Hordhaca EL Clasico: Barcelona v Real Madrid – Kulankii 231aad Ee El Clasico Ayaa Badin Doona? Real Madrid Maka Aargudan Doontaa Barcelona? Mise Barca Ayaa Gacanta Sarre Lahaan Doonta?

0
Saturday April 02, 2016 - 10:08:16 in Sports News by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca EL Clasico: Barcelona v Real Madrid – Kulankii 231aad Ee El Clasico Ayaa Badin Doona? Real Madrid Maka Aargudan Doontaa Barcelona? Mise Barca Ayaa Gacanta Sarre Lahaan Doonta?

    Barcelona v Real Madrid Kulanka: La Liga Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 9:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Alejandro Hernandez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona v Real Madrid Kulanka: La Liga Garoonka: Camp Nou Waqtiga: 9:30pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Alejandro Hernandez

Kulankii 231aad ee El Clasico ayaa caawa ka dhacaya Camp Nou marka ay Barcelona soo dhaweyso Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda martida loo yahay oo ku dhawaanaya hanashada koob kale oo horyaalka ah ayaa garoonka soo geli doona iyagoo 10 dhibcood oo nadiif ah ka sareeya kooxda Real Madrid, halka ay sidoo kale guuldarro la’aan yihiin 39 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaan sidoo kale ku badinin kulan horyaalka ah garoonka Camp Nou tan iyo bishii Aprill sannadii 2012, waxaana Los Blancos maanka kaga jira inay aargutaan guuldaradii 4-0 ee ka soo gaartay Barcelona kulankii ka dhacay Bernabeu horaantii xilli ciyaareedkan.

Real Vs Barca

MAXAA KA CUSUB?

Daafaca kooxda Barcelona Jeremy Mathieu ayaa seegi kara inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka intii uu la maqnaa xulka France laakiin Gerard Pique iyo Javier Mascherano ayaa labadaba taam u ah inay ciyaaraan.

Enrique ayaa hubin doona taam ahaanshaha Suarez, Neymar iyo Messi kuwaasoo dib uga soo laabtay South Amerika ka dib kulamadii ay u soo ciyaareen xulalkooda, halka Dani Alves uu isna sidoo kale u ciyaaray Brazil kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka.

Andres Iniesta ayaan loogu soo yeerin xulka Spain sababo la xiriira dhibaato uu ka qabay muruqa laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo shaxda Barcelona isagoo ka garab ciyaaraya Sergio Busquets iyo Ivan Rakitic.

Dhanka Real Madrid, tababare Zidane ayaa la filayaa inuu ku soo bilaabo xiddiga reer Brazil Casemiro kaasoo dhanka doorashada kaga horeeya Isco iyo James Rodriguez kuwaasoo ku dhibtoonaya inay soo jiitaan tababaraha reer France.

Sergio Ramos ayaa xilli hore ka soo laabtay xulka Spain ka dib markii uu dhabarka ka sheegtay laakiin kabtanka Los Blancos ayaa la filayaa inuu dhanka daafaca ka garab ciyaaro Pepe kaasoo sidoo kale isna ka soo laabtay xulka Portugal isagoo bilaa dhaawac ah.

Benzema iyo Bale iyaga kama qeyb qaadanin kulamadii heerka caalami waxaana la filayaa inay ka garab ciyaaraan Cristiano Ronaldo, taasoo ka dhigeysa in Lucas Vazquez iyo Jese Rodriguez ay kursiga keydka galaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona:Bravo; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Neymar, Suarez, Messi

Real Madrid:Navas; Danilo, Pepe, Ramos, Marcelo; Casemiro, Modric, Kroos; Ronaldo, Benzema, Bale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip