HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 20-APRIL-2021

0
Tuesday April 20, 2021 - 11:39:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSA MOGTIMES 20-APRIL-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Villa Somalia oo war kasoo saartay kulanka Farmaajo iyo Felix Tshisekedi

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jamhuuriyada Dimuqr aadiga ah ee Congo ayaa Dorraad kulan la qaatay dhigiisa Congo ee Felix Tshisekedi.

     Kulankaan ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqa alaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Arga ggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

     "Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa horyaalla caqabado adag oo isku mid ah oo ay tahay in aan iska kaashanno  si aan u xaqiijino horumarka labadeenna shacab. Caqabada haas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caade ystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna.”

     Kulanka oo ka dhacay aagga Midowga Afrika ee caasimadda Kinshaasa ayaa si wada-jir ah labada mas’uul iskula qaateen muhiimad xoojinta xiriirka iska ashi labada dal iyo kor u qaadida xiriirka dalalka Afri ka, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

     Sidoo kale qoraalka ay Villa Somalia kasoo saar tay kulankaas ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Jamhuu riyadda Dimuqraadiga Congo Mudane Felix Tshiseke di oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Mada xweyne Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda ca suumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyey guu laha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.”

     Farmaajo ayaa asaguna dhankiisa uga mahad cel iyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Di muqraadiga Congo sida ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in dowladda fed eraalka ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshisk edi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika. 

     Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Sii-hayayaasha Wasiirada Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasaaradda Batr oolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axm ed, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxt ooyada Qaranka ayaa Habeen hore gaaray caasim ada dalka Congo.

      Madaxtooyada dalka JDimoqr/aadiga ah ee Co ngo ayaa ayaduna dhankeeda markii ugu horreysay ka hadashay safarka madaxweynaha muddo xileedk iisu dhammaaday uu ku tegay dalkaas.

     Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah G/Midow ga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah "arrimo ku sa absan gobolka” ayaa ka duwan mid ay hore u shaaci say Villa Somalia oo ah in safarka "uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee2da dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.”

     Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in safarka Far maajo ee Congo, ay soo abaabush ay Qatar, islamar kaana la doonayo in lagu heshi isiyo Kenya iyo Soom aaliya, maadama ay Qatar saami buuran ku leedahay shirkada ENI oo hay sata baarista shidaalka dhul ba deedka Sooma aliya ee Kenya ay sheegatay.dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxwey naha kenya la filayo in uu soo gaaro Dorraad kinsa asha

Odayaasha beesha Sheekhaal oo raali-gelin ugu tegay XASAN SHEEKH

     Odayaasha dhaqanka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal ayaa raali-gallin iyo xaal-siin ugu tegay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la sheegay inuu dhibsaday hadal dha waan ka soo yeeray Abwaan ka dhashay beeshaas.

Kulanka ka dhacay hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka deganyahay ayey odoyaasha dhaqanka beesha reer Awqudub uga raali-geliyeen hadal dhowaan uu warbaahinta ka sheegay Abwaan Bedel Kulmiye Xirsi oo ku beel ah.

      Odayaasha ayaa Xasan Sheekh saaray cimaam ad, sidoo kalena ku sharfay kitaab Musxaf ah, wax aana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay raali gelintaas uga timid Odayaasha dhaqan ka beesha reer Awqudub ee Sheekhaal

     Abwaan Bedel oo bilaawgii todobaadkan ka hadla yay munaasabad lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo ayaa hadallo aan munaasab aheyn ku we eraray Xasan Sheekh iyo musharaxiinta kale ee muc aaradka ah, isagoo taageero u muujinayey madaxwe ynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

       Abwaanka oo ka sheekeynayey xilligii uu socday ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo ayaa she egay in markaas oo taageersanaa Sheekh Shariif, ba lse markii dambe uu u wareegsaday dhanka Far maajo.

     Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyey inuu isku jimee yey doorashadii xilligaas, balse sidii uu rabay aysan u suurta gelin, sida uu hadalka u dhigay.

     Daawo hadalkii Abwaan Bedel, sawirradana hoos ka eeg

Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal

     Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo ku dhow safaara dda Mareykanka iyo xafiiska Midowga Yurub ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Farmaajo uu waki ilada caalamka u sheegay in wax kasta oo ka dhasha muddo korarsiga uu mas’uuliyaddeeda leeyahay guddoomiye Mursal.

      Farmaajo iyo wakiilada beesha caalamka ayaa 17-kii bishan April, oo ku beegneyd Sabtidii, ku kul may teendhada Afisyoone.

    Ilo-wareedyada la ha dlay Caasimada Online ayaa sheegay in Farm aajo uu wakiilada caal amka hortooda dhowr mar ka sheegay in mud do korarsiga uu yahay go’aan uu qaatay Golaha Sha cabka, islamarkaana ay u madaxbanaan yihiin go’ aannadooda, wixii ka dhashana ay mas’uul ka yihiin guddoonka Golaha.

     Sidoo kale Farmaajo ayaa wada-shaqeyn ku til maamay inuu saxiixo go’aanka Golaha Shacabka ay ka gaareen arrimaha doorashada, isagoo sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in Goluhu ka laabtaan go’aankaas.

      Wakiilada beesha caalamka ayaa diiday soo jeed inta Farmaajo ee in wax kasta ay mas’uul ka yihiin Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in gud doonku uu qeyb ka noqon doono shaqsiyaadka wax ku leh dhibkii dhaca ama la saari karo cunaqaba taynta.   Ma ahan markii koowaad ee Farmaajo dano siyaasadeed marsado Mursal kadibna uga baxo. Ka hor heshiiskii doorashada ee September 17, Mursal ayaa meel-mariyey sharci doorasho oo qof iyo cod ah, ha se yeeshee waxaa meesha ka saaray Farmaa jo oo markii horeba ka dhaadhiciyey Mursal inuu si daas sameeyo. Haddana, waxaa suurta-gal ah in ca daadis kadib Farmaajo sharcigan iska tuuro dibna ugu laabto wada-hadallada doorashada.

     Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa kulankii la sheegay in ay u sheegeen in uu beddelo mowqifka ku saabsan muddo korodhsiga dibna loogu laabto wadahadal iyo wadar-oggol. Farmaajo ayaa la sheegay in uusan markiiba siinin jawaab balse lagu soo kala tagay is-faham i n la isku soo laabto.

Taliyaha Xoogga oo kormeeray Wasaaradda Gaashaandhigga (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gelinkii dambe ee Dorraad kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

     Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhiirigelin ugu tagay, Saraakiisha iyo Ciidanka Ururka 37aad ee Ilaalada Wasaaradda Gaashaandhigga.

      General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaasi ku sugan kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

     Kormeerkan ayaa imaanaya, xilli Dowladda Fede raalka ay dhinacyada mucaaradka ku eedeysay inay kala qaybinayaan Ciidamada Qaranka, iyagoo mar kaasi hab beeleed u kala fur furaya.

    Maalmo ka hor ayay ahayd markii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu si rasmi ah hawlgalada hoggaamintooda ugala wareegay Taliska AMISOM.

Farmaajo oo soo gaabiyey safarkii CONGO, kuna soo laabtay magaalada Muqdisho

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho hal maalin qaadatay oo uu kusoo bixiyey magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC).

Soo laabashada Farmaajo ay aa aheyd lama filaan, ayada oo madaxtooyada ay horey u sheegtay in safarka uu qaadn doono laba maalmood, balse lagu soo koobay kaliya 24 saac.

      Ma cadda sababta loo soo gaabiyey safarka, ha se yeeshee waxaa horey u jiray warar sheegayey in Farmaajo uu walaac ka qabay in inta uu maqan ya hay ay xaaladda Muqdisho faraha ka baxdo ama mag aalada gacantiisa ka baxdo, maadaama xiisad   cola adeed ay ka taagneyd maalmihii tegay.

      Safarka Farmaajo ee Kinshasa ayaa xaaladda siy aasadeed ee dalka geliyey is-beddel cusub, kadib ma rkii uu ka codsaday madaxweynaha DRC Felix Tshis ekedi in isaga oo cayaaraya doorkiisa guddoomiyaha      Midowga Afrika oo dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaaliya.

       Si kastaba, Farmaajo ayaa sidoo kale soo saaray  qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu galo wada-hadallo ku saabsan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasi oo u muuqata mid aan suurta-gal aheyn xill igan.

      "Waxaan soo dhoweynayaa in Midowga Afrika uu kaalin hogaamineed ka qaato fududeynta hanaan doorasho oo muwaadin kasta uu doorasho xor iyo dhex-dhexaad ah ku doorto wakiiladooda. Dhamma an saamileyda siyaasadda ayaa ka qeyb qaadan doo na wada-hadallada mustaqbalka dimoqraadiyadde ena,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.


Jeneral Koronto oo si kulul uga hadlay rasaaseyn tii Habeen hore ka dhacday Muqdisho

      General Maxamuud Macalin Koronto oo ka tirsan Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay rasaastii Habeen hore lagu furay gaadiidkii uu la socday Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

      General Maxamuud Maca lin Koronto, Abaandulihii hore Qaybta 12-ka April ee Ciidan ka Xoogga Dalka ayaa sheeg ay in uu ka ag-dhawaa Isgoys ka Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis, markii lagu rasa aseynayay General Tuuryare.

      "Wax si kedis ah ku dhacay maaha, run ahaantii aniga waan maqlayay xabadaha oo meesha gurige yga ayaa ka dhow. Koley, koley waxaan u aragnaa daan-daansi beryahaan socdaya,” ayuu yiri General Koronto.

      General Koronto oo ka barbar hadlayay shir jaraa ’id oo General Tuuryare uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay inaysan wax wanaagsan ahayn in masuuliyiinta lagu arbusho wadooyinka.

"Ciidan haddii amar la siiyo waxaa la rabaa waajibka inay toos u aadaan, maaha inay dadka wadada mar aya ama masuuliyiinta ahi ku xag-xagtaana,” ayuu yiri General Koronto oo xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

     Jananka ayaa yiri "Haddii arrintan loo bareerayna waa sidii loogu bareeray, haddii aan loo bareerin-na koley, koley Saraakiishii ku soo baxay arrintan ayaa ka mid ahaa, koley jawaabteeda iyo waqtigeeda ay aan ka bixin doonnaa, si adagna waa uga bixin do onnaa, haddii Alle idmo.”

      General Koronto oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu da mbeysay ku kala irdhoobay arrimaha siyaasadda ee dalka.

     Koronto oo Korneyl ahaa ayaa darajada S/Guuto waxaa loo dalacsiiyay 20-kii bishii October ee sanad kii 2017, waana maalmo ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee 14-kii bishaasi ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

       Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa dhinacyada mucaaradka ku eedeeyay inay hab beeleed u kala fur furayaan Ciidamadii Qa ranka, oo dib-u-dhiskoodu sida uu sheegay dhibaato badan laga soo maray. 

       Khilaafka ka dhashay doorashooyinka dalka ay aa gaaray meeshii ugu adkeyd, waana markii ugu ho reysay xiisad ceynkani oo kala ah labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladnimada Soo maaliya.

Congo oo war kasoo saartay ujeedka safarka FAR MAAJO iyo tuhun la xiriira KENYA iyo QATAR oo soo baxay

     Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadi ga ah ee Congo ayaa markii ugu horreysay ka had ashay safarka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegay dalkaas.

     Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Félix Tshisekedi, oo sidoo kale ah gu ddoom iyaha Midowga Afrika, uu Farmaajo kala hadli doono arrimo ku saabsan gobolka, oo aan la caddeyn waxa ay yihiin.

Hase yeeshee, ajendaha kulanka ee ah "arrimo ku saabsan gobolka” ayaa ka duwan midka ay shaaci say Villa Somalia oo ah in safarka "uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnima da.”

      Dhinaca kale, diblomaasiyiin ku sugan gobolka ayaa laga soo xigtay in safarkan ay soo abaabushay Qatar, islamarkaana la doonayo in lagu heshiisiiyo Ke nya iyo Soomaaliya. Qatar ayaad u dooneysa hes hiiskan, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

       Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa laba toddoba ad kahor un, 29-kii March, waxa uu Doha kula soo kul may Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayada oo la rumeysan yahay in kulankaas loogala hadlay inuu qaato doorka dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu yahay guddo omiyaha Midowga Afrika.

     Qatar iyo Congo ayaa la sheegayaa inay doonaya an in Farmaajo uu ogolaado inuu heshiis la galo Ken ya, taa beddelkeena Kenya ay aqoonsato Farmaajo.

     Haddii heshiiskaas la gaaro ayaa Félix Tshisekedi waxa uu kadib Midowga Afrika uga ololeyn doonaa inay aqoonsadaan Farmaajo, maadaama muddo xile edka uu ka dhacay, labadii sano ee uu ku darsaday-na ay diideen Reer Galbeedka, sida ay ku warramaya an diblomaasiyiinta laga soo xigtay xogtan. Waan idi nla soo socod siin doonnaa wixii kusoo kordha, Insha Allah.

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

      Shir looga hadlayay amniga Caasimada Galmu dug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Dorraad u furmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maa mulka Dhuusamareeb.

     Kulanka oo ay goob joog ka yihiinTaliyeyaasha qa ybaha Kala duwan ee Ciidanka Federaalka ayaa diir ada lagu saarayaa xaaladaha amni ee Dhuusam areeb iyo Deegaanada hoostaga, oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

       Maamulka Degmada Dhuusamareeb iyo Saraa kiisha ayaa iska xog wareystay tallaabooyinka amni ee Ciidamadu qaadeen iyo Howlgallada muhiimka ah ee looga fadhiyo in Ciidamadu ay sameeyaan inta la gu gudajiro bisha Barakeeysan ee Ramadaan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ay balan qaadeen inay dardar gelin doonaan howlgall ada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro degaa nnada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay kaga su gan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

     Kulanka looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aa dayaa xilli Ciidamada dowladda maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ay degaano kula wareegeen ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusa mareeb ee Caasimadda Galmudug.

FAYSAL Cali Waraabe oo shaaciyey arrin uu Geelle ‘ka hor-istaagay’ Somaliland

     Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Fa ysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar

Geelle oo dhawaan loo doortay markii shanaad inuu hogaamiyo dalkaas.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayay kulan ka qabsoomay Clubhouse ayaa waxa uu ku sheegay inaysan marnaba heshiis aheyn madaxweyne Geelle, islamarkaana uusan la dhacsaneyn siyaasidiisa xukun maroorsiga.

Waxa uu ku tilmaamay madaxweynaha Jabuuti inuu yahay cadowga Somaliland ee kasoo horjeeda inay hesho aqoonsi caalami ah oo ay baadi-goobeyso soddankii sanno ee udambeeyay, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax-banaan Soomaal iya."Anigu heshiis ma nihin Ismaaciil Cumar Geelle, waayo Ismaaciil waa cadowga Somaliland, waayo marnaba ma ogola in Somaliland la aqoonsado. Djibouti-na kama dambaynayso Ismaaciil,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

       Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mad axweyne Geelle aysan ka dambeyn doonin Jabuuti, maadama uu gebi ahaanba curyaamiyey siyaasiyiintii ka aragtida duwaneyd, islamarkaana uu caburin iyo awood ku haysto hogaanka dalkaas.

      Faysal ayaa dhowr jeer oo hore taageero u muuji yey banaan-baxyo looga soo horjeedo Ismaaciil Cum ar Geelle, oo uu xiligaas ku sifeeyay shaqsi ‘gacan-maroojis iyo kali-talisnimo’ ku haysta hogaanka Jabuuti.

Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay ‘xoog uga haysato’ dhul ballaaran

     Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmud ug, Axmed Shire Falagle ayaa ka fal-celiyey heshiis cusub oo ay maamullada Galmdug iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

     Falagle ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uu yahay mid milatari, isla-markaana ay si wadajir ah u saxiixeen wasiirada amniga ee labadaasi maamul oo daris ah.

      Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa du ray heshiiskani, wuxuuna sheegay in Puntland ay dhul ballaaran xoog heysto Galmudug, sida uu hadal ka u dhigay.

Wasiirka amniga maamulka Gal mudug ma carab-baabin halka uu ku yaallo dhulkaasi uu shaaciyey inuu Galmudug ‘uga maqan’ dhin aca Puntland.

     "Iskaashi Milatari ayey Gaalka cyo ku kala saxiixdeen dowladaha Galmudug iyo Puntland, gaar aha an wasiirada amniga, Fiqi iyo Galan,” ayuu yiri wasiir Falagle.

      Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Deegano Galmudug ah oo balaaran waxaa xoog  ku heysta Puntland,”.

     Hadalkan oo si weyn loogu faafiyey baraha bulsha da ee Internet-ka ayaa waxaa ka dhashay fal-celin aad u xoogan iyo hadal heyn badan, balse ma jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Puntland ka bix isay eedeyntaasi culus ee loo jeediyey.

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay 66 maxbuus bisha Ramadaan awgeed

      Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Dorraad cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada degaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa maxaabiistaan caf is ugu fidiyey talo soo jeedin ka timid wasaaradda caddaalada Puntland, iyadoo la eeg ayo fadliga bisha barakeysan ee Ram addan iyo xaaladda caafimaad ee ca abuqa Covid-19 awgeed.

    Tirada maxaabiista ugu badan ee la cafiyay ayaa ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, xabsigaas oo ah kan ugu weyn ee lagu hayo maxaabiista dambiyada kala duwan.

Saraakiisha xabsiga ayaa HOL u sheegay, maxaab iista la cafiyay in ay u xirnaayeen dambiyo fudud isla markaana muddada xabsi hayntooda ay u dhimanayd wax yar.

     Sanadkii hore, Puntland ayaa cafisay 194 maxb uus.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip