HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 22-APRIL-2021

0
Thursday April 22, 2021 - 09:48:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 22-APRIL-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Gaystey Madaxweynihii Chad Idriss Deby

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soo maliya Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka iyo dawladda dalka Chad, ge eridii Madaxweyne Idriss Deby, oo u dhintay Talaadadii Dorraad dhaawac kasoo gaaray iska hor

imaad hubeysan oo dhex maray Ciidanka dalkaas iyo kooxa hubaysan oo ka soo horjeeda.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri: "Aniga oo ku hadlaya magic ayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya, waxaan ugu tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad, geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay Dorraad oo Talaado ahayd.”

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Idriss Déby, uu ahaa Hoggaamiye dowladeed oo daacad ah, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qaran kiisa.

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiray ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya.=Warbixin Dheer=

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoo bay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wada hadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Fed eralka Soomaaliya iyo maamul goboleeyada, kaddib shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay qolaha Am maanka, maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qodobadii shirkaas looga hadlay iyo waxy aabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

"Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku sal eysanaa heshiiskii 17 September” ayaa lagu yiri qor aal ka soo baxaay ergada Norway ee Golaha Amm aanka.

Waddanka Irealand oo isna ka mid ah 15-ka xubn ood ee Golaha Ammaanka ayaa diray farriin taa la mid ah, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Safiirka India ee Qaramada Midoobay T. S. Tiru murti ayaa boggiisa Twtitterka soo bandhigay afar qo dob oo uu sheegay inuu uga hadlay shirkaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo he shiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii fars amada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaal lada midowga Africa. Shirkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka tanaasulin muddo kororsigii golaha shacabku sameeyay 12-kii bishan April, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashooyinka dalka. Q/Midoobay waxay hore u sheegtay inaysan taageri doonin muddo kororis, doorasho aan la isla oggoleyn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan ka codsaday guddoo miyaha midowga Africa ahna madaxweynaha Jamhu uriyadda Dimoqraadiga Congo Flex Tshikedi inuu dhex-dhexaadiyo Sooma aliya, isla markaana uu dusha kala socodo wadaxa ajoodka xal u helista is-ma riwaaga doorashada.

Tiro Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Weeraray Xafaado Ka Tirsan Muqdisho

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhaweyd lagu gar aacay xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigleey iyo Boondheer ee magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan Hoobiyey aasha lagu gaaracay Caasiamdda.

Hoobiyeyaashan ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xero ay deganaayeen dad barakacayaal oo ku dhawaw Godka Jilicow, sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa halka ay wax ka dhaceen.

sidoo kale Wararka aan helnay ayaasheegaya in mid ka mid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay meel ku darbiga Madaxtooyada Soomaaliya, Welina ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo ay sheegtay inay la

 

beegsatay Madaxtooyada Soomaaliya. Waana weer ar kii labaad ee ho obiyeyaal ah oo wax ka badan un bil gudaheed ka dhaca Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uul iyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya, 9-kii March 2021.

Dhallinyaro Waxbaratay Oo Ku Geeriy ooday Hoobiyeyaal Lagu Gaaracay Muqdisho

Allaha u naxariisto Fahdi Caddow Cabdi iyo Faa’iso Caddow Cabdi ayaa Shalay ku geeriyooday hoobiye la soo tuuray oo ku dhacay gurigooda oo ku yaalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Waxay ahaayeen labo gabdhood oo walaalo ah,

 

 

waxbartay, lahaana mustaqbal ifa ya, balse Shalay ayay ku geeriyoodeen Hoobiyeyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan Muqdisho.

AUN Fahdi Caddow waxa ay sanadkii hore 2020 ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta maamulka.

Cabdicasiis Maxamed Xasan Tifey ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Shalay hoobiyashii Sha lay lagu garaacay degmooyin ka tirsan Gobolkani Banaadir. Allaha u naxariisto Cabdicasiis ayaa safar u ahaa dalka Turkiga, halkaas oo uu ugu socday in Waxbara shadiisa uu halkaasi ka sii wato.

Xog: Sababta ay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay uga baaqdeen shirkii Hawiye

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasi mada Online ayaa sheegaya sababta rasmiga ah ee Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uga baaqdeen shirkii beelaha Hawiye, oo la filayey inay uga dhowa aqeen mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor iyo Guudlaa we ayaa xubnaha mucaaradka ah u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda islamarkaana ay kulamo la qaadan doonaan baarlamaanka, golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka, islamarkaana ay kadib caddeyn doonaan mowqifkooda ku aadan arrinta muddo korarsiga.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameyso in labadaan Madaxweyne ay u sheegeen mucaaradka in ay soo saari doonaan war-saxaafadeed wadajir ah, islamar kaana aysan ka qeyb geli karin shirkii aaya ka tashiga Hawiye iyagoo aan wadatashiyo la sameynin maam ulada ay matalaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mu caaradka ah ay ku qanceen hadalka labada mada xweyne, islamarkaana ay ka qabaan rajo wanaagsan inay helaan mowqifkooda ku aadan arrimaha doora shada Soomaaliya.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Dorraad ka baaqsaday shirkii aaya ka tashiga Hawiye, waxaana soo baxayay warar sheegaya in ay uga baaqdeen cadaadis uga yimid dhinaca Villa Somalia oo shirkaasi diidaneed.

Beel Weynta Hawiye ayaa Dorraad si cad u diiday muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana shirkaas ka maqnaa Madaxweyne Galmudug iyo Hir Shabeelle oo shirka la rajeynayay in ay ka soo qeyb galaan maadaama ay beesho degto degaanada iyo meelo kale oo Soomaaliya kamid ah.

XIASHO:CAASIMADA.NET

IGAD oo ku baaqday in dib loo bilaabo wadah adalada doorashooyinka dalka

Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dhinacy ada siyaaadda Soomaaliya iney isugu yimaadaan miiska wada hadalka, si loo gaaro is faham siyaasi ah oo la xiriira hir gelinta doorasho wada ogol ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Urur Gobo leedka IGAD ayaa lagu soo dhoweysay hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadalka sa amilayda siyaasada Soomaaliya, si loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashada.

Qoraalka IGAD ayaa waxay ku she egtay in Wadaha dalku uu yahay ge edi socod muhiim ah oo dhaliya kals ooni iyo dhammay stirka dhammaan arrimaha hortaagan doorashada.

Urur Goboleedka IGAD waxay ku dhiiri galisay dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, ayna dib u galaan wada hadal furan oo wax ku ool ah iyadoo la fiirinayo danta ugu jirta da dka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo si aad ah ugu boorisay dhamaan hog aamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojinaysa xiis adaha ama isku dhac keeni kara.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka IGAD

igad oo ku baaqday in dib loo bilaabo wadah adalada doorashooyinka dalka




Xil.Odowaa oo weerar culus ku qaaday QOOR-QOOR

Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xis biyada Qaran oo sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Qoor-Qoor oo xulufo dhow la’ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Odowaa ayaa waxa uu Qoor-Qoor ku eedeyay amni dar ada ka taagan deegaanada maa mulkiisa, xili uu muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu u joogay meel-marinta muddo kororsiga sharci darada ah ee Farmaajo.

"Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday ku ma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka. Madaxda dowlad goboleedyada uu isagu dhistay (Farmaajo), kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda,” ayuu yiri.

"Maalimihii lasoo dhaafay, Shabaab waxay qabs adeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale dee gaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla dule edka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuu smarreeb. Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xam ar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kor orsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug.”

Odowaa ayaa madaxweynaha Galmudug ku can aantay ‘dayaca mas’uuliyadiisa’, maadama uusan gac an ku hayn amniga deegaanadiisa, balse taasi bedelk eeda uu ku howlan yahay ka shaqeynta damaca ‘Nin kii geystay Galmudug’, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid ah ma amulada saddexda ah ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo uu doorashadoo da ku bixiyay dhaqaale badan, halka kuwa qaarkood na uu u daadiyay dhiig aan la mahdin.

Xaalada dalka ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu Golaha Shacabka meel-mariyay qaraar uu muddo kor orsi ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhama aday iyo hay’addaha dowladda, kaasi oo ay si adag u ga hor-yimaadeen mucaaridka, dhaqanka iyo maam ulada Puntland iyo Jubbaland. baxsadeen Xigasho:Caasimadda.Net

Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Warsheekh oo Muqdisho lagu diley

Kooxo ku hubeysan ayaa Xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Cabdiraxmaan Kamaal oo ka mid ahaa mudanayaasha ka tirsa naa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee G/Sh/Dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegay aan in Cabdiraxm aan Kamaal Sheekhaay lagu dilay xaafadda Siliga ee degmada Wadajir wararka ayaa intaa raacinaya indilka marxuumkaaan aygeyst een rag bastoolado ku hubeysan hase yeeshee goo bta ka

Maamulka Degmada Warsheekh Oo War Kasoo Saaray Dilkii Xildhibaan Kamaal Shiikhaay

Alle ha u naxariistee waxaa xaafad ka tirsan deg mada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Xildh ibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada War sheekh ee G/Sh/Dhexe, waxana ka hadlay Maamulka Degmada Warsheekh.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Wa rshiikh Xasan Xaaji Mxamed Darafeey, ku xigeenadii sa iyo Dhammaan Xubnaha Golaha Deegaanka wax aa ay Tacsi Tiiraanyo leh waxaa ay u direen Ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Ca bdiraxmaan Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaanay Cabdi Kamaal Shiikhaay oo Xalay Makhribki lagu di lay M/Muqdhisho Xilli uu gurigiisa uu Galayay. Ra gii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay shee gayaan in laamaha amniga dowladda ay baarit aano ka wadaan halku uu falku ka dhacay oo aheyd Siliga Ameerikaanka.

M/ Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa hor ey uga dhacay dilal kala duwan oo geystay Askar, Ma s’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falal ka ka dhacay M/Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Weerar Xaga Cirka Ah Oo Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee Soom aaliya ayaa sheegay in dhawr iyo toban ka tirsan da gaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay weerar xaga cir ka ah oo lagu qaaday deegaanno ka tirsan gobolka.

Weerarka oo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah hawl galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beegsa day kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Al-Shaba ab iyo goob ay doonay een inay weerarro ka soo qaadaan, sida uu sheegay Maamulka Golbolkaasi.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay duqeeyeen Ciidanka AMISOM gaadiid dagaal oo ay Al-shabaab leeyihiin, waxaana uu intaas ku daray in howlgalkaasi ay si gaar ah uga fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Tawakal iyo Kali-Aseyle.

Maamulka Puntland oo xukun dil ah ku riday 8 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalab ka sida ee Puntland ee Gobalada Mudug iyo Cayn ay aa xukun dil ah ku riday 8 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dil ka geystay Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda oo Shalay u fariisatay Labo gal-da cwadeed ayaa xukunka kowaad ku riday Rag shan ah, kuwaas oo ah Shabakadii 1-aad ee Al-Shabaab u ga howlgasha magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena di lay dad fara badan oo ahaa haldoorka Gaalkacyo, waxaana magacyadoodu kala yihiin:

Feysal Gujis

Sahal Cabulaahi

Iidiris Maxamed Afyare

Salmaan Maxamed Saleeban

Jaamac Muruudi Xuseen.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa xukunka dilka ah ee labaad ku riday Saddex dambiile, kuwaas oo iyana magaalada Gaalk acyo ka geystay dilal fara badan, Ragan ayaana si gaar ah uga howlgali jiray xaafada Garsoor ee Gaal kacyo, waxaana magacyoodoodu kala yihiin:

Maxamed Cabdi Raage Indhabuur.

Cabdirisaaq Axmed Buraale

Maxamed Cumar Muudey

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Alle ha u naxariistee waxaa Shalayeyd dalka Koonfur Africa lagu dilay muwa adin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku ganacsada dalk aasi, waxaana kasoo baxaya fa ah faahinno kala duwan dil kaasi. Marxuumka ayaa waxaa kagu magacaabi jiray Maxamed C/llaahi loona yaqa anay Farmaajo, waxaana la sheegay in lagu dilay Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

wali lama shaacin cid loo soo qabtay dilka loo gaystay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed, balse dalka Koonfur Africa ayaa inta badan waxaa dilal loogu gay staa ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaasi ku ganacsada.

QM Oo Imaaraadka Wax Ka Weydiinysa Xaaladda Gabadha Amiirka Dubai

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Imaaraat ka Carabta in ay soo gudbiso xog ku saabsan nolo sha Latifa Al Maktoum oo uu dhalay amiirka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum taas oo la sheegay in ay xabsi guri ku jirto.

Bayaan laga soo saaray Geneva ayay khubarada xuquuqda aadana ha Qaramada Midoobey ku dalbad een in sida ugu dhakhsiyaha badan loo siidaayo Latifa. Qoyska boqortooyada Dubai ayaa horey u shee gay in Latifa ay nabad qabto oo gurigeeda lagu xana aneeyo.

Bishii March, Qaramada Midoobey waxay sheeg tay inay wali ka sugeyso faahfaahin dheeraad ah Ima araadka taasi oo ku saabsan in ay keenaan cadeymo muujinaya in ay nooshahay.

Talaadadii, khubarada Qaramada Midoobay wax ay mar kale ugu baaqeen dowladda Imaaraatka in ma cluumaad macno leh ay ka bixiso masiirka Latifa iya da oo dib aan loo dhigin. Waxay codsadeen in si mad ax-bannaan loo xaqiijiyo xaaladaha ay ku xiran tahay, si deg deg ahna loo sii daayo.

Latifa ayaa horay u sheegtay in lagu hayo guri ah loo beddelay xabsi iyada oo aan helin wax gargaar caafimaad ah.

Latifa oo ka dhalatay qoys hantiile ah kuna nool nolol barwaaqa sooran ah ayaa ku qanci weyday nol oshaas waxayna ku calaacashay "Lama oggola in aan gaari aan kaxeeyo, lama oggola in aan safro ama aan ka baxo Dubai gabi ahaanba”

Latifa aabbaheed, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waa mid kamid ah maalqabeennada dun ida, waa waana amiirka Dubai iyo waliba rai’sul was aara ku xigeenka imaaraadka.

In ka badan 2,000 ayaa u dhimtay xanuun ka Covid-19 dalka Hindiya

Dalka Hindiya ayaa wararka ka imaanay waxa ay sheegayaan in xanuunka COVID-19 u ku soo laba kacleyay waxa usoo ritay dad farbadan 24kii saacadood ee ugu danbeyay ay u dhinteen 2,023 gudaha dalkaas.

Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay sababtay ka dib markii ay gababsi ka noqdeen Isbitaalladka Hindiya Neefsiyeyasha dadka qaba xanuunka lagula tacaal ayo.

Coronavirus ayaa lasheegay in u si kordhay dalka Hi ndiya, dadka u ku dhacay ayaa hada gaaray in ka ba dan 295,041 ,24 saacadood ee la soo dhaafay, xogta w/caafimaadka dalka Hindiya ayaa sheegtay wadarta dhimashada ayaa gaaraya 182,553.

Dalka Mareykanka ayaa lasheegay in u ka badan yah ay xaga xanuunka Covid-19dalka Hindiya ,iyadoo u marayo in ku dhawo 31 milyan Covid-19 ah,guud ahaan tirada guud ee Hindiya hadda waxay mareysaa 15.6 milyan xanuunka Covid-19 u soo ritay.

Isbitaalada ayaa wada dadaallo ay doonayaan in ay ku xakameyaan faafida xanuunka si dadka loogu helo Oksajiinka ku filin iyo sariiro lagu daryeelo dadka u

hada soo ridanayo Covid-19.


Madasha Badbaado Qaran oo shuruud adag u gudbisay Golaha Ammaanka Midowga Afrika kahor kulanka maanta

Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal u dirtay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, qoraalkaas oo la mariyey safiirka Jabuuti ee Ethiopia Mohamed Idriss Farah, oo ah guddoomiyaha iminka ee golahaas.

Kulanka Golaha ee maanta ayaa la filayaa in looga hadlo isku day Midowga Afrika ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, kadib cadaasi ka yimid beesha caalamka oo keenay in Farmaajo uu dalbado dhex-dhexaadintaas.

Qoraalkan ayey Madasha ku sheegtay inay soo dhoweeneyso dhex-dhexaadin dibadeed oo loo sameeyo dhinacyada Soomaalida, hase yeeshee waxay sheegtay in wada-hadal kasta ay qasab tahay in saldhig loogu dhigo diidmada muddo kororsiga sharci-darrada ah ee labada sano, iyo ku laabashada wada-hadallo ku saabsan fulinta heshiiskii 17-ka September ee doorashooyinka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka dhacaan doorashooyin daah-furan, nabad ah oo loo dhan yahay, uuna isku dayayo inuu awood u adeegsado ficillo dalka waxyeello gaarsiinaya.

"Sidaas darteed waxana ku baaqeynaa in Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika uu qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo in arrintan ay noqoto mid dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaa ayaa intaas ku daray in tallaabada ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya ay aheyd mid aan sharci-darro kaliya aheyn, balse ay sidoo kale ka hor-imaneyso dastuurka, maadaama golaha shacabka muddo xileedkiisu dhamaaday, uu muddo kororsiga ku ansixiyey ayada oo aanu kooramka buuxin iyo in Aqalka Sare uusan ansixin.

Waxay tallaabadaas ku qeexaan mid dambi ah, oo musuq maasuq ah, taasi oo halis gelineysa xasilloonida aan cagaha adag ku taagneyn ee dalka.

Puntland oo go’aan 7 qodob ah ka qaadatay xaaladda doorashada Soomaaliya

Maamul goboleedka Puntland ayaa go’aan ka kooban 7 qodob kasoo saaray xaaladda doorashada Soomaa liya, iyo muddo kororsigii ay sameysteen hay’adaha dowladda federaalka iyo Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalkaPuntland.

Go’aanka Dowladda Puntland ee Xaaladda Doo rashada Soomaa liya.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taa gan tahay mabaa di ida dowladnim ada Pun tland si waa faqsan Dastu urka Puntland iyo kan Dowladda Federa alka ah ee Puntland xubinta ka tahay.

Dowladda Pun tland waxay sidoo kale illaalisaa masiir ka geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soom aaliya ee ku dhisan hannaanka federaalka ah, dimuqraadina ah.

Kadib tillaabadii sharci darrada ahayd ee qeyb ka mid ah Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee muddo xile edkoodu dhammaaday 26 December 2020 ku dhawaaqeen 12 April 2021 ee ay muddo kororsiga ugu sa meyeen hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad da Fed eraalka.

Golayaasha Puntland waxay wadatashi ka yee sheen xaaladda cakiran ee marxaladda kala guurka ah ee uu Dalku marayo.

Sidoo kale Dowladda Puntl and waxay wadatashi la yeelatay Uruurada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada Puntland.

Ka dib markii la tixgaliyey go’aankii Golaha Waki iladda Dowladda Puntland ee soo baxay 17 April 2021.

Ka dib markii la arkay Xeerka tirsigiisu yahay 10 ee soo baxay 30 July 2000 ee ilaalinaya doorka Pun tland ee nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dowladda Puntland iyadoo tixgelinaysa talooyinka hay’adaha Dowladda Puntland iyo qaybaha bulshada, kana duuleysa baahida loo qabo ilaalinta midnimadd a, Xasiloonida iyo horumarka geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, waxay qaadatay go’aanada soo socda.

1- Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ma aqo onsana tilaabaadii sharci darrada ahayd ee Golaha Shacabka Federaalka ee 10_aad ee muddo xileedk oodii dhammaaday ku meel mariyeen waxay ugu yee reen xeerka jiheynta doorashada iyo muddo kororsiga hay’adaha Federaalka ee dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2- Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in he shiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kal iya ee heshiiska lagu yahay si loo qabto doorashada Federaalka, iyadoo Ia xalinayo caqabadaha hortaag an fulinta heshiiskaas si loo gaaro doorasho si nabad ah, wada oggolna ah ku dhacda.

3- Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Sax iix ayaashii heshiiskii 17 September 2020, Saamile yda Siyaasadeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya hormarka siyaasadda Soomaaliya in miiska wada hadalka lagu soo noqdo sida ugu dhaqsaha ba dan si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowl adeed, loogana hortago khal khal amni iyo burbur dowladnimo

4- Haddii ay dhici weydo in dib loogu soo laabto miis ka wada hadalka, Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynaha Puntland ee 17 Ma rch 2020, waxay Ummadda Soomaaliyeed iyo Bee sha Caalamkaba Ia wadaagi doontaa tillaabada ku ha boon ee la qaadi karo si loo badbaadiyo masiirka dow ladnimo dhiska Soomaaliya iyo danaha gaar ahaan eed ee Dowladda iyo Shacabka Puntland

5-Dowladda Puntland waxay dadka Soomaali yeed ugu yeeraysaa in la illaaliyo midnimada, wada jirka, lana badbaadiyo mabaadiida geeddi socodka dowladnimo dhiska Soomaaliya ee ku dhisan hanna anka federaalka ah iyo dimuqraadiyadda.

6- Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Sh acabka Puntland in ay illaaliyaan midnimadooda das tuuriga ah, amniga iyo xasiloonida Puntland. Dowlad da Puntland waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadeysaa cid kasta oo isku deyda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.

7- Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa xal u helista xaala dda cakiran ee ka jirta Soomaaliya.

Golaha Amniga Midowga Afrika oo maanta ka shiraya Doorashooyinka Soomaaliya

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh saareysa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay xal waara ka gaaraan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Qaramada Midoobay Oo War Kasoo Saartay Xukunkii Derek Chauvin

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mid oobay Michelle Bachelet ayaa soo dhaweysay xu kunkii askarihii hore ee ka tirsanaa booliska Minne apolis, iyagoo ugu yeertay in Derek Chauvin uu geystay dambi dilkii George Floyd.

Waxay sheegtay in xukunkan uu muhiim u ahaa adkeysiga qoyskiisa iyo bulshada kale ee ku baaqe ysay caddaalada, waxayna xustay in natiijo kasta oo kale ay noqon laheyd carqalad dhanka caddaaladda ah.

"Kiiskan wuxuu si aan hore loo arag gacan uga ge ystay muujinta ka hortagga mowjadaha cunsuriyada nimaadmsan ee lagu ragaadisay nolosha dadka asalkoodu yahay Afrikanka, haatanna waxaa la joogaa wakhtigii si adag loo baari lahaa micnaha gu ud ee dilkii Geo rge Floyd” ayay tiri Batchelet.

Bachelet waxay sheegtay in ciqaab la’aanta dambiyada iyo ku xad gudubka xuquuqda aadanaha ee saraakiisha booliska ay tahay in la joojiyo.

Bishii June ee sanadkii hore, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa iskugu yimid fadhi gaar ah oo ku saabsanaa nidaamka midabtakoorka iyo naxariis darrada booliska ee lagula dhaqmo dadka asalkoodu yahay Afrikanka, kaddib dilkii uu Chauvin u geystay Floyd 25-kii bishii May ee 2020.


Hoggaamiyeyaasha Afrika oo ka falceliy ay dilkii Madaxweynihii dalka Chat

Hoggaamiyeyaasha Afrika waxay muujiyeen nax din iyo filan waa ku aadan geeridii ku timid madax weynihii Chad Idriss Déby oo la toogtay markii uu wajahayay fallaagada islaamiyii nta ah ee ku soo socota.

Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Mali Bah Ndaw ayaa ka hadlay dhimashadiisii​​, wuxuuna ku tilmaamay mid khasaaro weyn u leh dagaalka gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum wuxuu qirey in Mr Déby uu si qoto dheer shaqsiyan ula mac aamilay argagixisada – halka hogaamiyaha Nigeria Muhammadu Buhari uu sheegay inuu door firfircoon ka ciyaari lahaa la dagaalanka kooxda islaamiyiinta ee Boko Haram.

Paul Biya oo reer Cameroon ah ayaa geerida ku tilmaamay "khasaare aad u weyn oo soo gaaray Chad, bartamaha Afrika iyo qaaradda” oo uu ugu ade egay si hagar la’aan ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay inuu "si murugo leh u helay warka na xdinta leh ee dhimashada”.

Wuxuu yiri: "Waxaan si adag u cambaareyneynaa rabshadaha galaaftay nolosha dad aad u fara badan, oo uu ku jiro tii Madaxweyne Déby”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi. kaasoo sidoo kale ah mada xweynaha Midowga Afrika, wuxuu yiri "waxay kha saaro weyn u tahay Chad iyo Afrika oo dhan”.

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay mad axweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddan ka, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa af hayeenka ciidanka.Déby oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dow laddiisa ku howlan yihiin olole ay ku qabsanayaan dhul hor leh.Dagaalka madaxweynaha lagu dilay wax aa fuliyay fallaagada ku sugan xadka u dhaxeeya Chad iyo Liibiya, halkaas oo ah goobta uu tagay Déby.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in Dé by mar qura la kulmay dagaal xooggan.

Madaxweyne Biden iyo Kuxigeenkiisa oo wacay qoyska Floyd xukunka kadib.

Madaxweyne Joe Biden iyo Kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa wacay qoyska Floyd xukunka kadib. Mr Biden ayaa la maqlay isaga oo leh "ugu yaraan hada waxaa jira xoogaa cadaalad ah”.

Khudbadihii qaran ee telefishanka laga sii daayay wax yar ka dib, Mr Biden wuxuu yidhi: "Midab takoorka nidaam san waa nabar ku dhaca nafta qaranka oo dhan.”

Dhanka kale, Ms Harris wax ay ku boorrisay sharci dejiyeyaasha inay meel mariy aan sharciga George Floyd ee looga dan leeyahay dib u habeynta booliska Mareykanka.

Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in Shalay ay "maalin taariikhi ah” u tahay Maraya kanka.

Xiriirka booliska Minneapolis, oo ah hay’ad aan macaash doon ahayn oo mataleysa booliska, ayaa sheegtay inay ixtiraamayaan go’aanka xeerbeegtida.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga du ubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd.

Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaar ayaan.

Dad Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Masar

Warbaahinta Masar ayaa shaacisay in tirada dad ka ku dhintay shilka tareenka ee ka shacay Duukh, ay kor u dhaaftay 23 qof, halka ku dhowaad 140 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in dhac dadan loo xiray 23, Ruux oo uu ku jiro darawalkii tareenka.

Xeer ilaalinta guud ee Masar Hamaada Al Saawii, ayaa amray in xabsiga la dhigo 23 eedeysane oo lala xriirinaayo shilkan, kuwaa oo ay kujiraan wadahii tareenka iyo kaaliyihiisa.

Talaadadii Dorraad, Wasiirka Gaadiidka Masar, Kaamil Al-Wazir, ayaa soo saaray 10 go’aan oo wax laga beddalaayo jagooyinka hoggaanka Tareennada Masar, kuwaa oo meel marintooda ay mas’uul ka ya hiin waaxda tareennada ee dalka Masar..

Shilka tareenkan rogmaday ayaa ah kii seddex aad ee noociisa ah oo dhaca gudaha Masar wax ka yar bil, kii ugu waxyeelada badnaa ayaa noq onaya shilkii dhacay 26-kii Maarso, ee sanadkan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 32 ruux, halka 165 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxaad ka ogtahay Soomaalida saacadaha ugu badan soonta?

Dalka Iceland oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa ku nool tira ad u yar oo Soomaali ah. Dalkan waxaa uu ka mid yahay dalalka saacadaha aadka u dheer ay dadka Muslimiinta soomaan oo ku dhawaad 20 saacadood ayay dadku soomaaan.

Inta badan dalalka Geeska Afrika oo ay Soomaa liya ka mid tahay waxaa la soomaa 12-13 saacadood oo kali ah.Maxamed Axmed Norway oo ka mid ah So omaalida degan dalka Iceland oo ay BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in Soomaalida ku nool Iceland ay qiyaas ahaan gaarayaan ilaa 80 qof. Wuxuu sheegay in Soomaalida ay bilaabeen in Iceland ay tagaan 2009-kii wixii ka dambeeyay.

Farqiga u dhaxeeya Soonka Soomaaliya iyo kan Jasiiradda Iceland Maxamed ayaa sheegay in farqiga ugu weyn uu yahay in Soomaaliya ay tahay dal Isla am oo aad markasta maqlaysid aadanka misaajidada iyo salaadaha, halka Iceland-na ay gabi ahaanba ka duwan tahay Soomaaliya oo waa dal Masiixi.

"Saacadaha la soomayo jasiiradda Iceland aad ay uga badan yihiin marka loo barbar dhigo saacdaha laga soomo Soomaaliya amaba Geeska Afrika," ayuu yiri Maxamed Axmed.

"Soomaaliya waxaa laga soomaa 12 saacad ood,halkaan waxaa laga soomayaa 19 sacaadood iyo 55 daqiiqo, xagga cimiladana waa dhul aad u qaboow oo xitaa waxaa qofka ku adkaanaya ciibadadii."

Maxamed oo la weydiiyay in Soomaalida Jasiiradda ku nool ay is wada yaqaanaan iyo inkale ayaa sheeg ay in inkastoo ay yaryihiin Soomaalida ay hadan kala joogaan maagaalooyin kala duwan laakin waxuu she egay inay iska warqabaan intooda badan.

Maxay Soomaalida ku doorteen Jasiiradda Icela nd?

Wuxuu Maxamed ku jawaabay inaysan jirin wax gaar ah oo ay ku doorteen oo halkaasi nasiibka uun geeyay Soomaalida. "Cidna ma dooran ee Alle ayaa inoo dooray in aan halkaan ku noolaano, qofkasta markii uu dalka ka soo tagay ka dib halkii uu nasiibka geeyay unbuu tagay." ayuu Norway

Wuxuu sheegay in dhanka Sharciga ay kala siman yihiin Yurubta kale, Soomaalida joogtana ay isugu jir aan kuwa sharci haysta iyo kuwa aanan haysanba.

Maxay ahaayeen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu Maxamed arkay intii uu joogay Iceland?

Wuxuu Maxamed sheegay in waxa ka yaabiyay uu ka mid yahay kala duwaanshaha dhaqanka oo ku sheeg ay dhibaato weyn.

Dhanka kale wuxuu sheegay in sidoo kale ay la yaab ku noqotay isbadalka cimilada oo 5-tii daqiiqaba mar is badalaysa.

"Iyadoo imika qaboow ahayd ayay kuleyl isku badaleysaa, hadana iyadoo kuleyl ah ayay dabay isku badleysaa, hadana baraf baa soo da'aya oo aan ku tashad lahayn."

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay dalka Pakistan

Qaraxa waxaa lala bartilmaameedsaday huteelka Serena Qaraxa waxaa lala bartilmaameedsaday hut eelka Serena Gaar walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaa lla magaalada Quetta ee dalka Pakistaa ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray 11 qof. Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Pakistan ayaa la tuhunsan yahay in qaraxan lagula beegsaday meel gawaarida la dhigto oo ku taalla hut eelka, sida ay wariyayaasha sheegeen.

Safiirka ayaa waxaa uu ku sugnaa magaalada Quetta, ee caasimadda gobolka Balochistan ee ku Taalla xudduuda Afqanistaan, balse markii uu qaraxa dhacayay goobta kuma sugnayn.

Taalibaaniyiinta dalka Pakistaan ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan iyaga oo aan wax faahfaahin ah bixin.

Bilooyiinkii u dambeeyay kooxdan iyo kooxaha kale ee mintidiinta ayaa waxay sare u qaadeen weera rada ka dhaca goobaha ay dagan yihiin qabaa'ilada ee xudduuda Pakistan iyo Afqaanistaan.

Maxay qoonsadeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee Pakistaan?

Pakistaan oo tijaabisay gantaal riddo dheer

Muxuu Yuhuud naceybka iyo Islam naceybka isugu xiray Ra'iisul Wasaaraha Pakistan?

Sawirada qaraxa oo lagu baahiyay baraha bulsh ada ayaa muujinaya dab ka kacay qeeybta gawaarida la dhigto ee huteelka.

Huteelka Serena ayaa ah midka ugu wanaagsan magaalada Quetta, islamarkana waa huteel ay deg aan saraakiisha dowladda iyo ajaaniibta dalkaasi soo booqanaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistaan Sheikh Rashid Ahmad ayaa u sheegay telefishinka ARY in "gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu huteelka ku qarxay ".

waxaa uu intaa ku daray in safiirka Shiinaha, No ng Rong, uu xaflad ku lahaa goobta, balse markii uu qaraxa dhacayay uusan goobta ku sugnayn.

Madaxa arrimaha gudaha ee gobolka Balochistan Ziaullah Lango ayaa saxaafada u sheegay in Mr Nong uu booqashadiisa Quetta uu soo gabagabeyn doonaa Khamiista.

Balochistan waa goob ay ka socdeen kacdeen muddo dheer.

Kooxaha mintidiinta ayaa doonaya inay ka mada xbanaanaadaan Pakistan inteeda kale, waxayna ka soo horjeedaan mashaariicda waaweyn ee kaabayaa sha dhaqaalaha ee Shiinaha ay halkaasi ka wadaan.


 


DAGAALKII BADAR


Qeybta | 1aad

Waxaan soo marnay inuu Rasuulku (scw) muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo musl imiinta intaasna soo dhibayey.

Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xir naa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado.

Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka (scw) iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe.

Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Ra suulku (scw) wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah iyo Sa ciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin”.

Labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40 nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka (scw) ugu soo gudbiyeen.

Rasuulku (scw) wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Makt uum hase yeeshee markuu marayo Rawxaa’ ayaa (rasuulku scw) direy abaa lub aaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha tujiyo”. Calan ka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku (scw) u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wu xuuna Rasuulku (scw) ciidanka u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar.

Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abii-dhaalib, qay bta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku (scw) u qeybiyey shan qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana labadii nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.

Rasuulka (scw) iyo ciidankiisii way dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay ma rayaan meesha la yiraahdo Rawxa’ ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa’ ayaa Rasuulku (scw) wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Bas bas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.

Dhinacii kale ninkii la oran jiray Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii mada xda u ahaa safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo Ba dar sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay "Madiina maxaad wax war aha ka haysaa?”, mark aasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed (scw) iyo asxa abtiisii ka soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa.

Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hor maray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Maj di ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wu xuu yiri "cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday daba deedna iska tegey.

Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina”, dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca badda mariyey.

Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dha amis ah ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qof ka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana af kuu ku shubtay isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar”.

Osman Bilad

Email: osmanbilad@hotmail.com

LA SOCO QORMO KALE

WARGELIN:- Maamulka wargeyskani Wuxuu idiinsoo badhi gayaa daruusta Bisha barakeysan ee ramdaan waxaana idinka codasneynaa inaad xafiddaan qoraalada ku yaal wargeyskan oo aadan dhigina meel wasaq ah oo aan ku hab ooneyn alle ha idin xafidee Mahadsanidiin


HABAARKII MEYDKA FIRCOON' MIYAA SABABAY XIRIDDII SUWAYS IYO SHILKII TAREEN EE MASAR?


Meydadka 18 boqor oo isugu jira rag iyo dumar oo kasoo taliyay dalka Masar ayaa dhawaan laga raray goobtii ay yaalleen si loo geeyo madxaf cusub oo laga dhisay magaalada Qaahira. Laakiin dadka qaar ayaa ka cabsi qaba inuu "habaar ka dhashay" meydadkaas bannaanka loo soo saaray ee waddooyinka caasimadda la mariyay, sida lagu sheegay maqaal uu qoray wargeyska Daily Telegraph eekasoo baxa UK.

Haraadiga meydadka faraaciinta ee lasoo bixiyay waxaa ka mid ah Ramses II, oo la sheegay inuu yahay Fircoonkii ugu caansanaa ee la aaminsan yahay inuu talinayay xilligii Nabi Muuse CS, Qur'aankana lagu sheegay.

Qaar ka mid ah shacabka Masaarida oo baraha bulshada ka hadlay ayaa sheegay in musiibooyin xiriir ah oo dalkaas ka dhacay ay u maleynayaan inay ka dhasheen habaarka fircoon iyo faraaciinta kale ee meydadkooda la soo bixiyay.

Dhacdooyinka ugu waaweyn ee ay habaarkaas la xiriiriyeen waxaa ka mid ah go'doonkii Kanaalka Suweys ee qalalaasaha badan sababay iyo shil tareen oo ka dhacay magaalada Qaahira, kaasoo ay ku dhinteen 32 ruux.

Fircoon oo magaciisa saxda ah uu yahay Ramesses II ayaa ka mid ah meydadka la raray

Fircoon oo magaciisa saxda ah uu yahay Ramesses II ayaa ka mid ah meydadka la raray

Sidoo kale waxaa jiray dhisme ku tumay Qaahira oo dadka qaar ay sheegeen inuu sabab u ahaa habaarka ka dhashay meydadka la wareejiyay.

Haraadiga meydadka faraaciinta oo ay ku jireen afar haween ah ayaa waddooyinka Qaahira lagu wareejiyay intii ay socdeen fantasyaha bishii lasoo dhaafay.

Fircoonka Qur'aanka lagu sheegay ee la oran jiray Boqor Ramesses II wuxuu Masar xukumi jiray intii u dhaxeysay 1213 ilaa 1279 BC (oo ah taariikhdii ka horreysay miilaadiga lagu xisaabo dhalashii Nabi Ciise kaddib).

Waxaa kale oo meydadka waddooyinka lagu wareejiyay ka mid ah Fircoon aabihiis, Seti I, Boqoraddii la oran jiray Merit Amun oo ahayd gabadh la dhalatay boqor Amenhotep I iyo xaaskiisa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Dalxiiska ee Masar.

Xog cusub oo laga ogaaday sidii loo dilay mid ka mid ah faraaciintii Masar xukumayay Maxaad ka taqaanaa taariikhda Faraaciinta Masar, waase kee kan lagu sheegay Quraanka?

Madxafka cusub ee laga sameeyay Koonfurta Qaahira ayaa meydadkan looga soo baddalay madxafkii ay horay u yaalleen oo la dhisay sanadkii 1902. Wuxuu madxafka cusub u dhow yahay goobta loo yaqaanno Haradii Boqorrada oo ah meesha ay markii hore ku aasnaayeen meydadkooda.

Waa goob cimiladeeda la xakameeyo, sida ay dowladdu sheegtay.

Dadka dalxiiseyaasha ah iyo taariikhyahannada ayaa loo oggolaaday in ay booqdaan madxafkan, si ay u arkaan meydadka faraaciinta iyo naxashya doodaba.

18-kii bishan ayaa markii ugu horreysay loo furay inay dadka gudaha u galaan. Markii ugu horreysayna waxaa meyd walba agtiisa lagu dhajiyay sawirrada raajada iyo macluumaad kale oo ku saabsan asalkiisa iyo taariikhdiisa.

XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip