Xog: Beelaha HAWIYE oo go'aamiyey shirweyne lagu gaarayo go'aan xasaasi ah

0
Friday April 16, 2021 - 20:14:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Beelaha HAWIYE oo go'aamiyey shirweyne lagu gaarayo go'aan xasaasi ah

    Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka si weyn uga socda qaban-qaabada shirweyne ay iskugu imaanayaan Beelaha Hawiye, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha. Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in todoba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka si weyn uga socda qaban-qaabada shirweyne ay iskugu imaanayaan Beelaha Hawiye, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha. Shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb-galaya; waxgaradka, siyaasiyiinta, madaxdii hore iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, shirkaan ayaa waxa laga soo saari doona go'aan adag oo ka dhan ah qaraarkii uu dhawaan Golaha Shacabka ugu sameeyay muddo kordhinta madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa shirkaas inta uu socdo caddeyn doona mowqifkooda ku aadan muddo kororsiga Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasi oo lagu wado inay ka warbixiyaan waxay kala soo kulmaan Madaxweyne Farmaajo marka ay la kulmaan iyo mowqifka ay ka qaateen muddo kororsiga. Shirkaan ayaa waxa u imanayaa, xili ay labadii maalin ee u dambeeyay kulamo xasaasiya uu dhex-maray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo ayaga lagu tirin jirey inay kamid yihiin maamulada taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Farmaajo. Madaxdaan ayaa isku afgaraty in dalka doorasho aado oo aan la taageerin muddo kordhinta, iyadoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ay dalbadeen in Farmaajo marka hore uga soo digaan qatarta muddo kordhinta, taasi oo ay si adag uga hor-imaadeen beesha caalamka. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay xaalada dalka kasii dareyso, tan iyo markii uu Golaha Shacabka ku dhawaaqay muddo kordhinta, waxaana intaas wixii ka dambeeyay magaalada Muqdisho ka socday abaabulo ka dhan ah tallaabadaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip