handti dhowraha ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno, ururda bulshada rayid ah iyo culimaa’u diin

Dhanacyadii ka qeyb galay kulanka ayaa su’aalo ku qatuma la dagaallanka musuq maasuqa waxa ay weydiyeen hanti dhowraha Qaranka Dr Nuur Faarax, isaga oo uga jawaabayey su’aalaha ay weydiiyeen ka qayb galayaasha

Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa soo jeediyey dhibka uu lee yahay musuq maasuqa iyo sida looga hor tagi karo

Cabdulaahi Gacal Abgow oo ku hadlayey magaca ururada bulshada ayaa isna sheegay in marka horaba loo baahan yahay la fahan san yahay dhibka uu lee yahay wax lun siga, isla mark aana lala dagaallamo musuq maasuqa.

Hanta dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Nuur Faarax oo soo xeray kulanka ka adkaanshaha musuq maasuqa ku saleeyey kaliyah in looga gudbi karo wada shaqayn dhexmarta shacabka Soomaaliyeed iyo ha’adaha dowliga ah.

WASIIRKA CAAFIMAADKA OO KORMEERTAY QEYBTA SAALADA EE ISBITAALKA MADIINA..

Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo uu wehlinayo Wasiir kuxigeenka caaf imaadka ayaa maanta kormeeray isbitaalka Madiina, gaar ahaan qeybta saalada oo dhawaan dab qabsaday, iyagoo u kuurgalayay dabka qabsaday saalada qasaaraha uu gaarsiiyay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka ayaa mas’uuliyiintan ku soo wareejiyay qeybaha isbitaalka, gaar ahaan qeybta saalada ee uu dabka qabsaday iyo qasaaraha ka dhashay, oo ay ka mid ahaayeen agabyadii gurmadka deg deg ah iyo kuwa qaliinka lagu sameyn jiray oo bas beelay, iyagoo sidoo kale kormeer ku sameeyey agabyo si KMG ah qaliino lagu sameeynayo oo ay Wasaa radda c aafimaadka halkaasi geystay dabka kadib.

Agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Yuusuf ayaa intaas kadib ka warbixiyay qasaarihii ka dhahay dabkii qabsaday qeybta saalada ee isbitaalka iyo kaalmadii ay Wasaaraddu gaarsiisay waxa ay ka badashay baahiyaha qaliin ee isbitaalka ka jirtay.

"Waan ku faraxsanahay in Wasaaraddu ay gacan weyn naga siiso, dhibtii uu gaarsiiyay goob ihii ugu muhimsanaa ee isbitaalka oo dabqabsaday, taas badalkeedana ay Wasaaraddu na soo gaarsiisay qalab aan isticmalno iyo dhismihii saalada oo dhawaan ay noo dhagax dhigtay Wasiirka Caafimaadka” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheeg tay in isbitaalka uu yahay mid muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed oo u qabta adeegyo kala du wan, Wasaaradduna ay ka qeyb qaadaneyso sidii markale isbitaalka uu u sii wadan lahaa adeeg yada uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

"Shaqo muhiim ah ayuu u hayaa isbitaalka bulshaada Soomaaliyeed, anaguna sharaf ayay in oo tahay inaan gacan ka geysano inaysan hakad gelin howlaha isbitaalka ugu gurmanayo shacabka, waxaan gacan ka geysan doonaa dib u dhiska qeybta saalada ee isbitaalka” ayay tiri Drs Xaawo Wasiirka Caafimaadka.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE KULAMADA GAROWE OO KU DHOW IN LAGU HESHIIYO..

Wadahadaladii u dhexeeyay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke iyo Mad axweynaha Maamulka Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo dhan ay ka socdeen magaalada Garowe iyadoo wadahadaladaa ay banaanka ka joogeen saxaafada.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in weli lagu heshiin la’ yahay in maamulka Puntland aqbalo qaabka doorashada dambe ee dalka Soomaaliya ay noqonayso, hase yeeshee warar ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu sidii hore ka soo dabcay.

Maamulka Puntland ayaa ku xirey shuruudo adag inuu aqbalo in doorashada shanta bilood oo kaliya ka harsan tahay noqoto mid lagu saleeyo 4.5, iyadoo maamulka Puntland uu doonayo in doorashada ay noqoto mid deegaan lagu saleeyo.

Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in cadaadis xoog leh la saarayo maamulka Puntland iyadoo loo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanada Puntland.

Dadaalada ay wadaan wafdiga uu horkacayo Ra’iisal wasaare Sharma’arke ayaa lagu wadaa in maanta ay ku biiraan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Keiting,Wasiirka arrimaha dib ada Ethiopia,Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Washington Axmed Ciise Cawad.

Wararka ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in kulamada soo socda ay ka dhalan karto na tiijo ah in maamulka Puntland uu aqbalo habka doorashada soo socota lagu saleeyo 4.5.

WABIGA SHABELLE OO BIYO KEENAY, BEERALAYDUNA AY KU FARXEEN ..

Wabiga Shabelle oo dhowaantan guray ayaa laga dareemayaa biyo ku soo kordhay iyadoo la ga dareemay gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa gelinkii dambe maanta arkay biyo ka soo dhacaya xiintoyda oo ah darbi laga dhex dhisay wabiga kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay uu qalalnaa.

Dad isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar leh ayaa lagu arkayay gabaldhacii xalay xiintoyda iya goo ku qubeysanaya biyaha uu wabiga keenay.

Inta badan dhalinyarada da’adoodu ka yar tahay 40ka sano ayaan arag weligood iyadoo xiin toyda aysan biyo ka soo dhacayn, waxaana maalmihii la soo dhaafay dadku ay u daawasho tagaye en xiintoyda si ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan.

Beeralay badan oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle ayaa ku farxay wabiga oo biyo keenay waxaana la rajaynayaa in maalmaha soo socda ay soo kordhaan biyaha maadaama la galay xilligii guga.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

CALI DHEERE OO QIRAY IN AL SHABAAB AY WEERARTAY PUNTLAND, KANA HADLAY SABABTA

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu qiray 14kii bishii March in Xoogaga Urur ka Al Shabaab ay duulaan ku qaadeen Maamulka Puntland, inkastoo dagaalkaasi lagu soo jebiyay.

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa sababta ay u weerareen dhulka Puntland ku sheegay, sidii ay u gaarsiin lahaayeen Shareec ada Islaamka.

"Hadafka dagaalka laga lahaa wuxuu ahaa sidii sharciga Alle loo gaarsiin lahaa, loogu maa muli lahaa Deegaanada Waqooyi Bari, loogana dulqaadi lahaa Maamulka Puntland. Dagaalkaas oo Al Shabaab ay ku bixisay naf iyo maalba.” Ayuu yiri Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab.

Afhayeenku wuxuu geesiyaal ku tilmaamay xoogagii la dagaalamay Ciidanka Puntland, isa goo Alle uga baryay inuu ka aqbalo waxa uu ku sheegay wanaagii ay u galeen Diinta.

"Waxaanu leenahay geesiyaashii u babac dhigay cadowga, Ilaahay ha idinka abaalmariyo ab aalkii iyo wanaagii aad u gasheen camalka Islaamiga ah iyo ehelkiisaba.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in dagaaladan ay muujiyeen inta uu gaarsiisan yahay waxa uu ku sheegay daba dhilifnimada Puntland, iyadoona uu xusay inay gurmad weydiisatay Reer Galbeedka iyo Itoobiya.

"Dagaaladaas waxay soo ifbixiyeen inta ay gaarsiisan tahay daba dhilifnimada Maamulka Puntland, kaasoo gurmadkii ugu horeeyay ka dalbaday xulufada NATO iyo Itoobiya. Dhanka kale wa xaa Alle Mahadiisa ah inuu cadowgu la kulmay dharbaaxooyin culus, mudadii ay dagaaladaa socde en naf iyo maal intaba.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Raage.

Wuxuu kaloo sheegay marka laga soo taggo khasaaraha dagaalka ay ku gaarsiiyeen Puntl and in duulaankoodaasi uu sababay qalqal amni iyo siyaasadeedba, oo ku timid sida u sheegay danaha Reer Galbeedka ee dhulka Puntland.

"Waxaa barbar socday khasaarahaas nafeed iyo kan maal qalqal amni iyo qalalaaso siyaasadeed oo argagax wayn ku abuurtay danaha Reer Galbeedka ee deegaanadaas, kuwaas oo boob xad dhaaf ku wada khayraadka ummada Muslimka ah ee dhex ceegaaga dhulkan aynu ku no ol nahay.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere, ayaa qabaa’ilada Somaliyeed ugu baaqay inay isaga taggaan ku dhaqan qaby aaladda, islamarkaana ay gacan ka gaystaan sidii dalka looga hirgelin lahaa ku dhaqanka Share ecada Islaamka, sida uu yiri.

DIL QORSHEYSAN OO XALAY KA DHACAY DEGMADA BAARDHEERE

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa xalay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo waxay ku dileen mid ka mid ah Saraakiisha Dowladda ee degan Degmadaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray C/laahi Cabdi Aadan (C/laahi Eelaay), ayaa waxaa lagu dilay Soona Cagaara Ee Bartamaha Degmada Baardheere.

Xoogaga qaarajiyay Sarkaalkan oo ku hubeysnaa bistoolado, ayaa waxay weerareen xilli aa nay la socon wax ilaalo ah, waxayna si boobsi ah ugu dhufteen dhawr xabadood.

Goobjooge, ayaa xaqiijiyay in dilka ka dib ay dembiilayaasha ka baxsadeen goobtii ay falka ka gaysteen, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo.

Ciidanka Militariga Somaliya, ayaa waxay daqiiqado ka dib ay gaareen halkii uu dilku ka dhacay, iyadoo aanay jirin dad ay u soo qab qabteen dilka Sarkaalkaasi, waxayna goobtaasi ka qaa deen meydkiisii.

C/laahi Eelaay, ayaa waxaa uu xilligan ahaa Madaxii Canshuuraha Ee Degmada Baardheere. Baardheere waxaa 22kii bishii July laga eryay dagaalyahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

NATIONLINK TELCOME

OGEYSIIS

 

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid- ka)

A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal

10 daqiiqowadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

 

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

 



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip