RA'YI: Muqdisho waa mininkii Muddulood, maamulkeedana iyagaa ka mas'uul ah

0
Saturday April 02, 2016 - 09:35:54 in Maqaallo by
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI: Muqdisho waa mininkii Muddulood, maamulkeedana iyagaa ka mas'uul ah

    Muqdisho waa la wada leeyahay, ummadda Soomaliyeed ayaa si isla eg u maal-gashatay, cidna kama oodna cidna uma oodna, Maamulka Muqdisho waa in laga wada qeyb galaa iyo mala-awaal kale oo been abuur ah ayay dadka qaarkiis ku waasheen, dhedo roob noqon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho waa la wada leeyahay, ummadda Soomaliyeed ayaa si isla eg u maal-gashatay, cidna kama oodna cidna uma oodna, Maamulka Muqdisho waa in laga wada qeyb galaa iyo mala-awaal kale oo been abuur ah ayay dadka qaarkiis ku waasheen, dhedo roob noqon weydey, lex jeclo awgeed waa nasiib daro inaad sheegato Magaalo aad MARTI ku tahay.

Taariiq ahaan Magaalo walba dad ayaa Milkiyadeeda iska leh, dhaqan ahaan Magaalo waa lagu wada noolaan karaa hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in loo hogaansamo rabitaanka aqlabiyadda halkaasi ku dhaqan, shuruuc ahaan Magaalo waxaa iska leh Asal ahaan dadka ay Deegaanka u ahayd, kuwaasi oo ku nool Gudaha iyo Hareeraha Magaaladaasi.

Inta ay soo jirtay oo sanaddo ah Muqdisho waxaa ku noolaa oo loogu yimid Soomaalida iminka ugu tirada badan ee Magaaladani lagu yaqaano iyo Beelo kale oo macruuf ah, caqli ma aha in ruux yimid Muqdisho 50-kii sanno ee ugu dambaysay inuu is nabo oo is fahamsiiyo inuu Muqdisho wax ka leeyahay, isagoo ku gambanaya sheeko baraleydii laga soo gudbay ee ahayd Muqdisho waa Caasimadii soomaaliya, been ma aha Muqdisho waa xaruntii Soomaaliya laakiin dad ayay deegaan u tahay oo tirsanaya sida Gobolada kale loogu xisaabtamayo.

Dadka ku dhaqan Muqdisho waa MILKIILE iyo MARTI, waa ceeb iyo hunguri xumo in Hargeysa Isaaq lahaado, Garowe uu Majeerteen xabadka u garaacdo, Baydhabo ay Beesha Raxan weyn ka odeyeyso, Kismaanyana uu is lahaysiiyo Ogaadeen hase yeeshee Muqdisho la yiraahdo waa naga wada dhaxeysaa .

Haddii Muqdisho la wada lahaado waxaa qasab ah in Garowe, Hargeysa, Boosaaso, Baydhabo, Kismaanyo iyo Magaalo walba oo Soomaaliyeed loo wada sinaado Maamulkeeda, balse waa garasho xumo inaad kaaga lahaatid kan dadka kalana aad ku doodid waa wada leenahay, Federaal ayaa la qaatay shacab kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu dhulkiisa u tashado, ha dhibsan haddii aad aragto reer Muqdisho oo u khaylinaya inay Magaaladooda u madax banaanaadaan illeyn Soomaalida iska leh Magaaladaan meel kale waxba loogama ogolee.

Guri nin leeyahay nin kale ma lahaado, MUQDISHO WAA MAKAANKII IYO MININKII (HOYGII)MUDDULOOD, seddexda (3) Milyan ee Muqdisho ku dhaqan Labba (2) milyan oo ka mid ah waa walaalaha Muddulood, 17-ka Degmo oo ay ka kooban tahay Magaalada Muqdisho 8-ka mid ah waxay sooc u tahay Beeshaani, 4- kale oo ka tirsan Magaaladani aqlabiyad ayay ku leeyihiin, halka inta soo hartayna ay mug iyo miisaan culus ay ku joogaan.

Ahlu sharafka Magaaladaan loo yaqaano waa gogoshii ummadda Soomaaliyeed, mana diidana in lala joogo, soo dhaweyn, marti galin, qadarin iyo xaq soor bulsho waa u caado Ehlu baydka ay Muqdisho Deegaanka u tahay, lama xaqiri karo in beelo kale oo Soomaaliyeed ay wax ka degan yihiin Magaaladaan sida dadka Cad-Cad ee loo yaqaano reer Xamar ama Banaadiri, Murasade, Jareer weyn, iyo Jufooyin kale oo yar yar.

Af wax laguma yeesho, Muqdisho cid aan u dhalan waxba lagama weydiin maayo Masiirkeeda, meyd ninkiisaa mara saarta Muqdisho waxaa dad u ah ehelkii u dhashay ee soo jireenka ku ahaa Magaaladaan, waa run Muqdisho iyo dadkeeda inay cadow badan leeyihiin, nabad iyo xasilooni looma ogola, horumarkii waa lagala dagaalamayaa, dhaqaalaheeda Dekadda iyo Airpor-ka waa la iska dal-dashaa, lugooyo ayaa lagu hayaa, qas waxaa ka wada oo ay ka degi la’dahay dad aan u dhalan, nasiib wanaag haatan Muqdisho dadkeeda waa baararugeen suura galna ma aha inay sii socoto khayaanada lagu hayo Magaaladaan.

Dhawaan ayaya ahayd markii wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya lagu shaaaciyay in Muqdisho ay noqonayso Dawlad Goboleed si gooni ah u taagan, reer Muqdisho waagaasi cusub oo u barayay si farxad leh ayay u soo dhaweeyeen, sida la filayo ma dheere waqtiga ay Dawladda Federaalka u soo qalab qaadanayso dhismaha Maamul Dawladeedka Muqdisho, si arintaan wanaagsan ay u mira dhasho waxaa loo baahan yahay in Aaya ka talinta Magaaladaan loo daayo Beesha iska leh iyo Beelaha kale ee Magaaladaani uu ALLE Deegaanka uga dhigay.

Waxaa Qorey:–


Shiiqaaloow Xasan
Email:- shiiqaaloow114@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip