HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO MAH SABTI 10-KA ABRIIL 2021-KA

0
Saturday April 10, 2021 - 09:41:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO MAH SABTI 10-KA ABRIIL 2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

IMAAM MAXAMED YUUSUF "FARMAAJO AYAA LEH MAS’UULIYADA FASHILKII KU YIMID SHIRKI ARIMAHA DOORASHADA..”

Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook, kaasi oo uu ugu hadlaayay arrimaha Doorasho oyinka dalka iyo cida hor istaagan in dalka ay ka dhacdo Doorasho.

Imaamka ayaa Madaxwe yne Far maajo ku eedeeyay in uu ka dambeey ay fashilkii ku yimid shirkii Madaxda So oma aliya uu ku da mbeeyay Far ma ajo,islamarkaana wux uu sheegay in uusan rabin inay dalka ka dhacdo Doorasho xor ah.

Qoraalka Imaamka ayaa u qornaa sidan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan Ka Xumahay fashilinta Shirki Ari maha Doorashada Looga Heshiin Lahaa Ee Maal mahan Socday, Waa Niyad Jab Bulshada Soma liyeed Gaar ahaan Dadka Muqdisho Degan Waxay Cadaynayaan in Masuuliyada Fashilkaas Uu Lee yahay Maxamad Farmajo Oo Aan Rabin in Doora sho Xur ah ay Dalka Ka Qabsoonto iskuna Dayayo in sharci daro uu Kursiga Kujoogo Taas Oo Ay Ka Dhalan Karto Kacdoon Shacab Waxaan Marke Ka Digayaa Wadada Qatarta badan Ee Uu Dalka Ku wado Faramjo in Laga Hor istaago Qof Walbana Doorkeeda Ay ka Qaadato sidi dalkaan Looga dif aaci Lahaa Kali Talisnimo iyo Xukun Awood Lagu joogo.

Ugu danbeyn Waxaan Umahad Madaxda Punt land State House iyo Jubaland State House H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Is laam sida ay ugu taagnayeen Difaaca Dowladn n ada ayna u diideen doorasho Boob ah inuu Qabsado Farmaajo inay ku garab istaagaan Dadka Somaliyeed Abaal ayay idiin Haayaan Garabkiinana Waa Joognaa.Xigasho:gwwaguud.com

PUNTLAND OO SI KULUL UGA JAWAABTAY ARRIN UU CUMAR FINISH SHEEGAY INAY DALBADEEN

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo sheegay in Puntland iyo Jubaland ay dhaheen "ha la kala di ro dowladda.”

Jaamac Dabraani, oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madax wayne Saciid Cabdullaahi Deni oo qoraal kooban kusoo daabacay barta twitterka, ayaa hadalka Cumar Filish ku sifeeyay been abuur.

"Aad baan uga xumahay, waana nasiib darro inaan ka maqlo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Filish isago leh Puntlandiyo Jubaland waxay dhaheen Dowladda ha la kala diro! Warkaasi war masuul maahan, waana been cad! Awoodaha DFS ee wakhtigu ka dhammaaday Ajendaha ha lagu daro oo keliya ayuu ahaa qodobku, waana mid la mid ah tii uu sameeyay Madaxweynihii ka hore eyay Farmaajo,” ayuu soo qoray Jaamac Dab araani.

Hadalka kasoo yeeray madaxtooyada Puntl and ayaa imaanaya kadib markii uu gudoomiye Cu mar Filish uu weerar ku qaaday madaxda Puntland iyo Jubaland, kadib markii dolwaddu ay shaacisay nuu fashilmay shirkii Afisyoone, isaga oo sheegay iney yahiin kuwa masuulka ka ah iney burburaan wadahadalladii doorashada."Doorashada inay qabsoonto oo si xalaal ku qabsoonto waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka, dowladda waa qabaneynaa diyaar u nahay taagan tahay, kuwa kale waxay taagan yihiin maba la qabanaayo, illaa qodobkan aniga la ii fuliyo, waa in danteyda aan hela, haddii kale maba la qabanaayo,” ayuu yiri Cumar Filish

Gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka mid yahay xubnaha aan qarsan iney gadaal ka joogaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana wuxuu ka mid yahay xubnaha warbaahinta la hadla marka ay jiraan waxyaabo liddi ku ah dowladda wakhtigeeda dhamaaday.

WASIIR BEYLE OO KA HADLAY LACAGTA CUSUB EE AY SOO DAABCEYSO DF SOOMAALIYA

Siihayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan in xiligan ay dowladda federaalka daabacato lacag cusub.

Beyle ayaa sheegay in daabacada lacagta ay dadaalo ugu jireen tan iyo markii uu xilka qabtay oo ku siman Afar sanno ka hor, islamarkaana ay xanuun badan ku hayso in ilaa hadda aysan ku guuleysan daabacada lacagta cusub ee dalka.

Waxa uu isdultaagay in arrinta daabacada lac agta ay ilaa hadda hortaag an tahay in si sax ah loo ja angooyo cadadka lacagta, aqbalaada shacabka iyo do wladda goboleedyada, si doo kale waxa uu xusay in ilaa hadda ay dhiman tahay in heshiis lala galo Shirkad dii loo dhiibi lahaa ee daabici laheyd.

"Soomaaliya waa ku ceeb in ay daabici way so lacag, waana xannuun weyn oo nagu taagan, ilaa maalintii aan halkaan imid oo Afar sano laga jooga dadaal ma yareysan, waxaana dhiman in aan Shirkad u dhiibno si ay usoo saarta,” ayuu yiri C/raxmaan Beyle.

Waxa uu intaas sii raaciyey hadalkiisa "Wax aa kale oo yaalla ma aqbali doonaan dadka iyo DowladGoboleedyada, imise ayay dhan tahay, maxaase nooga baxaya dabcan xal ayay u baah an yihiin su’aalahaas.”

Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adke eyay in ka fikir badan ay u baahantahay tirada la daabacayo iyo qaabka loo meelmarinayo lacagt aas una bedeli laheyn tan hadda shaqeysa oo sil ac badan ka muuqdo

AABBE AWEYS: "DILKA CARRUUTEYDA WAXA UU AHAA MID ABAABULAN”

Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ay aa markii u horeysay ka hadlay dilka loo geystay labo caruur ah oo uu dhalay, kuwaasi oo Dorraad meydadkooda laga helay duleedka magaalada Baydhabo. Aabo Aweys ayaa falkaasi ku tilmaamay ‘mid foolxun oo la abaabulay’, wux uuna laamaha amaanka ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka caruurtiisa.Caruurta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cab dullahi ayaa waxay kala ahaayeen 7jir iyo 9sano jir, waxaana iyaga oo gowracan la soo dhigay xaafada SuuqaXoolaha ee magaalada Baydhaba.

"Ilaahay wixii uu qadaray raali ayaa ka nahay, wixii ilaahay xukumo uu qaddaro anagana raali ayaa ka nahay, waxaan dalabanayaa in cadaalada la mar iyo cidii ka dambeysay dambigaas, wana u ma hadnaqayaa dadkii igala qeyb qaatay duugistii caruurta yar,” ayuu yiri Aweys oo la hadlay idea cada VOAda.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Dorraad shaaciyey in kiiska caruurta ay ka warh eleen 7dii bisha oo aheyd maalinkii Arbacada, islamarkaana ay baadigoob dheer kadib ay 8dii bishan heleen meydka caruurta.

"Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Shalay 08thApr2021, ayaa markale Boliisku ka warhel een in meydka caruurta oo gowracan la soo dhig ay Xaafada SuuqaXoolaha ee Magaalada Bay dhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Dorraad kasoo bax ay taliska.

Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxay laamaha amaanku shaaciyeen in lasoo qabtay dad ay ku tuhunsan yihiin falkaas, waxaana weli socota baarista dilkaan oo dadka magaalada Baydhabo ku abuurtay walwal iyo walaac aad u xoogan.

SHIRKII GOLAHA WASIIRRADA OO DORRAAD LOOGA HADLAY 3 ARRIN

Shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirrada xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya ayaa Dorraad looga hadlay seddax qodob oo kala ah amniga, abaaraha ku dhuftay qeybo ka tirsan gobollada dalka iyo saameynta cudurka Covid19 oo aad ugu faafay dalka bilihii u dambeeyey.

Sidoo kale fadhigii Dorraad ee golaha wasiirr ada ayaa lagu ansixiyay xubin cusub oo lagu biiriyey guddiga doorashooyin ka, taas oo ay soo gudbisay was aaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka.

Golaha wasiirrada ayaa kulankoodii Dorraad warbi xi nno la xiriira amniga iyo howlg allada socda ka dhageystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ram adaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah, si da lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda caafima adka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee cudurka Covid19 uu ku yeeshay dal ka, waxayna sheegeen in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo dad ka Soomaaliyeed.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganac satada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bul shadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira,” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay xafiiska Rooble. Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn kulankii Dorraad warbixin uga dhageystay guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


QASRIGA BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KU DHAW AAQAY IN UU GEERIYOODAY PRINCE PHILIP

Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, wa xaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham ay aa lagu yidhi: "Waa murugo qota dheer in Boqora dda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecl eyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh.

"Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle."

Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhale en afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

16kii bishii March ayuu Prince Philip dib ugu laabtay qasriga Windsor kaddib markii uu hal bil ku jiray isbitaal.

Dadweyne ayaa ubaxyo hor dhigaya Qasriga iyagoo boqortooyada u muujinaya sida ay uga mu rugeysan yihiin geerida Amiir Phlip.

Sidoo kale waxaa isasoo taraya farriimaha tacsida ah ee ka imaanaya madaxda Ca almaka. Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa sheegay in amiirka uu dhiirr igelin u noqday dhalinyaro ba dan.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniinta qaddarin u sameyn doona amiirka, iyadookal fadhi gaar ah loo sameyn doono tacsidiisa.

FARMAAJO OO FARRIIN U DIRAY BOQORADDA INGIRIISKA OO UU GEERIYOODAY SEYGEEDI

Madxweynaha muddo xileedkiisu dhammaa day ee Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ay aa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Prince Philib oo ahaa Seyga ama Ninka Boqoradda Ingiriiska Queen ElizebethII.

Qoraal Madaxweyne Farmaajo uu ku daa bacay bartiisa Twtterka ayaa fariin tacsi ah loogu diray Boqoradda Ingiriiska,islamarkaana sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay Gacan u fidisay.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay garabtaagan yihiin dawladda Ingiriiska(United Kindom) oo ah saax ibka runta ee Soomaaliya leedahay, ayaa Madaxw ynaha bartiisa Twitter ka yiri.

CABDIRAXMAAN CADDAALA:"ANIGA IYO MADAXWE YNE DENI KAMA HADLI KARNO LEBBISKA IYO BARAFUUNKA WASIIR DUBBE"

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dowladda Feder aalka Soomaaliya Cabdiraxmaan AlCadaala ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni, isagoo sheegay in Ma daxda Jubbaland iyo Puntland ay mas’uul ka yihiin burburka wadahadaladii u socday Dowladda fe deraalka iyo Dowlad Goboledyada dalka. Cabdiraxmaan Cadaala oo ka ka jawaabayay hadalkii kasoo yeeray Madaxwe ynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in aan xiligaan loo baahnayn in Fowdo la galiyo marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Waxaana uu si gaar ah kaga hadlay hadalkii Deni ee ku aaddana in Warsaxaafdeedka uu Wa siir Dubbe akhriyay uu ahaa mid horay loo sii diya ariyay, "Aniga iyo madaxweyne Deni kama hadli karno lebbiska iyo Barafuunka Wasiir Dubbe, cid kale ayey tahay in ay ka hadasho”ayuu yiri Cabdi raxmaan Cadaala Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

hadalka Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dowla dda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/hi Deni uu bixiyay wareysi dhinacyo badan ta abanayay oo uu kaga hadlay eedeaha Dowladda dhe xe ay u jeedisay isaga iyo Axmed Madoobe ee ku aaddan in ay sabab u ahaayeen fashilkii ku yimid shirkii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah DFS, Deni ayaana iska fogeeyay eedda Culus ee loo jeediyay waxaana uu carrabka ku dhuftay in wax waliba oo sababay fashilka shirkaasi uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabd ulalahi Maxmed Farmaajo, isagoo sheegay in la isku mari waayayAjandaha shirka, waxaa na uu tilmaamay in Madaxdu ay Aadeen wadata shiyo ayna Nasiino u bexeen, balse ay ka war hel een hadalka kasoo yeeray Dowladda dhexe ee ahaa in shirkii fashil kusoo dhammaaday oo aan wax Natiijo ah laga gaarin.

DF OO ABAALMARISAY CIIDAMADII ALSHABAAB KULA DAGAALAMAY AWDHEEGLE

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dha mmaan askartii ka qeyb qaadatay "jabkii xooga anaa ee dhawaan maleeshiyada AlShabaab loo gu geystay” saldhigyada ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariire.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Oda waa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo Dorraad ka dhacday Awdheegle, waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo aska rtii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo.

Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dha mmaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gorgor iyo kuwa 14 October.

Kooxda AlShabaab ayaa 3dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay cii damada Dowladda ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheega y in AlShabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doon in, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas. Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ah aan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Ma daxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deega anadaas loo geeyay.

CIIDANKA XOOGGA OO KUSII JEEDDA DEGAANO AY KA BAXEEN SHABAAB

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybtiisa deg aanada Galmudug ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay ka baxeen degaano ku yaalla gobolka Galgaduud oo ciidanka xoogga ay kaabiga ku hayeen Saa caddihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa kusii durkaya Magaalada Ceellaheley ee Gobolka Galgaduud oo iminka ujirta wax ka yar 20KM.

Taliska ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay ka guureen magaalada Ceel la helay, islamarkaana ay gaari doonaan saacaddaha soo socda.

Taliyaha Guutada 15Generaal Mascuud oo cii danka hoggaaminaya ayaa sheegay in howlga llada ay sii socon doonaan tan iyo inta Shabaab la ga saarayo Ceelbuur.

BEESHA CAALAMKA OO WADDA DADAALLO SHIRKA AFISYOONI LOOGU SOO CELINAYO MADAXDA DFS

Wakiilada beesha Caalamka ayaa sheeg ay in ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in ay shirka xerada Afisyooni dib ugu soo celiyaan Madaxda muddo xileedkoodii dhamaaday oo dhawaan sheegay in shirkaasi uu fashilmay.

War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay waddaan kulamo ay doonayaan in mar kale la sii amba qaado dadaallada ku aadan arimaha doorashooyinka iyo xalinta khila afka ka taagan.

"Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaalad da hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadat ashiyo deg deg ah la leeyihiin kaqayb galayaasha shirka DFSDGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo og aado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo ismariwaagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.

Beesha Caalamka ayaa muuqa in aysan taa geeraysaneyn go’aankii kasoo baxay xukuum adda ee ahaa in uu fashilmay shirkii ka socday xerada Afisyooni.

MADAXWEYNE DENI: "MA LA ISAGA HARAYO IN DUBBE UU NAGU SIFEEYO ALSHABAAB”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal gef ahaa oo kasoo yeeray wasiirka warfaafinta xukuumadda xilgaars iinta Cismaan Abuukar Dubbe. Warbaahin ta dowladda ayaa sii deysay Arbacadii muu qaal lagu tuhmay inuu yahay mid horay loo duubay oo ay dowla dda kaga hadashay fa shil ay sheegtay inuu ku yimid shirkii ka socday teendhada Afisyoone, wux uuna madaxda Puntland iyo Jubaland ku sifeeyay ku wa "jid iyo jihodiid ah” oo aan ogoleyn wax doorasho ah.

Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ha dalkaas loo adeegsado, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la isaga hari doonin, balse wuxuu ka gaabsaday tal laabada ay qaadayaan.

"Walaahi eraygaas jid iyo jihodiid ah waxyaabaha aan sheegayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay,” ayuu yiri Saciid Deni oo su’aalo lagu weydiinayay barnaamijka awoodda 5aad ee TVga Dalsan.

Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay: "Marka in ann aga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yira ahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraal kana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xi gatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah.”

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni wuxuu she egay inuusan ogeyn shir burburay, islamarkaana ay diyaar u yahiin ka qeybgalka wadaxaajoodyada la fil ayo iney kasii socdaan teendhada Afisyooni.

Beesha caalamka mar kale ugu baaqday in la isku soo laabto iyadoo dowladda sheegtay in shirka burburay, balse madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxey sheegeen iney wali diyaar u yahiin shirka inuu sii socdo.

Faahfaahin toogasho ka dhacday Marey kanka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/EycSjBdWEAEDlGo.jpeg Booliska Mareykanka ayaa sheegay in 5 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ku dhinteen toogasho ka dhacday gobolka South Carolina ee dalkaas.

Booliska ayaa intaas ku daray in qof kale dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarka loona qaaday isbitaalka.

Booliska ayaa mar danbe soo qabtay qof lagu tuh unsanyahay inuu weerarka geystayoo ku dhuu maaleysanaayay guri u dhaw goobta ay wax ka dhaceen.

Dadka dhintay waxa ugu weyn qof 70 jir ah wa xaana u yar cunug jira 5 sano sida lag soo xigtay la amaha denbi baarsita ee Mareykanka.

VILLA SOMALIA OO KA GUBATAY KANA JAWAABTAY QORAAL KASOO BAXAY GABDHAHA LEADNOW!

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhibsatay, kana jawaabtay warsaxaafadeed kasoo baxay ur urka gabdhaha Soomaaliyeed

ee LeadNow! (Hoggami Hadda), oo ku saabsana burburkii ku yimid wadahadallada Afisyoone ee Muqdisho.Ururka LeadNow!, oo ka mid ah bulshada rayidka, ayaa ka shaqeeya sare u qaadista ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda. Warsaxaafadeedka LeadNow! ayaa welwal xoog leh looga muujiyey xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan khilaafka hareeyey arrimaha doorashada iyo wadahadalladii u socday madaxda oo hadda joogsaday.

"LeadNow! wuxuu aad uga xunyahay in Dowlad da Federaalku ay ku dhawaaqdo inuu burburay shirkii hor dhaca ahaa ee u socday Madaxda Dowladda Federalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DF ee ka socday xarunta Afisyooni, iyadoo dhan ka kale Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay shee geen in aysan ogayn shir burburay oo ay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedkan ayaa intaas ku sii daray, "Le adNow! waxay nasiib darro u arkaan in uusan jirin ilaa hadda heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu gaa reen, iyadoo uu dhamaaday muddadii xil haynta Mad axda Dowladda Federalka. LeadNow!”

LeadNow ayaa sheegay inaysan aqbali karin wax kasta oo keeni kara in dalkaan lagu celiyo mugdi iyo burbur muddo soo daashaday, hindise iyo xeelad ka sta oo lagu doonayo in dowladda hadda joogta ku sa maysato muddo kordhin, doorasho hal dhinac ah oo aan loo dhamayn, doorashooyin is barbar yaac ah.

Dhaqdhaqaaqa LeadNow ayaa yiri "Waxaan ugu baaqeynaa madaxweyanaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dib ugu soo laabto shirkii hordhaca ahaa ee u soc day dhinacyada iska soo horjeeda si halkaas looga sii wado wadahadallada ku aadan sidii loo gaari lahaa doorasho loo dhanyahay. Madaxweynuhu waa masu ulka ugu sareeya Qaranka, waana masuuliyaddiisa in dalka doorasho ka dhacdo uuna ka fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada dalka iyo dadka.”

Intaas kadib agaasimaha madaxtooyada Sooma aliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa twitterka soo dhigay qoraal uu ku lifaaqay bayaanka Lead Now!, kuna weeraray LeadNow!.

"Soo jeedintiina ah in madaxweyne Famaajo uu xagaldaacibayo wadahadallada doorashada waa mid aan loo qiil dayin. Horay ayaan u aragnay ujeedo oyin siyaasadeed oo kuwan lamid ah oo guracan. Bul shada rayidka kaalin muhiim ah ayey cayaartaa xill iyada oo kale, waxaana idin weydiisaneynaa oo kal iya dhexdhexaadnimo. Soomaaliya waa ay soo jeeddaa.”

Warsaxaafadeedka LeadNow! Melena looguma xusin in Farmaajo xagaldaacinayo wadahadallada doorashada, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aalo ku saabsan sababta uu Cabdirashiid sidaas ugu qaatay.

HESHIIS HORUDHAC AH OO LAGA GAARAY COLAADDII SOOMAALIDA IYO CANFARTA

Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray dagaalkii u dhaxeeyay dowlad degaanka Soomaalida iyo maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Waxaan Shalayta dhacay shir saddexgeesood ah oo dhexmaray Dawlada Federalka Itoobiya, labada maamul ee Deegaamada Soomaalida iyo Canfarta oo ka dhacay Wasaarada Nabada ee dalka. Waxaa shirka furtay, hagtayna Wasiirka Nabada Marwo Mufariat Kamil. Waxaase gunaanaday Raisalwasaa raha Dalka Dr. Abiy Ahmed.

Dood dheer kadib waxaa la isla meel dhigay qodob ada hoos ku qoran:

n la joojiyo colaada, ciidamada labada dhinacna ay ka duurkaan jidka laamiga ah ee iskuxidha Awash iyo Jabuuti ugu yaraan 10km (dhanka bari Soomaalida, dhanka galbeedna Canfarta).

In qadiyada sadexda magaalo ee Grabaciise, Candhuuf Macaan (Candhuftu) iyo Cadeey (Cadeeytu) lagu xalin doono nidaam sharci ah inta ka horaysana ay ciidamada qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas; islamarkaana la baadho weerarkii iyo waxyeeladii Dorraad ka dhacday Cadeey (Cadaytu) iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay;

In aan deegaamayn cusub la samayn karin aaga colaadu ka jirto oo ah aaga ka caagan ciidanka;

In hay’adaha amniga ee qaranka ay bari laga bilaabo tagaan goobta isla markaana ay xaqiijiyaan fulinta qodobadaas lagu heshiiyay.

MAXKAMAD HORTAAGTAY XIRIDDA XERYAHA QA XOO TIGA EE KENYA OO SOOMAALI DEGAN YIHIIN

Garsoore Kenyaan ah ayaa ishortaagay go’aanka ay Dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto laba xeroqaxooti oo ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo qof oo badankood ay ka soo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay nuqul ka mid ah amarka maxkamadda oo ay aragtay wakaaladda Reuters.

Laba todobaad ka hor wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shaaciyay in dowladdiisu ay dooneyso in la xiro xeryaha, waxaana uu siiyay hey’ada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR laba todobaad oo fursad ah, si ay u soo gudbiso qorshaheeda ay tallaabadan ku fulineyso, isaga oo intaa ku daray in aanan horey loo sii wadi karin wax wadahadallo dheeri ah oo looga baaqsanayo xiridda xeryahan.

Xukunka uu garsooruhu soo saaray ayaa hakinaya qorshaha dowladda muddo bil ah. Arrintan ayaa timid markii siyaasiyiin maxalli ah oo qorshahan kasoo horjeeda ay maxkamadda ka codsadeen in meesha laga saaro tallaabada ay dowladdu ku dooneyso in albaabada leysugu dhufto xeryaha.

Kiiska la xiriira qorshaha ay dowladda Kenya ku xirayso xeryaha ayaa bil kadib waxaa dib loogu soo celin doonaa maxkamada.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee waqooyiga Kenya ayaa waxaa degan in ka badan 410,000 oo qof oo Soomaali u badan. Tiro yar oo dadkaasi ka mid ah waxa ay ka yimaadeen Koonfurta Suudaan.

DR. DUSTIN PFUNDHELLER: 10 SABAB OO KUGU QASB AYA INAAD BOOQATID SOOMAALIYA

Dr. Dustin Pfundheller: 10 sabab oo kugu qasbaya inaad booqatid Soomaaliya

Sedex jeer oo aan booqday Soomaaliya iyo Somaliland, waxaan xaqiiqsaday in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si cadaalad ahayn ama wanaagsaneyn ay ula dhaqmaan warbaahinta caalamka ayagoo sawir qaldan ka gudbiya, waxayna warbaahinta si joogto ah usoo bandhigtaa waxyaabaha xun xun ee dadka Soomaaliyeed . Waana sababta keentay inaan muuqaalkaan sameeyo, waxaana doonayaa waxyaabaha wanaagsan inaan dadka tuso oo aad arki kartid ama baran kartid marka aad Soomaaliya booqatid. Haddaba waa kuwaan 10ka sababood ee kugu qasbayo inaad Soomaaliya booqatid:

10 Soomaaliya waxay leedahay ama heysataa Tiknoolijiyad horumarsan: Waa macquul inaad arrinkan la yaabtid, balse waxaan mar booqday dalka Japan, waxaana ka waayay ama ku yar nidaamka lacagaha habka Electronic ahaan loogu bixiyo. Laakiin Soomaaliya ma arkeysid qof lacag kaash ah wato qof walbo taleefoonkiisa ayuu lacagta ku sitaa, muhiimna maahan taleefoonkaaga inuu casri yahay, sidoo kalana waxay lacagaha biilashooda ku bixiyaan hab mobile ah. Xitaa dadka waddooyinka wax ku iibiya ayaa adeegsada habkaan.

Sidoo kalena waxay leeyihiin bangiyo lacagta looga bixiyo hab Electronic ah. Weliba 5sano ka hor xitaa mar aan booqday Soomaaliya sidaan ayay u hormasaneyd.

9 Barro waxa nolosha u muhiim ah: madaama aan ku dhashay kuna soo bar baaray reer galbeedka waxaan aaminsanahay dhaqan ahaan haddii aan lacag badan sameeyo inaan farxad badan helaayo. Laakiin Soomaaliya arinkaas muhiim kama ahan waxaa muhiim ah inaa qof wanaagsan tahay, dadka u naxariisto, saaxiib ka dhigto dadka eheladiisa ka warhaayo. Sidoo kalena Soomaalida waxay jecel yihiin kaftanka iyo sheekada madaama aad u jecel yihiin inay qoslaan sidaa darteed dhamaanteen reer galbeed ahaan Soomaaliya waxaan ka baran karnaa waxa nolosha muhiim u tahay.

8 Barro in cudurka HIV yahay wax dhaqanka la xariira balse jinsiga la xariirin:

Waxaad arki kartaa dalal badan oo Afrikaan ah inuu aad ugu badan yahay qaadista cudurka HIV, waa arrin aad u dhib badan, sidoo kalena Dunida sida guud markaad u fiirisid waxaa arki kartaa dad badan oo maddoow ah oo xanuunkan hayo sida Bahamas iyo Haiti. Sidaa darteed waxaad ku fikiri kartaa in HIV iyo dadka maddowga ah la isugu tala galay.

Laakiin Soomaaliya arrinka sidaas ma ahan, waxay ka mid yihiin dalalka tirada ugu yar HIVga asiibay, haddii aadan ogeyn Soomaaliya waa dad maddow ah sidaa darteed cudurkan jinsiga shaqo kuma lahan ee dhaqanka dadka ayuu la xariiraa, marka dad badan sida Soomaalida camal hadday u dhaqmi lahaayeen HIV dhibaato kuma noqon laheyn dunidan.

7 Caawinta Soomaalida: Inta badan waxaad arki kartaa ganacsiyada Soomaaliya ka jira inay maamulaan qoysas iska tababar yar dhaqaale ahaan, laakiin dunida reer galbeedka wey ka duwan tahay, waxaa ka jiraan oo kaliya shirkado waaweyn oo is baheystay. Laakiin Soomaaliya waxaad arkeysaa hooyo ama aabo dukaamo yar yar iska leh shaqaalo yar yar u adeegayaan, marka haddii aan dalxiisayaal nahay dad kala duwan ayaan la fal galnaa. Ganacsi ahaan hotelka aad jiifaneysid dad ayaa kaa kireenayo, waardiyayaasha magaalada ku geynaya lacag ayaa siineysaa , dukaamada ayaad wax kasoo gadaneysaa, dhammaan lacagahaas waxay dib ugu laabaneysaa ganacsiyada yar yare ee gudaha Soomaaliya ka jira, waana habka ugu wanaagsan ee wadan faqrinimo kaga bixi karo kadibna dhaqaalaha guud sii caawin kara.

Xittaa mid ka mid ah saaxiibadeyda Soomaliya igu soo dhaweeyay wuxuu furtay shirkad dalxiisayaasha soo dhaweyso waana arrin wanaagsan. Sidaa darteed marwalbo oo ay dalxiisayaasha Soomaaliya kusoo bataan waa marwalbo oo dalka sii hagaagayo, waxayna caawinayaan inay dhaqaalaha maalgashi ku sameeyaan

6 Baro in Muslimiinta asal ahaan dad kala duwan kasoo jeedaan: Marka aan Mareykanka joogno inta badan waxaan aragnaa ama aan qabnaa aragti ah in Muslimiinta yihiin dadka ku nool Iran, Syria ama bariga dhexe, waana sawirka aan ka heysanay Muslimiinta. Laakiin marka aan Soomaaliya tagay waxaan arkay waddan dhan oo Afrikaan ah dadkiisa dhamaantooda Muslimiin yihiin, marka waxaan ogaaday xaqiiqada ah in Muslimiinta asal ahaan meelo kala duwan kasoo jeedaan oo Bariga dhexe kaliya ku nooleyn.

Sidaa darteed Muslimiinta waxay noqon karaan Asian, Maddow, Caddaan ama jinsi kasto, si kooban waxaa loo dhihi karaa qof kasta ayaa Muslim noqon karo.

5 Baro in kala duwanaasho weyn u dhaxeyso Afrikaanta: Madaama aan kusoo koray Ameyrika waxaan bartay dhaqamo kala duwan sida dhaqanka reer Yurub, Jarmal, Faransiis, Norway, Switzerland, Talyaani, Greece, waxaana ku baranay inay dhaqamo kala duwan iyo muuqaalo kala duwan leeyihiin. Laakiin Afrika waxaan u baranay Afrika inay tahay hal wadan oo kale dhaqan ahaan, mana aanan soo baranin dalalka kala duwan ee Afrikaanta ah dhaqamada ay leeyihiin, mararka qaar dalalka Afrikaanta waa isku dhaqamo sida Galbeedka Afrika oo kale, balse marka aad Soomaaliya joogtid wey ka duwan yihiin Afrikaanta kale. Dhaqankooda waa gaar Soomaalida, muuqaalkooda Afrikaanta kale uma eko, waxaana ogaaneysaa in Afrika oo idil inaysan isku mid ahayn.

4 Cun raashiinka cajiibka badan ee Soomaaliya yaalo: Marka aan Soomaaliya tagay waxaan kasoo helay waaya aragnimo ku aadan inay jecel yihiin raashin inay isla cunaan, midda labaad ee aan ogaaday waxay tahay inay jecel yihiin inay raashiinka gacantooda ku cunaan, balse reer galbeed ahaan arrinkaas waan la yaabnaa, laakiin waa arrin muhiim ah inaad saaxiibadaada ama qoysaskaaga wax la cuntid oo aad la falgashid, waa labada arrin ee ugu horeyso oo aan rabay inaan ka hadlo ka hor inta aan cunadooda ka sheekeyn.

Cuntada Soomaaliya laga cunio waa cunno cajiib ah, waxaan soo qaadan karaa Canjeero, Sambuuska, Hilib Geelka iyo bariiska, ma aqaan si aan u sharxo wax walbo oo aan cunay intaan joogay Soomaaliya balse waxaan dhihi karaa raashiinka Soomaalida waa isku geynta raashiinka laga cuno Bariga Afrika, Yemen, Carabta iyo Hindiyaanka laakiin Soomaaliya raashiinkooda lama gaaro.

3 Ogow quruxda Soomaaliya leedahay: Soomaaliya aad ayay u qurux badan tahay waxayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxay leedahay dhul saxaro lama dagaan qurux badan ah, dooxooyin, wabiyo iyo buuro wuxuuna u sameysan yahay dhulka Soomaaliya si cajiib badan, marka waa inaad booqataa si aad usoo aragtid.

2 Soomaaliya ma ahan meel halis badan: Haddii aad weydiisid qof kasto oo dunida ku nool shanta wadan ee ugu halista badan caalamka waa qasab in liiska Soomaaliya lagu soo daro, ma aysan ku saleynin arrinkaan xog aruurin iyo xaqiiqo dhab ah, balse waxay ku saleenayaan xogaha warbaahinta usoo gudbiso. Laakiin marka aad fiirisid xogaha rasmiga ah ee diiwaan gashan Mareykanka ayaa ka halis badan Soomaaliya.

Sidoo kalena kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo booqda US Virgin Island haddane 10jeer ayay ka halis badan yihiin Soomaaliya jaziiradahaas. Haddaba maxaa Soomaaliya si qaldan marwalbo loogu eedeeyaa?.

Midda kowaad waxay tahay warbaahinta sawirka qaldan oo ay ka gudbiso Soomaaliya. Marka ay wax ka dhacaan Soomaaliya warbaahinta wey buun buunisaa laakiin marka ay wax qaldan ka dhacaan USA, Laatiin Ameerika ama Caribbeanka cid sheeg sheegto malahan aqbaartooda marka si cadaalad daro ah ayaa Soomaaliya loola dhaqmaa dhanka warbaahinta.

Midda labaad waa midib kala sooca la isku sameeyo, waxaa xusid mudan in ka badan 18wadan oo Caribbeanka ku yaala ayaa ka halis badan Soomaaliya haddane sidaas oo ay tahay kummanaan dalxiisayaal ah ayaa sanad walbo aada jaziiradaha ku yaalo Caribbeanska haddane wey ka cabsadaan inay Soomaaliya soo aadaan.

1 Arag runta Soomaaliya taalla: Inta badan joornaalistayaasha ajaanibta ah ee Soomaaliya soo booqda ma rabo inaan fuquuq sameeyo balse joornaalistayaasha caddaanka ah waxay si gaar ah u baadi goobaan waxa xun ee Soomaaliya ka jiro.

Waxaan shaqsiyan aqaan qof Soomaaliya booqday oo aan wax dhibaato ah la kulmin, kadibna wuxuu qoray halista uu la kulmay marka uu halkaas booqday, wuxuuna qof walbo kula taliyay inuusan Soomaaliya aadin, iyadoo aysan jirin wax dhib ah oo qabsaday xataa aniga ma maqlin dalxiise dhibaato ku dhacday, waana arrin ku niyad jebineyso waxa ay joornaalistayaasha sameenayaan.

Waxaan ogahay haddii ay wax fiican Soomaaliya ka qoraan inaysan dadka soo jiidan karin, sidaa darteed warbixin xun ayay Soomaaliya ka qoraan si ay lacag badan kaga sameeyaan, sidaa darteed joornaalistayaasha kama fikiraan dadka Soomaaliyeed waxay kaliya ka fikiraan nafsadooda iyo danahooda ganacsi taasoo ku kaliftay inay Soomaaliya ka been sheegaan.

Haddii aadan i aamineyn, bal fiiri Muqdisho markii aad Google ku qortid oo Af Ingiriis dooratid kaliya waxaa kuu soo baxayo weeraro argagaxiso iyo waxyaabo badan oo laga naxayo, waa sida ay rabaan dunida reer Galbeedka ah inay Soomaaliya u ekeeto, waana sababta joornaalistayaasha Soomaaliya u imaadaan si ay sawir qaldan kaga bixiyaan.

Haddii aad Google ku qortid Muqdisho kadibna luuqadda Af Soomaaliga ah aad dooratid waxaad arkeysaa bilicda magaalada leedahay, dhismo qurux badan, nolol dagan oo caadi ah oo ay kala siman yihiin dalalka kale, waana sida ay dadka Soomaaliyeed dalkooda u arkaan mana ahan doqomo lagu qaldi karo warbixinada been abuurka ah, sababtoo ah maalin walbo ayay ku dhex nool yihiin dalkooda.

Dadka ka been sheegaan Soomaaliya waa kuwo aan waligood imaanin ama waajoornaalistayaasha labo maalin joogeen dalka , marka waxaa wanaagsan inaad dhageysatid dadka ku nool Soomaaliya. Waa dal qurux badan oo wanaagsan waxaana ku ogaan kartaa midaas inaad booqatid gudaha Soomaaliya.

Warbixintaan waxaa muuqaal ahaan u diyaariyey Dr. Dustin Pfundheller oo ah dhakhtar u dhashay dalka Mareykanka isla markaasna ku takhasusay Dentist kaasoo booqday dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, Markii ugu dambeysay oo uu Soomaaliya soo booqday waxay aheyd April 4 2017. Waxaana qoraal ahaan usoo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online.

TAARIIKHDA JABUUTI – XOGTA KOOBAN EE DALKA UGU YAR BARIGA AFRIKA

Dalka jabuuti waxaa weli ka socota doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan madaxwe ynaha xilka haya, Ismaaciil Cumar geelle iyo Ganac sade Zakariya Ismaaciil Faarax.

Murashaxan la tartamaya Geelle ayaa lagu soo warramayaa inuu diiday in codkiisa uu ka dhiibto cod bixinta Dorraad. Sakariya ayaa ka cabanaya qaabka loola dhaqmay kooxda doorashada u qaab ilsan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle ayaa Dorraad barqadii codkiisa dhiibtay.

Haddaba aan eegno taariikhda guud ee Jabuuti:

Sannadkii 825 – Diinta Islaamka ayaa gaartay Jabu uti.

Xukunkii Faransiiska

1862 – Faransiiska wuxuu qabsaday dekedda Obock.

1888 – Waxaa halkaas ka bilowday maamulkii gum eystihii Faransiiska.

1892 – Jabuuti waxay noqotay caasimaddii dhulkii loo garanayay French Somaliland.

1897 – Itoobiya ayaa qaadatay qeybo ka mid ah Jabu uti, ka dib heshiis ay Faransiiska la saxiixatay.

1917 – Qadka tareenka ee isku xira dekedda Jabuuti iyo dhulka sare ee Itoobiya ayaa gaaray Addis Ab aba.

1946 – Jabuuti waxay noqotay dhul dibadeed ka tirsan Midowga Faransiiska, waxayna wakiillo iyo xildhibaanno ku yeelatay baarlamaanka Faransiiska. 1958 – Jabuuti waxay u codeysay in ay ka mid noq oto Bulshada Faransiiska.

Madax bannanida iyo xuriyadda

1967 – Afti ay codkooda ka dhiibteen bulshada Canfarta iyo dadkii kale ee Yurub ka yimid, waxaa la gu go’aamiyay in Jabuuti ay ka sii mid ahaato bul shada Faransiiska; Magicii French Somaliland na wa xaa loo bedelay Dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Hassan Gouled Aptidon

1977 – Dhulka Faransiiska ee Canfurta iyo Ciisa ha, wuxuu helay madaxbannaanida, waxaana mad axweynihii ugu horreeyay ka noqday Xasan Guuleed Abtidoon.

1979 – Waxaa sameysmay Xisbiga Horumarinta Isutagga Shacabka, kaas oo aragtidiisu ahayd mid eynta Canfarta iyo Ciisaha.

1981 – Jabuuti waxay noqotay dal uu ka arrimiyo hal xisbi oo keli ah.

1992 – Dastuur ogolaanaya axsaab siyaasadeed oo kooban ayaa la hirgeliyay; ka dib wuxuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada iyo Jabhaddii Canfarta ee FR UD. Dagaalka wuxuu ka dhacay Waqooyi Bari Jab uuti.

Heshiiskii awoodqeybsiga

1994 – Dowladda iyo Jabhaddii FRUD waxay wa da saxiixdeen heshiis awoodqeybsi ahaa. Si halkaas loogu soo afjaro dagaalkii sokeeye; Balse garabkii mayilka adkaa ee FRUD ayaa dagaalka sii waday.

Newly elected President Ismael Omar Guelleh

1999 – Madaxweyne Abtidoon wuxuu shaaciyay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha. Ka dib Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay door ashadii madaxweynaha.

2000 AprilMay – Dowladdii ku meel gaarka aha yd ee Soomaaliya, ee uu hoggaaminayay Cabdiqa asim Salaad Xasan ayaa lagu soo doortay magaa lada Carta shirkii ka dhacay ee ahaa midkii ugu ballaarnaa, tan iyo burburkii Soomaaliya. 000 Febr uary – Dowladda iyo garabkii xagjirka ee FRUD ayaa wada saxiixday heshiis lagu dhammeeyay dagaalkii sokeeye. 2000 March – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabuuti, ahaanna hoggaamiyihii garabka xagjirka ee FRUD, Axmed Dini, ayaa ku noqday dalkaas ka dib sagaal sano oo dibad joog uu ahaa.

2000 December – Iskudey afgembi oo la shee gay in uu soo abaabulay Taliyihii booliska ee shaqa da laga ceyriyay, Janaraal Yacin Yabeh Shalay, ayaa fashilmay. Yacin waxaa lagu helay dembi khiyaano qaran iyo ku xadgudubka amniga dalka.

2002 January – Markab dagaal oo Jarmalka laga leeyahay iyo 1,000 askeri ayaa gaaray jabuuti, si ay u kor meeraan Badda Cas. Waxay taageerayeen cu nna qabateyn uu Mareykanka saaray Afqaanist aan.

2002 September – Waxaa dhammaaday waqtigii uu ku ekaa xeerkii dhigayay in seddax xisbi oo keli ah ay dalka ku tartami karaan, wuxuuna waddada u xaar ay sharci ah in axsaab badan oo siyaasadeed la sam eeyo.

2002 September – Jabuuti waxay sheegtay in ay san noqoneyn saldhig loo adeegsado weerarro ka dhan ah dalal kale. Illaa 900 oo askeri oo Mareykan ah ayaa xilligaa saldhig ka sameystay, kuwaas oo hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah argagix isada.

2003 January – Isbeheysi uu hoggaminayay mad axweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee axsaab badan ay ka qeyb galeen ee baarlamaanka – tan iyo xilligii xuri yadda ee 1977.

Tarxiilkii soo galootiga

2003 September – Dowladda waxay bilowday ho wlgal lagu soo qabqabanayay, laguna tarxiilayay dad ka soo galooyiga ah, oo xilligaas bulshada Jabuuti ka ahaa boqolkiiba 15%.

2005 April Doorashadii madaxtinimada, Geelle wuxuu ahaa musharraxa keli ah ee ka qeybgalay.

2006 November – Warbixin ay soo saartay Qara mada Midoobeey waxaa lagu sheegay in dalal ay Jab uuti ka mid tahay ay jebiyeen cunna qabateynta hub ka ee Soomaaliya la saaray 1992. Waxaa lagu edeey ay in hub ay geliyeen dalka oo gacanta u galay ma amulkii Maxkamadaha ee Muqdisho. Jabuuti way beenisay.

2007 MarchApril Abaar ba’an ayaa looga dhaw aaqay Jabuuti. Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxay sheegtay in illaa 53,000 oo qof ay noqon kara an cunto la’aan.

Demonstrators in Djibouti

2008 January – Jabuuti waxay bilowday dagaal sharci ah oo ay Faransiiska kula tiigsatay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ. Wuxuu kiiska la xiriiray baaritaanka geerida Garsoore maxkamadeed oo u dhashay Faransiiska, Bernard Borrel.

2008 February – Xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay dhammaan kuraasta 65ta ah ee baarlamaanka, ka dib markii ay doorashada diideen seddaxdii xisbi ee kale.

Dagaalkii Eretereya iyo Jabuuti

2008 June Wuxuu dagaal adag ka dhex bilowday ciidamada Jabuuti iyo Eretereya. Wuxuu dagaalka ka dhacay xuduudda lagu muransan yahay ee Ras Doumeira. Ugu yaraan sagaal askeri ayaa Jabuuti looga dilay dagaalkii ugu horreeyay. Mareykanka wuxuu Eretereya ku eedeeyay "daandaansi” balse xukuumadda Casmara ayaa beenisay in duullaan ay soo qaaday.

Woman on way to collect water

2009 December – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa ansixiyay cunna qabateyn adag oo ka dhan ah Eretereya, ka dib markii lagu eedeeyay in ay hub siisay kooxo ka soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo in ay diiday in xal loo helo khilaafka xuduudda ee kala dhexeeya Jabuuti.

2010 April – Baarlamaanka Jabuuti wuxuu ansixi yay isbedello u ogolaanayay madaxweynaha in uu mar seddaxaad xilka u tartamo.

2010 June – Eretereya iyo Jabuuti waxay isku raac een in ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafka xuduu dda.

Xiisadda mucaaradka

2011 February – Kumannaan qof ayaa isu soo bxay, waxayna dalbanayeen isbedel maamul. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadaas.

2011 April – Madaxweyne Geelle ayaa ku guuleystay doorashada ay qaadeceen mucaaradka.

2011 JuneSeptember – Waxaa geeska Afrika ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60 sano ah.

2011 December – Guutadii ugu horeysay ee ciidam ada jabuuti ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxay xoojinayeen howlg alka midowga Afrika ee AMISOM.

2012 February – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxay ansixisay $14 milyan oo deen ah oo lagu xoojinayay dhaqaalaha Jabuuti oo abaaraha ay saameyn ba’an u geysteen.

2013 February – Axsaabta Mucaaradka waxay ka qeybgaleen doorashadii baarlamaanka ka dib markii ay qaadeceen middii madaxtinimada. Balse way diideen natiijadii ka soo baxday. Xisbiga talada haya ayaa helay 49 kursi oo ka mid ah 65ta kursi ee baarlamaanka.

Yemeni refugees arriving in Djibouti

2014 May – Bam ayaa ku qarxay maqaayad waxaa na ku dhintay tiro ka mid ah askarta ajaaniibta ah ee Jabuuti ku sugan. Sidoo kale waxaa ku dhintay laba qof oo is qarxiyay. Ururka AlShabaab ayaa sheegtay masuuliyadda.

2014 June – Jabuuti waxay la daalaa dheceysay sannadkii afaraad oo xiriir ah oo abaaro ba’an ay ka jireen, sida Qaramada Midoobey sheegtay.

2015 December – Dhowr qof ayaa ku dhimatay caasi madda Jabuuti ka dib markii ay isku dheceen dibad baxayaal iyo booliska. Mucaaradka waxay dowladda ku eedeeyeen xarigga taageerayaashooda.

2016 April – Madaxweyne Geelle ayaa markii afar aad ku guuleystay doorashada madaxweynaha, inka stoo doorashadii 2010kii uu sheegay in uusan tart ami doonin.

2016 July – Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa sheegaty in Golaha Amniga ay u gud bisay kiis ka dhan ah Uganda iyo Jabuuti, ka dib mar kii ay ku fashilmeen in ay soo qabtaan madaxweynihii Sudan Cumar xasan AlBashiir.

2016 December – Jabuuti waxay sheegtay in Suc uudiga uu dalkeeda ka sameysanayo saldhig militari.

2017 June – Jabuuti waxay Eretereya ku eedeysay in ay ciidamo u soo dirtay dhulka lagu muransan yahay, ka dib markii halkaas ay isaga bexeen ciidamadii nab ad ilaalinta ee dalka Qadar ka socday.

2017 August – Shiinaha ayaa si rasmi ah Jabuuti uga furtay salidhig militari.

2020 June – Waxaa soo baxday in duuliye askeri ahaa oo ka baxsaday Jabuuti ay Itoobiya dib ugu celi say halkaas. Duuliye Fu’aad ayaa weli ku xiran Jabu uti. Wuxuu muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay in uu xabsiga ku xanuunsaday, daryeelna uusan heli. Dowladda ayaa beenisay arrintaas.

2021 March – Axsaabta Mucaaradka ayaa mar kale diiday in ay ka qeybgalaan doorashada madaxt inima da oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn.

2021 9 April – Shacabka jabuuti waxay u dareere en codeynta doorashada oo ay ku tartamayaan mad axweyne Geelle oo doonaya in marshanaad uu xilka qabto iyo musharaxa ganacsadaha ah ee Zakariya Ismaaciil Faarax.

Xigasho:BBCSomali

ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO MARKII SHANAAD ‘LOO DOORTAY’ MADAXWEYNAHA JABUUTI

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleystay tartankii doorashada Jimcihii Shalay., waxaana kula tartamayay doorashada ganacsade Sakariya Ismaaciil Faarax.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.5% codadkii la dhiibtay ama guud ahaan 167,535 cod, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Muumin Ahmed, halkaSakariya Ismaaciil Faarax uu helay kaliya 1.5%

Murashaxa la tartamayay Mr Geelle ayaa diiday Jimcihii inuu codkiisa dhiib to isagoo ka cabanayay qaabka kooxda doorashada qaabilsan ula dhaqmeen.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashaddiii ugu horeysay ee Jabuuti ku guuley stay 1999 iyadoo xiligaasina aysan jirin cid kula tartantay, wuxuuna xukunka madaxtinnimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti Xasan Guulleed Abtidoon oo Abti ahaan ugu aaddan Ismaaciil Cumar Geelle.

Mucaaradka iyo shacabka Jabuuti ayaa ku eedeeya Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiye aan oggoleyn nida amka xisbiyada badan ee doorashada iyadoo dadku ka cabtaan caburin iyo xarig sharciga aan waafaqsaneyn




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip