War cusub oo ku soo kordhay weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay G/kacyo & dad badan oo loo qabtay+(Ogow)..

0
Thursday March 31, 2016 - 23:45:57 in Wararka by
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War cusub oo ku soo kordhay weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay G/kacyo & dad badan oo loo qabtay+(Ogow)..

    Laamaha amaanka ee gobalka Mudug ayaa ku howlan baaritaanka Qaraxii ee qof naftii haligey ee saaka isku qarxiyey Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Mudug Dr Siciid Cali Yuusuf, waxa ayna ilaa hadda soo qabteen dad kala duwan oo lagu tuhmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha amaanka ee gobalka Mudug ayaa ku howlan baaritaanka Qaraxii ee qof naftii haligey ee saaka isku qarxiyey Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Mudug Dr Siciid Cali Yuusuf, waxa ayna ilaa hadda soo qabteen dad kala duwan oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen weerarkan.

Saraakiisha Laamaha amniga ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar kamid ah Waalidiintii & Qaraabada ninkan is qarxiyey, maadaama uu ahaa shaqsi mudo dheer ku noolaa magaalada Gaalkacyo.

Sidaas oo kale xog dheeraad ah ayaa ka soo baxday qaabka uu isku qarxiyey, qof Goobjooge ah ayaa sheegay in uu aad ugu dhawaadey Marxuumka ninka Is qarxiyey, maadaama aan laga fileyn in uu Is qarxinayo, isagoo waqti dheer ku noolaa magaalada, aagaasna aan laga waayi jirin oo uu baabuurta dhaqijirey.

Ninka Is qarxiyey magaciisa waxaa la yiraahdo SANBUUQO, dadka wajigiisa garanaya waxay xaqiijiyeen in mudo ka badan 6 sano uu joogay gudaha Xero Daraawiish oo ahayd halka uu saaka isku qarxiyey, isagoo dilay shaqsiyaad muhiim ah, waxna aan ka galabsan.

Taliyaasha Laamaha Amnigu waxay xaqiijiyeen in ay wadaan howlgalo culus, waxa ayna xooga saarayaan sidii loo fashilin lahaa unug kasta oo kamid ah kooxahaas oo hadda isku dayaya in ay khal-khal amni darro ka sameeyaan gobaladda Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip