HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AXAD 18-KA ABRIIL 2021-KA

0
Sunday April 18, 2021 - 09:33:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AXAD 18-KA ABRIIL 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Midowga Musharaxiinta Oo Diiday Codsi Uga Yimid 


Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaa aliya ayaa habeenkii xalay aheyd Shir la qaatay Mad axweeyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo weli ku sugan Magaalada Muqdi sho.Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Go’aan laga sugay ay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guu dlaawe Xuseen oo ku aadan inay caddeeyaan mowq ifkooda muddo kordhinta labada sanno ee Farmaajo loo sameeyay.

2da Madaxweyne ayaa Shirka keenay farriin ay ka wadeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa dha mmaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu Farmaajo doonayo inuu la kulmo M/Musharaxiinta, si loo wadahadalo.

Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wad een Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo aheyd codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo, wa xaana la tilmaamay in inta uu socday Shirka ay dhina cyada dhexmartay dood kulul.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Shirkii xalay inta uu socday uu isaga soo baxay C/r axmaan C/shakuur, ka dib markii Qoorqoor iyo Guudl aawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen.

Shirka dhexmaray dhinacyada ayaa soo dhammaa day, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, waxaana weli Musharaxiinta ay Axmed Qoorqoor iyo Cali Guud laawe ka sugayaan inay si Cad u caddeeyaan mowqif kooda la xiriira muddo kororsiga Farmaajo.

XOG: FARRIINTA FARMAAJO LOOGU GUDBI YEY KULAN KII WAKIILADA BEESHA CAALAMKA

Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa shir Shalay dhe xmaray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka oo ka dhacay teendhada Afisyoone ee xerada Xalane. Ilowareedyo diblo maasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in shirk an uu ahaa mid ay dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqa an C6+, kuwaas oo Farmaajo ugu yeeray inuu yima ado teendha da Afisyoone.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ay Farmaajo u gudbiyeen farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’ aanka ay ka qaateen muddo korosiga uu sameystay, kaasi oo ay billaabi doonaan dhaqangelinti isa haddii aanu ka laaban muddo kororsiga.

Waxaa sidoo kale Farmaajo kulanka loogu gudbiy ey nooca cunaqabateyn ee ay wajihi doonto DFS, iyo xayiraadaha ay wajahaya an shaqsiyaadka ku lugta leh muddo koror siga, oo uu ku jiro isaga.

Waxaa sidoo kale xayiraadaha wajahaya guddo omiyaha G/sh/Maxamed Mursal iyo 2diisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muud ey iyo Mahad Cabdalla Ca wad, oo Farmaa jo siiyey muddo kororsiga sharcidarrada ah.

Mareykanka iyo M/Yurub ayaa la sheeg ay inays an marnaba aqbali doonin muddo kororsi, ayaga oo rumeysan inay taasi horse edi karto dagaal ka qarxa Muqdisho iyo DFS ay gebi ahana burburto oo caas imadda laga eryo.

XILDHIBAANADA HAWIYE OO FARRIIN CULUS KA SOO DIRAY SHIIRKOLE

Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye, oo Shalay gaaray xaafadda Shiir kole ee degmada Hodan oo maalmahan ay xiisad colaadeed ka taagan tahay, ayaa halkaas ku qabtay shir jaraa’id oo xasaasi ah. Qaar ka tirsan Xildhiba anada booqashada ku tagay Shiirkole oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay garab taagan yihiin General Saadaq Joon oo saldhig Ciidan ka sameys tay Xaafadaas kadib markii uu ka war helin weerar ay kusoo qaadi rabto Dowlad da.

Senator Yuusuf Dhagey oo kamid ahaa Xldihibaan adii tagay Shiirkole ayaa she egay inuu aad ugu ma hadcelinayo dadka deegaanka oo uu sheegay inay muujiyeen geesinimo, islamarkaa na ay ishortaageen gardarradii dowladda.

Senator Dhagey ayaa sidoo kale sheegay in dalka an laga keenay meel fog islamarkaasna aysan sha qeyn karin waqtigaan in dib loogu celiyo, oo aysan aqbali doonin.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dowla dda Soomaaliya ay weerar kusoo qaado cid kasta oo ka ra’yi duwanaata, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan Teendhada Afisyooni.

"Shiirkole waa meeshii markii ugu horeysay kacdo onka looga bilaabay kacaankii Siyaad Barre, waxay caan ku tahay in howl kasta oo laga bilaabo ay guul ku dhamaato,” ayuu yiri Dhagey.

"Waxaan soo marnay qeybo badan oo kamid ah magaalada, waxaana aragnay dhufeyso badan oo ay ku sugan yihiin ciidamo diyaara u ah inay soo celiya an dimoqraadiyada,” ayuu sii raaciyey Dhagey.

Xildhibaan C/hi Axmed Nuur oo kamid ahaa Xildhi baanadii booqday Shiirkole ayaa isna sheegay inuu Shacabka deegaankaas uga mahadcelinayo inay is ka difaaceyn weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday, wuxuuna Dowladda Soomaaliya ku eedeey ey inaysan laheyn wax naxariis ah.

Sidoo kale Cabdullaahi Axmed Nuur ayaa sheeg ay in Saadaq Joon uusan gelin wax dambi ah, isla markaana uu kaliya dowladda u sheegay inay door asho qabato, wuxuuna tilmaamay in wixii hadda ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo ay u aqoonsan yihiin hoggamiye kooxeed.

"Farmaajo isagaa ugu tabar yar dadka isagaana dagaal hurinaya,” ayuu yiri Xildhibaan C/hi.

Dhinaca kale Senator Cabdi Ahmed Dhuxulow Dhegdheer oo kamid ahaa Xildhibaanadii tagay Shiirk ole ayaa isna Sheegay in DS ay ku tumatay Dastuur ka isla markaasna aysan diyaar u aheyn inay dalka ka qabato doorasho xalaal ah.

"Waan ku gumeysanaa ama saraha dhaadheer ay aan kaa duminaa kuuma suurta galeyso Farmaajoow, dadkaanna gumeysi aqbali maayaan,” ayuu yiri Xildh ibaan Dhagdheer ayaa sidaan yiri.

WASIIRKA CUSUB EE GAADIIDKA IYO DUULIS TA HAWADA OO SHALAY XILKA LA WAREEGAY

Wasiirka cusub ee W/Gaadiidka iyo Duulista Haw ada XFS Md.Duraan Axmed Faarax ayaa Shalay xil ka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xar unta Wasaaradda. Munaasabadda xilwareejinta waxaa ka qeybgalay R/Wasaare kuxigeenka XFS, Md.Mahdi Maxamed Guuleed, W/kuxigeenka W/G aadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hay’adda duulista Hawa da iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale. Wasiir kuxigeenka W/Gaad iidka iyo Duulista Haw ada Soomaaliya, Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku war eejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasa aradda , isagoo u raj eeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuli yada adag ee u adeeggidda shac abka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee W/G iyo Duulista Hawada Soo maaliya, Md.Duuraan Axmed Faarax oo ugu horr eyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee W/geerida Aab bihii ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegy ada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka, isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hortebinta u leh Wasaaradda. "Wasaaraddan waxay mu raayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa muujiso.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray " Waxaan doonaya dhammaan Maanta oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

R/wasaare kuxigeenka XFS,Mahdi Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY SABABAHA AY U BURBUREEN WADAHADALADII DOORASHOOYINKA

Wareysi dheer oo uu telefishinka Shabeelle siiyey Madaxweyne Farmaajo ayuu badankiis uga hadlay fashilka wada hadalladii dowlad gobolleedyada iyo DFS. Madaxweyne Farmaajo oo aan looga baran in uu bixiyo wareysiyada tooska ayaa la weydiiyey sa babta uu u fashilmay wada hadalladii mudda da dheer qaatay ee arrimaha doorashooyinka, waxaana uu ku jawaabay waxa ugu weyn ee la isku hayey waxa ay ahayeen seddex qodob ee kalaa arrinta gobolka Ge do, guddiyada doorashooyinka iyo arrinta Somaliland, hayeeshee madaxweyneyaasha Jubaland iyo Punt land ayaa mar walba keenayey seddex qodob oo leh oo noqonaya shuruudo adag.

"labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoo be waxa ay fulinayaan dano shishee ye, waxaa dhacday inay u duulaan Abu dubai, muddo laba bil ahna aan raadinayey maxaa yeelay teleefanna da ayeey da nsadeen, markii aan co dsaday in aan Garoowe shir ku qabanno Deni ayaa diiday, Baydhabo, Muqdisho u gu dambeynna Dhuusomarreeb, laakiin nasiib darro markii aan damacsaneyn in shirka Muqdisho xal lagu gaaro isla markaana aan saxiixno fulinta heshiiskii 17kii September waxa ay hadana keeneen shuruudo dheeraad oo ay ka mid yihiin in beesha caalamka shirka garwadeen ka noqoto, in taliyeyaasha ciidam mada iyo Barlamaanka la kala diro iyo in madaxdii hore shirka ka soo qeybgalaan, taasna iyaga awood uma lahan inkastoo aan ogollaa in madaxweyney aashii hore shirka ka soo qeybgalaan”ayuu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in go’aanka Golaha shacab ka uu gaaray 12kii April in uu yahay mid ay u madax bannaanaayeen isa guna uu u arko mid ka turjumaya rabitaanka shacabka.

Mar uu ka hadlayey dowladaha soo farageliya siy aasadda Soomaaliya ayuu sheegay in Kenya ay dhib badan ku heysay dalkaan dhaqaale Soomaali leedah ayna ay Kenya iska cunto, taasna aan la qaadan kar in, waxa uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay is fahmeen maadaama dalkaas uu ka dhacay isbaddel weyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Eedda mucaaradka ee ah in ay ku tilmaamaan keligii talis in aysan sax aheyn, waxa uu sheegay in aysan jirin siyaasi ama saxafi u xiran dowladdiisa, isla markaana aanan la cabburin shacabka iyo siyaasiyiinta, sidaa darteedna ay magac kale u raadiyaan.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in muddada la bada sanno ah doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, dalkana looga xorreyn karo Alshabaab laakiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka laga

rabo in ay keenaan khariiradda doorashadaas.

 

BAARLAMANKA PUNTLAND OO GO’AAN CULUS KASOO SAARAY MUDDO KORORSIGA FARMAAJO

G/Wakiilada Maamulka Puntland oo Shalay kulan xa saasi ah ku yeeshay M/Garoowe ayaa go’aan ka gaa ray muddo korosiga Farmaajo kadib cod ay arrintaas u qaadeen. Kulanka baarlamaanka Puntla nd ayaa ugu horeyn waxaa khudbad ka ha dleysay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka ku jiro iyo khilaafka doorashada ka taagan u jeediyey Md.Saciid Deni.

Kadib khudbadda uu Saciid Deni, ayaa wuxuu gud doonka ku dhawaaaqay in cod loo qaadayo go’aanka maamulka ee ku aaddan muddo kororsiga uu sam eystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxa med C/hi Farmaajo.

Kulanka B/Puntland ayaa waxa soo xa adray ilaa 52 Mudane, waxaana qaadacay muddo kordhinta uu sameeyey B/Somaliya. 49 Md, 1 Xildhibaan ayaa diid ay halka 2 Xildhibaan ay ka Aamustay.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomina yey G/B/Puntland C/rashiid Yuusuf Jabriil iyo 2diisa ku xigeen ee C/casiis C/hi Cusmaan iyo Ismaaciil M. Warsame.

Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha D/Pu ntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan ee Dow ladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqi fkeeda ku aaddan muddo kordhinta uu sam eystay Madaxwey nihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed C/hi Farmaajo.

Go’aanka kasoo baxay B/Puntland ayaa ku soo aadayo xilli Shalay Beesha Caalamka ay Xalane uga wacday madaxwe ynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo isla markaasna lagu warg eliy ey go’aanka ugu dambeeyo ee beesha Caa lam ka oo ah in dalka ka dhacdo doorasho la na aqbali do onin muddo kordhin haddii ay ta as dhacdana la saari doono cunaqabateyn aan weli nooceeda si rasmi ah loo ogaan.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO XILALKII KA QAADAY TALIYEYAAL CIIDAN KUWA CUSUBNA MAGACAABAY

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shalay xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booli iska iyo Hay'adaha amniga Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday xafii ska madaxweynaha Jubbal and Axmed Madoobe ayaa xi lka looga qaaday taliyeyaasha ciidamada Booliiska, ku xige enkiisa iyo taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Si rdoonka maamulka Jubbaland.

Wareegtada ayaa sidoo kale loogu magacaabay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska G/S Maxamed Cabdi Sheekh waxaana ku xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, taliyeyaashan cusub ayaa badalaya taliyeyaashii hore ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Gabagabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Nabadsugida maamulkiisa u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, waxaana wa reegtada lagu faray dhamaan ciidamada iney la shaq eeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO FARRIIN U DIRAY LAAMAHA AMNIGA

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka D/G/Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Shalay shir Guddoomiyay Shirkii Amniga Galmudug oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlya xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga deegaanada Maamulka iyo howlgaladii lagu xaqiijinayay amniga ee halkaas Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka ay fuliyeen. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidamada Galmudug faray inay laba jibaaran Howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha ee ka soc da deegaan ada Maamulka.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweyne Cali Daahir Ciid laamaha Amniga qeybahooda kala duwan faray in sare loo qaado Amniga Magaaloyinka Galmudug, maadaama lagu jiro Bisha barakaysan ee Ramad aan.

Shirkaan ayaa waxa Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Nabadsugida, Booliska iyo Saraakiil ka tirs an Ciidanka AMISOM ee ku sugan Magaalada Dhuu samareeb, kuwaasi oo isla gartay xoojinta amniga.

Maxkamadda Ciidamada Oo Shalay Xukun Adeg Riday

Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan ayaa loo ha ystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab oo uu kaga bii ray Galgaduud 2013 iyo in uu u qaabilsanaa Faafinta fikirka Alshabaab.

Billowgii March ayay ku soo waree jiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta C/Q/Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Gars oorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsugeahaan.

Maxamed Cusmaan ayaa dhalinyarada Alshabaab ee ku sugnaa CeelGaras iyo CeelBuur u fasiri Diinta Is laamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaa sha Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu yimid Muq disho, waxa uuna u sheegay Garsoorayaasha in xillig aasi uu la wadaagi jiray Alshabaab dhaqdhaqaaqya da Muqdisho iyo la wadaagidda wararka la xiriira G obalka ee ay baahiyahaan Idaacado ku yaal Caasim adda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la mu ddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Max amed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.

Shalay ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 8 sAo oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheeg ay G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute G/Maxkamad da Darajada1aad Ee C/Q/Sida.

Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO WAR KASOO SAARAY SARKAAL QARAX LAGU DILAY

Mdaxweynaha D/G/Hirshabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qarax miino oo gelinkii da mbe ee Shalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidan ka MilaterigaDFS oo lagu magacaabi jiray Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoyskii Qaraabadii Asxaabtii iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u Naxariistee Marxuum Yaasiin Cabdi oo qarax la gula beegsaday duleedka degmada Balcad.

Sidoo kale Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu Janatul Fardaw sa ka waraabiyo, Ehelada, Qaraa bada iyo Asxaabta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa tuulada Gololeey ee duleedka degmada Balcad lagula eegtay gaari uu la socday Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow, isagoo qarax aas ku geeriyooday, halka Askar kalena ay dhaawa cyo soo gaareen.

Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar ee Caasima dda Maamulka Hirshabeelle iyo degmada Balcda ay aa waxaa dhowr jeer horey uga dhacay weeraro lagu dilay Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

XOG: MAGACYADA 3 HAWEEN AH OO LOO SOO QABTAY DILKA GUDDOOMIYIHII XAMAR JAJAB

Ciidan ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa soo qabtay 3 qof oo dumar ah, kuwaas oo ku eedeysan di lka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo Habeen hore lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degaanka Sarkuusta ee duleedka Muq disho. Saraakiisha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in mraxuumka ay shir qooleen dumar ka mid ah kuwii xaafadda daganaa kadibna waxaa dilka fuliyay dhallinyaro mindiyo ku hubeysan oo gowrcay marxuumka. Allah ha u naxariistee dilka Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xa mar Jajab ayaa loo soo qabtay, Farxiyo Xasan Ax med oo 31 sano jir ah, Farxiyo Cabdi Samataay oo 38 sano jiro ah iyo Caaliyo Abuukar Cumar oo iyad ana 38 jir ah.

Haweenka la soo qabtay ayaa la sheegay in mid kamid ah ay hogaamineysay ra gga dilka geystay oo ka koobnaa 3 qof, kuwaas oo ugu dambeyn xaafadda ka baxsaday.

Guddoomiyaha la dilay ayaa da ganaa xaafada Sarkuusta oo ka tirsan de gaanka Garasbaalay wa xa uuna daganaa 3dii bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa la sheegay in uusan wadan wax hub ah iyo ilaalo midna. Dadka la soo qabtay waxaa ku jirta xa askiisa oo ay boolisku sheegeen in uu jiro shaki soo galay.

Maxruum Maxamed Cabdi Axmed ayaa ahaa 63 sano jir dhawaan loo magacaabay degmada Xamar Jajab waxaana asalkiisa laga keenay maamulka G/ Sh/Hoose oo uu ka tirsanaa.

DF OO XIRTAY ASKAR ISAGA SOO TAGTAY XAAFADDA SHIIRKOLE

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa am ray in la xiro 7 ka mid ah ciidanka booliska degmada Hodan oo Habeen hore laga soo eryay guriga taliyihii hore ee ciidanka booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon, kuwaas oo la geeyay aagga Shiirkole Arbacadii, oo aheyd marki ay shaqaaqada billaabatay

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online in ciidankaan oo daganaa meel u dhaw guriga Jeneraal Saadaq oo ku yaalla Shiirkole uu u yimid Janaraalka oo wata ciidan badan, kadibna uu ka qaatay moobeeladii.

Jeneral Saadaq ayaa markaas kadib toddobada Askari u sheegay in uusan diyaar u aheyn in uu dilo ama uu hubka ka qaato, maadaama ay yihiin dhalin yaro uu waqti badan horey u geliyay oo uu taliyaho oda ahaado, hase yeeshee ay u tagaan taliyihii soo diray una sheegaan in uu soo fasaxay taliye Saadaq Joon.

Wuxuu sidoo kale u sheegay in mobeeladooda ay gacan aamin ah ku jiraan islamarkaana ay marka le soo doontaan haddana uu sababi amni uga ree bay.

Taliska ciidanka booliska ayaa askartaan markii ay u tageen amray in la xiro, waxaana lagu eedeeyay dacayaad amni maadaama ay ka soo tageen goob amaankeeda lagu haleeyay waliba iyadoo aan wax dagaal ah dhicin. Waxaa sidoo kale lagu qabsaday sababta aysan ula dagaalin markii ay u yimaadeen ciidanka Saadaq.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa hadda dag an balse waxaa weli jira jawi colaadeed oo ka dha shay dhaqdhaqaaqyadii ciidan ee Habeen hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shakisan saraak iisha qaar oo ay aaminsan tahay inaysan diyaar u aheyn weerarka Saadaq Joon.

Habeen hore ayaa aheyd habeenkii 2aad oo ay ciidamada dowladda isku dayaan weerarka Jeneraal Saadaq balse ay ku fashilmeen, inkasta oo dowladda markii dambe ay sheegtay inuusan qorshuhu ugu jirin weerar ka dhan ah Saadaq. Jen. Saadaq Jo on ayaa Shalay billaabay inuu dhufeyso ciidanka sa meysto xaafadda Shiirkole, si uu isaga difaaco weer arka dowladda.Xigasho: Caasimadda.Net

MALEESHIYAADKA ALSHABAAB OO LA WAREEGAY DEGAAN KA TIRSAN GOBOLKA MUDUG.

Xubno ka tirsan Ururka AlShabaab ayaa waxaa la sheegay inay Habeen hore la wareegeen dega anka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

La wareegitaanka AlShabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waaa uu yimid kadib markii hab een ka hor ay degaankaas isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku haayay.

La wareegitaanka Ururka AlShabaab ee degaan ka Bacaadweyne ayaa waxaa uu saameyn ku yeel an doonaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Ma gaalooyinka, Cadaado, Hobyo iyo Gaalkacyo.

AlShabaab ayaa Baraha taageera ee Internetka wa xaa ay kusoo qoreen inay si nabad ah kula wareeg een degaanka Bacaadweyne, isla markaana xilligan wixii ka dambeeya ay mamuli doonaan, waxaana weli ka hadlin laamaha Amniga Maamulka Galmudug.

Dhowr jeer ayaa degaanka Bacaadweyne waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda gar ahan qey bta 21aad oo garab ka helayay dadka degaanka iyo AlShabaab, taas oo sababtay inay degaankaas la difaaco.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KA HADLAY COLAADA G/SOOL

Dagaal beeleed hubaysan, ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Ceelka Dhabardalool, oo koonfur kaga beegan degmada Duddun ee G/Sool, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

2da maleeshiyo Beeleed ayaa iksu heysta Ceel biyoodka, iyada oo dad rayid ah badi ay ku dhinteen dagaalka dhexmaraya 2da maleeshiyo beeleed, waxaana ka hadlay Madaxweynaha Somaliland.

Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa Baaq Nabadeedu diray Beelaha ay dirirtu ku dhex mareyso Ceelka Dhabardalool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana faray Inay tallaabo Adag ka Qaadaan Cidkasta oo Nabadda ka soo horjeeda.

Hoos Ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uubaaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabardalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee D/Sool.

Dagaalkaas oo ka kacay Ceelbiyoodka Dhabardalool ee D/Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda ma atida ah ee aan waxba Shalaysan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka 2da dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka be elaha walaalaha ah oo dhawa an uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhicadeeye oo ay xubno ka mida G/wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib darro ay 2dii beelood dib ugu dirireen ceelbiyood Dorraad.

Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaama yaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo si dan u khasaare badan inay ku soo noqnoqoto deeg aamada gobolka Sool,

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, ma amulka gobolka iyo dhammaan ba hay’adaha kala du wan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladn imo ka qaad aan colaadaasi soo noqnoqotay, cid kasta oo u hoggaansamiwayda nabadda iyo sam ahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shac abka J/Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysa taan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waay ey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalka asi.

DOWLADDA MAREYKANKA IYO JAPAN OO HESHIIS CUSUB WADA GAARAY

waxaa magaalada Washington DC, lagu soo ga bagabeeyay shir madaxeed u dhaxeeyay Mar eykanka iyo Japan, kaas oo diiradda lagu saaray xir iirka labada dal iyo xaaladda Bariga Aasiya, kaa oo ugu horeyn Beijing ay camba areysay.

Ra’iisul Wasaaraha Jap an Yoshihide, oo noqon aayo hogaamiyihii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha cusub ee Mareykanka ku qaa bilo magaalada Washington, ayaa waxay ku he shiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashanayaan arr imaha Bariga Aasiya gaar ahaan isbalaarinta Shii naha.

"Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah wax uga qabanno caqabadaha Badda Bariga iyo Koonfurta Shiinaha iyo sidoo kale arrinta Kuuriyada Waqooyi,” ayuu Biden ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqa lka Cad, xilli uu garab taagnaa Ra’iisul Wasaaraha Japan.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa ka hadlay isbahaysi salka ku haya xorriyadda, dim uqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee Aasiya, is agoo carrabka ku adkeeyay in ay ka soo horjeedaan isku day kasta oo ay Beijing ku doonayso inay ku be ddesho xaaladda hadda ka jirta Koonfurta iyo Bariga Badaha Shiinaha.

DOWLADDA TURKIGA OO SOO SAARTAY AWAAMIIR CUSUB

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Turkiga Süleym aan Soylo ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID19 oo kiisas farabadan laga helay dalkaas.

Wasiirka ayaa wacad ku maray ay talalabo ka qaadi doonan cidda aan u hoggaansamin awaamiirta ay soo saareen, isla markaana dadka Ajaanibta ah ee wata baasaboorka Turkiga lagala noqn doono hadii uusan fulin awaamiirta.

Warkan kasoo baxay Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Turkiga Süleymaan Soyloayaa waxaa uu saa meyn ballaran ku yeelan karaa Soomaalida ku nool dalkaas, kuwaas oo u damaashaad taga Goobaah dalxiiska, kuwaas oo aan hoggaansamin bandowga.

ERETRIA OO QIRATAY IN CIIDANKEEDU KA QEYBGALEEN DAGAALKA GOBOLKA TIGRAY

Dowladda Eritrea ayaa qiratay in ciidamadeeda ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray ee waq ooyiga Ethiopia laakin waxa ay wacad ku martay in ay la soo bixi doonto xilli uu sii kordhayo cadaadis caalami ah.

Qiraalka cad oo ah kii ugu horreeyay ee kaalinta Eretria ee dagaalka ayaa lagu sheegay warqad uu daabacay habeennimadii Jimcaha wasiirka warfa afinta ee dalkaas, oo ay qortay safiirka Eritrea u fa dhisa xarunta Qaramada Midoobay una dirtay Golaha Amniga.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa bi shii November ciidamo u diray gobolka Tigray si ay hubka uga dhigaan una xiraan hogaamiyaasha xisbi siyaasadeedkii gobolka maamuli jiray ee TPLF. Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah waxa ay beeninayeen in Eritrea ay ku lug lahayd da gaalkaasi, taas oo ka soo horjeeda maragfurka ka imanaya dadka deegaanka, ururada xuquuqda, shaqaalaha gargaarka, diblomaasiyiinta iyo xittaa qaar ka mid ah saraakiisha rayidka ah iyo militariga ee Ethiopia.

Abiy ayaa ugu dambeyntii waxa uu bishii March qiray joogitaanka Eretria mar uu la hadlayay xildhiba annada, wuxuuna ballan qaaday in ay ay ka bixin doonaan.

Waraaqda Jimcihii ka timid Eretria ayaa lagu she egay in iyadoo kooxda TPLF "si weyn loo fashiliyay”, Asmara iyo Addis Ababa "ay ku heshiiyeen in ay la bilaabo bixitaanka ciidamada Eritrea iyo in ciidamada Ethiopia lagu daadgureeyo xuduudda caalamiga ah.”

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa Khamiistii u sheegay Golaha Ammaan ka in inkastoo Aby uu sameeyay ballanqaad, had ana aysan jirin wax caddeynaya in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka.

Wuxuu kaloo sheegay in shaqaalaha gargaarka ay soo warinayaan xadgudubyo cusub oo ay sheege en in ay geysanayaan Ciidamada Difaaca Eritrea.

Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremes kel, ayaa bartiisa Twitterka Sabtida Shalay ah ku qo ray in Asmara ay u yeertay iskuduwaha QM ee Eri trea iyo madaxa xafiiska isku dubarridka gargaarka bani’aadamnimo ee QM ee dalkaasi si ay uga ashtakooto "dhaqammada qaldan iyo warbixinnada been abuurka ah.”

Dadka deegaanka Tigray ayaa dhowr jeer oo ho re Eriteriyaanka ku eedeeyay kufsi wadareed iyo xa suuq, oo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin maga alooyinka Axum

ICG OO BEESHA CAALAMKA U JEEDISAY TALLAABO XAL U AH XIISADA DOORASHADA SOMALIA

Qalalaasaha daba dheeraaday ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu galay marxad halis ah, waxaa sidaas warbixin ay soo saartay ku sheegtay he’yadda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group oo sheegtay in khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ay isku badali karto gacan ka hadal.

Hey’adda oo ka hadashay muddo kordhinta loo sameeyey hey’adaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sababi karto dib u dhac ku yimaado horumarka Soomaaliya, waxayna hey’adda muujisay cabsideeda ku aadan in xubnaha mucaaradka ay iyagana sameeyaan geedi socod barbar socdo kan Dowladda Soomaaliya.

"Saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, waa in ay u istaagaan abaabulidda iyo hoggaaminta wadahadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad loo maro doorashooyinka waqtigooda ku dhaca,” ayay qormadu ku dartey.

Hay’ada ayaa tiri "Dhammaan jilayaasha dibadda waa inay si aan shaki ku jirin u muujiyaan inay diyaar u yihiin in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku afgarto oo horay loo socdo,” ayaa lagu sii yiri warbixinta.

Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay dhexdhexaadin saddexaad oo salka ku haysata oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya.

"Xaqiiq ahaan, si kastaba ha noqotee, doorasho kasta waxay u baahan tahay in si ballaaran loogu saleeyo xeyndaabka heshiiskii Sebtember 17, iyadoo la ogyahay in doorashada aan tooska ahayn ay tahay habka keliya ee suurtogalka ah ee lagu codeyn karo jawiga amniga ee maanta maadaama AlShabaab ka taliso dhul ballaaran oo koonfurta dalka ah,” ayay ku dartay warbixinta hay’ada.

Crisis Group ayaa si cad u sheegtay in laga soo gudbay waqtigii la sugi lahaa in siyaasiyiinta Soomaalida ay kaligood go’aan gaaraan maadaama muddo badan la isku fahmi waayey, waxayna tilmaamtay in khilaafkaan u fursad weyn siiyey kooxda AlShabaab sidoo kalana uu caqabad ku noqday horumarkii ka socday dalka.

Maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhamaadey 8dii Febraayo isla markaana doonayo in dib loo doorto ayaa ganafka ku dhuftay hanjabaadaha caalamka kuna adkeystay ku darsiga oo uu ku sifeeyay mid awooda dib loogu celinayo dadweynaha.

AFAR MAAMUL GOBOLEED IYO G/BANAADIR OO SOO SAARAY QORAAL WADAJIR AH

Afar maamul goboleed iyo G/Banaadir oo soo saa ray qoraal wadajir ah (Aqriso) Wasaaradaha Waxbar ashada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Hir shabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa shir ay isugu yi maadeen 15kii bishan waxay uga tashadeen han aankii loo qaadi lahaa imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga Dhexe ee sand dugsiyeedka 20202021ka.

"Wadatashi iyo gorfeyn dheer kadib. Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay isku raaceen in imti xaanka fasalka 8aad la qaado 5ta illaa 8da bisha June 2021. Sidaas darteed wasaaraduhu waxay ku wargelinayaan banda waxbarshada iyo maa muleyaasha dugsiyada in loo diyaar garoobo imtix aanka fasalka 8aad,” ayaa lagu yiri qoraal ay si wadajir ah u soo saareen.

Qoraalka ay soo saareen ayaa intaas ku sii daray, "Wasaaradaha iyo Gobolka Banaadir waxay ku boo rinayaan maamulka dugsiyada, ardayda iyo howlwad eenada imtixaanka in ay raacaan talooyinka iyo hab raaca ay bixinayaan hay’adaha caafimaadka ee laxir iira ka hortagga iyo xakameynta cudurka Covid19.”

Ugu danbeyntii wasaaradaha waxbarashada dow lad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Gal mudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo mustaqbal ifaya qoraalkaan ugu rajeeyey dham maan ardayda Soomaaliyeed ee u fariisan doonta imt ixaanka shahaadiga ah, fasalka 8aad ee sand dugs iyeedka 20202021

BIDEN OO KORDHINAYA TIRADA QAXOOTIGA UU DALKAAS QAABILO

Madaxweyne Joe Biden ayaa dib u eegis ku sameeyay go'aanka qaxootiga saacado kaddib markii uu saxiixay in tirada qaxootiga ee sanad walba loo oggol yahay inay Mareykanka galaan loo daayo intii ay ahayd xilligii Trump.

Mr Biden ayaa go'aankaas sheegay Jimcihii kaddib markii uu tirada qaxootiga ee dalkaas loo oggol yahay ka dhigay 15,000, labo bilood kaddib markii uu codsaday in la kordhiyo oo laga dhigo 65,500.

Aqalka Cad ayaa goor dambe sheegay in bisha soo socota uu Mr Biden kordhin doono tirada qaxootiga.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Biden uu ka walaacsan yahay in tiro badan loo oggolaado dalkaas xilli ay qaxooti badan ku soo qulqulayaan xadka Mareykanka iyo Mexico.

Tirada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in in ka badan 80 millyan oo qaxooti ah guud ahaan dunida, iyadoo 85% ka mid ah ay marti gelinayaan dalalka horumaray.

MAXAA LAGU SHEEGAY AMARKA BIDEN?

Aqalka Cad ayaa sheegay in amarkii Jimcihii uu dardar gelin doono qaxootiga loo oggol yahay inay galaan Mareykankatan iyo October ilaa 2,000 oo qof ayaa loo oggolaaday inay dalkaas galaan.

Amarkan ayaa sidoo kale beddelaya qaabkii dadka lo ogu qoondeyn jiray inay Mareykanka galaan, iyadoo muhiimadda la siinayo dadka ka imaanaya Afrika, Bariga Dhexe iyo Bartamaha Ameerika, iyo in la soo afjaro xayiraaddii saarneyd dadkii ka imaanayay Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Balse Mr Biden oo wacad ku maray xilligiisii olol aha inuu kordhin doono tirada qaxootiga ayaa tirada ugu badan ee dalkaas loo oggolaan doono sanadkii ku koobay ilaa 15,000, tiradaas oo uu dejiyay mada xweynihii ka horreeyay Donald Trump.

MUUXU MARKII DAMBE SHEEGAY AQALKA CAD?

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad oo lagu magaca abo Jen Psaki ayaa sheegtay in amarka madax weyn aha Dimuqraaddiga ah uu abuuray jahwareer, kaddib markii warkaasi uu caro ka abuuray kooxaha garga arka iyo xisbiga madaxweynaha qudhiisa.

Ms Psaki ayaa sheegtay in amarkii Biden ee Jimci hii looga gol leeyahay in duullimaadyada qaxootiga ee Mareykanka dib loo bilaabo maalmo gudahood.

Waxay intaas ku dartay: "Markii sidaas la same yo , waxaan ka fileynaa madaxweynaha inuu dejiyo xi lli kama dambeys ah oo la kordhinayo qaxootiga inta ka harsan sanadkan wixii loo gaaro May 15."Ma aysan carrabaabin tiro, inkastoo ay tiri "hadafkiisii u gu horreeyay ee 65,000 waxay u muuqataa mid aan suurto galeynin".

Khudbad uu jeediyay February, ayuu Mr Biden wac ad ku maray in tirada uu ka dhigi doono 125,000 mud do sanad gudihiis ah.

Ku dhowaad 85,000 oo qaxooti ah ayaa dib u dej in loogu sameeyay Mareykanka intii lagu jiray san ad kii ugu dambeeyay ee madaxtinnimadii Barack Obama.

WAA MAXAY FACELINTA LAGA BIXIYAY?

Jenny Yang, oo madaxweyne ku xigeen sare ka ah World Relief, oo ah urur arrimaha bani'a adannimada ah, ayaa CNN u sheegtay in Aqalka Cad uu sheeganayo in barnaamijka dib u dejinta qaxo otiga ee Mareykanka ee loo baahday in dib u eegis lagu sameeyo ay "gebi ahaanba been tahay".

"Kuma dhisna wax xaqiiq ah," ayay tiri. "Ma ahan ina ysan heysan wiixi loo baahnaa. Waa wax ku saleysan siyaasad."

Sarkaal Mareykan ah ayaa goor sii horreysay shee gay in maamulka uu ka walaacsanaa inuu u muuqdo mid aad ugu furfuran kordhinta tirada muhaajiirinta imaanaya xadka Mexico.

Bishii March, ugu yaraan 172,000 muhaajiriin ah ayaa lagu qabtay xadka Mareykanka iyo Mexico, qaa rkoodna waxay ahaayeen carruur aan la wehlin XIGASHO:BBC

MAXKAMAD HINDIYA KU TAALLA OO XUKMISAY IN HAWEENEYDA MUSLIMADDA AH AY FURI KARTO NINKEEDA

Waa maxay waddooyinka haweeneyda Muslimadda ah uga bannaan inay furto ninkeeda? Maxkamadda Sare ee Kerala ayaa arrintaas ka gaartay go'aan kaddib dood dheer oo su'aashan ka taagneyd.

Maxkamadda ayaa oggolaatay inay sax tahay in haweenka Muslimiinta ah ay xaq u leeyihiin inay furaan nimankooda iyadoo la marayo shareecada Islaamka.

Tani waxay ka dhigan tahay in marka laga soo tago sharciga Hindiya, ay haatan haweenka Muslimiinta ah u bannaan yihiin afar arrimood oo ay shareecada u oggolaatay.

Waa muhiim in la ogaado jawaabaha afartan su'aalood si loo fahmo muhiimadda iyo saameynta uu go'aankan u leeyahay nolosha haweenka iyo ragga Muslimiinta ah.

Maxaa loo dhegeystay kiiska?

Dalka Hindiya, sida uu qabo 'Sharciga Laalidda Guurka Muslimiinta 1939', waxaa jira ikhtiyaar ah in la aado maxkamad qoys si ay haweeneyda isaga furto ninkeeda iyadoo adeegsaneysa sagaal kiis.

Kiisaskaas waxaa ku jira dhaqan xun oo uu ninku leeyahay, inuusan biil siin muddo labo sano ah, inuusan guri geysan muddo saddex sano, in la waayo muddo afar sano ah, inuu tabar la'aan noqdo, IWM.

Shajanna M., oo ka tirsan Isutagga Haweenka Qareennada Kerala, ayaa BBCda u sheegtay, "Maxkamadda way ku dhibbanaayeen haweenka Muslimiinta ah, mararka qaar kiisasku waxay qaadanayaan toban sano, kharash ayaa ku baxaya, waqti ayaa sidoo kale ku baxaya caddeymo badan ayaana loo baahan yahay si loo xaqiijiyo dhaqanka ninka. "

Shaista Rafat, oo xubin ka ah Guddiga Dhexe ee Talobixinta JamaateIslami Hind, oo ah urur Islaami ah, ayaa sidoo kale rumeysan in ikhtiyaarka koowaad ee haweenka Muslimiinta uu yahay in lagu furo qaab Islaami ah, intii ay mari lahaayeen hannaan sharci waqtigiisu dheer yahay oo jahwareer ah.

Waxaa Maxkamadaha qoysaska Kerala ka socday kiisas badan oo u dhaxeeya lammaane Muslimiin ah kuwaas oo aan wax go'aan ah laga gaarin.

Marka racfaan ka dhan ah uu gaaro Maxkamadda Sare ee Kerala, labo garsoore ayaa si wada jir ah u dhegeysanaya.

Waa maxay go'aanka maxkamadda?

Kaddib dhegeysiga, Maxkamadda Sare ee Kerala ayaa caddeysay in marka laga soo tago sharciga Hindiya, ay haweenka Muslimiinta ah sidoo kale raggooda iska furi karaan iyaga oo maraya Shaceerada Islaamka.

Mid ka mid ah ujeeddooyinka arrintan waa in lagu yareeyo cadaadiska kiisaska badan ee yaalla maxkamadda qoyska, ujeeddada kalena waa in la hubiyo in haweenka Muslimiinta ah ay xaq u leeyihiin inay nimankooda iska furaan.

Iyadoo soo xiganeysa go'aankii Maxkamadda ugu Sarreysa ay ku xukmisay in sharci darro ay tahay furriinka saddexda jeer ah, waxay maxkamaddu tiri, "Dad badan ayaa la sheegay inay sameeyaan wax "sharciga ka baxsan "iyagoo aan meesha ka saareynin habka aan Islaamiga ahayn sida furriinka saddexda jeer ah. "

Go'aankan oo ay gaareen labo garsoore ayaa isla go'aakaas ka soo baxay isla maxkamadda meesha ka saaray sanadkii 1972, kaas oo lagu sheegay in habka keliya ee ay haweenka Hindiya u dalban karaan furriin uu yahay waddada saxda ah. Wuxuu garsooruhu Shareecada Islaamka ku sheegay inay tahay mid 'Sharciga ka baxsan'.

Waa maxay arrimaha ay oggoshahay Shareecada Islaamka?

Haweenka Muslimiinta ah waxaa u furan afar ikhtiyaar oo ay raggooda isaga furi karaan iyaga oo maraya Shareecada.

• Furriinka Tafweez Marka iyaga oo is qaba, ay haw eeneydu la timaaddo hab ay isaga furi karto nin keeda. Tusaale ahaan, haddii uusan bixin biilka kori nta carruurta, uu qoyska ka tago, garaacid iyo wax la mid ah.

•Furitaan kaas oo ay haweeneydu iskeed ugu dalb an karto furriin, oggolaanshaha ninku markan muhiim maaha. Xaaladdan, meherkii haweeneyda la siiyay markii la guursanayay waa in loo celiyaa ninka.

•Mubarat Haweenka iyo ragga ayaa go'aan sanaya inay kala tagaan kaddib markii ay wada hadal soo yeesheen.

•Fask Haweeneyda ayaa qaadiga u gudbineysa dal abkeeda furriinka si ay go'aan uga gaarto. Xaal addan, meherka haweeneyda la siiyay xilligii guurka waxaa loo celinayaa ninka

Maxkamadda Sare ee Kerala ayaa go'aankeeda ku caddeysay dhammaan waddooyinkaas. Waxay sidoo kale sheegtay in haddii ay dhacdo 'Khula', oo ah in ninku diido furriinka, la isku dayo in wada xaajood laga gaaro arrimaha dhex yaalla lammaanaha.

Kani ma isbeddel weyn baa?

Shaista Rafat ayaa soo dhoweeyay go'aankan wuxuuna ku sheegay inay tahay tallaabo sax ah oo loo qaaday xuquuqda haweenka.

Mar uu la hadlayay BBC, ayuu yiri, "Haweenka aadka ugu careysan ninkooda isla markaana aanan fureynin, haatan way nafisi karaan. Qaadiga ayaa sidoo kale dhegeysan doona haweeneyda waxayna awoodi doonaan inay caawiyaan ninka."

XIGASHO:BBC

RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA

(Dersiga  Afaraad) Q/1aad

 

soonka Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo waxaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay Shalayna ka mid ah ahlu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira kuwo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoodin in ay Soomaan, sidaa darteed markaana waa inuu u istaagaa ka faa’iideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bishan Ramadaan, hadii kale waxaa hubaal ah ruuxuu aan ka faaiideysan in uu maalinta Qiyaame ka shalaayi doono fursadihii uu dayacay maalintaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin

أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَى علَى مَا فَرَّطتُ فِي جَنبِ اللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ السَّاخِرِينَ

 

أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ اللَّهَ هَدَانِي لَكُنتُ مِنَ الْمُتَّقِينَ أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى الْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِي كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ

Oo Macanaheedu yahay:

Ama odhan nafu shalytideydii waxaan ku gaboodfalay cidbaada Allah, waxaana ka mid ahaa kuwa jees jeesa.

(Aayada 56: Zumar)

Ama ayan odhan haddii Alle ihanuuniyo waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhoowrsan.

(Aayada 57: Zumar)

Waxaa uu yiri nin Gabya asagoo tilmaamaya sida bilaha qeyrkooda u dhaamado si dhaqsa ah ayadoo dadka badankiis aysan ka faaiideysan:waa tagay Rajab adigoon waxba wanaag ah sameynin, midkaan waqtigiisa dayacayoow jahli dartiis, mardambaad macaanada aduunka weyn doontaa, ee ka gaar wixii gafa ah intaad awoodo, si aad nabad uga hesho Jaxiimo, waxaa yimid shacbaan…………dadka dambiyada waa weyn la yimaad waxaa u wanaagsan in ay ka gaaraan…

مضى رجبٌ، وما أحسنتَ فيه *** فيا من ضيَّع الأوقاتِ جهلاً

فسوف تفارقُ اللذاتِ قهرًا *** تداركْ ما استطعت من الخطايا

على طلبِ السلامِ من الجحيمِ *** وهذا شهرُ شعبانَ المبارَكْ

بحرمتها، أفِق، واحذر بَوارَكْ *** ويخلي الموتُ كَرهًا منك دارَكْ

بتوبةِ مخلصٍ، واجعل مدارَكْ *** فخير ذوي الجرائم من تدارَكْ

Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin.

” من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين ” [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ]

oo macnihiisu yahay:

"Qofkii Ramadaan soo gaara oo aan loo danbi dhaafin saasna naarta ku galaa Alle ha ku fogeeyo, dheh Aamiin, waxaan dhahay Aamiin,”

Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)

Sidaa daraadeed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay Dadkii wanaagsanaa iyo Culumada waxay illaah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxayna dhihi jira illaahow noo barakee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana na gaarsii

” اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان ”

Waxaa xusid mudan in aysan ahayn Xadiis nabiga ka Sugnaaday waana daciif xadiiska la sheego in uu nabiga saas oran jiray:

 

waxaa ku jira nin la oran jiray: Zaa’idaha ibnu abii raqaad.

(زائدة ابن أبي الرقاد وقد رواه عن زياد النميري.)

 

Bukhaari: wuxuu yir Ninkaas xadiiskiisa waa munkar

(قال البخاري: زائدة عن زياد التميري منكر الحديث.)

Waxaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska iyo Quraanka.

Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecada Islaamka in Islaamnimo sax ah heysan.

” بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت ” [ متفق عليه ]

oo macnihiisu yahay:

Islaamkii waxaa lagu dhisay shan:

1. Qiritaanka in uusan jirin Alle (xaq lagu caabudu) Alle ma’oyee,Maxammedna yahay Rasuulkii Alle.

2 Salaada in la oogo( yacnii la tukado oo la wanaajiyo tukashadeeda)

3. Zakada la bixiyo(qofkii xoolo haysta oo ay zakadaii ku waajibtay)

4.Soomidda Bisha Ramadaan

5.Gudashada xajka.

Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doo naya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaah(cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajibkaas sida ku cad xadiiskan:

: ” أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم ” [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ] oo macnihiisu yahay: waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade LA SOCO QORMO KALE

WARGELIN: Maamulka wargeyskani Wuxuu idiin soo badhi gayaa daruusta Bisha barakeysan ee ramdaan waxaana idinka codasneynaa inaad xafiddaan qoraalada ku yaal wargeyskan oo aadan dhigina meel wasaq ah oo aan ku hab ooneyn alle ha idin xafidee Mahadsanidiin

CAALIM AYAA YIRI: WAXAAN LA YAABAY 



SADDAX..=NASASHADDA JIMCAHA.Q 248=

 

1. Rasuulkeena Muxamed SCW ayaa Saxaabta ku yiri:

a) Ma idinku jiraa Shalay Qof Soomay? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.

b) Ma idinku jiraa Qof Shalay Janaasu Mayd Raacay? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.

c) Ma idinku jiraa Qof Shalay Quudiyay Miskiin? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.

d) Ma idinku jiraa Shalay Qof soo Booqday Qof Xanuunsan? Sayid Abubakar RC, ayaa yiri: Aniga.

Rasuulkeena SCW ayaa yiri: Ma jiro Qof intaa kulansaday Hal maalin oo aan galeyn Jannada. Xadiithkaan waxaa soo wariyay, Muslim. fiiri Muuqaalka (F.M: 1aad).

(Adigu Saan filayo Shalay waadba sooneed ee 4taa ma kulansatay? Annigu Shalay waxaan kulansaday Saddaxda hore oo kaliya. Allaah ha naga dhigo kuwii Maalin kulansada Afartaa Allana u aqbalo. Aamiin).

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2021/04/NJR.jpg 2. Nin Tababare ka ahaa, Mid ka mida Xarumaha Dadka lagu tababaro, si Jirkooda loo dhiso ee Dalka Holland ayaa yiri: Haddii Maalin kasta mid ka mid ah Saddaxdaan Jimicsi aad sameeyso 10 Daqiiqo oo xiriir ah waxaa ey leeyihiin Faa’iidooyin caafimaad oo kala ah:

1.Jilba jabsiga : a) waxa ey caafimaad u tahay Dhabarka 37%. b) faraha 17%. c) jilbaha 53%.

2.Rugmashada: a) Dhabarka 18%. b) Calaacasha 31%. c) Jilbaha 63%. d) Faraha 22%. e) Feeysha Qoobka 32%.

3. Foolka oo dhulka la dhigo. a) Dhabarka 24%. b) Ciribta 27% Suulka 13%. Jilbaha iyo Calaacasha.( F.M: 2aad).

(Waxay Hadda Dadkooda u sheegayaan iney Faa’iido Caafimaad leedahay soow waxa ey sheegayaan ma ahan Sujuudda, Rukuucda iyo Fadhigga Ataxyaadaka ee Salaadda ee Allah nagu waajibayay).

3. Sayid Cali bin Abii Daalib RC ayaa yiri: a) Sirtaada Laba kaliya u dhaaf in ey ogaadaan Naftaada iyo Allaah. b) Laba ha ka Cabsan Risqigaaga iyo Waqtiga Geeridaada Labaduba waxa ey ku jiraan Gacanta Raxmaankii ku abuuray. c) ku dadaal in aad Labo Raali gareeyso inta aad nooshahay Aabahaa iyo Hooyadaa. d) Haddii aad dhibaato la kulanto Labo kaalmeeyso Samirka iyo Salaadda. e) Labo weligaa ha sheeg sheegin Ixsaanka aad Dadka u sameeysay iyo Dhibaatada Dadku ey kuu geeysteen. Labo weligaa ha hilmaamin, Allaah iyo Daarta Aakhiro. (F.M: 3aad)

4.,Dareema yaasha Dadka oo dhami weey hurdaan oo nastaan intaan Mid kaliya ka aheyn waana Maqalka, Haddii Qof hurdo aad gacantaada u dhaweyso ma kacayo, Haddii Qof jiifo aad Qolka ugu buufiso Barfuun ama Sunta Dadka disho waxaa dhici karto in uu ku neefsado oo uu ku dhinto isaga oo aan dareemin. Haddise aad Cod dheer la maqashiiso waxaa dhici karto in uu hurdada ka tooso, sababta oo ah Maqalku waa Dareenka kaliya ee aan nasan, marka dareemayaasha kale ey nasanayaan sida Aragga.

Mucjisooyinka Qur’aanka waxaa ka mid ah markii laga hadalayay Hurdadii Asxaabul Kahfi, Aayadda Qur’aanku waxa ey leedahay "waxaan qabanay Maqalkooda” intii ey hurdayeen oo ka badan 300 sanno lama sheegin Dareema yaasha kale ee qofka hurdada ka toosin karo.( F.M: 4aad).

5.Caalim ayaa yiri: waxaan la yaabay Saddax: a) waxaan la yaabay Qof, Maalka daba ordayo, haddana Maalka ka tagayo. b)Qof Irsaqiisa ka walwalayo "Allaah Rasaaq” ah ayaana Balan qaaday Risqigiisa inta uu noolyahay. c) Qof dhisayo Guryo dhaadheer Haddana Qabri dhax dagayo. ( F.S:5aad).

6. Nin Ku safrayay Dhul ey ku badanyihiin Burcadda Wadooyinka, ayaa waxaa qabtay Burcadii oo wajigu u wada daboolan yahay si aan loo aqoonsan. Waxa ey ka qaateen Hantidii uu watay oo dhan. kadibna mid ayaa yiri: hala dilo.

Ninkii ayaa ku qeeyliyay: Yaasiinoow, Yaasiinoow Adigaan isku kaa haleynayay .

Ninkii Burcadda u Madaxda ahaa ayaa ku yiri: Bucadii kale sugga, Ninkaan u celiya Hantidiisa iskana daaya.

Kadibna Ninkii ayuu ku yiri: Siddeed igu fahamtay, weli ma arag intaan wax dhacayay Qof i fahamtay, hadana sideed ku ogaatay in magaceeyga Runtaa Yaasiin la yiraa, xatta Tuugadan ila socoto magaceeyga Runtaa in uu yaasiin yahay uma sheegin. Ninkii ayaa yiri: Magacaaga ma aqaan ee waxaan ku qeylinayay Suuradda Qur’aanka ee Yaasiinka oo aan Mar kasta Aqrin JirayJiray.

(Badi Akhrinta Qur’aanka mar kasta Gaar ahaan Bishaan Ramadaan).

FG:Bisha Ramadaan Qoraaladeena Nasashada Jimcuhu sidaan ayeey u

badnaan doonaan, Inshaa a Allaah, wixii aan ka khaladay iga sax wixii iga dhimaana ku dar                                                                                                  

Qore: Yahya Amir

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip