Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shataqeey oo dacwad laga gudbiyey

0
Sunday April 18, 2021 - 08:09:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shataqeey oo dacwad laga gudbiyey

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Odayaasha dhaqanka mid kamid ah beelaha daga gobalka Shabeellada Dhexe ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Sarkaal ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Shataqeey, kuwaas oo la sheegay in si wadajir ah ay dhac xoog leh uga geysteen guri ku yaala xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Jowhar.

        Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in sarkaalkaan iyo ciidan ka soo baxay guriga Cali Guudlaawe ay galaan guriga haweeney lagu magacaabo Khadro Cabdulle Raage islamarkaana ay ka qaateen Dahab, lacag caddaan ah iyo agabyo kale oo guriga yiilay.

       Sidoo kale waxaa la sheegay in qoyskaan muddo saacado ah loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin waxaana warqada dacwada loo gudbiyey taliyaha ciidamada xoogga Jeneral Odowaa Yuusuf Raagge, sidoo kalena la ogeysiiyey taliyaha qeybta 27-aad ee Militariga Soomaaliya oo uu hoos yimaado Sarkaalka lagu magacaabo Shataqeey.

         Odayaasha ayaa dalbaday in taliyaha uu wax ka qabtay dhaca bareerka ah ee ay sheegeen in ciidamada xoogga dalka ay u gaysteen dad shacab ah, islamarkaana sharciga la horkeeno askarta ku lug leh.

Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shataqeey oo dacwad laga gudbiyey



Hoos ka akhriso dacada iyo warqada ka soo baxday odayaasha beesha 

Agoonyar Gaabane.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip